Midnimada DALKA mise midnimada DADKA?! WQ: Maxamed Dhaaley.

Maxamed Dhaaley

Midnimada Dalka mise
“Dib-u-eegista Midnimada Soomaaliyeed”

Aniga oo yar ayaa aan maalin ag fadhiistay odayaal ehel ii ah oo idaacad dhegaysanayay. Iyaga oo warka idaacadda falanqeynaya ayaa waxa uu midkood ku soo celceliyay, “Midnimada
Soomaaliya waa muqaddas.” Ma garanayn waxa uu ula jeedo. Inta aan xusuustana waxa ay
ahayd markii iigu horreysay maqalka weedhaas.Waxa aan joognay goob ku taalla meel dhowr mitir u jirta xuduudka. Ma aha xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya. Mana aha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Waa xuduudka
beesheenna iyo tan kale. Waa khadka cagaaran iyo diillinta dhimashada oo aanu qofna maankiisa
gelinayn in uu xagga ay reerkiisu degaan mooyee, xagga kale uga tallaabo.
Waa magaalada Muqdisho dhexdeeda. Caasimaddii Soomaaliya. Magaaladii ay ku wada noolaan jireen wiilka ka
yimid Gaarisa oo Kiinya raacsan iyokan ka yimid Cali-sabiix oo Jabbuuti ah!

Halkan kala deg qormada oo dhan PDF
Midnimada Dalka mise

Isla idaacaddii ay dhegaysanayeen odayaasha ayaa waxa ay soo deysay war ka hadlaya dagaallo
markaas Xamar ka socday iyo kala-qeybsanaantii magaalada. Dooddii odayaasha ayaa u soo
gaddoontay xagga Xamar. Waxa aan maqlay iyaga oo ku murmaya reerka xaqa u leh magaalada
oo ay tahay in ay keligood ka taliyaan. Waa isla magaaladii aan hadda soo sheegay in ay labada
wiil ee dhulka kala fog ka yimid si simman ugu wada noolaayeen iyaga oo hoos harsanaya
geedka magaciisu yahay “Soomaali.” Isla odayashii hadda aan ka bartay, “Midnimada
Soomaaliya waa muqaddas,” ayaa aan isla fadhigii oo aan laga kicin ka bartay,“Magaalada
reerkeenna ayaa leh!”
Labadaasiba maqalkooda maalintaas ayaa iigu horreysay. Waa aan ka gu’ iyo garaadba yaraa
heerka aan ku garan karay macnaha weedhahaas. Waxa aan se barbaaray iyada oo “Midnimada
Soomaaliya waa muqaddas,”—weedhii aan billowgeedii odayada ka maqlay— ay tahay ta loogu
sheeg-sheegga badan yahay bulshada dhexdeeda.
Waxa aan gartay in ay weedhani tahay mid barakaysan oo bulshada ku dhex baahsan. Sidaas
ayaa aan aniguna u go’aansaday in aanay barakadeedu ii seegin oo aan dhinacayga ugaga
wardiyo.Aniga oo aan weli isweyddiin macnaheeda dhabta ahna waxa ay weedhani ii noqotay
mid aan dhihiddeeda iyo ku-celcelinteeda ku raaxaysto.

Halkan kala deg qormada oo dhan PDF
Midnimada Dalka mise

Sida uu cowdubillaysigu u yahay gantaal culus oo sheydaanka lagu duqeeyo, ayaa ay weedhani
iiga dhignayd garnayl Soomaali-diidka lagu rido oo lagu jebiyo. Tolow “Soomaali-diidku” waa
ayo? Weli cid si cad tilmaantooda iigu sheegtay ma ay jirin. Balse sida aan weedha barakaysan
ee muqaddasnimada midnimada uga bartay bulshada, ayaa aan tanina isla bulshada ugaga bartay.
Saw dawo kasta oo la sameeyo cudur gaar ah oo ay wax ka tareyso laguma aaddiyo? Haa dheh.
Sidaas oo kale ayaa ay weedha barakaysan ee “Midnimada Soomaaliya waa muqaddas”
uguaaddanayd weedha kale ee “Soomaali-diid.” Is-cayrsiga labadoodaas dhexdoodana waxaa ku
yaallay ceelka laga soo dhaansado xammaasadda iyo xiisaha waddaniyadda.
Sida ay u badan tahay, aniga iyo inta aynigayga ahba waxa aan barbaarnay iyada oo bulshadu ay
tahay reero gaar-gaar u deggan oo sharciga kala dhiciyaana uu yahay hubka. Sidaas oo ay
tahayna, waxaa innala barbaaray labada weedhood ee aan soo sheegay oo isku-dhufashadooda
aanu ku qaboojin jirnay ololka waddaniyadda dhexdeenna ka shidnayd. Waddaniyad abuurantay
iyada oo aanu waddanba jirin. Waddaniyad tiirka ay ku taagan tahay uu yahay midnimo
muqaddas ah, asaan muuqan oon meelna oollin.

Dhacdooyin badan oo ilaa yaraantayda ay maskaxdaydu sidii cajaladda u duubaysay ayaa igu
dhaliyay in aan dib ugu soo jeesto weedhii barakaysnayd, waxna iska weyddiiyo sababta ay
barakadeedu u hareyn weyday oo wax uga beddeli weyday nolosha liidata ee ay bulshadu ku
jirtay; siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
Marka ay dheggahaygu maqlayeen quruxda midnimada Soomaaliyeed, waxa ay dhaayahagu
arkayeen fool-xumada kalatagga, iyo colaadda sokeeye ee umadda Soomaaliyeed ka dhex jirtay.
Halkan kala deg qormada oo dhan PDF
Midnimada Dalka mise