Jaadadka Daaqa iyo Geed-Cawseedka Geyiga Soomaalida .

Guud ahaan hannaanka dhaqan-dhaqaale ee bulsho weynta Soomaalidu waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool ee nimcoolayda loo yaqaan ee ay ka mid yihiin ishinka geel iyo lo’ isugu jira iyo adhiga oo u kala baxa ido (gorrod) iyo riyo. Sida mugga iyo dhumucda leh ee Soomaalidu u temmediso iyo milgaha ay u haysona waxa laga milicsan karaa hummaagaynta hawraaraha tix iyo tiraab ba leh ee hal-abuurada Soomaalidu ku soo ban dhigaan ekaanshaha la xidhiidha qiimaha xoolaha iyo halka ay ka joogaan. Tusaale ahaan, nin gabayaa ah oo hadda magaciisu naga maqanyahay mar uu walaalkii oo bandar joog ahaa uu kula talinayay in uu guunyo dhaqdo, waxa uu isaga oo rumaysan in aanay qofka Soomaaliga ah anfac ama waxtar u lahayn hanti kasta oo aan ahayn xoolo nool, waxa uu yidhi: Soomaaali waxa u xaasil gala xoolo dibadeede Xayawaanka nool baan innagu xagan naqaanaaye Wax kaloo la xaro-dhaamiyaa xero ma yeeshaane

Abwaan Cumar Xuseen Gorse “Usteeliye” oo isagu dhaqashada xoolaha mudnaanta siiyay geela oo ah cuudka geyiga Soomaalida ugu manfaca badan waxa uu meerisyo ka mid ah gabaygiisii caanka ahaa ee Dhoorwiil ku lahaa: In kastood adduun badan dhaqdiyo dheeman iyo daaro In kastood dhar wada suuf ah iyo dheg iyo laas qaaddo Dhaxal ma leh nin Soomaaliyoon dhaqannin kooreeye Hal abuur kale oo la odhan jiray Cali Faarax Xirsi “Cali Koor” oo wiil uu abti u ahaa oo uu magaalada Berbera ugu tegay ku sooray bariis iyo caleen laga yaabo in ay salladh ahayd waxa uu isaga oo gasiinkaa u garan waayay lafihiisa, dhuunigii uu yaqaanayna tibaaxaya geeraar uu uu madashaa ka tiriyay ku xusay: Caanihii hasha suub iyo Cad aan siigo ku duulin baa Calafkaygu ahaaye Bariiskaa la caseeyiyo Caleentaa ku dul daadsan Intii aan cuni laa Carraabaan ka xigaaye Abti caawa I dhoofi Xooluhu ma aha oo keli ah laf-dhabarta dhaqaalaheena, balse sidoo kale waa hal-beegga qudha ee aynu ku qiyaasno nooc kasta oo hantida ka mid ah. Xaqiiqadaasna waxa kuu muujinaya maahmaahda tidhaahda: “Geelna waa geel wixii gooyaana waa geel”, oo ay nuxur wadaagaan odhaah murtiyeeda “Sabeeno u rog” had iyo jeerna laga kala maqlo suuqyada ganacsi iyo golayaasha la gu kala qaadanayo magta qudh iyo qoon ba leh.

Qaddarinta ay Soomaalidu u hayso awgeedna, arrimaha dhaqankeenna iyo hiddaheenu mudnaanta kowaad siiyo waxa ka mid ah geedaha faraha badan ee kala geddisan ee daaqa loo yaqaan. Daaqu waa baadka iyo tigaadda kala duwan ee doogga iyo geed cawseedka ka kooban ee si dabiici ah dhulka guudkiisa uga baxa. Manaafacaadka geedahaasi na kuma koobna quutal-qaalibka xoolaha, hase-yeeshee xaddi ballaadhan oo ka mid ah dhirta daaqa loo yaqaan ayaa laga sameeyaa walxaha uu ka koobanyahay aqalka iyo agabka Soomaaliyeed.

