Buurta Daalo iyo Maguuraanka Arraweelo WQ: Cnaasir A.X Aadam Afqallooc.

“Taariikhdu waa inoo musbaax, maanka caawima’e
Adoo male gudaayaad yaqiin, marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan, meelba waxa yaa!l” – Xaaji Aadan Afqallooc AHN.

Daalo waa deegaan kulansaday dareenno isa sidkan, xambaarsanna nayaayiroonyin iyo rajooyin riyaaq gelinaya qalbigaaga, kuna abuuraya farxad, kalgacayl iyo xasilooni, maankaagana ku culaya kuna carinaya humaagyo iyo himilooyin sarreeya. Booqashadaada Daalo waxaa hubaal ah in ishaadu ku nasanayso muuqaalada bilicsan ee ilqabatinka leh sida ubaxyada jaad-gooniga ee bilic iyo midab ahaanba bilan, kaynta koobsatay dhirta isku dhafan, ee qaarkood dhumucda iyo dhererka loo dhameeyey, qaarna kugu dherersanayaan joogga, halka qaybna tahay curdin cagaaran oo ku naaloonaya carada-san ee nurka iyo saacuna ku weheliyo .

Haddaad ku fidiso indhaha buuraha mugga iyo miisaanka ku fadhiya, xambaarsanna kaymo dhir ah oo bilicdooda buuraha lagu dul bilbilay, laguna nashqadeeyey midabada casuuska, caddaanka, cardiifka, iyo madowgaa isugu jira, ee kala saraynta joog iyo farshaxanimada Alle ku unkay; kuwaas oo kulaalaya oo dhabarka ku haya xeebaha xadaaraduhu inooga soo unkameen.

Haddaad isha hore uga sii laliso layaabka ku duugan buuraha, waxa ishaadu hilaad fog ka beegsanaysaa hirarka badda ee is herdiyaya ee ku beegan magaalo xeebeeda Maydh, waxana sidoo kale si qumaanti ah ishaadu u qabanaysaa jasiirada Rabshiga ee hoyga u ah shimbiraha u kala goosha qaaradaha.

Daalo waxay joogga sare dhacdaa 4000 oo fuudh in ka badan ayay ka sareeysaa badda – Daruuraha waad ka saraysanaysaa xili roobaadka, waxaad arkaysaa daruuraha heehaabaya, ee kaa hooseeya kuna teedsan laagga dheer ee #Tabca, daruurahaas oo ku dhibcaya dhulka hoose ee cagaarka xamashku cimidha ku yahay loona yaqaan #casha’.

Daalo waxay dhacdaa duleedka magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, bu’da ama badhtamaha dhulka loo yaqaan “Dhulka-Udugga”; Dhab ahaantiina, udugga kaaga imanaya kayntan isku-cufan, dhadada roobka, sayaxa dhulka ka soo baxaya; ayaa intuba kugu saaqayaan caraf udgoon ood sanka aad la sii raacaysid – Waa sababta ay u tahay bu’da dhulka udugga!
Markaad habeen ku caano-maasho barada Daallo, intaan shaacu damin qoraxduna godka cidhifka la gelin, waxaad arkaysaa shimbiraha kala jaadka ah ee ku soo hoyanaha dhirta dhaadheer; ee ay waaberigii qaarkood ka jarmaadeen, sawaxanka ay samaynayaan ayaadna jecalaanaysaa inaad dhegta u raariciso, ood ku raaxaysanaysaa intaadan ku dheelman barada aad cawayskaaga ku qaadananaysid – Daallo iyo nawaaxigeeda waxa u caado  ah in cawayskii la shito fooxa laga soo gurtay Maydiga ama Moxorka; si loogu carafsado aqalada iyo in nawadka dhadada laga shito.

Joogga sare ee ay dhacdo Daallo awgeed, habeenkii waxaad hiraal fog si waadix ah ugu arkaysaa xidigaha kala gedisan (sida marka laxuhu dhacaan), godadka dayaxu galo ee laga hillaadiyo kal-tirsigeenna ee ku dhisan maluugta iyo cilmi felega; ayna ka dhashaan xiliyada: gu’ga, dayrta, xagaaga iyo jiilaalka.

