Soomaaliland…25 gu’ kaddib! : Cali Ileeye.

Cali Ileeye

HORDHAC. Doodaha iyo duufaanta baraarug ee maalmahan dhabanaysa, taas oo ay dhallinyarada reer Soomaalilaand, (intooda xilkaska ahi) kaga warcelinayaan wayddiimaha ayaahahooda nololeed iyo siiyaalkooda dambe ku saabsan, kaas oo madmadaw badani hadheeyay; waa dabayl caafimaad iyo xays woqooyi ka hooray. (Kaliil ay jirto abaar fikir iyo mid siyaasadeed oo BAAHA ka xumi).
Haddaba, aniga oo ka mid ah, faca ay isku filka yihiin Soomaaliland, 25 gu’na hadhsanayay calankan midabbada badan leh; waxa aad mooddaa in: hayaanka CAGAARKII la higsanayay iyada oo aan la gaadhin ba, CADDAANKII nabadda iyo dhiig-joojinta ay ku fidday XIDIGTA MADAW ee nacdalan, taas oo Soomaalinnimada lagu habaarayay. Kaddib markii uu madawgaasi aragtidii saxda ahayd iyo ileyskii caddaankaba dahaadhay, waxa dib loogu sii socdaa CASAANKII dagaalka iyo darxumada ee dirqi lagaga soo baxay.

 

AFEEF.
Inta aanan sii gudagelin dulucda hoose ee qormadayda, aan idin xasuusiyo e’, dhallinta maanta hadleysaa ma aha: KUMANAANKA hogagga dahsoon ee qaadka ku jira, ee nolosha ka dhacay; kuwaasi waxa ay ku kacayaan uun dhawaaqa iyo daryanka. Mana aha xertii quusatay, ee beri horeba iyagu ka rejo dhigay in la saxo qallooca jira amma xooggooda la jiheeyaba. Kuwaasi, waxa ay ku bayhoofayaan jidadka Yurub, amma waxa ay balanbalayaan dariiqyada saxaraha iyo suudalka. Ma aha sidoo kale tuugta afka kula jira tuumbada boobka hantida qaranka iyo nuugista dhiigga danyarta, ee ku naaxay cashuurta laga qaaday hooyada wadhatada ah. Kuwan dambe, wax ay ku mashquulsan yihiin ku wardinta Jamhuuriyaddan barakaysan iyo gaalaysiinta cidda ka baxdan diintan boqran, ee u irmaan waxyiga qiirada.
 
Dhallinyarada maanta doodaysaa waa labeentii wax baratay. Waa dhallinyaradii jaammacadaha dalka iyo kuwa debadda soo dhameeyay. Waa dhallinyarada ciiddooda aamminsan, ee ku dhimanaya, una dhimanaya hagaajinteeda. Kol haddii ay sidaas tahay, dhawaaqooda waa in aad loo dhegaysto oo aan la dhayalsan. Sababta oo ah, dhallinyarad oo in ka badan kala badh bulshada maanta ah, iyo mujtammaca berri oo dhan.

 
SOOMAALILAND waa maxay?
Soomaalilaand juquraafi ahaan waa: gobol ka mid ah shantii waaxood, ee saancaddaalihii reer Yurub u qurbay dhulka Soomaalida. Waa dhulkii dorraad loo yaqaannay “British Somaliland Protectorate” shalaynta ‘’Waqooyiga Soomaaliya’’ maanta ‘’Jamhuuriyadda Somalilaand’’ .
Siyaasad ahaan, Soomaalilaand wax ay 1991-kii ku dhawaaqday (si loo dhanyahay amma aan loo dhammayn – dood kale): in ay ka go’day Jamhuuriyaddii Soomaaliya inteeda kale, sababo jiray amma jira aawadood. Markaa Soomaalilaand waa waaqac jira oo aan indhaha laga qarsan karin. Waa run oo lamma aqoonsana caalami ahaan, balse waa maammul shidan oo shaqaynaya.

 

Qosol-ku-jab!
 
