Wacdaraha Fanka iyo Waayaha Fannaanka: Binti Cumar Gacal (Q1aad) WQ: Maxamed Dhaaley

Binti Cumar Gacal waxa ay sanadkii 1960-kii ku dhalatay magaalada Gaalkacyo, gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Hooyadeed waxa ay ahayd Faaduma Shaakir Kulmiye, aabbaheedna Cumar Gacal Gurey oo ka tirsanaa qeybta Miyuusikada ee ciidamada Soomaaliyeed (Baambayda).

Binti waa ilmaha labaad ee u gu weyn caruurta ay aabbaheed iyo hooyadeed dhaleen. Iyada oo laba sano jirta ayaa loo soo wareejiyay Xamar, waxaa ayna qoyskeedu soo degeen xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi.

In kasta oo uu aabbaheed ku lug-lahaa howlaha Miyuusikada ee ciidamada, haddana sida fannaaniinta kale qaarkood, fanka Binti ma ahayn mid ay dhaxal ku heshay, mana jirin xiriir ka fog kaas aabbaheed ee miyuusikada ciidanka oo uu qoyskeedu la lahaa fanka iyo guud ahaan hal-abuurka kale ee ku xeeran.

Intii ay yarayd ayaa ay Binti Cumar isku-aragtay jacayl xoog leh oo ay u qabto fanka, waxaana marka ay howlaha guriga qabanayso dabeecad u ahayd in ay heesaha ka dhegeysato raadiyaha oo ka daba-qaaddo.

Aabbaheed ayaa ku dhiirrigelin jiray heesaha, mararka qaarna u garaaci jiray qalabka miyuusikada ee uu ciidamada kula shaqeeyo, si ay iyadana u heesto. Arrintaasna waxa ay ahayd mid ay hooyadeed aad u ga caroon jirtay, kuna canaan jirtay odayga in uusan gabadha barin heesaha oo ay hooyadu u arkeysay dhaqanxumo.

Hillaadda sanadkii 1977-kii ayaa Binti Cumar Gacal oo gabar yar ah, is la markaana waxbarashada heerka dhexe ka dhiganaysa Dugsiga Raage Ugaas ee degmada Waaberi, waxa ay ka qeybgashay tartan heesaha ah oo loo qabtay arday ka kala socotay qaar ka mid ah dugsiyadii berigaas caanka ahaa ee Muqdisho, sida; Raage Ugaas, 21-ka Oktoober, iyo 15-ka May.

Tartankan oo ay Binti Cumar Gacal kaalinta 1-aad ka gashay ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay arday dugsiyada kale ka socotay, oo qaarkood ay markii dambe noqdeen fannaaniin caan ah, sida; Sahra Abuukar Cabdi (Sahra-dawo), Xabiiba Xasan Tooxoow, Axmed Inshaar Cabdi (Olol), Cabdullaahi Shariif Baastoow iyo qaar kale. Waxaana ay Binti tartankan uga qeybgashay hees ay iyada iyo Axmed Inshaar Olol wada qaadeen oo  magaceeda uu ahaa “Arrin Ila gudboon” taas oo uu erayadeeda sameeyay hal-abuur magaciisa la oran jiray Cismaan Yuusuf Black, laxankana uu saaray fannaankii geeriyooday ee Maxamuud Goox Qarbooshoo berigaas ka tirsanaa dhallinyaradii Ubaxa Kacaanka* ee degmada Waaberi.

Markaas ay heesta ka qaadday Iskuulka ka dib, waxa ay Binti cadaadis ka la kulantay guriga oo qeyb waalidkeed ka mid ah ay fanka u diiddanaayeen, waxaana uu cadaadiskaas sababay in dhowr sano oo maalintaas ka dambeeyay Binti laga joojiyay dugsiga, si looga horjoogsado fursad kasta oo ay masraxyada fanka ku gaari karto. Hase ahaatee, taasi kama aysan reebin xaqiijinta hiigsigeedii ahaa in ay noqoto heesaa ay dadka Soomaaliyeed wada bartaan.

Maalin ka mid ah sanadkii 1980-kii ayaa ay Binti Cumar Gacal idaacadda ka dhegeysatay in uu jiro tartan ka dhacaya golihii murtida iyo madadaallada ee Tiyaatarka, kaas oo magaciisu ahaa “Tartanka Heesaha Hirgala” oo lagu kala xulanayay fannaaniinta cusub ee ku soo biireysa fanka Soomaalida. Tanina waxa ay u aragtay fursad muhiim ah oo ay rabitaankeedii faneed uga guul-gaari karto. Iyada oo  xayiraaddii guriga xaggiisa ka saarnayd aan u joojin ayaa ay si dhuumaaleysi ah ku soo beegsatay xaruntii Tiyaatarka, halkaas oo ay ka soo goobtay Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo berigii ay tartan-faneedka Iskuulka ku soo baxday ay is barteen, waxaana uu Singub ka caawiyay Binti in ay soo joogsato masraxii ugu weynaa fanka Soomaalida ee berigaas oo Tiyaatarka ahaa, halkaas oo ay maalintaas dhegaha dadka Soomaaliyeed ee heesaha jecel ku barteen codka macaan ee Binti oo illaa iyo maanta xiiso gaar ah loo qabo.