Qofka wakhti la qaadta dadyawga ku nool dhulkan joogiisu sareeyo wuxuu dhaadayaa: dadkan qaabdhismeedkooda dhuubnaanta xiga, cimrigoodu dheer iyo caafimaadka ka muuqdo. Hadaad iswaydiiso sirta ku duugan, sida cilmi-baadhisyo la sameeyey lagu xaqiijiyey dhulka jooga sare waxa laga helaa ogsajiin hooseysa, hawaduna waa ku khafiif, taas oo sababta in xanuunada ku dhaca wadnanaha iyo xusustuba yaraadaan, isla markaana cimriga dadka aagaas ku nooli dheeraado – Waa dhulka lagu tabobaro orodyahanada ku tartama oradada dheer.

Daalo maaha goob koobsatay deegaan qurxoon oo qudha, balse waa deegaan xarun u ahaan jirta:  haweenaydii caanka ahayd ee Araweelo iyo boqortooyadeedi idlaatay. Dabcan hadaad gabadh tahay, waa goob qab-sare iyo hanwayni kugu abuuraysa, ku dhiiri-gelinaysa kuguna dhalinaysa sida daa-uuska inaad u talaabsato, intaad ku dhex gooshayso boqortooyadii galabsatay ee Araweelo. Sida caadada u ah dumarkana waxa adna kugu dhalan inaad ubaxyo iyo caleemo qoyan si qiiro ku jirto ugu daadiso maguuraanka Araweelo. Inaad dareen ahaan kacsanaato waa wax la filan karo, maankaagana ay ku hirdamaan isdiidmooyinka wakhtiga, waayaha is bedelay iyo sida cabqariyadii garaadka sare iyo garashada casrigeedi ugu xukumi jirtay ina-rag ay iminka maguuraankeedi u noqotay: goob ragu dhagax ku arjimo markuu ag marayoba – laga yaabee inay kugu soo dhacdo inay goobtani mudnayd in laga dhiso qasri iyo madxaf lagu ciseeyo Araweelo oo deegaantan udugga iyo quruxda leh weheshata.

Walow la sheego Araweelo inay lahayd garaad sare, isla jeerkaana ay masalooyin kakan ku jirabi jirtay ragga ku xeearan; oo ninka furfuri kariwaayana ay dhufaani jirtay, waxaa jiray oday xeelad kasta ooy Araweelo la timaado furi jiray, taasoo weji-gabax ku ahayd Araweelo. Dabcan marka ragu soo booqdaan Daallo waxay iswaydiiyaan tolow Oday-Biiqayna armuu kayntan ku dhuuman jiray? Dabcan waa xujo noo xidhan!

Si kastay tagtada togani saamayn taban ugu yeelato timaadada, waxaa qiraal lagu yahay in Araweelo sumad u ahayd garashada sare, hal-adayga, han-waynida iyo geesinimada taas oo hableheenu ku astaysan yihiin. – dabcan ku dar is adkayntanta u dheer oo ay ku baadi-soocaan taladii Araweeelo.

Daallo marka laga yimaado taariikhda faca wayn iyo muuqaalka deegaan ee indha-sarcaadka leh, ishuna u bogto ku ilwaadsigeeda, waxa kale oo Alle ku manaystay nimcooyin kala jaada. Waana goob qalbiyada dadka badankooda ku xardhan –mid  arkay iyo midaan aragba, kaan arkina ku naaloodo inuu maruun kasoo bogto. Waxa inta badan lagu xusaa suugaanta iyada oo loogu halqabsanayo qiimaha iyo quruxda ay leedahay laguna muujinayo dareenada jacayl ee lamaanayaasha isu jeelan iyo kuwa is jantayba. Waa goob qalbigu kuugu degayo ood ku xasilaysid – Mahad oo dhan Alle haw sugnaato, waa deegaan aad samayskiisa iyo xikmaada ku duugan aad ku cibro qaadayso.

Daalo waa qalin ma koobaan – qalbiga jantay iyo maanta u hiloobay baa garan kara! Aan idinku sooro gabaygii Ceerigaabo (1968) ee Alle naxariistii jano ha ka waraabiye Xaaji Aadan Axmed Xasan (X. Aadan Afqalooc) ku tilmaamayey quruxda Daallo – Dabcan gabaygan ayaa quruxdaas oo dhan koobay.

