Qareennada Waa’gu diray! WC: Cali Ileeye.

Cali Ileeye

Magaca: Qareennada waa’gu diray
Curiye: Calli Ileeye
Godka: Saar1
Duluc: Hawaala-warran

 

Markuu qarankaygu dumay
Jahliga qolqolkayga yaal
Intaan barashada qawaday
Qurbaha goortaan u kacay
Maxaa dhacdo iga qabsaday.

Dugsiga anigoo qotoma
Maxaa inta lay qalqalay
Garaadkana qoon la baday,
Intaan kursi qaatay cidhif
Qalooday maxaan is nacay,
Anoon hiil qaylo karin
Anoon qabatimin lahjado
Anoon dulmi qeexi Karin
Markuu arday quudhso yidhi
Intoo qalad layga galay,
judhaan qabadsiiyay feedh
Maxaa gefaf laygu qoray.

Cadhada uurkayga qalan
Afkaygoo qidhimta gabay
Indhuhu nuxurkay qubeen
Maxaan qof gartoow ku tabay.

Ifkaba qaramada nacdalan
Quruun musuqmaasuq kow,
Qaraasina duul ku mamay
Dal gaajiyo qaxar la nool,
Rag qaadka cun uun u nool,
Tahriibta haweenka quban
Qabiil dhaqan aan ka korin
Dad quudhsigu diin u yahay
Takfiir qaxar iyo Shabaab,
Gumaysigu yuu qoqobay
Qofkii gartayoow bal sheeg.?

Markuu Soodaani qiray
Maxaan anna ciil qarracan
Araar iyo maanso qoray
Qareennadu ugu mudnayd.

Markaad qolo kala tihiin
Dhexdiinna is qaybisaan
Wixii qurux kuu kordhiyo
Haddaad qudhun kaydsataan
Magacu wuxu qeexayaa
So’maalidu waa HAL qudha.

Dharaarahan qaayo-tiran
Qunbacashada yaa na baday
Haddaan Qalinloow ku idhi?
Qabyaaladda haygu odhan
Dhib iyo qoqob haygu odhan
Afkaar qaldan haygu odhan
Qodxaha nacab haygu odhan!

Garaadka qabyoobayoow
Intaad dhibta qeexaysaan
Qofkii farsameeyay sheeg
Ka maanta abuura qeex
Siduu u qorsheeyo wari
Maxaa ku qasbaaya keen
Qolkuu u fadhiisto doon.
Haddii kale dee qir uun
Waxaad adna qayb ka tiin
Dhamaan qulqullada jahliga.

Siyaasiga kii qabsaday
Qadhmuuna ku sheegi jiray
Muxuu Kurwadaad u qarin.
Wadaad-xume kaa qalaa
Qabiiljire maanu arag
Horjoogaha beel qarriban.

Dhandhaarada qaayo-beel
Marbaan wada qaadayaa
Haddii kale qiiqu nool.

Waxaan qodob uga socdaa
Siduu Iidaan u qiray
‘’Haddaan qoontiyo naxliga
Nabarka qaaxada la sarin
Qalfoof sare kii dhayoow
Qoyaan wali waa halkii’’

Waxay qormadeedu tahay
Suldaan, qaadhaan xaduhu
Shalayto dadkay qaleen
Ayay ku qadhaabsadaan
Magtoodana qaybsadaan.

Siyaasiga qaad-cunkii
Markuu hanti boobay qaran
Damiirkuna uu qalalay
Ayuu gobonimo qawaday.

Adaa Kurwadaad qoslee
Agoon qurus aan ka dhacay
Hadduu xaqa-qalin ahaa
Caqlaaniga qalad ka dhacay
Miyaa gef qoraal ka weyn.

Qof waa qof danbaabayee
Wadaadku hadduu qudh-jaro
Kitaabside qarinayoow
Hadduu qalinmaal khad qubo
Maxaa lala qayliyaa.