“Maalintii aan tartanka dugsiyada galay ee aan soo baxay ayaa Singub oo guddigii tartanka dhex-dhexaadinayay ii ballanqaaday in uu i caawin doono haddii aan rabo in aan fanka soo galo. Waxa uu Singub i yiri: mar walba oo aad garab iiga baahato iga soo raadi Tiyaatarka, halkas ayaa aan joogaa e” Sidaas ayaa ay tiri Binti oo aan bishii Ogos, 2016 gurigeeda ku wareystay, iyada oo caddeysay in guusha ay fanka ka gaartay ay abaalka ugu weyn uga heyso Singub iyo fannaanaddii caanka ahayd ee Khadiija Cabdillaahi Dalays oo labadu ba ahaa kuwii ay ka heshay gacan-siintii ay fanka ku soo gashay.

Heestii ugu horreysay ee ay tartanka Heesaha Hirgala uga qeybgasho Binti Cumar, oo ay kaalinta 1-aadna ku gasha, waxa ay ahayd “Haddaad moodday Aakhiro, inay ehelo leedahay”, heestaas oo uu erayadeeda sameeyay nin hal-abuur ahaa oo lagu magacaabo Axmed Aadan, kaas oo isla maalintaas ay Binti tartamaysa isagana Singub ugu yimid Tiyaatarka oo erayada heestan u dhiibay si uu u la hagaajiyo, maadaama isaguba, waa hal-abuurka e, uu markaas fanka ku cusbaa, sida ay Binti lafteedu wareysiga iigu sheegtay.

Waxaa isla tartanka ay Binti Cumar ka qeybgashay ku jiray oo sida iyada maalintaas uun  masraxyada fanka ku soo biiray; Muxuddiin Muggaani, iyo Bashiir Ibraahim Cabdi oo mar dambe ka mid noqday fannaaniintii kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Barnaamijka Heesaha Hirgala oo idaacadda laga sii deyn jiray awgiis, waxa ay Binti maalintaas ku soo noqotay gurigeeda oo reerkeeda iyo deriskuba ay bannaanka dhooban yihiin, iyadana sugayaan, maadaama ay lama filaan ku noqotay gabadhii yarayd ee ay garanayeen oo ka soo muuqatay masraxa ay dadku aadka u wada jecel yihiin iyada oo codkeeda macaan ku qushuuc galisay dhegeystayaashii goobta fadhiyay iyo dhammaan intii barnaamijka maalintaas ka la socotay idaacadda. Waxaana soo-shaac-baxa Binti uu sii huriyay ismaan-dhaafkii guriga ka jiray ee ku saabsanaa jacaylka ay gabadhan yari fanka u qabtay oo waalidkeed ay diidmo iyo doonis ka kala taagnaayeen.

Halkaas waxaa Binti Cumar Gacal uga billowday geeddi-nololeed fanneed oo ay u qalab-qaadatay, iyada oo gaadiid iyo sahay lagu guura ka dhiganaysa codkeeda jaad-gooniga ah ee durba u soo jeediyay dhegaha taageerayaasha heesaha, iyo weliba fagaaro-joogsigeeda muuqda oo xiisa ku kordhiyay fankeedan curdinka ah, si uu waqti yar gudihiisa sidii webi fatahay ugu faafo dhammaan dhulka Soomaalida iyo meel wal oo ay dad Soomaaliyeed joogaanba.

Arrinta kale ee fanka Binti nuxurka u yeelaysa waxa ay ahayd; iyada oo inta badan heesaha ay keydadka faneed ee Soomaalida ku soo biirisay ay ahaayeen kuwa ku saabsan garnaqsi caashaq iyo gocasho xannuun badan oo si dhab ah u quseysay nolosheeda qofeed. Heesahaasna waxa ay cid walba oo dhegeysata ku ganayeen gantaallo jacayl oo laabta gilgila.
Q1aad.
La soco qaybaha kale………………
Diyaariye: Maxamed Dhaaley
Muqdisho.

_______________

*Ubaxa Kacaanka waxa ay ahaayeen caruur yar yar oo uu gacanta ku haayay maamulkii milatariga ee dalka ka jiray, kuwaas oo dhexdooda laga xulan jiray kooxo heesaha ku wanaagsan oo ka qeybgala munaasabadaha muhiimka ah. Waxaana Ubaxa ka soo baxay fannaaniin caan ka noqotay dalka

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here