Wacdaraha Fanka iyo Waayaha Fannaanka: Cabdalla Yuusuf Hanuuniye WQ: Maxamed Dhaaley

Maxamed Dhaaley

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye
“Wiilkii yaraa ee uu masraxu isaga soo doontay”

Dhalashiidu waxa ay ku beegneyd 1957-dii. Waxa uu ku dhashay miyiga degmada Ceel-Buur ee gobalka Galgaduud.
Isaga oo 4 sano jira ayaa Cabdalla Yuusuf  Hanuuniye loo soo kaxeeyay magaalada Muqdisho, waxa uu na ku soo degay guri ay xaafadda Ceel-Hindi ee degmada Howl-wadaag ku lahayd eeddadiis Xaajiya Xasna, halkaas oo uu barashada qur’aanka ka billaabay.
Sida uu wareysi aan la yeeshay ii gu sheegay, yaraantiisii ba, waxa uu Cabdalla Yuusuf ahaa mid aad u xiiseeya heesaha iyo miyuusikada, isaga oo aad u jeclaa dhegeysiga heesaha la ga soo deyn jiray idaacadda ama meelaha kale ee berigaas ay dadku wax ka dhegeysan jireen.

IMG_20150209_162835

Horraantii 70nadii ayaa uu Cabdalla billaabay barashada qalabka Miyuusikada, gaar ahaan Kitaarka, oo muddo 3 bilood ku qaadatay in uu si fiican u barto. Ka dib na waxa uu ku biiray koox-faneed la oran jiray Ubaxa Waaberi, oo ka dhisnayd degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

In kasta oo uu isku-dayo badan sameeyay, hadda na Cabdalla Yuusuf ku ma uu san guuleysan in uu ka qeybgelo barnaamijkii “Heesaha hirgelay” oo uu aad u xiiseynayay, kaas oo ahaa tartanka u gu weyn ee ay ku soo baxaan fannaaniinta cusub. Waxaa na ka qeybgalka tartankaas oo uu dhowr jeer u holladay loo ga reebay da’-yaraan awgeed.

Ka-qeybgal-la’aantaasi ma ay san noqon caqabad Cabdalla ka hor-joogsata gaaritaanka hiigsigiisii faneed, ee waxa uu go’aansaday in uu iskiis isugu howlo dhaq-dhaqaaqyo faneed oo uu muddo yar gudaheed ku soo saaray heeso tira badan oo magaalada iyo dalka ba aad u gu faafay.

Hanka iyo hibada faneed ee uu lahaa ayaa is-biirsaday, markaas oo uu Cabdalla Yuusuf Hannuuniye hubsaday in uu ka maarmi karo barnaamij-faneedkii ay xilligiisa fannaaniintu ka dhigan jireen dhabbaha keli ah ee la gu tego masraxyada fanka. Isagu se in la ga reebo barnaamijkaas waxa ay dhaxashiisay in uu awoodihiisa gaarka ah kaashado si uu u helo masrax isaga u gooni ah oo uu dhegaha dadka ku gaarsiiyay heeso la jeclaystay, oo u badnaa kuwa uu isagu erayadooda sameeyay, miyuusikada na saaray is la markaa na uu qaarkood isaga naaxiyadda (laxanka) u sameeyay.

Fankiisii ayaa bannaanada u soo baxay, xilli uu isagu qof ahaan weli qarsan yahay, sidaas ayaa na ay dadku ku wada barteen fannaankan cusub ee aan masraxyada la yaqaanna soo joogsan.

Heesahaas uu sida gaarka ah u soo saaray ka hor soo-shaac-bixiisa waxaa ka mid ahaa “Shabkax” iyo “Shimbiryahoow dabaylaha” oo labadu ba uu isagu curiyay. Waxaa na xusid mudan in waqtigaas uu Hannuuniye masraxyada waaweyn ka dhuumanayay, uu heeso u sameeyay fannaaniin cusub, kuwaas oo heesihiisaas masraxyada ku soo koray u ga na qaybgelay barnaamijkii “Heesaha hirgelay” ee isaga da’-yaraanta loo ga reebay.

