Waa duni! WT: Faarax Nuur Wacays.

Magaca: Waa duni ( Aakhir sabaan)
Curiye: Faarax Nuur Wacays.
Dulucda : Hawaala-warran iyo hagar-gumaysi.
Godka: Gabay
Goorta: Bilawga xilligii gumaysiga.

Waa duni akhyaartii go’doo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkii aada iyo oday ku liidtaaye
Afka iyo adduun baa hadlee, awdan sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga il-roonaaye
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye.

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga’e
Waa duni hablii loo ogaa aqalka diideene
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumaayaaye
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye.

 

Ingiriis Axmaar iyo Talyaan , aarmi Faransiis ah
Colkan gulufba meel agabka dhigay way akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Ehelkiyo wadaagaha tusmada uunka wada yaalla
Edeg bay u kala oodayaan lagu ilaashaaye
Nimanyahaw Isaaq xaajadaa lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhayee la anfac siinaayo
Asaxaabihii bay na yidhi gaal ha aaminine
Kufrigaa badheedhka u inkiriyay waaxidka abuuray
Axdi laga ushiyo nac Alle qabe,malaha iimaane
Hadduu awrka heeryada ka furo eel kalaa xigiye
Adduun keenimaayiyo anfaco loogu iishado’e
Aafiyo sharbuu la ordayaa oodda kuu roga’e
Adyad iyo wuxuu kuula iman amar ku taaglayne
Arrin iyo adduuniyo markuu aradka kaa qaado
Ayuu weliba kibir kuu ulayn eed adoon galine
Oogada dushuu kaaga raran sida addoomeede
Adigoo arkaayuu dhashiyo ubadka gaalayne
Dhib la eedo mooyee wanaag ku arki maysaane
Haddaa niman islaamiyo tihiin Aadam ubadkiisa
Oydaan ilaahay ka go’in hayna oodina’e
Innaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye.

#Suugaanta_Boqran
Xigasho:
Diiwaanka Gabayada
(Faarax Nuur Wacays, 1870-1935)
Maxamed Cali Cabdillaahi.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here