Adeegtadii Aflaxday WQ: Ramla Gobdoon.

Ramla Gobdoon

Aniga oo aad u yar ayaan billaabay shaqada adeegtannimada. Reerkeygu waxa uu ahaa mid sabool ah, waalidkeyna waxey ka la tageen aniga oo aan garaadsan. Hooyo ayaa maareyn jirtay nolosha aniga iyo walaalaheyga iga yar.
Weligey buug iyo qalin uma qaadan iskool, iska daa in aan magaceyga qori aqaane. Maalinkii aan noqday 10 jir ayaan billaabay, inaan reeraha u shaqeeyo si aan u caawiyo hooyo, oo ey aad ugu adkeyd in ey keligeed dabbarto nolosheenna. Intaan shaqada billaabin waxaan ka shaqeyn jiray gurigeenna, ka adeegitaanka jiko ayaan ku indha kala qaaday oo aan ku garaadsaday, wax kale ka ma aan aaminsaneyn nolosha gabarnimo.

 

Dhowr reer oo ka la duwan ayaan u soo shaqeeyay, reerahaa badankoodna iima naxriisan jirin. Waxey ii diri jireen howlo aan awoodi karin maadaama aan aad u yaraa, iyaga oo ay ka dhaadhacsaneyd in aan lacag qaato! Hadde waa lacag aan u qalmin dhididkeyga, ku iibsan karin wixii aan rabo isla markaana aan kaafin karin baahideyda iyo tan qoyskeyga. Markii aan billowga ahaa la ma seexan jirin reerka aan u shaqeeyo, oo galabtii ayey i soo fasixi jireen subixiinna waan u kallihi jiray. Mar dambe oo aan xoogeystay, da’dayduna ay korortay ayaa la ii oggolaaday, inaan soo dhexo habeenkii.
Shaqadaasi waa mid dhib badan, oo ku dareensiineysa in aan laguu oggoleyn nasasho iyo raaxo. Dhibaatooyin aad u fara badan ayaan ka la kulmay runtii, oo ey ii sii dheeraayeen bahdilaad, amar siismo xoog ah, tuhun iyo in la iigu yeero magacyo dhaawacaya qofnimadeyda. Qoysas qaar ah waxey ii soo buriyeen xatooyo been ah, oo ey igu eedeeyeen in aan geystay, anigana weligey ku ma fekerin in aan xadgudub sameeyo, sababtoo ah waxaa aad iigu cusleyd xaaladda nololeed, ee uu reerkeygu ku jiro sidaas darteedna waan is ka ilaalin jiray wixii dhib iiga imaan kara, laakiin, si kastoo aan isku difaaco micno ma laheyn qofna ima rumeysan jirin.
Waxey xaaladba iigu dhiibto mid kale, shaqo ayaan ka helay reer ka mid ah reeraha ugu ladan ee magaalada. Muddo aad u dheer ayaan u shaqeenayay, maalinka Jimacaha oo kaliya ayey ii ogoolaayeen, inaan soo booqdo xaafaddeenna. Odayga reerka wuxuu ahaa mid aad u asxaab badan. Maalin kasta waxaa guriga imaada dad aan lagu tashan, islaanta uu qabana afkeeda ka ma bixi jirin magaceyga, mar walboo ay ii wacdo waxaa la socotay sheygaa keen iyo kanna sii qaad. Waa islaan ey ka muuqato, in ninkeedu uu taajir yahay.
War uma heyso howsha gurigeeda, waqtigeeda oo dhan waxey ku bixisaa hagaajinta nafteeda iyo la sheekeesiga saaxiibbadeeda. Haddii ay joogto iyo haddii ay meel u socotaba labbiskeedu waa is ku mid, waana midda aan aadka u la yaabay ileen weligeey waxaan arki jiray, qof aad isku qurxiyo markii uu meel aadayo, waxaan is iri nolosha dadka taajiriintu wey ka geddisantahay tan dadka kale.

 

Qoyskan aan u shaqeeyo waxa ay leeyihiin shan cunug, midba midka kale wuu ka suuro badanyahay kana jecelyahay, in fadhiga loogu adeego marka laga reebo gabadha reerka ugu yar. Waa ilmo mayaca laga badiyay, mid walba aniga ayuu iga sugayaa in aan qolkiisa u hagaajiyo, dharka u dhaqo, cuntadana u diyaariyo. Zeynab waa qofka kaliya, ee aan ka helo hadal deggan iyo naxriis, waxayna mar walbo iigu yeertaa magaceyga. Weligeed hadal xun ima aysan dhihin, waa gabar qalbi fiican oo aad u maskax furan. Galbaha qaar waxey iigu soo gashaa jikada iyada oo wadata mid ka mid ah buugaagteeda iskoolka, dhowr mar ayey iga dalbatay inaan uga sheekeeyo nolosha reerkeyga, markii aan u sheegay inaan waxba qori karin oo aan aqrin karin ayey i bartay sida wax loo qoro, kolkii dambana waxey i siisay buug cusub, oo aan ku barbarto qoraalka. Maalmaha qaar waxey igu caawin jirtay, iney soo uruuriso weelasha ey walaaheed wax ku cuneen, oo ey mar walbo uga tagaan meeshii loogu geeyo, haddii sy walaalaheed arkaan iyada oo wax uruurineyso wey ku qeyliyaan, iyagoo leh maxey adeegto u joogtaa guriga! Waxey nolosheyda sidaa ahaataba, waan awoodi waayay inaan sii shaqeeyo tabar yari darteed. Waxaan billaabay inaan istaagga ka dhaco, markii dambana waan ka tagay reerki aan u shaqeenayay.
Hooyo aad ayey uga walwashay xanuunkeyga, markii aan bogsaday ka dibna wey ii diidday inaan shaqo ku laabto. Waxey qorsheysatay sidii ey ii soo dhoofin laheyd, oo aan u heli lahaa nolol ka duwan middaan ku jiray iyo mustaqbal ifa. Waxey dhexda u xiratay iney soo hesho qarashka ku bixi lahaa dhoofkeyga, dhib badan ayey ka martay waqti dheerna wey ku qaatay, ugu dambeyntii wey ku guuleysatay in ay i soo ambibixiso.
Qurbo dhegta ayaan ka maqlay maahee aqoon kale uma laheyn, markii horaba waxaan ahaa qof guri un ku dhex jira, oo aan meel dheer gaarin.