Haddii aynu dhinaca taban ka eegno tix-gelinta maan-gadka ah ee ay Soomaalidu u hayso daaqa iyo dhul daaqsimeedka uu ka baxo na waxa aan la inkiri karin fad-qalalooyinka iyo qalalaasaha ka dhex aloosma beelo ab iyo ood wadaag ah, ka dib marka ay hab qabali ah u kala qaytaan deegaanada daaq qabatinka ah, sida aynu ka milicsan karo meerisyadan ka mid ah gabay uu Cabdi Gahayr ku lahaa: Dalka waa la kala leeyahay iyo doogga soo baxaye. Arrintaasina waxa ay sababtaa colaado sabannada qaar baaha oo lagu waayo dad iyo duunyo badan. Xaqiiqadan maraggeeda aan geedna qarin waxa aad ka dheehan kartaa afka ay Soomaalidu kula hadasho meesiyada kala duwan ee xoolaha ee hees-hawleedda loo yaqaan. Heesahaa waxa aynu ka xusi karnaa heesta caanka ah ee lagu geeddi geliyo adhiga ee tidhaahda: Daylo dayloy hobey hooy Dayloy dixidii hobey hooy Dareemadii hawd hobey hooy Dal wanaaggii hobey hooy La isu diidyoo hobey hooy La isu dacaree hobey hooy

Dabadhoonka geela horweynka ah la daba socda usha diirka leh ayaa isna maalmaha hayaanka ku luuqeeya: Meel rag ku xarbiyay Oo xabbado badan Oo xinjiri taal Xayaad ololaay. Mudhaay meel dheer Oo rag malagii ah Oo la mari karin Miire roob iyo Mayay ka hillaac Waxaad mudata ba Waa se lagu marin. Marka aan u gondo degno dulucda qormadan waxaynu wax ka taataaban doonaa jaadadka faraha badan iyo erey-bixinta baaxadda leh ee Af-Soomaaliga ah ee loogu abtiriyo geed daaqeenka ka baxa deegaanada kala duwan ee geyiga Soomaalida.

Arar iyo hordhac ka dib, suuro-gal ma aha mana sahlana in geedaha daaqa ama baadka loo yaqaan ee ka baxa geyi-weynaha Geeska Afrika ku firidhsan uga geyoono si gacantaa gaadhay iyo dub- dhibaale ah. Sidaa darteed waxa aynu geed cawseedka dhulka Soomaalida u kala qaadaynaa saddex soohdinood oo ku salaysan cimilo-goboleedyada loo abla-ableeyo carriga Soomaalida. Saddexdan soohdimood waxa ay kala yihiin; Soohdinta kowaad waxa aynu ka xusi doonaa bahweynta geed daaqsimeedka ka baxa dhulweynaha ka bilaabma Silsilada Golis ilaa Gubanka xeebaha Badda Cas, Soohdinta labaadna waxa aynu ka soo qaadi doonaa tigaadda laga yaqaan deegaanada Hawd iyo Oogo oo ah dhulka kor ka xiga Silsilada Golis, Soohdinta saddexaadna waxa aynu kaga hadli doonaa geed cawseedka ka caanka ah deegaannada Hundaha iyo Gurrayska loo yaqaaan ee biyo shubka Badweynta Hindiya.