Markii ay heesihiisu magaalad oo dhan qabsadeen ayaa ay mas’uuliyiintii Tiyaatarka iyo fanaaniintii waa-wayned baadi-goob u galeen fanaankan aan halka uu joogo la ogeyn hadda na heesaha macaan magaalada soo geliya dadka na soo jiitay.

Maalin ka mid ah sanadkii 1977-kii ayaa waxaa baadi-goobka Cabdalla Yuusuf Hanuuniye u soo baxay Fanaaniin iyo rag madaxdii Tiyaatarka ku jiray si ay bal u soo helaan; Fanaankan aan horay loo aqoon oo heesaha gaarka ah magaalada ku soo faafiyay. Sidaas ayaa uu masraxii Tiyaatarka ee ay fannaaniintu iyaga soo goobi jireen uu isagu u soo goobay wiilkan yar ee hibadiisa faneed la ga helay!!

Mas’uuliyiinta Tiyaatarku ma garanayn guriga uu Fanaankan la raadinayo deganyahay iyo halka laga heli karo, laakiin waxaa taas u sahlay Fannaaniin ay ku jireen Kinsi Xaaji Aadan iyo Muuse Ismaaciil Qalinle; oo labadu ba beryahaas agtooda ay Hanuuniye is ku barteen heesahan gooni-goonida u socda ee uu Fannaankan cusubi magaalada soo geliyay.

“Kinsi Xaaji Aadan iyo Muuse Ismaaciil Qalinle oo aan si gaar ah heeso ugu tumay ayaa magaceyga iyo meesha aan joogo yaqiinnay markaas ay heesaheygu magaalada gilgilayaan. Iyagii ayaa na soo tilmaamay gurigeyga si ay mas’uuliyiintii Tiyaatarku iisoo helaan” ayuu yiri Cabdalla oo aan 09/02/2015 ku wareystay guriga uu ka deggannaa xaafaddii fannaaniinta ee Ex-Fiyoore oo Muqdisho ka tirsan.

Kooxdii Fannaaniinta iyo mas’uuliyiinta Tiyaatarka isugu jirtay ee soo raadisay Hanuuniye ayaa markii ay heleen ka dib waxa ay u soo kaxeeyeen xaruntii Tiyaatarka oo markaas ay ku sugnaayeen inta badan fannaaniintii u gu caansanayd dalka, kuwaas oo sugayay ina ay mar arkaan fannaankan cusub ee codka macaan iyo miyuusigga quruxda badan lasoo baxay. Waxa uu na Hanuuniye soo galay qol ay wada fadhiyeen fannaaniin magac iyo maamuus markaas ku lahaa dalka oo ay ku jireen Magool, Cusmaan Gacanloow, Xudeydi, Maxamed Axmed, iyo qaar kale oo badan.

Durba markii uu albaabka ka soo galay qolkii la fadhiyay, ayaa waxaa Hanuuniye loo soo dhiibay Kabankii ay Fanaaniintu ku caweynayeen, waxaa na laga codsaday in uu gacantiisa ku garaaco oo codkiisa macaanna ku qaado heesihiisa cusub ee ay dadku wada jeclaadeen. Markii uu dhowr heesood qaaday ee uu is yiri fannaaniinta waa-wayn iyaga na markooda u dhiib Kabanka ayaa loo sheegay in dhammaan inta madasha fadhisa ay saacado badan sugayeen imaatinka fannaankan cusub ee isagoon la aqoon hadda na bulshadu wada jeclaatay (Hanuuniye), sidaas darteedna la doonayo inuu isaga uun caawa goobta ka tumo, si heesihiisa macaan loogu raaxeysto.