Markan, iyo markasta oo ay bilaabanto dood ah in wax la iska wayddiiyo hannaanka maammul, heerka nololeed iyo hirka loo socdaba; dad badan ayaa sas ka qaadaa wayddiimahaas, una arka duullaan ka dhan ah calankooda iyo ciidda tan. Dadkaas wax aan ugu bushaaraynayaa: in aan cadaw debadeed Jamhruuriyadda ku soo duulin, ee guuxu ka yimi cod gudaha ah, oo haddii la cabudhiyo cadho isu rogi kara. Ta labaad, haddii Jamhuuriyaddu qoraal amma ay qaylo ku burburayso, markii hore ayaa aanay ahayn wax cago adag ku taagan, waana ta aan u badinayo, ee bal aynnu wax iska wayddiino dhismaha iyo dhuuxa Jamhuuriyadda.

 
DHISMAHA MISE DHUUXA.
~Hagbad beelo wada leeyihiin, baladku saw maaha ~ Crisaaq Hero.
 
Somalilaand, ta maanta, waxa dhashay SNM, SNM-na reer ayaa ay ahayd, reerkaas oo u dagaallammay amma ka geyllammay: xasuuq, xadgudub iyo xuquuqdoodii siyaasadeed amma bulsho oo lagu tuntay. SNM kolkii ay u soo injiraysatay kaadideedana u soo cabtay, iyada oo raamaheedii leh waa tii Burco iyo Hargeysa ka dhex toosay. Dhacdooyinkii waaweynaa ee gudagalka Burco iyo Hargeysa kaddib, dhinac kasta ayaa ay u fidday jabhaddu, xaalkuna wax uu noqday: qaylo kama sarrayso ta qoryaha SNM.
Bahweyntii SNM amma ‘’Beesha Dhexe’’ sida imika loo yaqaanno, keligood ma ay degganayn, mana degaan Woqooyi, ee waxa la daga beelo kale oo Soomaaliyeed. Haddaba bal adigu sawiro: xidhiidhka ka dhaxayn kara beel la dulmiyay, oo baxday iyo beelo iska deggenaa, oo ay u tirinayso in ay lug weyn ku lahaayeen hagardaamadii kelitalisku iyaga ku hayay. Inkasta oo gefaf aargoosi ahi dhaceen, haddana xasuuq ma ay gaadhsiisnayn. Sababihii lagu kala badbaaday oo mucjiso u muuqda, waxa lagu macnayn karaa beelaha darafyada oo is-debciyay, amma dulqaad badan u muujiyay gaas-dhegoolihii aakaha sitay.

 
Shirar aayo-ka-tashi iyo kuwo beeleed oo qoriga SNM lagu ilaalinayo ayaa ay ka dhalatay Jamhuuriyadda maantu. Waxaa xilalka loo kala qaatay cad-quudheed iyo qayblibaax. Ha iska shidnaado buudhiguye, waxa ay soo socotaba figtii ugu sarreysay ayaa uu marayaa. Waa maanta iyo markale, iyo xadgudubka sharci, xatooyada maal iyo xaglinta beelaysan ee wadaagga maammulba. Wixii shalay SNM ka dagaallantay iyo wax kasii foolxun ayaa maanta Hargeysa lagu walaaqanayaa, oo raalli la isa ga yahay, amma la is-diidsiinayaa in dibnaha lagu ballaadhiyo, indhuhu mar horeba waa ay arkeene.

Dadka maanta ku doodaya aynnu saxno waxa Soomaalilaand gudaheeda ka jira, waxa ay ka dhigan yihiin: sida aqalkii qabyoobay amma aan nashqadiisa la dhammayn, ee la goglay lana galay. Halkan ayay wayddiin shilisi ku jirtaa. Ma waxa saxsan: qofka ku doodaya waar guriga dhismihiisa aynnu hagaajino, duminno amma dhammaystirnaba…. Mise ka aqalkan jiingadda bannaan, ee daad iyo darroorriniba soo gashay dhex taagan ee ku leh: xalkiisu waa in sariiraha iyo agabka hoos yaalla la kala beddelo? Garashada insaaniga ahi wax ay soo qaddimaysaa: aqalkan dhismihiisa in cilladdu tahay, oo ay lamahuraan tahay tiirarkiisa in dhidibka loo adkeeyo kor iyo hoosna laga dayactiro.

 

ICTIRAAF: Hayaankii Maaweellada.
 
Dugsigii hoose waxa aan garaadsaday iyada oo ay SLSC (Hargeysa TV) ay ka socoto heesta
 
Abshir lagu farxiyo
Ilays baa baxoo
Isha muuqataa
Waa aqoonsigii SOOMAALILAAND!
 