1. Daaqa Buuraha Golis iyo Guban
Daaqa ka baxa Guban ama dhul buureedka dhagaxa madow waxa ka mid ah maadh-weyn, Daylaan, Corrojaa iyo Oday. Maadh-weyn waa daaq buureed bur ka xarfada oo kale yeesha. Tif dheer oo biile sida eebo-tiitida dadka muda na sii daaya. Xooluhu waa ay cunaan, harar tayo dhexe leh na waa laga sameeyaa. Daylaan waa baad dareemada u eeg oo bur weyn oo jilicsan leh. Inta uu qoyanyahay ayay xooluhu daaqaan hase-yeeshee cawskiisa ma jecla. Harar aan tayo badan lahayn iyo caws-qobtol foogadiisa buuxiya ayaa laga sameeya. Buuraleyda guban ayaa na badi in uu ka baxo lagu yaqaan. Corrojaa ga ayaa isna ah daaq bur weyn oo kor u baxa had iyo jeerna baarkiisu isku urursanyahay ama duubanyahay. Xoolaha ayaa doogiisa iyo cawskiisa ba jecel, hase-yeeshee manaafacaad kale lagu ma sheegin. Daylaanka ayay inta badan deegaan wadaag yihiin. Odaygu waa daaq bur weyn oo is dul fuula yeesha. Waxa uu ka baxaa rogga buuraha Golis ee xeebta u foorara. Dhammaan meesiyada xooluhu waa ay cunaan, deegaanada qaarna harar tayo dhexe leh ayaa laga sameeyaa.

Sidoo kale waxa baadadka jiidda buuraleyda Golis iyo Guban ku ab-tirsada ka mid ah Caws-qudhun, caws-dameer, Dunqaare iyo Darif.
Caws-qudhunku waa doog tif dheer oo biile farraaro badan bixiya. Farraaradaasi marka ay engegaan waxay noqdaan eebo-tiiti dadka mudda. In kasta oo baadka kaymaha Hawd iyo Oogo si teelteel ah uu uga dhex baxo, haddana waxa uu caan ku yahay buuraleyda Gubanka. Daaqani waxa uu magaca Caws-qudhun kula baxay ur qadhmuun oo uu leeyahay. Urtaa awgeed na xooluhu badiyaa ma jecla. Taasina waxay keentaa in uu isaga oo bur-bur waaweyn ah ku soo hadho kaymaha iyo tigaadda uu ka dhex baxo. Caws–-dameerku waa daaq gaaban oo aan kor u dheeraan. Sida dareemada ayuu bur- bur u baxaa. Deegaan ahaan waxa uu ka baxaa buuraleyda gaar ahaan dhirta hoosteeda. Dhinaca kale xooluhu badiyaa ma jecla, hase-yeeshee bulshadeenu waxay u adeegsataa dawo ahaan oo xannuunada kelyaha iyo kaadi-mareenka ayaa loo ammaanaa. Inta burkiisa xididka loo soo fujiyo ayaa na suuqyada lagu iibiyaa. Darif iyo Dunqaare waa laba baad oo caan ku ah buuraleyda guban oo ka baxa meelaha burcooyinka bacaadleyda ah ee xeebaha. Dhanka kale labadan geed cawseed waa laba aad isugu eeg, dadka intiisa badana aanay kala saari karin. Hase-yeeshee baad-dhaadhiga iyo xeel-dheerayaasha daaqa iyo jaadadkiisu si fiican bay u kala asteeyaan. Labada baad ba waxa ay yeeshaan bur kor u hawra, xilliyada barwaaqadana dhererkiisu gunti-qabadka gaadho. Waxay labaduba yeeshaan harar xariir ah oo tayo iyo bilic ba leh. Dunqaarku marka uu cagaarka yahay ayay xooluhu cunaan, in kasta oo dameeruhu aad u jecel yihiin. Hase-yeeshee Darifka dooggiisa iyo cawskiisuba xoolaha waa ay naasibaan.

