Ha u Liicin Waayaha – Cali Ileeye

Ha u Liicin Waayaha

Magaca : Ha u liicin waayaha.
Curiyaha: Cali Ileeye.
Dulucda: Dhiirrigelin iyo dhab-ka-hadal.
Godka: Jiifto.
Xarafraaca : L.
Dhererka: 104 Meeris.
Aminta: 24 /3 /2017.

Odhaahda Curiyaha:

‘’Noloshu waa ay dhibaato badan tahay. Qofkasta wax baa culaysina oo maankiisa ka guuxaya. Qof baa dareemaya xanuun, qof baa cabsanaya, qof baa werweraya; uurkiisa qof kasta wax baa gubaya. Ma dareemayaan dadka kale waxa aad dareemayso adigu. Nuxurku ma aha in aad damqanayso, waa run waa aad dhibtoonaysaa, balse, dulucdu waa in aanad is-dhiibin. Ha u liicin waayaha, ee wax ka baro, oo mar labaad kac.’’

Lambarrada nasiibkaa
Laadhuudu may dhicin
Lixdi aan ka filayee
Mar labaad ku soo celi.
Ligan bay u jiiftaa!
Kacay ee baddaba laab.

Laydh baa ka timi Xamar
Leexaa i tidhi raac,
Bal ayaanka laalmaan
Lule dheer u doontoo
Lalabaan ku maqanee
Labiskayga ii keen.

Laqan baa mar hore yidhi
Qof labaatan jira iyo
Waqtigaa legdamayee
Ha u liicin waayaha.

Duq lugaynayaa galab
Baryo lawga ii dhigay,
Gacan inaan u laabiyo
Lacag baabu filayee
Liibaana baan idhi!

Way luudaysaayoo
Waxay liidataa daal,
Luuleey maxaa dhacay?!
Waxay tidhi luggooyada
Waxay tidhi layaab male!
Liibaan agoonkaan
Leeleel ku koriyaa
Liibiya ku galay socod.
Baddu way lur badan tahay
Hurdo kama ladee kow,
Soo noqona waa lacag
Hanti uuma dhaqan laba.

Hibo waxay i leedahay
Shan sannoo lingaxan kaan
Loof iyo ka sugay guur
Wuu lumiyay taladii
Ballantiina laablaab.

Cabdi luunka maalmaha
Laandeeraduu qabo
Lulo uma hawoodee
Noloshay is laayeen,
Oo laacdan maba karo.

Midba laylis gaaruu
Laasimay furfuristoo
Kala laabo noqonee
Ma laxaad mideysmaa
Lugahayga kuba yaal.

Lafta eyga haystaa
Leefleef ku filanyoo
Lahjadiisu fududdoo
Yeedhmada lulmanayee,
Laarriga ayaaamaha
Nin lacaafi sudhan tahay
Soo laaban maayee
Lab miyaad u tahay belo.

Dadka laba canleeyoow
Ma laxoox arooryaad
Lammo lamma u direysaa?

Laqwi heygu noqotee
Sheekhyahaw ladnaansaday
Ma miskiinka liitaad
Wedka ugu laqimeysaa
In cadaabku leeb yahay,
Fatwadaada lacagtaa
Tuugada ku soo leged.

Ubaxyahaw lulmanayee
Neecawda laacoow
Midabkaaga luulkey
Laabtaydu raacdee
Barinaye ma ladan tahay?

Wuxu yidhi lillaahiye
Luxud baan dul aallaa
Iyo loolli halisee
Ligligtaye i kaalmee.

Ifka labada gelinaa
Ladhkiciisu badanyee
Liibaani doonnee,
Luunkiyo dhibaatada
Ka ladaaban doonnee,
Lurka iyo xanuunada
Ka ladnaani doonnee,
Laajiga qaxoontiga
Laga laaban doonnee,
Qaxarkiyo luggooyada
Ka lib keeni doonnee,
Laabjeexa murugada
Dhan u laabi doonnee,
Laaluushka fadhatada
Kor u laadi doonnee,
Hanka laangadheeyiyo
Himilada lulootaay
Dib u laaci doontee,
Dadnimada la laayacay
Soo laaban doontee.

Qorraxyahay iftaay laac
Mugdi awdanoow liic,
Nin luloonayoow toos
Dibno libiqsadoow hadal,
Gacmo laabanoow fidi
Lugta joogsataay soco,
Laxaw kaydsanoow qarax
Qaranyahaw laxaadsaday
Soomaaliyeey libin.

Waxa tiriyay: Cali Sh.Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here