Shalayna waxa aan ku hadaaqayay:
 
Calanyahaw ha dhicin,
Ha dhicin, ha dheelliyin;
Waligaa dhisnoow…. Aammiin.
 

Maantana qiiradu waxa ay ila maraysaa:

 
Dhulka waa la tolayaa
Illammaa kun taakoo!
 
Kun, waxa uu yidhi kun taako!
Yacnii “Biriishka Hargeysa’’ iyo “Madaxtooyada Hargeysa’’ ayaa la kala xidhayaa miyaa toloow? Mooyi!

 
Adduunku waxa uu ina yidhi: aqoonsigiinnu Afrika ayaa uu ku xidhan yahay. Afrikaankii hurdada ka soo kacayna isaga oo haamhaamsanaya waxa uu ina yidhi: dadkii aad kala go’deen , soo kala dhammaada; kala-gurasho iyo is-ku-gurasho ka ay noqotaba.
Haddaba in runtaa qadhaadh la waajaho, oo Xamar lala fadhiisto iyo in aynnu isku madaddaalino: safiirka Soomalilaand iyo Soomaaliya u fadhiya DAL HEBLAAYO, ayaa Hargeysa yimi, amma xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ayaanu kala hadalnay madaxweynaha DERISKA, dhallinyarooy inoo kala doora.

 

CALANKA dalka iyo MAALINTA gobonnimada.
 
Sida sare ku xusan waxa aan garaadsaday, isaga oo iga dul babbanaya calanka aan sare ku xusay, kaas in loo soo dhintay, dhiig amma kaadina loo soo cabbay, daraaddiina aan boqollaal halyey iyo hooyo ku waayay ayaa la igu akhriyayay labaatan gu’ oo aan garaad lahaa. shan sano oo aan madaxbannaani iyo qaangaadh fikir helay, wax badanna aan iswaydiiyay waxa aan ogaaday: qudhun cuqdadeed, qiiro beeneed iyo dawlad qoys inaan u xiiqsanaa! Kaddib waxa ay taasi igu dhalisay in aan wax iska wayddiiyo; waxkasta oo aan dhaxlay amma dhagahayga ka batay: diin, dal, dad, deegaan iyo dawladba. Waxa aan ahaan jiray, maanta waxa aan ahay iyo waxa aan berri ahaan doono ayaa aan iswaydiiyay.
Kuguma daalinayo sooyaalka la wada hayo ee gobonnimadii lixdankii, gefafkii iyo qiiradii midawga labadii gobol, iyo xitaa sheekada odhanaysa: Somalilaand waa la aqoonsaday lixdankii, aqoonsigaa afar cisho jirka ah oo run u badan, cidda xejisan wayday inay ku faanto, waa cid caqligeeda uun caayaysa e’. Waxa aan doonayaa in aan is dul taago CALANKA BULUUGGA AH iyo 26-ka JUUN.

Soomaalidu ma laha saynisyahanno waaweyn, qoraayo caalami ah, amma aqoonyahanno ilbaxnimada dunida cusub wax ku soo kordhiyay. Taas beddelkeeda, wax ay leeyihiin abwaanno waaweeyn, oo boqran, kaalin weyn oo hormoodnimada bulshada ugu jira. Kuwaas ayaa u ah taariikhyahanno, murtimeerro iyo kasmooleyaal bulsho. Haddaba kuwooda ugu sii sharfan, ee reer Waqooyiga ahi, maxaa ay ka aamminsan yihiin CALANKA iyo GOBONNIMADA? Waxa aan ka hadlayaa: Timacadde, Cabdi Iidaan, Afqallooc, Qaasim iyo tobonnaan kale.

 
Erayna waa calankeenna
Uumigii milicdii iyo
Asqadii dhaxantii iyo
Afduubkii xadhiggii iyo
Adduunkii lacagtii iyo
Ibtilooyin kaleetiyo
Eed wixii nagu gaadhay
Adaan kaaga qabawnayoo
Kolkii uu araggaagu
Iiftiinkii ugu deeqayba
Axdabtii laga raystay.
Calansaar, Cabdi Iidaan.