Adoo mala gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalle
Dalkan wax ugu mudan Ceerigaab uguna muq dheere
Waa maakhir-koostii la degey mar aan la koobayne
Jamhuuriyaddu meel shaabahdiyo ma leh mataalkeede
Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale
Maanlahiyo taalloyinkaad aqallo moodaysid
Meelihii kinsiga lagu qarshey maangaddood tahaye
Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeeyaaye
Arraweelo meeshay degtiyo mulugga Ceel-wayte
Iyo waxa manaasiir ku jira moodkii la halleeyey.
Madigaan qusuurtay dhisteen waa macruuf weliye
Maquure iyo godqoraan ninkii marayba yaabaye
Maageere waataa daryale maagga la arkaaye
Nimankii mar dhexe talinjireye maylinka afaystay
Magaadle iyo reer miisanleey midhadh ka joogaane
Maydh laba kun oo sano ka badan maray samaysnayde
Iyadaa magaalo u ahayd maakhir oo idil e
Muftaaxii karaamada kuwii midigta loo saaray
Muftigii isxaaq baa degiyo mudankii daaroode
Maqbarka Ciise Ceeleeye waa kaa masaarka lehe
Sheek Samirre marinkii Dibgax buu meel u leeyahe
Madoobiyo Garruuraa lahaa madaxa Ceel –dheere
Jiidali Maqaamki Subeer baa u moosin ahe
Dhammaan meeshaney degi jireen magaca Soomaale
Waxna waa madheen qaarna waa kii muhaajiraye
In yaroo markii soo hadhay baa haatan maamula e
Mandartiyo kamaalkaad Lubnaan ugu malaysaaye
Manaakh iyo hawoba waxay ka tahay Mawsilta Ciraaqe
Kolkaad madaxa surudeed tagtiyo meesha ugu taagan
Badda waxa maraayoo dhanbaa kuu muraayadahe
Sayid Maxamed meeshuu dhisaan maabku doorasamine
Madfaca laga ridaa wuxu socdaa kuman masaafoode
Melaterigu meeluu degoo muhima weeyaane
Muntasah Marso iyo Daalo waa lagu murqaamaaye
Mayay baa ka da’ a goortay tahay milayga jiilaale
Daruurtoo mijaha soo rogtiyo wadayda mayl gaadha
Sida mawjaddiyo doonyahay marar is jiidhaane
Dhirtaa qaarba midab leeyihiyo man iyo awraaqe
Mawareed in lagu daadiyaad midabka moodaaye
Min aroos sidaad soo gashiyo mawlidkii Nebiga (cs)
Miski baa ka ura kaymihiyo malafka geedaha’ e
Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaado
Oo midabka kala gooniyoo cadad malyuun gaadha
Mawdiyo siyaaxaad ardiyo macallin moodaaye
Qoolley ku madadaalisiyo muurradaa badane
Goortuu gobyahan waa murdiye gooni miranaayo
Oo uu gumburi sawd macaan meel fog kala yeedho
Oo marisku kuu soo warramo meesha waxa jooga
Ood raha maddixiisa iyo maqasho daa’uuska
Oo gorod muyuusigga tumuu galow ku maaweesho
Adigiyo naftaada murmaan doonin meel kale’e
Intay mudunka kale dheertaheye Maalik ku abuuray
Oo wada manaafiic dawo ah baa markhaatiya’e
Dayib mudhay mataanaha dhosoqa marinta guudkooda
Maqaariga abeesada deliyo wegerka moohaaya
Maraaraale dhamiskiyo Shinnuur midabka yaaquud leh
Manka ubax dibowgay shinnidu miida ku abuurto
Muddaahda iyo guubalida iyo mooligu xiiska
Minyeelahiyo geed-gaalka iyo shayga midhihiisa
Moxorkoo luubaan laga gurtiyo mayddigiyo fooxa
Dhirta milixda wada yeelatee maalku ku hagaago
Mudo haddii la dhigo soorta aan midabku doorsoomin
Intaas oo manfac ah baa jirta oo waa la moog yahaye
Madaar iyo marsiyo laydh maliyo Baan macaamilo’e
Miishaarta qorigaa halkii meel la dhigay taalla
Waxay muhandisyadu soo direen riiggay madhiyaane
Waa miilo cagafay ilkuhu maqan yihiin qaare
Haddaad maanta noo timidse waa mahad Ilaahaye
Maansha Allee wax u dhammee way madowdahaye
Wa bilaahi tawfiiq.
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Xaaji Aadan Afqallooc

Www.facebook.com/sanaag

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here