Wacdaraha Fanka iyo Waayaha Fannaanka: Xasan Great WQ: Maxamed Dhaaley

Dhaaley2
Maxamed Dhaaley (bidix) iyo Xasan Garaad

Dhismaha idiin muuqda, waa qaybtii ay dowladdii Kacaanku ugu tala-gashay inay Fanaaniintu ka degaan Guryihii loo yaqiin If iyo Aakhiro; oo horraantii Sideetameeyadii laga dhisay degmadii Wardhiigley ee Muqdisho.
Inta uu hadda xusuusan yahay waxaa isaga la daris ahaa oo qaybtan deganaa;20 Fanaaniin ah oo maanta isaga mooyee ay inta kale, dagaalada iyo dhibaatooyinkii dalka soo maray dartood banaanada ugu maqanyihiin. Magacyada uu dariskiisii Fanaaniinta ahaa ka xusuustayna waxaa ku jirta Guduuda Carwo oo guriga isaga ku dhegan lahayd, Maandeeq, Baxsan, Khadiija Foodeey iyo qaar kale.
Isagoo xanuunsanaya ayaa kaligiis maanta kaga hoyda guryihii ay dowladda Soomaaliyeed ugu deeqday Fanaaniinta, isaga qudhiisana kusii sugnaashihiisa halkan wuxuu ugusoo bareeray oo ugu dul-qaatay halis badan oo colaadihii jiray ay dhaleen.

Hordhaca taariikh nololeedkiisa

Sida caadada u ahayd reer miyiga Soomaalida ee waayihiisii noolaa, waxaa cunugga caloosha hooyadiis ku daaha ee bilaha lagu umullo dhaafa lagu tilmaami jiray: mid caqli badan oo ku garaadsaday calosoha, saas darteed ayuu isaguna maadaama uu 11 bilood ku dhashay wuxuu awoowgiis ku naaneysay Garaad.
Mar dambe oo hayaankii fan jacaylka ee miyiga kasoo kaxeeyay uu soo gaarsiiyay Xamar ayeey dadkii ay is barteen ee Reer Xamar-ta oo magacii Garaad haleeli waayay ula bexeen Great, kaasoo noqday naaneysta illaa maanta lagu yaqaan ee uu caanka ku yahay.
Inkastoo uu miyi ku dhashay oo aanay suurtoobin in taariikhda dhalashadiisa la qoro, hadana sida uu waalidkiis ka maqlay wuxuu ifkan yimid goor ku beegan 1952-kii. Wuxuu ku dhashay Tuulo ay reerkiisu markaas deganaayeen oo lagu magacaabo Gun-dhurwaa, una dhaw degmada Ceel-Buur ee gobalka Galgaduud.
Reer Xoola dhaqato ah ayuu ka dhashay, wuxuuna ahaa Yaraanka ama guri-dambeyska reerkiisa oo waxaa ka waynaa 3 caruura oo labo ay gabdho yihiin.
Isagoo gaban yar ah ayuu reerkoodu kasoo guuray miyigii isaga lagu dhalay, ka dib markii ay abaar iyo nolol xumo xoolihii ka leysay, waxayna soo sal-dhigteen gobalka Shabeelada Dhexe; oo ay Beero iyo xoolo hor leh ku tabcadeen. Laakiin sanado yar ka dib isagoo wali aad u da’ yar ayuu iska dareemay xiiso iyo jacayl uu u qabo fanka , gaar ahaanna Heesaha oo uu markoodii ugu horeysay ka maqlay Makarafoonnada tuulada lasoo dhigo ee Raadiyaha Muqdisho laga deyn jiray.

Rabitaankaas uu fanka u qaaday ayaa ku kalifay inuu usoo dhuunto dhanka Xamar oo saldhig wayn u ahayd heesaha iyo suugaanta kaleba, laakiin maadaama uu wiil yar ahaa waxaa kasoo daba baxay oo hadana tuuladii dib ugu celiyay Aabihiis, waloow uu mar kale hadana soo baxsaday si uu markan toos ugu sal-dhigto caasimadda uguna halgamo hanashada hamiggiisii fan jacaylka.
Mar ku siman 1967-kii ayuu guushii ugu muhiimsanayd ka gaaray fanka, xilligaas oo uu kusoo baxay tijaabo looga qaaday Raadiyihii Muqdisho si loo hubiyo hibadiisa faneed. Tumista Kabanka iyo qaraamkii heellooyinka ay ku jireen Beer-Dilaacshe iyo Laac ayaa udub dhexaad u ahaa guushiisaas uu ugusoo biiray kooxdii Raadiyaha Muqdisho ee markaas jirtay.