***

 

Soomaaloo calan taagta
Saakaa noogu horreysoo
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynnine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sari mayso naftaydo e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego e
Kaana siib kanna saar
Kaana siib kanna saar, Timacadde

****

Dhaaxaan murug iyo harraad mudannee;
Maantay curatoo maataanaysee
Aan maalno hasheenna maandeeq.
Maandeeq, Cabdillaahi Qarshe (codka M.A.Kuluc).

 

Sooyaalkaas suugaaneed iyo tixahaa taariikhda galay calanka ay ka warramayaan ma aha kan saddexda midab leh, ee in badan la i yidhi waa kii soo-dhicintiisa loo soo dhintay. Calankani, waa kii u horreeyay ee isaga oo xor ciid Soomaaliyeed laga taagay. Waa calankii la saaray habeenkii 26-ka Juun. Calankaas, dadkii saaray amma u sacabbiyay maantaba waa ay nool yihiin. Sidoo kale, su’aali kama taagna in uu ahaa calanka buluugga ah ee ay ku midoobeen labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur. Deriska halkan ku jiraa wax uu yahay: jiraalka beenta ah ee ujeeddooyin – la ogyahay amma aan la ogayn – jiilka dambe caqligooda loogu qulaamiyay in calanka soo dhintay ahaa ka maanta astaanta u ah Soomaalilaand.
Xaqiiqada taariikheed ee raadkeedu sii qoyan yahay wax waxa weeye; calanka Soomaalilaand ee maantu in uu yahay mid la dhashay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga.

 

Mustaqbal madaw.
 
Goor walba, hiigsiga mustaqbal waa rejada nololeed ee aadmigu tammadiyo. Waa halka aadmigu nolosha uga sii xiiso ee hirar cusub sidii uu ugu guuri lahaa sii hawadiyo, amma waa halka yididdiilada nololeed ku geeriyooto ee quusta iyo dagamsanaanta laga dhaxlo.
Hoggaanka siyaasadeed oo dabcan ah jiheeyaha maammul bulsho iyo xidhiidhadeeda, ayaa noqday god habaar iyo nasiibxumo kaga dhacday taabbagalkii Soomaalilaand. Waa halkan, halka ay ka timi niyadxumada iyo quusta nololeed ee da’yartii soo wajahday. Illaa iyo ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga, waxa suurtogeli waayay oo marnaba lagu guulaysan waayay habraac dhisan oo hoggaan ummadnimo ku hiranaya. Waxa intaas raacda, isbeddellada intaas socday oo u muuqda geeddi gadaal u sii guuraya, oo goorba goorta ka dambaysa rakaabka iyo shoofeerrada Soomaalilaand ayaa u muuqdo kuwo sii tayo beelaya. Arrimahani iskama dhacayaan ee sababo ayaa ay leeyihiin. Sababo waaweyn oo dawadoodu ku noqonayso dhismaha dawladnimo bilowgeeda ayaa ay leeyihiin.

 
Sababaas waxa ugu mudan: dhismaha manaahiij aqooneed oo ku habboon bulsho aayatiin laga rabo oo aan la hirgelin, maalingelin la’aan maskaxeed oo da’yarta nasiibku qadiyay iyo ku-dhaqanka qabyaaladda oo noqday diinta iyo distoorka dawladnimo iyo hoggaaminta. Bulsho si ay u hesho isbeddel mustaqbalkeeda saameeya oo ay mahadiso, waxa muhiim ah in ay lahaato raasamaal arrintaas suurtogelin kara. Bilowgii illaa iyo haatan, Soomaalilaand waa laga waayay wacyi bulsho iyo han ummadeed oo korran, kaas oo noqon lahaa cududdii iyo caabbigii ka saari lahaa caqabahada soo wajaha. Kolka ay sidaas tahay, dariiqyada illaa hadda furan ee laga naawili lahaa isbeddel togan oo bulsho ee ay ka midka yihiin Asxaabta Siyaasadda, ayaa noqday dhufaysyada iyo galshooyinka ay ku ururto huubada ka hadhay hungada hoggaanxumadu.