Dhir daaqeenka bacaadleyda burcooyinka iyo laba-dhegedka xeebaha loogu tago ayaa iyaga na waxa ka mid ah Caws-jilic, Geedsan, Xadhigo, Gubungub, Doxol, Carrab-sar, iyo Sarreen “Sarreen-biciid”.
Caws-jilicu waa baad bur weyn oo in uu dhulka sare uga kaco lagu yaqaan, waxaanu bixiyaa tif dheer oo biileeya. Waa daaqsan xooluhu ku samaadaan. Harar tayo iyo bilic ba leh ayay haweenku ka tidcaan, waxaanu ka baxa bacaadleyda xeebta. Geedsan waa daaq yeesha bur ka dareemada u eeg, hase-yeeshee ka yar gaaban. Waa daaq xooluhu jecelyihiin oo ku wanaagsanaadan. Inta badan waxa la ga sameeyaa masafaha, mararka qaarkoodna inta sida caws-gorofka la tumo ayuu harar xariir ah oo muunad iyo raasamaal ba leh noqdaa. Buuraha Guban iyo bacaadleyda xeebaha ayaa nu ka baxaa. Xadhigo ayaa iyana jirta oo si aawan uga baxda dhul xeebeedka laba-dhegedka loo yaqaan. Sida xadhko-xadhkoodka ayay xubno xubno dhulka jiifsada yeelataa, xubnahaas oo qaar bur cusub ka biqlo. Balse waxa ay xadhko-xadhkoodka ka ga geddisantahay tif dheer oo biileeya ayay kor u sii daysaa. Inta ay qoyantahay ayay xooluhu cunaan, cawskeedu se wuu daataa oo ma jecla. Harar meel dhexaad ahna waa laga samayn karaa.
Haddii aynu eegno Gubungubka, waa daaq leh bur kuusan oo faro-xuunshada u eeg. Woxoogaa ayuu Darifka ka yaryahay, midabkiisuna waa caws madow. Sida xarfada ayuu qoorta kaymaha iyo aroorida bannaan ka baxaa. Waa daaq biileeya oo xoolaha aad u naasiba. Bacaadleyda xeebta ayaanu si baaxad leh uga baxa. Doxolka ayaa isna ah baad geed xadhaadh ah oo bacaadleyda xeebaha si aawan uga baxa. Sida xarfada ayuu qoorta kaymaha ka baxaa waanu biileeyaa. Marka uu geelu goosanayo burkiisu gunta ayuu ka soo ruqaa oo ilaa xididkaa soo raaca. Daaqeenka xoolaha ayuu aad ugu wacan yahay waana ku samaadaan.

Daaqa Carrab-sarka la yidhaa waxa lagu yaqaan bur dhuub adag oo girgir fiiqan leh, sidaa darteedna marka ay xooluhu daaqayaan carrabka ayuu ka xagtaa. Qofka goo is yidhaana waa uu saraa., waana baad ka baxa dhul xeebeedka. Sarreenka oo dadka qaarkiina Sareen-biciid u yaqaano, waxa uu magaca sarreen kula baxay biilaha tifkiisa oo u eeg ka geedka midhaha sarreenku bixiyo waa daaq xeebeed burcooyinka bacaadleyda ah ka baxa. Sarreenku waa raran-bixi “bacad ku bax” ah oo tuska kaliileed ee geedka wayni ku magoolo ku fiila. Waa daaq cimri gaaban oo hore u qallala ka dibna cagta duunyadu qaaddo.

