Wiilkii Nasiibka! WQ: Ramla Gobdoon.

Ramla Gobdoon

Waxaan aheyn xeyn gabdha ah oo soo galay safar aad u dheer una dhib badan. Xilli galab gaabad ah ayaan soo gaarnay magaalada Mooyaale, ee ku talla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kiinya. Si aad ah ayaan u daalneyn cidna kama garaneynin goobta aan ku sugneyn, nasiib wanaag waxaan boosteejada baabuurta kula kulannay wiil soomaaliyeed. Si aad u wanaagsan ayuu inoo caawiyay wuxuuna ina geeyay gurigiisa. Guriga waxaan ugu tagnay hooyadiis, gabar walaashiis ah oo isaga ka weyn iyo carruur yaryar. Reerkii ayuu ina baray ka dibna ka dalbaday in gogol la inoo dhigo, oo la ina sooro maadaama dad safar ku yimid aan nahay. Wiilku waa mid ay ku idlaatay qurux kuna labbista dhar muujinaya xarragadiisa, gabar kasta oo inaga mid ahna isha ayey gelisay, oo waan isu wada sheegnay. Si gooni ah ayaan is kula faqnay aniga iyo saxiibtey, oo aan falanqeynay muuqaalka wiilka aan martida u nahay. Waxaan isu sheegnay sida aan wiilka uga helnay, oo aan uga daba dhacnay innagoo isu jiibineyna hadalka. Saaxiibtey wey iga dhiirraneyd in badan aniguse goortaan isaga arko, waan dhalaalayay heer aan ku sigto inaan ku boodo oo aan hab siiyo.

Subixii ku xigay midkaan imaannay wuxuu ahaa Jimce, salaadda Jimcaha ayuu u soo labbistay isaga oo nagu soo maray daaradda guriga. Wuxuu la soo baxay mid ka darran quruxdi hore! Qamiis cad oo jirkiisa deeqa ayuu soo xirtay qoortana ku soo duubtay maro. Waxaa na dawakhisay carafta ka soo baxeysay dhankiisa, kolkaas ayuu nagu soo leexday si uu inoo bariidiyo, xilliigaasna kuma dhiirran karin wax aan deymo aheyn is kaba daa in aan dib u bariidiyee. Reeraha meeshaa deggan wey soo dhaansadaan biyaha ay isticmaalaan, sidaas darteed ayuu u baxay si uu biyo ugu keeno walaashiis oo jikada howl ku heysay. Saaxiibtey waxey go’aansatay in ay hesho lambarka wiilkan ina wareershay haddii uusan isaga weydiin. Jikada ayey gashay iyada oo iska dhigeyso iney gabadha caawineyso, laakiin, caawin dhab ah kama aysan aheyn. Nasiib wanaag waxey gabadhii bannaanka u doonatay adeeg goorta uu biyaha la soo laabtay yarkii ina dhex qaaday, halkaas ayey lamabarradi ku kala qaateen ka dibna wuxuu aaday misaajidka.

Qolka ayay ku soo laabatay saaxiibadday iyada oo ku soo guuleysatay howshii ey u baxday. Habeenkii markii la gaaray waxey gabdhihii kale iyo hooyada reerka ku fiidsanayeen bannaanka, halka aniga iyo saaxiibteyna aan ku jirnay qolkaan degneyn. Innagoo caadi u sheekeesaneyna ayey farriin ka timid wiilki u soo dhacday, farriintu waxey sheyd lambarro badan oo nasiibkaaga tijaabi ah kuwaas oo uu qofku mid ka dooranayo, wuxuuna u soo raacshay in ay mid ka doorato ka dibna ay sameyn doonto wixii u soo baxa. Lambar ka mid ah lambarradiu ayey qabsatay waxaana u soo baxday in ey wiilka HAB siiso! Jarees iyo cabsi ku lammaanan faraxad ayaa isugu darsamay saaxiibtey, balse anigu waxa san rejeeyay in aan muuqaalkeeda yeesho si aan isla markiiba ugu tago.

Ugu dambeyntii waxey isu diyaarisay iney soo fuliso sharadkii lala galay, waxey u baxaday bannaanka oo uu wiilku ku sugayay anna qolka ayaan ku haray. Intii ey iga maqneyd waxaan sawiranayay waxa dhacayo aniga oo iska dhigay saaxiibtey, iyo dareenka aan xilligaa dareemi lahaa. Waxaan is tusay in haddaan mar hab siin lahaa wiilkaa aan ka foqi laheyn. Sideen uga foqaa maba ka foqi karee! Cabaar ka dib ayey qolka u soo laabatay iyadoo farxadda ka muuqato aad mooddo, in Jannada loogu bishaareeyay. Waxaan ku sigtay in aan iyada isku duubo aniga oo ka dhex raadinaya isaga, laakiin kuma dhiirran. Halkaas ayaan aniga iyo saaxiibtey ku billownay sawirashada waxyaabo khiyaali ah, oo aan jeclaan laheyn in ay dhacaan. Subixi dambe waxaan u soo qalab qaadannay dhankaas iyo Itoobiya, si aan safarkeennii u sii dhammeysanno. Mooyaale waxaan kala soo tagnay dhacdadaas dareenka badan iyo lambarka wiilkii nasiibka.

WQ: Ramla Gobdoon

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here