 
Asxaabta siyaasadeed, oo dadka qaarkii ku doodaan in ay yihiin ilaha isbeddel laga dhex dhalin karo ayaa xaqiiqada jiraalkooda la is-diidsiiyaa. Asxaabta Siyaasaddu, waa meherado mulkigooda ay leeyihiin ashkhaas, ashkhaastaas oo ardaayo beeleed ku sii aroora. Ma aha marnaba, meelo ay runtu sideeda uga shaqayn karto, oo laga dhalin karo tamar saamaxda isbeddel siyaaseed amma bulsho. Isku soo wada xoori oo, xag hore oo hoggaan iyo xag dambe oo hageyaal laga fili lahaaba, waxa awday oo dhacanta u jiidday caddaalad-darrada dhaqankii hoggoominta sunnaha u noqotay.

 
Inta aanan soo gunaanadin, aan kuu sii qaddiimee habar inankeeda tahriib uga baqanaysay, oo sababaha uu u suudalayo, sida shaqo la’aanta iwm ka warammaysay ayaa tidhi: “hooyo, wiilka 20 jirka ah ee tuushka labada gacmood ku maydha, ee beerta dhireed guriga ugu hortaallo, iyo wiilkayga kale ee isla Hargeysa ku nool ee isna 25-kaa sano aan qasabad biyood arag, ee kooryoone iigu soo dhaamiya habeen iyo subax kasta, sideen ugu qancin karaa: dalku waa dalkaagii loo siman yahay, ee u samir amma ka shaqayso?”
 
Inkasta oo beer dhireedleey iyo in sidaa heegada loo kala tagay, wali aanan wada xaqiijin, haddana, waxa dhab ah in anigan qoraalka qoraya ay booyad noo dhaamiso, biyahana na looga keeno dooxa Dacarbudhuq, halka xaafadaha qaarna aanay biyaha sifaysani ka go’in habeen iyo dharaar. Waxa kale oo aan hubaa in xaafadaha qaarna ay casarkii madoobaadaan, qaarna ay saqda dhexe siraadan yihiin. Waxa aan ka hadlayaa ma aha hantida gaarka ah ee dadweynaha, ee waa adeegga dawliga ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo sida ummadda loogu qaybiyo. Taasi waa caddaaladda Hargeysa, oo Soomaalilaand xarun u ah!

 
Haddaba, Soomaalilaand maanta waxa ay ay taagan tahay dariiq xidhan. Xumadii caadifaddu waa ay soo gudhaysaa, caqligina waa uu soo toosayaa! Ayaandarrada kale ee jirta ayaa ah; in waqtigan kalaguurka ah, Soomaaliland ay foodda is-darayaan laba jiil oo kala jeeda, amma kala maan ah. Aan ka horreysiiyee, SNM markii waddanka la soo galay waxa ay u qaybsantay: SNM hubka dhigay oo noloshooda gaarka ah ee bulsho bilaabay iyo SNM siyaasadda ku milmay, magacoodana uga faa’idaystay dano siyaasadeed.
SNM-taa hubka dhigtay, ee shicibka ku biiray, kama uu madhnayn han siyaasadeed, balse waxa ay arkeen; hungurixumada jaalayaashood oo wax kasta iyo meel kasta gacanta geliyay. Intii ay kuwaa is-jiidhi lahaayeen waxa ay ka doorbideen in ay barbaartooda waqtigu ka lumay dadka soo gaadhsiiyaan.

 

Sidaas oo xaalku yahay, maanta waxa gaashaanqaad ah: dirkii maanlaawayaasha iyo facii aqlabiyadda aamusan, oo u arka in aabbayaashood la qadiyay, maantana iyaga aayahooda lagu ciyaarayo. Halka Dirkaa Maanlaawayaashu, ay isu arkaan dhal mujaahid iyo dadka kaliya ee danbaaba Jamhuuriyaddan dhanka ka raran. Si aad facaa aabbayaasha u ogaato, labada daraf ee aan xusay, ka baadh sooyaalka Axmed Mire, kaddibna barbardhig ka Muuse Biixi. Si aad u kala garato labada dhallinyaro, ee labadaa nin ku kala aroorana, fiiri sallaamada iyo ayaamaha nololeed ee u dhexeeya labada illin ee ay kala joogaan!

 

Maanku waa baraarugay
Sahankii mirtii kacay
Mayay iyo naq soo sheeg
Mugdigana ilayskii
Maarayn lahaabaa
Milaygiisu dhow yahay!

 

Maqaal
#Samaale

Cali Sheekh Maxamed Cabdi “Cali Ileeye”

caliileeye@gmail.com

Hargeysa.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here