1. Daaqa Hawd iyo Oogo
Deegaanada Hawd iyo Oogo waa dhul daaqsimeed joog ahaan kor ka xiga buuraleyda Silsilada Golis iyo bannaano xeebeedyada Guban. Waxa ka baxa labada baad ee geedaha daaqeenka ah ee geyiga Soomaalidu degto ugu caansan oo Dixi iyo Dareemo la kala yidhaa. Dareemada waa baad si laxaad leh uga baxa bananka iyo kaymaha dhirta sogsogleyda ah. Waxa ay leedahay bur weyn oo sal ballaadhan iyo tif dheer oo kor aada oo isaga oo qoyan midab cad oo sheedda caws laga moodo yeesha. Tifkeedu waxa uu bixiyaa biile eebo-tiiti u eg oo marka uu engego daata, maryaha dunta ahna qabsada isla markaa jidhka diir-madowga ah ee dadka yara xagta hase-yeeshee aan duunyada karin. Waa daaq dhammaan xooluhu jecelyihiiin kuna samaadaan, balse si gaar ah u naasiba idaha, lo’da iyo gammaanka. Geeluna waa daaqa uu ugu jecelyahay. Sida qaalibka ah ma laha harar xariir ah laaakiin harar jeex-jeex ah iyo caws-qobtol foogadiisa ku farsan ayaa laga sameeyaa.
Dixidu waa daaq bur ka dareemada ka yar kana gaaban leh oo aan dhuub mooyee tif dheeraada iyo biile midna bixin. Waa daaq san dhammaan xooluhu cunaan, si gaar ahna u naasiba geela, gammaanka iyo idaha. Waxa ay ka baxdaa dhulka gaaroodiga ah, dhamalka, nugaal iyo kaymaha galoolayda ah. Dixdu ma yeelato wax harar ah. Koox kale oo ah geed cawseedka Hawd iyo Oogo ka baxa waxa ka mid ah Caws-gorof, Timo-haweenle, Maadh, Saxati, Danyo iyo Maajeen.

Caws-gorofka iyo Timo-haweenlaha oo inta badan deegaan wadaag ahi waxa ay ka baxaan dhul daaqsimeedyada badaa’isyada loo yaqaan iyo hadoodilka galooleyda ah. Ka sokow xoolaha oo ay labadu ba aad u naasibaan haddana waxa lagu tix-geliyaa hararada xariirta ah ee tayada iyo bilicdaba ku caanka ah.
Caws-gorofku waa daaq bur weyn oo tif dherer iyo dhumuc leh bixiya isla markaa sii daaya biile duuban. Caws-gorofku waa caddaan. Tifkiisa oo adag awgeed na marka hararada laga samaynayo waa la tumaa, Badiyaa ma yeesho kaymo isku jooga hase-yeeshee burshin-burshin, kob-cawleed iyo burbur ayuu uga dhex baxaa kaymaha Timo-haweenlaha. In kasta oo ay xooluhu cunaan, haweenka heeryada ka samaynaya oo aad u jecel ayaan ku simin oo gurta. Marka la goynayona burkiisu waa hadhaa.
Timo- haweenlehu waa daaq burkiisu u eg yahay ka dareemada, waxaana uu bixiyaa tif dheer iyo biile madow. Tifkiisu inta badan waa mid ka gaaban, ka dhuuban kana jilicsan ka Caws-gorofka. Haddii aanay gu’yaadu xumaan waa daaq si aawan oo kaymo isku jooga ah u baxa. In kasta oo Caws-gorofka laga hor mariyo haddana xariir tayo iyo bilic sare leh ayaa laga sameeyaa. Dhanka kale waa baad daaq ahaan geed san ah oo badanaa cosob lagu yaqaan, inta uu kaynta ku yaalona xooluhu aanay goosan bur kale.
Saxatidu waa daaq dhuub ahaan u baxa oo aan tif is qotomiya iyo biile midna yeelan. Burkeedu wuu ka yaryahay kana gaaban yahay Timo-haweenlaha, xooluhu waa ay daaqaan. Harar xariir ah oo bilic lagu qaddariyo hase-yeeshee aan raasamaal iyo raandhiis raaga lahayn ayaa laga sameeyaa. Deegaan ahaan waxa ay ka baxdaa Oogada sare ee sogsogleyda dhoobeyda ah.

