Qalin ma-koobaan: Magacyada Dhirta Soomaaliyeed iyo Cali Mooge Geeddi.

Cali Mooge Geeddi

Qalin ma-koobaan waa buugga lagu soo ururiyay suugaanta hodanka ah ee Abwaan Cali Mooge Geeddi (1960-kii – 2003dii). Waxa qalinka u qaadtay Cabdalla Xaaji Cusmaan, oo ku ammaanan dedaalka iyo waqtiga uu galiyay.Tifatirka buuggaas waxa ku xusan Maxamed Xirsi Guuleed (CabdiBashiir).

Laba gabay oo ashqaraar ah ayaa aad ii soo jiidtay, oo la odhan karaba waa udub-dhexaadka uu ku taagan yahay dhiganahani; waa kan aynu hayno iyo gabayga kale ee Golejoog. Qalin ma-koobaan, waxa uu abwaanku ku soo ururiyay magacyada dhirta Soomaalida, halka uu ka danbena ku taxay Ugaa’dha ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtey dhulkeennan boqran.

Magacyada Dhirta Soomaalida.
Cali Mooge waxa uu magacyada dhirta ugu hormaynayaa gabaygiisa jaad jaad. Baho kasta waxa uu ku xusayaa hormo gaar ah. Waxaanu u qaybinayaa bahaha dhirta Soomaalida sida hoos ku xusan:
1-Geed-qodxeed
2-Geed-nugul
3-Geed-xiisaan (Abaareed)
4-Geed-qadhaab
5-Geed-buureed (Geed-gaab)
6-Geed-hagoog,
7-Geed-ugbaad
8- Geed-sunmeed.

Inkasta oo u hannaankaa Cali Geeddi yahay mid toolmoon, haddana jaadadka dhirta waxa lagu soo koobi karaa :
Geed-qodxeed iyo geed-midhood ama Geed-nugayl iyo geed-abaareed.

Halkan waxa aanu ku taxnay magacyada dhirta Soomaalida sida ay ugu qoran yihiin buugga “Qalin ma-koobaan” oo iyada lafteeda loo hormeeyay tabtii Cali Mooge gabayga ugu taxay.

Magacyada Dhirta

1-Geed-qodxeed.
Qudhac
Galool
Maraa
Sogsog (
Gob
Qansax
Bilcil
Cadaad
Qaydar
Waa’dhi
Sarmaan
Jaleefan
Quulle
Jeerin
Dharkayn
Gummar
Qabo
Yooco
Qaysaraan
Salamac
Lama-gooye

Qayr-Wadte
Laang
Jilba-dhiig
Kariir
26.Xunboo.

2-Geed-nugul
Berde
Qayhoor
Muqle
Qaadir
Foox
Qararri
Xagar
Bisiq
Tobbog
Cali Ooye
Xoday
Xuublalaho
Qarjax-muudle
Jinow-dhanaan
La-jiido
Dhammaajo
Qadhoon
44.Himir.

3-Geed-abaareed (Xiisaan)
Maygaag
Jiic
Raybad (Raydab)
Lebi
Yusub
Saban-sabdho
Laban-lawshe
Leeddi
Qaalma-leged
Hadi
Dhiddin
Goosay
Dheen
Hareeri
Gabro
Higlo
Dhebi
Woob
Dhosoq
Sarab
Weger
Badhi-beedto
Cobol
Moroh
Lidiq
Waabey
Dhicir
Canjeel
Dhamas
Dhuur
75.Baxrasaaf

4-Geed-qadhaab
Caday
Daray
Dhuwan
Kidi
Garas
Quud
Qurjeen
Yicib
Qox
Madheedh
Dhafaruur
Saabley
Midho-Caanyo
Shabkax
Uneexo
Gacayro
Halamac
Afgub
Xamakaw
Carrab-weyl
Faraxuunsho
Marooro
Buqshe
Waarig
Tima-yuluq
Haan-weris
Tindhadh
Cillala
Doombir
105.Qoodho-waxaraale.

5-Geed-gaab (Buureed)
Dhirindhir
Xayramad
Jadhanjee’dho (stress)
Gahaydh
Laf-qammuur
Dhu’yac
Dhuumood
Waxaro-waalis
Jaadeer
Dhalool
Midho-geeljir
Qalanqoolli
Booc
Dhufeec
Gaggabood
Tiire
Hiil
Jimbac
Dhigri
Balanbaal
Gulaan
Wancad
Gabbal-daye
Qaran-dhurwaa
Food-cadde
Jillab
Qanjaleelo
Sal-qawaar
Geel-ca’dhays
Qabo-yar
Mawo
Qadaado
Ubbo
Qunbe
Qanbool
Unuun
Maraq-maydh
143.Matarar

6-Geed-ugbaad (Caws)

Gubad-dhuxul
Yamays
Ca’yo
Qoordhacle
Goon
Dixi
Sifaar
Qawlbax
Duur
Timo-haweenle
Xaawadheer
Qaran-gobays
Daanyo
Maadh
Maajeen
Caws-dameer
Qadhun
Dareemo
162.Daris
7-Geed-sunmeed
Qasaanqas
Madaxbuq
Qalaw-dhunkaaleed
Daratoole
Geed-bey
Qirinqiir
Qiriric-waabey
Ruqunbaa
Gawracadto
172.Ganboor

8-Geed-hagoog

Qalandalool
Maraboobta
Yaaxoonka
Carmo
Baal-dacar
Xig
Adaahida
Xangeeyo
Irgin
Godor
Diqaw
Dibaw
Ciin
Mirraw
Dhoon
Qalanqal
Dhiitacab
Saar
Faradheere
192.Dhillawyahan.

 

Cali Ileeye
Xigasho;
Qalin ma-koobaan, Cabdala Xaaji Cusmaan.
(Suugaanta Cali Mooge Geeddi)

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here