Maalintii xigtay waxaa Hanuuniye u yeeray qaar ka mida odayaashii fanka Soomaalida ee xilligaas iyo raggii hormuudka u ahaa koox-fanneeddii waynayd ee “Waaberi”, sida; Cismaan Gacanloow iyo Saciid Xarawo, kuwaas oo fannaankan cusub u soo jeediyay in uu kooxda Waaberi ku soo biiro. Waa kooxdii uu horay ka-mid-noqoshadeeda marar badan u gu soo hungoobay oo tartan-fanneedyadii waaweynaa loo ga diiday da’diisa oo yar awgeed. Nasiib-wannaag se hadda isaga oo aan tartamin ayaa ay bulshadu wax-tarkiisa faneed wa da baratay, oo fankii uu horay raadintiisa u gu guuldareystay na uu hadda isagii oo socda soo raadiyay, u na gacan-haatinaya si uu u gu soo biiro.

Hanuuniye oo fanaaniintii ku qalqaalisay kusoo biirista Waaberi wixii ay kula hadleen sheegaya ayaa yiri “Cismaan Gacanloow ayaa I yiri; aniga iyo rag i gu da’ ah waxa aan fanka ku soo jirnay illaa lixdankii iyo ka sii hore. Waxa aan maanta u baahannahay dhallinyaro na bedesha. Sidaas darted, aniga adiga ayaa aan kuu arkayaa in aad ntahay nin fanka lagu aamini karo oo hibo leh”

“Markii aan kooxda ku soo biiray, durbadii ba waxaa kooxda ka ruqseystay Cismaan Gacanloow. Markii ruqsada la siiyay isaga oo Abuu Dabey u socda ayaa uu ii yimid oo ii sheegay in daan anigu ahay ninkii isaga bedeli karay oo halgankii fanka ka la wareegi lahaa”. Ayaa uu mar kale yiri Hanuuniye.

Waqtigaas uu kooxda ku soo biiriyay waxa uu Hanuuniye damacsanaa in uu u safro dalka Sacuudiga oo ay dadka shaqa-doonka ahi wada aadayeen, laakiin rabitaankiisii Faneed iyo soo-dhawayntii fanaaniinta waa-wayn ayaa u soo weecisay dhanka Waaberi, oo illoowsiisay damacii dhoofka ee ku jiray.

Maxamed Nuur Shareeco oo saraakiishii Ciidamada ka mid ahaa, hal-abuuradii heesaha iyo riwaayadaha sameyn jirtay na ku jiray, ayaa ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ay Hanuuniye is bartaan oo gacan siiya. Waxa uu na Shareeco u sheegay fannaankan cusub in uu aad u la dhacsanyahay heesahiisii beryahaas la hadal hayay ee caanka noqday. Sidaas ayaa uu Shareeco madaxdii Tiyaatarka u ga dhaadhiciyay in Hanuuniye la gu daro liiska fannaaniintii caanka ahayd ee u qornayd kooxda Waaberi, la na siiyo mushaar iyo xuquuq la mid ah kuwii ay fannaaniintaas kale helayeen.

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye sidaas ayaa uu ugu soo biiray masraxyadii caanka ahaa ee Fanka dalka, waxa uu na lasoo baxay heeso macaan badan oo isugu jiray kuwo uu isagu sameeyay iyo qaar ay Fannaaniin kale u sameeyeen kuwaas oo aan tira lagusoo koobi karin.

Heesihiisa caanka ah waxaa ka mid ah:

 

  1. Hasha labada geed jecel
  2. Gorgoryahoow I gaarsii
  3. Inanyahay garaadlaay
  4. Baddu leyr qaboobaa
  5. Gaaraa-bidhaanyahoow adaan gaabin socodka
  6. Dantu ceeb ma leh
  7. Qurux badanidaa
  8. Jacaylkeenaa ka wayn
  9. Daruuraha hillaaciyo dayax nuurayaa tahay
  10. Hooyooy macaan
  11. Xamareey heshii halagula heshiiyee

 

La soco qeybaha dambe iyo tixanaha sooyaalka heesaaga Soomaaliyeed.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here