Maadhu waxa ay ka baxdaa dhulka hawdka ah ee buuraha yar yar ee gunburaha loo yaqaan leh, isla markaa ciid caska ah. Waxa ay deegaan wadaagaan dhirta geed nugaylka ah ee Dhidinka, Fooxa, Xagarka iyo Malmalku ka mid yihiin. Maadhu waa daaq jilicsan oo tif sare oo biileeya yeesha. Qaybta hoose ee maadha oo inta badan kala seexata ayaa laga sameeyaa caws xariir ah oo tayo iyo qurux sare leh. Mararka qaar waxa lagu qiimeeyaa geed cawseedka ugu mudan ee lagu tidco hararada.
Danyo ayaa iyana ah geed cawseed maadha u eeg hase-yeeshee ka bur iyo tin ba gaaban. Waxa ay bixisaa biile baarka duuban. Isku jiid kama baxaan oo danyadu hawdka soke ayaa ay ka baxdaa.Waxa laga sameeyaa harar aan halka maadha galayn, xooluhuna waa ay daaqaan. Maajeentu waa caws ay bah wadaag yihiin danyada, laakiin biilaha ay bixisaa yeesho eebo-tiiti. Burkeedu faraq gaaban ayuu bixiyaa laakiin ma yeesho doogga maadha ee is wadha. Ma laha caws la sameeyo. Waxa ay aag kala baxdaa danyada iyo maadha, xooluhuna waa ay cunaan, hase-yeeshee markaa ba intay dumaayowdo ayay daadataa.

Sida oo kale waxa dhir daaqeenka sabo ahaan ku ab tirsada deegaannada hawd iyo oogo ka mid ah Garogaro, Saddexo, Xarfo, Maraboob, Baldhoole, Raari iyo Ramashi. Garogaradu waa daaq buuraha silsilada Golis ee dhagaxa casaha loo yaqaaan iyo dooxooyinka ciid caska ah ee hawd ba ka baxa. Waa daaq burkiisa hoose Dhikilka u eegyahay haseyeeshee tif dheer oo biileeya leh. Dhanka kale waa geed san xooluhu jecel yihiin isla markaana naasiba. Hararo xariir ah oo soo jiidashada muuqooda iyo raasamaalka duugooduba meel dhexaad yahay ayaa ay yeelataa. Saddexadu iyana waa daaq gaaban oo biile saddex laagood oo lugaha shinbiraha u eeg bixisa. Kaymaha Dixida iyo Dareemada ayay si teelteel ah uga baxdaa. In kasta oo goosigeedu adag yahay, xooluhuna aanay badiyaa jeclayn haddana inta ay qoyan tahay waa ay cunaan. Xarfaduna waa daaq gaaban oo aan bur hoose oo muuqda lahayn. Hase-yeeshee tif aan kor u dheeraan iyo biile ka ciir-dhuuqda oo kale ah ayay yeelataa. Qoorta tigaadda hawrka ah ee Dixida, Timo-haweenlaha iyo Dareemadu ka mid yihiin ayay ka baxdaa. Inta ay qoyan tahay adhiga iyo ishinka aaranka ah ayaa cosobsada oo aad u jecel.. Dhinaca kale waa daaq cimri gaaban oo hore u engega. Badiyaa caws la sheego ma yeelato, maxaa yeelay cagta dadka iyo duunyada ayaa si fudud u gooya marka ay caddaatoba.
Haddaynu Maroboobta u nimaadno, waa daaq bur hoose oo dhuub fiican iyo tin dhuuban oo inta badan jiifsada leh. Sida xarfada ayay hore u engegtaa. Daaqan waxa uu maroboob kula baxay oo caan ku yahay biile marka uu caddaado is qabsada oo maryaha dadka iyo dhogorta xayawaanka ku dhega. Jidhka dadka biilahaasi waa uu xagtaa, xajiin badana wuu leeyahay. Sida qaalibka ah maroboobtu waxa ay ka baxdaa guryaha degelka ah iyo aradada oo raarida ayay sabo wadaag yihiin.