Socdaalkiisii fan beegsiga ahaa ee uu Xamar kusoo galay wuxuu ku aaddanaa 1963-kii, markaas oo uu toos u abbaaray goobo si gaar ah ay ugu kulmi jireen dadka heesa iyo kuwa Miyuusikada tuma, Goobahaasna wuxuu ka helay fursad uu ku barto qalabka Miyuusikada kuwii qadiimka ahaa ee xilligaas la adeegsan jiray.

Sida uu Xassan Great isagu ii sheegay, wuxuu tagi jiray meelaha Dirisyoonka loo yaqaan oo Xisbiyadii Siyaasadda ee Soomaalidu ay isugu imaan jireen, halkaas oo Miyuusigga iyo heesaha lagu tumi jiray, Isagana wuxuu dhageysan jiray ishana la raaci jiray sida Miyuusikada loo tumayo oo uu barasho ka qaadan jiray.

Marka ay kooxaha wax tumaya goobta isaga tagaan, waxay Xassan iyo rag isaga ka da’ waynaa oo sidiisoo kale Miyuusikada xiisaynayay u kaliyoobi jireen qalabkii la tumayay, oo ay tijaabo iskood ah ku qaadan jireen.
Wuxuuna Xasan xusuustaa in marka ay raggaas ka waa wayn iska dhigaan qalabka; oo ay ka bogtaan ka dib uu isagu qabsan jiray, si uu markiisa waqti ula qaato Miyuusikada uu xiisaha badan u qabay.

Qalab Miyuusikeedkii ugu horeeyay ee uu Xassan ku tababarto aqoon fiicanna ka helo wuxuu ahaa Kitaarka, hase yeeshee markiiba wuxuu hadana gacanta ku dhigay oo uu barasho ugu dhaqaaqay Kabanka, kaasoo uu isna aad ugu xeel dheeraaday. Markuu labada aaladood wada bartayna waxaa u kobcay hankiisii fan jeceylka ee uu horayba Baaddiyaha ugagasoo tagay.

Sanado ayuu usoo xusul duubayay inuu soo gaaro halkii bartilmaameedkiisa, oo ahayd xaruntii markaas Fanka laga hagayay ee Raadiyo Muqdisho, ugu dambeynna dadaalkiisii wuxuu dhaxashiiyay inuu 1967-kii usoo qalab qaato tartan uu tumista Miyuusikada iyo heesidda ku galay, kaasoo natiijadiisu ay noqotay in Xassan Great loo qaato mid ka mida shaqaalihii fanka ee Raadiyaha.

Xassan isagoo iiga sheekeynayay Raggii berigaas tijaabada uu fanka kusoo galay ka qaaday, wuxuu tilmaamay inay ahaayeen Foolaadyadii fanka ee Raadiyayaashii Muqdisho iyo Hargeysa oo markaas ahaa labada xarun ee fanka iyo heesaha laga hago. Waxaana raggaas ku jiray Cabdullahi Qarshe, Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Gurinjile iyo qaar kale.

Wuxuu toos ugusoo biiray Fanaaniintii Raadiyaha Muqdisho si uu ula shaqa bilaabo rag iyo dumar isaga kaga horeeyay Fanka oo qaarkood ay ahaayeen kuwii uu dhageysiga heesahooda dartood Miyigii ay reerkiisu deganaayeen ugagasoo dhuuntay Xamar-na usoo galay. Dadkaas uu Raadiyaha kulasoo bahoobay waxaa ku jiray Maxamed Suleymaan Tubeec, Khadiija Cabdullahi Dalays, Axmed Naaji Sacad iyo kuwo kale.

Kusoo biiristiisii Raadiyaha Muqdisho waxay Xassan Great u furtay albaabo waa wayn oo ay ugagasoo galeen fursado tiro badan oo iyaga sababtooda uu ugu noqday mid ka mida dadka ugu caansan laguna qadariyo sameynta codadka ama Laxanka ee Heesaha Soomaalida, wuxuuna Xassan markaas wixii ka dambeeyay dhex jibaaxayay mowjado faneed oo illaa maanta lasoo gaaray.

Heeso tiro badan ayuu Xassan Great laxanka saaray, kuwaas oo ah heesaha ugu caansan looguna xiiso badanyahay Fanka Soomaalida. Waxaase xusuus gaar ah leh heestii ugu horeysay ee uu ku bilaabay howshiisan laxan sameynta.

Sida Canabka beeraha ayaa magaceeda la yiraa, waxaana codadkooda ku wada qaada Xaliima Khaliif Magool iyo Maxamed Axmed Kuluc. Heeskani wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee uu Xassan Great naaxiyadda saaro, waxaana heesta ay ku jirtay Riwaayad dhan oo Talo iyo Tallaabo la oran jiray , halabuurkeedana uu lahaa Maxamuud Maxamed Dheeg.

Heestii tan ku xigtay ee uu Xassan Great naaxiyadda u sameeyo waxay ahayd Xurmo daran oo uu ku luuqeeyay Maxamed Axmed Kuluc AUN, ereyadana uu lahaa Cabdi Iidaan.

