Sawirkii Qoomamada – Garaad Yoonis Gajoome

Garaad Yoonis

Sida ii caadada ahayd waan jeclaa marka aan guriga joogo ee aan xidhanahay dharka aadka iigu dhejisan in aan sawirro iskaga qaado, waliba qaarkood ay laabta qaawan yihiin. mararka qaarkood aniga oo baadka ku jira oo biyo dhex dabaalanaya ayaan isa sawiri jiray. Sawirro aan anigu ka qajili jiray in aan arko oo aan is daawado ayaan iska qaadi jiray. Walow aan aad isu cajabiyay –dan iyo yeelkeede, caado joogto ah ayay ii noqotay sawir iska qaadku.

Hadda uun baan dunidii dhabta ahayd soo galay, Facebook-ga ayaa ku faafin jiray sawiradayda kuwa ugu asturan, se ragga indhaha leebka ah leh la qaawan. Ma aan jeclayn in aan innamada la haasaawo, sababta oo ah diyaar uma ahay in aan guursado, xidhiidhka iyo jacaylkana waxa aan u haystay khuraafaad aan jirin.
Innamo aad u wanaagsan ayaa marka ay sawiradayda arkaan ii ducayn jiray, waxa ay ducadoodu u badnayn; ” Ishii ku aragtaa kuma cawrido” Anna waxoogaa af faranji iyo soomaali baan iskugu dhex dari jiray, markaa baan qaar fariimo gaar ah ii soo diri jireen, iyaga oo odhan jiray; Ma tii yarayd ee cadnaanadda ahayd baa.
Haa iyo maya toona maan odhan jirin, qaar ayaanan la hadli jirin oo aan iska waynayn jiray. Xataa qaar waxa ay gaadheen in ay iga caydhiyaan barkulanka aan asxaabta ku nahay .

Kannuud wuu keni adkaa, kolal badanna waan isa seegnay, sababta ugu waynayd ee aan isku seegnay ayaa ahayd ammaan aad u badan, haddana waan ku farxi jiray ammaantaas. Dhawr jeer baan u sheegay in aanu fartiintaa farriin ka danbaysa ii soo dirin oo uu iska kay daayo. Miyuu i daynayaa waxbaa lay saaree; waxba yaan hadal iyo hodhodho kugu daaline sidii uu iila soo hadlayey ayaan habeen iskula hadlay faraha. Khadkaa iga tagay waxa aan noqday cidla, ugu yaraan labaatan wiil baan kala hori jiray, caawa se iyagaan gartooda ku jiraa, oo waxa gartooda lagu qaadayaa damalka wayn ee qalbiga.
Dhawr jeer oo horaan isku idhi;” waxa aad noqonaysaa quruxdeeda ku qaddo” Waayo waxa an daawadaa sawirada aan iska qaaday, mar aniga oo jiifa mar aan taaganahay mar aan maydhanayo oo madaxa saabuun ku leeyahay, haddana, waxaas oo dhan waan is dhaga mariyey. Mar kale waxa aan isa soo hor dhigay in aan talada jaro oo aan caawa bilaabo xidhiidh, badda ay doonto ha ka cabtee.