Baldhoolehu isna waa daaq bur weyn oo dhuub kala seexda bixiya . Magaca baldhoole na inta badan dhuubkaa ayaa loo yaqaan. Dooggani waxa uu sii daayaa tif kor isu taaga oo aad u dheeraada isla markaa biile cufan oo buush la moodo yeesha. Biilahaas oo wixii dareere ah ee la dhex geliyo nuuga ayaa ciir-dhuuq la yidhaahdaa oo carruurtu inta ay buushkiisa ciirta dhex geliyaan ka muudsadaan. Dhuubkiisa hoose ee baldhoolaha ah ee kala dhacana inta badan xoolaha aan lo’da ahayn ma jecla oo way fulsheeyaan, hase-yeeshee tifkiisa sare ee ciir-dhuuqda ah geelu badhtanka inta uu ka goosto ayuu aad u cunaa.

Raaridu waa doog ris ah oo guryaha degelka ah iyo aradada ka baxa oo bur ballaadhan oo la moodo in kaynta oo dhan is haysato bixiya, Waxa ay sii daysaa dhuub kor u kaca oo biile noqda. Xoolaha ishinka ah dhuubkiisa sare aad ayay u jecelyihiin. Adhiguna marka dhuubka sare la daaqo burkiisa hoose oo ris noqda isla markaa qoyaankiisu raago oo muddo dheer doog ahaada ayuu aad ugu tamariyaa. Kaynta raarida leh waa caynta marka xaaluf dhaco ugu bur danbaysa. Deegaanada Hawd iyo Oogona inta badan aad bay uga baxdaa.
Ramashidu waa daaqa ugu caansan bananka iyo kaymaha sogsogta ee Oogo galbeed ee dhoobayda ah. Burkeeda hoose waxa uu u baxaa sida burka raarida. Kaymo waaweyn oo ballac iyo dherer ba leh oo is haysta ayaanay noqotaa. Sannadada barwaaqada ah ee raxmaadada badan hesho waxay sii daysaa dhuub jilicsan oo kor u baxa. Dhuubkaas oo dadka qaar u yaqaan xarfo-buldhuq, harar xariir ah oo bilic leh ayaa laga sameeyaa. Hase-yeeshee wax raasamaal ah ma yeesho oo waa dumaa ama bururaa, sababtaas ayaana loola xidhiidhiyaa magaca xarfo-buldhuq.
Bah-weynta daaqa Hawd iyo Oogo waxa kale oo soo raaca Sifaarka, Dhikil, Gargoor, Birre iyo Duur. Sifaarku waa doog lab oo si mug leh uga baxa Banka Tuunyo, Gaaroodiyada dhexdoodana mararka qaar waa lagu arkaa. Waa daaq tif aad u dheeraada oo ka duurka u eeg hase-yeeshee ka dhuuban sii daaya.Idaha ayaa aad u cuna oo ku tamariya. Baadka Gargoorka loo yaqaan waa caws bur weyn oo dheer oo biileeya leh isla markaa aad u adag. Burshin burshin iyo bur-bur ayuu uga baxaa kaymaha biyo fadhiisinka iyo goonyaha galalka biyaha leh, waxaana ay isku aag yihiin Dareemada, Dixida iyo Timo-haweenlaha. Burkiisa iyo dhuubkiisa adag darteed xooluhu badiyaa ma jecla oo waa ay fulsheeyaan. Xilliyada abaarta ee dhulku xaalufo oo dani u gayso na si hawl yar uma goosan karaan ee waa ay sarriigaan. Dadka qaarkiina waxa ay u yaqaanaan “Sarriig” Gargoorka waxa lagu xasuustaa masafta iyo dabaqyada ayaa lagu nudaa oo idhan looga dhigaa.