Xassan Great oo heestan Xurmo daran iigaga taariikhoonaya ayaa ii sheegay in marka hore uu isagu Naaxiyadda kaliya sameeyay, ka dibna Abwaan Cabdi Iidaan loo geeyay si uu ereyo ku haboon Naaxiyaddaas u sameeyo, markaas oo uu Abwaanku dareen jacayl ah iyo qiso isaga gaar u heysatay uu ereyadan Xurmo daran uga curiyay.

Sameynta Naaxiyadda iyo sirta ku duugan ayaan Xassan wax ka waydiiyay, wuxuuna si kooban u yiri “Naaxiyaddu waxay ka dhalataa dareen ku jira mulaxamiistaha. Haddii uu dareenkaasi jiro si sahal ah ayuu laxanku ku imaanayaa. Aniga ahaanna xitaa anoon Ereyo heysan ayaan mararka qaar sameeyaa Naaxiyad dhammeystiran, waana hadba sida uu dareenku iigu badanyahay”.

Wuxuu iisii raaciyay “Mararka qaar ayaan guux iyo codad riin ah oo aan la fahmi kareyn adeegsadaa si aan Naaxiyad qurux badan u curiyo”.

Xassan Great wuxuu kaluu sheegay in Naaxiyadaha uu sameeyo ay yihiin kuwo u kala soocan oo Fanaan kasta mid codkiisa ku haboon uu ugu sameeyo, taasoo iyada lafteeda xeel dheeri iyo maskax furnaan uu Ilahay isaga siiyay muujinaysa.

Riwaayado badan ayuu Xassan heesaha ku jiraa dhammaantood wada laxameeyay, qaarna tiro badan oo heesahooda ka mida ayuu laxankooda lahaa, waxaana Riwaayadahaas laga xusi karaa:
1. Hawo gabal ka dhacay oo uu Yuusuf Maaradoon curiyay
2. Aabaheey ka samray, oo uu Maxamed Cali Kaariye alifay
3. Ninna waal ninna waani oo uu Xassan Qowdhan lahaa
4. Aqoon iyo Af-garad oo ay wada lahaayeen Hadraawi, Saciid Saalax iyo Gaariye
5. Ama guur ama guurso oo uu Maxamed Cali Kaariye hal-abuurkeeda lahaa
6. Sidaa ma isku qabnaa mise waan is qarsanaa, oo uu Maxamed Cali Kaariye lahaa
7. Dumistii aqalkeyga iyo arooskii inankeyga, oo uu Maxamed Cali Kaariye alifay

Heesaha uu Xassan Great laxamada saaray ee caanka ah oo Riwaayadahan aan soo sheegnay ku jiray iyo kuwa aan ku jirinba waxaa ka mid ahaa:

1. Waan kuu warramayaa – Codka Muuse Ismaaciil Qalinle
2. Adna Gacaladeydaay aynu guri yagleelno- Codadka Shankaroon Axmed iyo Axmed Cali Cigaal
3. Qalam Jalam- Muuse Ismaaciil Qalinle
4. Saxarla- Codka Maxamed Mooge
5. Axmed Gureey ma uu dhiman- Codka Shankaroon Axmed
6. Mudantii Haweenkaay- Codka Maxamed Mooge
7. Allahayoow Nin daacada, Allahayoow nin daalima- Codka Maxamed Mooge
8. Al-raxmaan- Codka Maxamed Mooge
9. Galaangooleey gafley barataye sitir gam- Codka Xassan Aadan
10. Aleylehe Balaayooy- Codka Saado Cali Warsame iyo Maxamed Axmed
11. Calas iyo Xareed- Codka Xassan Aadan
12. Ninka qayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso- Codka Shankaroon Axmed
13. Sidaa ma isku qabnaa- Codadka Xaliima Khaliif Magool iyo Maxamed Axmed
14. Dhoof nooli kulantiye, ha dhantaalin caashaqa- Codadka Magool iyo Maxamed Axmed Kuluc
15. Haruub Caashaqa- Codadka Maxamed Aadan Dacar iyo Khamar Cabdillahi Harawo
16. Jacaylkii Shaanshaan tagay- Codka Maxamed Axmed Kuluc
17. Gurya Samo- Faadima Cabdillahi Maandeeq iyo Maxamed Suleymaan Tubeec
18. Ma harsanaa, ma hooy galeynaa- COdadka Magool iyo Cismaan Gacanloow
19. Ubaxoo dilaacaay- Codka Muuse Ismaaciil Qalinle
20. Fiidmeer- Codka Xassan Diiriye Faarax
21. Ma i siray Jacayl- Codka Xassan Diiriye

La soco qaybaha danbe…………………………
#Sooyaalka_Fanka
Maxamed Dhaaley

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here