Qiyaamaha diinta helay
Waxaa qabri weyn ku riday
Quraanka naskiisa iyo
Markaan qof tafsiiray simay.
Wuxuu Abu hebel qabaa
Xadiiskuu qaybsan yahay
Quduuska siduu u yahay
Inuu isna qaali yahay.
Garaadku wuxuu se qiray
Yuhuudiga qoobka lihi
Inuu shulug qaadan karo
Daliilkana qeexi karo,
Qolyuhu badi waa sidaa.

Bakhaar aan kuu qabtee
Wuxuu qasadkaygu yahay
Wadaadka qalaadiyaa
Intuu qof cadaab u waday
Ayuu naxariis ka qaday
Haddana dadnimada qar mare.

Qolooyinka dib-u-socdaa
Siday isu qolof ridaan
Ayay isu quudhsadaan,
Quruumaha raaqigii
Waxay isasoo qabtaan
Qarkay kala yara durkaan.

Halkaa qormadaa ku laab
Haddana rogay qaybo kale.

Sidii qarandida raggii
Dhufaysyada qodanayoow
Qac buu waagii yidhee
Haddaad ku qalaadisaan
Wuxuu hebel meel ku qoray
Sidooda u qaata dhaha
Garaad qufayaa ku yidhi
Wax qiimo le kumaba arag.

Abwaanada qiiradiyo
Xertii qaadkiyo fadhigu
Waxay sugayaan qof tagay
Qarfuu marayaa ragguna.

Qoraayada saban-xumaad
Waxay ka barteenba qalin
Qabiil hebel yaa u mudan,
Hargeysa qof maa hor dagay,
Afweynaa nagu qaldamay
Xilkaa waxa qaatay reer
SNM qoys baa u badan
Dadkaygaa ugu hor qaxay,
Waxaan qiimoba lahayn
Ayay ku qafiifayaan.

Cidmaa ugu qaylo badan
Haddii qoodh lagu ahaan
Dameerkaa ugu qarriban
Aqoontuna dhaafsan qalin
Wuxuu dhuxulreeb qarribo
Naxliga ay qaybiyaan
Qun baa loo soo tirtiri.

Xertii qaalmaha wad-waday
Xidhkay dhex qushuucsan yiin,
Abaartay qayliyaan
Gu’gana way qooqan yiin.
Intaad qarfo joogi leyd
Casriga qabatima ku dhaha.

Kuwii qolqol joogi jiray
Qurbaha goortay tageen
tabtay isu qaawiyeen
Ayay ka qashaafayaan.

Wadaad qabri igu wadiyo
Suldaan qarfo igu xidhiyo
Hogaamiye qaxar dhalaa
Markay isu kay qabteen
Dharaarahan quusta siday
Wixii afku qarin jiriyo
Miyaan quruxdii ka tagay.

Quruumaha dib-u-socdaa
Hadday qabri faagayaan
Ayay isu qayshadaan,
Markay qaran taagayaan
Ayay kala qaybsamaan,
Garaadka qabyoobay daya!

Qorshuu ka lahaa Rabigu
Inaan Soodaan qabtoo
Qurbaha anigoo yar jecel
Waxaa laysoo qorqoray
Markaan qabatimo arlada
Hayaankii qarangobeed
Qareenada waa’gu diray
Inaan qaabeyno yool .

Biyuhu waxay qaadayaan
Xashiishka qabiilku dhigay,
Dabayshu waxay qarjamin
Dhamaan dogobyada qalalay
Xalay qiiq baa ka baxay
Qadhoontu su’day ku tiil,
Mugdiga qolalkii ku yiil
Ilayska hirkaa qabsaday,
Siduu Haldhis maalmo qoray
‘’Miyaa sacab lagu qarshaa
Aroor qorraxdii mudh tidhi’’

Waxa Curiyay: Cali Ileeye
caliileeye@gmail.com
15/08/2016

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here