Kannuud waa ka iigu soo noqnoqoshada badan, sababtuna waa farxaddiisa badan iyo xidhiidhka joogtada ah ee uu ila yeesho . Caawa waa in aan u bandhigaa in aan xidhiidh yeelannno. Waxa aan habeenkii oo dhan wada hadalnaba daqiiqadihii u danbeeyey waxa aanu wada go’aansannay in aan sidii hore wax ka bedelno oo kulanno iyo is xaalwaraysi aan iskaga war qabno.
Kannuud waxa uu ahaa wiil aad u jimicsada oo jidhkiisa kolka indhaha qac lagu siiyo ku soo jiidanaya quruxda uu u dhisay awgeed. Waxa uu ii soo diraa qaar ay muruqyada laabtu muuqdaa iyo lixda muruq ee caloosha; anna inta aan yara cadhoodo ayaan isaga ku idhaa ” walaal wax ma kugu aaminaa” Isaguna waxa uu ugu halceliyaa; ” Waayo sidee baanad iigu aaminayn sawniga ah qofkii aad dunida ka dooratay”. Inta aan intaa ku qancay baan u diray sawiradii aan daawashadooda la dhacsanaa, sawiradu waxa ay kala ahaayeen, mid aan xidhnaa keeshalay yar oo qafiif ah caarada naaska halkaa laga arkayey, walina aan qacantayda hoos ugu jiiday si inta sare ishu u qabato. Markii uu intaa arkay buu yidhi ” Qaali soo wad”.
Anna marka aan arkay in uu qancay baan kuwii baadka u diray, waxa ii dhar ahaa saabuunta xunbadeeda, qayb jidhka ka mid ahna way muuqataa. Ma tirin karo habeenkaa sawirada aan u diray.
Waagii kolka uu baryey dabeecaddii Kannuud sidii hore ma ahan, waa i jikarayaa, salaan badan malaha waxa uu ii sheegay in aan caawa la kulmo, anna waan ka yara dhaga adaygay.
Inta uu qosol ii soo diray buu hadal u eekaa; adiga oo addoon lagu moodo ayaad i hor iman ee maad ii iman. Anigu waan cadhooday oo waxa aan ku idhic; ” Ma kuu imanayo ee raalli ahow.”

Daqiiqado kooban awgeed ayaa Facebook kale la iga soo codsaday, waanan aqbalay, aniga oo la hadal ba ayaa lay soo diray dhawr sawir oo aan lahaa, kuwaas oo aan u diri jiray Kannuud se aan cid kale arag. Naxdin gariir iyo amakaag! Qosol dheer baaba la soo raaciyey, waan dareensanay in qofku yahay Kannuud.
– Kannuud maxaad sidaa u samaynaysaa?
– Ogolow in aan kulanno; haddii kale sawirrada ayaan faafinayaa anigan cid ima garanayso cidda lala yaabayaana waa adiga.
-Haye, waynu kulmaynaa, xaggeen kuugu imaaddaa.
-Suuqa iskugu keenkeen, guri cidla ah baan wada aadaynaaye.
-Haye walaal.

Waa sidii uu sheegay aniga oo addoon la moodo ayaan ka yeelay kulankii.
Habeenkii sida uu doono ayaa uu yeelay; si kaste uu iga codsado waan u yeelay. Habeenkaa niyad jabkii igu dhacay maan seexan , waxa aan is lahaa talow maad uu raysan isna ma kaa murmi oo ma ku diidi illeen waakan sawirada hayee.
Sidaa hawshii kuma ay joogsan isna dan igama laha, oo haddii uu illa soo hadlo naxdin awgeed baan hee walaal qaali kala hor boodaa. Haddii uu soo hadlo waayana waan faraxad aamusnaadaa.

Sawiradaydii ba inan aan toos isku garanayno oo aan magac dhabi karin baa ii soo diray, oo isaguna yidhi “Ballan ii qabo haddii kale waan soo bandhigayaa”
Haye, mooyee hadal kale ma leh, naftayda waxa ay leedahay; Badda caashaq een gudhi waadigan galay. Wiilkiina sidii kii hore yeelay buu yeelay. Haddana mid kalaa ii soo diray isna sidaa si le’eg. Maxaan talow galabsaday, raggu cadowsanaa mid naxayaa maanu jirin. Noloshaydii kolba kuray yar baa maamusha, anna ma ihi mid doorasho qof kula haasaawaysa. Illaa haddadaa aan wax qorayo qaar kalaa ii soo diraya. Nolol welwel leh baan ku jiraa. Noloshaa waxa i galiyey sawirrada aan iska qaadi jiray; waxa aan ogaaday waxa aad fasho uun baa noloahaada qaabeeya.

W/Q: Garaad Yoonis Gajoome
Muqdisho – Soomaaliya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here