Soomaali (Gabay) WC: Kayse Galaydh.

Kayse Galaydh

Magaca: Soomaali.
Curiye: Kayse Galaydh.
Godka: Gabay.
Uj: Qawmi.

1. Soomaalida ilaahbaa ka dhigay ul iyo diirkeede
2. Ugxan hooyo iyo bay ka timi walaxda aabbaaye
3. Unugyada jidhkee wada socdiyo adhaxda weeyaane
4. Waa aroorayaal iyo xangulo aag kuwada yaalle
5. Afka iyo sankiyo waa indhaha ruux adeegsado,e
6. Waa niman ilaahay faddilay oo islaam qiraye
7. Waa niman arlaa’iga ka daga gees ifriiqiya ,e
8. Adhi iyo gammaan iyo lo’ iyo ayro wada foofta
9. Ugaadh iyo shidaal iyo kalluun idil wixii beerma
10. Waa niman nimcada eebbahay wada agtaallaaye

11. Waa niman ashcaartiyo yaqaan iibka lacageede
12. Waa niman ashraaf iyo u badan oday karaameede
13. Waa niman ugaas iyo saldalad lagu ammaanaaye
14. Waa niman abwaaniin leh iyo awyo duub xidhane
15. Waa niman adduunkuba u qiray araryo suugaane
16. Waa niman odhaahday dhahaan eray xigmowdaaye
17. Waa niman aqoonyahan ku jiro eegga maanta ahe.

18. Hayeeshee ayaamahan wax baa ku ibtilaysnaaye
19. Abguridu suntii ay gantaa jabisay oofaaye
20. Abriskii qaniinaa ku duray aburka maandeeqe
21. Orgomiyo libaax baa dharqaday dhogor idiinleeye
22. Eebada rag baa kala dhex dhigay inanyo wiilkiise
23. Nimanbaa ablay iyo gantaal noo adeegsadaye
24. Nimanbaa asqada qaybiyoo soo abaabulaye
25. Nimanbaa afkaar reer galbeed noo agaasimaye
26. Ixsaankiyo ragbay dhaawacaan erayga diineede
27. Nimanbuu islaamkuba la yahay amar kutaaglayne
28. Af qalaad rag baa wali u qaba libin aqooneede

29. Addunyadu se waa laba ilhaan midiba aasheede
30. Arbiciyo khamiisbay dhashaan samiyo aafaade
31. Insha allaahu soomaaliyeey aaran baad noqone
32. Kala oollimayside rugbaad udubka tuutayne
33. Ammin aan fogayn buu nasrigu aayar soo dagiye
34. Onkod iyo hillaacbaa marqudha oonka soo furane
35. Ardaabay raggaagii ku shiri kala irdhaysnaaye
36. Isticmaarka iyo gaaladaa laga il roonaane
37. Arxanlaaweyaashiyo guntiyo aadunnada qooqay
38. Iyo uur gaslaa waa la qaban idan ilaaheeye
39. Ololihiyo dimuqraaddigaa la abhin doonaaye
40. Umarada waxaa noo hormari inanka khayraade
41. Asxaabtii rasuulkiyo dar aad ehel jannii mooddo
42. Iyo awliyaa noo gadh qaban awrka geeddiga,e
43. Iimaan mid loo wada qiraa noqon amiirkiiye
44. Eedaanku madaxtooyaduu ka alwi doonaaye
45. Eexdiyo waxaa laga tirtiri urur qabiilkiiye
46. Dadkii umalsanaabay ka kici ahabti saarrayde
47. Niyaddii abaaraysataa soo ayaayiriye
48. Indhihii ilmadu buuxisaa oohintii tiriye
49. Timihii iflaaqadu gashaan aad usoo fidhiye
50. Ubadkiyo haweenkaa mashxarad oogsan oo kiciye
51. Amni iyo sareeda mar qudha lagu afwaajoone
52. Allahayow inshaarada quwee arartu sheegayso
53. Oo way ahaadaan waxaad amar ku siisaaye
54. Idankaaga nagu sii rabbow libintan eegayno

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here