Xogtii waayaha iyo oohintii Linda Watson WQ: Maxamed-haykal Muxumed.

Qalinmaalka FacaCusub

Linda Watson, waa islaan Ingiriis ah. Da’deedu habeenkaa caawa ah waa 94 sano jir. Linda waxa hoy u ah gurigii ay ku dhalatay, qoyskii ay ka dhalatay se keligeed ayaa ifka kaga sii baaqi ah. Labadii waalid ee iyada dhalay, iyo wiilkii iyo gabadhii ay walaalaha ahaayeen ee iyada ka waaweynaa adduunka kuma ay soo dhowaan. Ninkeedii ay is guursadeen kolkii da’deedu 43 sano jirka ahayd, iyo inanteedii ay dhashay kolkii ay 46 jirka ahayd midkoodna caawa lama noola. Ninkeeda oo iyada lix sano hoos uga yaraa haatan waa uu asaasaqay oo guryaha waayeelka lagu xannaaneeyo ayaa lagu hayaa, halka inanteedii ay la nooshahay nin ay is gacloodeen oo asalkiisu madow yahay. Inanteedaa afartan iyo siddeed jirka ah dhawrkii sano ayay mar is-arkaan.

Linda guriga ay ku dhalatay ee ay caawa joogto, waxa ku weheliya oo la jooga eygeeda Fred. Waa ey yar oo ah nooca carbiska wanaagsan ee jiwaawaha loo yaqaan “Chihuahua”. Linda waxa guriga u yaalla raadyow ay gadatay sannadkii 1991-kii iyo dhalo TV oo 1994-kii hadiyad ahaan loogu keenay. Waxa intaa u dheer: telefoon guriga ugu jira, tallaagad, shooladda dheriga iyo woxoogaa maacuun ah. Inta badan waqtigeeda wax ay ku qaadataa – gurigeeda dhexdiisa iyo beer yar oo xagga dambe ee gurigeeda ku taalla, halkaas oo kolka qorraxdu jirto ay saacado door ah ku sugnaato. Linda ma laha jaalleyaal waqti la qaata amma si uun wax ula wadaaga; wehelka keliya ee ay leedahayna waa eygeeda Fred.

Linda wax ay soo martay berisamaad iyo nolol xasuusteedu qiiro badan leedahay. Duni aad uga nolol duwan ta maanta, oo debci iyo dhaqmaadba kala aawanayd habka ay maanta tahay ayaa ay u soo joogtay. Dharaarihii jirtada nolosheedu ay ugu macaanayd qaar ka mid ah ayay ku noolayd kana shaqaysay dhawr dal oo Afrika ah. Sannadaas, wax ay bartanka kaga jirtay nolol qoys oo farxad leh, mansab sare oo shaqana wax ay ka haysay hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO loo soo gaabiyo. Linda, intii u dhexaysay 1975-1989 ayay marti ku ahayd dalalka ugu cimilada wanaagsan qaaradda Afrika. Hal sano oo ay joogtay dalka Zambia kolka laga reebo, inta kale waxa ay joogtay Tanzania iyo Soomaaliya. Linda waa tan – beerteeda yar dhex fadhida ee waayaheedii nololeed iiga warramaysa. Wax ay ii sheegaysaa: habeenno ay Muqdisho ku caweynaysay, galbo ay Hargeysa ku cadceedsanaysay iyo subxo ay xeelliga xeebta Kismaayo ku laydhsanaysay!
Dharaaro ay gaadhi isa ga kala gooshaysay gobollada Hiiraan, Baay iyo Bakool. Maalmo ay diyaarad yar ku tagtay Sool iyo Calmadow. Waa berisamaad. Waa duug iyo xasuus hore. Dal ay ka jirtay xukuumad millateri oo madaxweyne keligiitaliye ahi maammulo ayay marti ku ahayd. Si kasta xaalka siyaasadeed ee dalkaasi ha ahaado e, Linda waxa maankeeda ku dheggan kaladdambayntii, la socodkii iyo xaddidistii dhaqdhaqaaqa shisheeyaha iyo adeeggii bulsho ee jiray. Linda kolkii ay gaadhay da’da hawlgabka shaqada ayay ka soo ambabaxday Soomaaliya. Waa sannadkii 1989-kii. Dalka ay xilligaas ka soo dhooftay, qaybtiisa woqooyi iyo qaybo kaleba holac iyo halase ayaa ka oognaa, ha ahaatee wax badan kala ma ay socon. Maadaama Linda sannado badan ay dunida aqal yar kaga noolayd wehel la’aan, dalkii ay ku noolaan jirtay xaalkiisu wax uu ku dambeeyay xog kama hayso.

