Xornimada la baayacay! WT: Cali Ileeye

Cali Ileeye

Magaca: Xornimada la baayacay!
Godka: Jiifto
Dulucda: Qawmi

Sida adhiga xoolaha
Xayntiyo ma yeedhaha
Xero madhan ka taahaha
Xaabxaabka daaqaha
Hadba laac ku xoomaha
Gu’gaxaw la gooyaha
Jiilaal la xaaqaha
Waxa jira xislaawaha
Dadnimada xaraashaha
Lagu shubo xumaanaha
Xiqdigiyo colaadaha.

Xarwawaal qadhmuunaha
Xashxashiish dugsoodaha
Xidhmo ubaxa diidaha
Waxa jira xawaaraha
Qof la mood xajiimaha
Xinka iyo fagaaraha
Xansasyada la yaacaha
Ku bukooda xiisaha
Xigtadiyo walaalaha.

Xad-qabiilka beelaha
Kas-xammaal cadaawaha
Xis-addoon ku faanaha
Waxa jira xas daaqaha
Dhoobada xariiqaha
Hadba xaafad joogaha
Shilimada xaraystaha
Gobonimada xooraha
Qaranimo xaraashaha
Tab ximaar la fuulaha
Xakamaha u jarabaran.

Gedmataye ma xeelbaa
Gubataye ma xaabaa.

Dhugo! xeerka kaymaha
Xornimada lidkeediyo
Sida xuubka caarada
Xarxariiqyo badaneey
Duqsi xadhiga kuu galay
Farxad ugu xadreeyaay
Xiska dabarka saaroo
Hadba ciidda xaabxaab
Nolol wada xajiiinaay
Xayawaan ka gaadgaad.

Dhaqankaagu waa xoor
Midabkaagu waa xuux
Hilibkaagu waa xuus
Xeradaadu waa buuq
Xaaskaagu waa tuug
Xunka hooyadiiyeey
Gurigaagu xaabiyo
Raq xabaalan badanaa!
Noloshaba xasuuqiyo
Ma xinkaad ka barataa?

Alleylehe xasaradyahay
Xin la buufiyaad tahay.

Shinbirkii xorriyaddoow
Quruxdiyo xariirtoow
Qabka xaajigiisoow
Dhirta xulashadiisoow
Figta xaadistiisoow
Dhulka kaba xishoodoow
Xeedhada daboolkoow
Dadnimada xulkeedoow
Garashada xiskeedoow
Argtida xaruurkoow
Xarxarriiqa diidoow
Xadku kaanu qabanoow
Dabar kaanu xidhinoow
Wajigii xasuustoow
Xidiggii ayaankoow
Xulashada Hanwaaqoow,
Xajka iyo kabcada bilan
Taalliyo ka noqo xarun
Xil gumaysi ruux nacay
Xin gujeedka kii nabay
Mar xujaajtu aadaan.

Garanaye ma xaysbaa
Godaltaye ma xooxbaa.

Qarankaagu waa xadis
Xinjirtaadu waa dhiig
Xabsigaagu waa hooy
Xigtadaadu waa raas
Xadhigaagu waa qaan
Dilistaadu waa xuur
Diintaadu waa xoog
Xisbigaagu waa reer
Eraygaagu waa xaal
Xubnahaagu waa dhawr
Magacaagu waa xeer
Hantidaadu waa xayn
Gurigaagu waa xero
Ficilkaagu waa xadhig
Deriskaagu waa xabash
Xaramkaagu waa qoys
Naftu maba xamilasee
Xis gadooday yaa celin.

Waxan doonayaa XAYS
Nolol aan xanuun jirin
Nolol aan xasuuq jirin
Nolol aan xadgudub jirin
Nolol aan faqrigu XADIN.

Waxan doonayaa Xeer
Nolol aan xumaan jirin
Nolol aan xin reer jirin,
Nolol aan xigtaysiga
Xaglin iyo faquuq jirin
Nolol aan jahligu XIDHIN.

Waxan doonayaa XEEB
Nolol wada xorriyadoo
Xiskaan la duugeyn
Nolol aan dulmigu XULIN.

Waxan doonayaa XOOR
Nolol aan xakame jirin
Nolol aan xarriiq jirin.

Tabta xabagbarsheedkii
Maansadan xulkaygaa
Xigsinteedu waxay tahay
Xilliyadan nuxuustaa
Xarwawaalka labadaa
Iyo labada xoonkaa
#Xaalka iyo #naartiyo
#Xadhigiyo #gumaystaha
Sideen uga xoroobaa?


 Curintii: Cali Ileeye
Hargeysa, 2016/07

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here