Dhikilka ayaa isna ah doog leh dhuub kor u baxa. Xoolaha ayaa jecel, caws-qobtol aan tayo fiican lahayna waa laga sameeyaa. Waxa uu ka baxaa dooxooyinka Hawd ee carro caska ah. Garogarada ayaana sida qaalibka ah deegaan wadaag yihiin.Birrehu isna waxa uu si teelteel ah uga dhex baxaa kaymaha Dixida, Dareemada iyo Timo-haweenlaha. Waa daaq bur weyn iyo tif dheer leh. Tifkiisu waxa uu bixiyaa birre eebo-tiiti ah oo dad iyo duunyo ba muda.Badiyaa xooluhu ma jecla, balse inta uu biqilka yahay ee aanu eebo-tiitida noqon iyaga oo daaqaya waa la arkaa.
Duurku waa daaq laba heer mara. Heerka kowaad waxa uu leeyahay bur wayn oo dhuub kor u baxa sii daaya, dareemada ayaanu u eegyahay. Marka uu heerkan joogo na xooluhu aad ayay u daaqaan. Haddii la daaqi waayo waxa uu u gudbaa heerkiisa labaad oo wuxuu sii daayaa tif buuran oo dhumuc ahaan leebka le’eg aadna u dheeraada. Tifkaas oo xubno badan leh ayaana inta badan duur loo yaqaan. Walaxda aloolka ee sogorta Aqal Soomaaliga ka mid ka ah na waa daaqa ugu caansan ee laga sanceeyo, haddii aanu ahayn ka keli ah ee laga sameeyo.

2. Daaqa ka baxa deegaanada Hundaha ama Gureyska
Dhul daaqeenka deegaanka Hundaha loo yaqaan waa dhulka ku biyo shubma Badweynta Hindiya ee dadka qaarna u yaqaan Qarida. Baadadka ka baxa laga yaabaa in aynaan halkan intooda badan ku xusi karin maxaa yeelay xog wax ku ool ah waqtigan kama hayno. Arrintu si kasta ha noqoto’e dhowr baad oo qormadeenan aynu ku soo qaadanayno isla markaa deegaanadaa ka baxa waxa ka mid ah Lehlow, Dhurbe, Badhi-weyne, Qalable iyo Sakaki.
Daaqa Lehlowga loo yaqaan waa daaq bur hoose oo ka saxatida u eeg iyo tif sare oo isna maadha lagu matali karo leh. Waxa uu yeeshaa harar googoos iyo isku-joog ba ah oo qurux iyo tayo aad u sareysa leh, waxaana la sheegay in uu dhinaca heeryada la tartamo maadha, Caws-gorofka iyo Timo-haweenlaha. Daaq ahaan xooluhu aad ayay u jecelyihiin waana ay ku samaadaan. Daaqa Dhurbehu isna waa tigaad bur weyn iyo tif aan aad u dheeraan oo inta badan biileeya leh. Waxa uu ka baxaa dhul buureedka Hundaha. Xooluhu waa ay jecel yihiin waa na ay ku gashiyaan. Sida Lehlowga ayaana heeryo tayo iyo bilic lagu qaddariyo laga soohaa.
Badhi-weynehu waxa uu isna yeeshaa bur weyn oo ballaadhan oo adag. Dhul daaqsimeedka bannaanada ah ee Qarrida ayaa uu ka baxaa. Xooluhu doogiisa iyo cawskiisa ba waa ay daaqaan. Harar xariir meel dhexaad ah ayaana laga sameeyaa. Sakakidu waa daaq san bur weyn oo cad oo ka dareemada u eeg yeesha. Xoolaha ayaa aad ugu samaada. Hararadiisu waxa ay yeeshaan bilic soo jiidasho leh tayo ahaana meel dhexaad ayaa lagu tiriyaa. Waxa ay ka baxdaa dhul daaqsimeedka buuraha madow ee Gureyska loo yaqaan.
Ugu danbayn Cawska Qalable ha loo yaqaan waa doog jilicsan oo aad u dheeraada muddo yar na joogga dadka ku gaadha, sebennada barwaaqada ahna kor u dhaafa. Waana daaq xooluhu ku wacnaadaan oo inta badan ka baxa togogga carro-madowga ah ee ay Jarar iyo Faafan ka mid ka yihiin.

Ururintii iyo abla-ableyntii
Mustafe Cabdi Maxamuud “Hangool” iyo Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here