Howl yar igama qabsan safarkii aan dalka kaga soo tagay, waxaan ugu dambeyntii soo caga dhigtay mid ka mid waddamada Yurub, gaar ahan kuwa loo yaqaanno Iskaandaneefiyaan. Dalkii aan imid ayaan magangalyo weydiistay, waxaana la i dajiyay xero ka mid ah xerooyinka qaxootiga maadaama uusan ehel ii joogin meesha. Si ey ku dheehantahay dadnimo ayaa la ii qaabilay, waxaa la i siiyay meel aan seexdo, cunto aan cuno iyo dhar aan ku lebbisto, maalmo ka dibna waxaa la ii diray iskool si aan wax u barto.

 

Qoraal iyo aqris oo kaliya la iguma barin iskoolka, waxaa sidoo kale la i baray waxyaabo kale oo badan, waan ka helay jawiga iskoolka iyo dadka dhex jooga sababtoo ah, waxey kuligood iskula dhaqmayeen si wanaag iyo ixtiram leh. Macallimiinta iskoolka waa kuwo aad u fiican, mar walbana waxey dhiirrigeliyaan ardayda iyag oo u sheega meelaha ey ku liitaan iyo sida ey u hormarin karaan. Inkastoo billowgii hore ey igu adkeyd inaan la qabsado waxbarashada, oo aan mar ku sigtay quus, haddana, waan la qabsaday. Nolol cusub oo rejo leh ayaan galay, wax bandanna wey is ka key baddaleen. Hooyadeey ayaan uga sheekeeyay xaaladda aan ku suganahay, si aad ah ayey ugu faraxday iyada oo iila dardaarantay si weyn, oo iga dalbatay in mustaqbal wanagsan aan dhisto, waxey sidoo kale ii sheegtay in mar walbo ey ii soo duceyso.

 

Sanado dhowr ah ayaa ka soo wareegatay markii aan qurbaha imid, waan ku guuleystay waxbarashada inteedii aasaaska aheyd. Maadaama ay dan i keentay qurbuhu, waxaan xoogga saaray sidii aan wax ku baran lahaa una caawin lahaa reerkeyga, oo weli ku jiray noloshii saboolnimada aheyd. Xilliyada habeenkii waxaan ka fekeri jiray hooyadey iyo walaalahay, marmar waxaa qalbigeyga ku soo dhici jiray aabbaheyga aan dadka ka aqoon, ee innaga tagay markii aan yaryareyn dibna innoogu soo laaban. Si fudud waan ku illoobi waayay dhacdooyinkii xanuunka badnaa iyo bahdilaaddii ay ii geysan jireen reerihii aan u soo shaqeeyay, waxaan mar walbo is weydiiyaa sababta dadkii aan ka soo tagay ay is kugu nacaan duruufta, wax warcelin ahna uma helo.
Markii aan si wanaagsan u dhex dabaashay mowjadaha kala duwan ee waxbarashada ayaan go´aansaday, in aan jaamacad aado oo aan macallinnimo barto. Muddo shan sano ah ayey igu qaadatay jaamacadda, goortii sy ii soo dhammaatayna waxaan shaqo ka helay mid ka mid ah iskoollada ku yaalla xaafadda aan degganahay.
Marka laga soo tago dhigista maadada aan ku soo taqasusay, waxaan iskoolka u qabtaa shaqo dheeriya taas oo ah, in aan caawiyo ardayda ka timid Soomaaliya ee dalka ku cusub, kuwaas oo aan si wanaagsan weli u baran afka.
Arday aad u tiro badan isla markaana ka kala timid dalal kala duwan, ayaan iskoolka kula kulmaa oo aan macallin u ahay. Shaqada macallinnimadu waa mid aan aad uga helay oo aan ku faraxsanahay, si la mid ah sida ay ardaydaydu iiga faa’ideystaan ayaan aniguna uga faa’ideystaa fekradahooda kala duwan, oo ey soo bandhigaan xilliga uu cashirku socdo.
Inkasta oo aan heer wanaagsan ka gaaray nolosheyda, haddane, marna ma hilmaamin noloshii adeegtinnimo ee carruurnimadeydii la hartay, waxaana mar walba ka fekeraa gabdhaha adeegtooyinka ah ee la kulma dhibaatooyinka faraha badan iyo sida ey u jeclaan lahaayeen helitaankaaga nolol qurxoon.

 

WQ: Ramla Gobdoon

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here