Linda, waxa si gaar ah kaydka xasuusteeda ugu mudan: diyaaraddii Soomaali Airline iyo adeeggeedii. Maankeeda waxa hor taagan masawirkii diyaaraddaas iyo shaqaalaheedii! Diyaarad ka mid ahayd kuwa dalalka Afrika oo adeeg heerkiisu sarreeyo iyo shaqaale hufan lahayd ayaa ay xasuusan tahay. Saaxiibbadeedii shaqada ee hanka sarreeya lahaa, iyo madaxdii dalkooda jeclayd kuna kalsoonayd ee Soomaalida ahayd ayaa sawirrada maskaxdeedu rogrogayso ka mid ah. Linda wax ay si aad ah maanka uga raadinaysaa laba gabdhood oo ay wada shaqayn jireen, iyo gabadh ka shaqayn jirtay wakaaladdii horumarinta cuntada iyo beeraha ee Soomaaliyeed. Saddexdaas qof, caawa midkoodna magaciisa ma xasuusan karto, wax se ay sheegaysaa haddii la soo hor joojin lahaa in ay foolkooda garan lahayd!

Linda kolkan wax ay ii sheegaysaa: sidii ay kaga soo dhooftay giroonka diyaaradaha ee magaalada Xamar. Waa habeen Isniin ah, bisha Julaayna waa afar iyo labaatan. Habeenkaas, wax ay soo raacday diyaaraddii Soomaali Airline. Waa diyaaraddii cusbayd ee Airbus A310-300. Sagaalkii fiidnimo iyo daqiiqado ayay Xamar ka soo kacday, goor labadii niska dambe ee habeennimo ku aaddanna wax ay hakad kooban, (transit) ku cagodhigatay Qaahira. Waxyar dabadeed, duullimaadkeedii ayay diyaaraddu sii wadatay. Abbaaro toddobadii iyo badhkii aroornimo ayay si nabad ah u cagodhigatay gegida caalamiga ah ee Frankfurt ee dalka Jarmalka. Waa halkii ay duullimaadkaas kaga degtay Linda. Halkan kolka ay ka warramayso, waxa dareenkeeda ka muuqda qiiro gooni ah! Duullimaadkii diyaaraaddaas oo 40,000 feet hawada sare u jiray ayay ka sheekaynaysaa. Waa diyaaraddii dusheedu raaxada ahayd ee Linda ay la socotay. Kolkii ay degtay, waxa codbaahiyaha kala hadashay gabadh.
Waa gabadh Soomaaliyad ah! Waa gabadh kabtan ah oo saddex xiddigood garbaha kaga tolan yihiin. Gabadhaasi, diyaaraddaas baaxadda weyn ee soo gudubtay masaafada lixda kun ee kilometre ka badan ayay wadday. Gacanteeda ayay ku wadday! Linda waa tan ka sheekaynaysa gabadhii kabtanka ahayd oo rakaabkii ugu bushaaraynaysa in ay si nabad ah ku soo gaadheen bartii u dambaysay safarkooda! Linda waa in ay diyaaradda halkaa kaga degtaa, Soomaaliya iyo Soomaalidii ay muddada ku dhex sugnaydna macasalaamaysaa!

Kolkan, Linda aniga ayay su’aalo i wayddiinaysaa. Waxa ugu horreeya: dalkii xilligaa fog ee 27 sano ahi ugu dambaysay xaalkiisu sida uu yahay, keligiitaliyihii xukunka hayay in uu weli nool yahay, iyo in diyaaraddii Soomaali Airline sidii u shaqayso? “Adduunkaasi waa uu ba’ay,” ayaa aan ku idhi! “Dalkii dawlad rayid ah ma laga dhisay?” ayay i wayddiisay. “Dalkii waa aannu kala qaybsannay oo waa aannu tafaariiqaysannay,” ayaan ku idhi! “Yacnii ma dhul-beereed, dhul-daaqsimeed iyo xeebo ayaa aad u kala qaybiseen?” ayay i wayddiisay. “Maya ee dhul-beeleed ayaannu u kala qaybsannay,” ayaan ku idhi. Linda waa taa oohin bilowday! Waa taa xogtii aan siiyay rumaysan weyday ee qarracan la ilmaynaysa! Waa taa eygeedii Fred dhabta ku haysata ee weli ooyaysa!

W/Q: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”
Email: maxamedhaykal020@gmail.com
Facebook: Maxamed-haykal

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here