Habeenkii Inkaarnaa! – Garaad Yoonis Gajoome

Garaad Yoonis

Carraabe ayaan ku jiray markii ay dhibtu ila kulantay, waan dhayalsaday oo ku dhegay dhalanteedkii habeenkaa. Illayn kadeedka iyo dhibtu xilliga ay doonaan bay  soo dhashaan, waa habeenkaan xusuusta murugada leh helay. In ay tan oo kale i haleesho maan filayn, waligay waa habeenkii iigu horreeyey, waana habeenkii ii horseeday hoogga iyo jabka aan mari doono.

Sidii aan ku tashayaday waan beegsaday saaxiibkay si aan ugu shaxaad tago.  Isaga maalin dhawayd uun bay ka fuqday oo uu shaqo helay, waxa uuna wiilku ka shaqeynayey mid ka mid ah maqaaxiyaha caanka ah ee waddanka ku yaalla, kuwooda ugu heerka sarreeya. Maqaaxida waxa fadhiista uun inta jeebka fiican. Shaaheedu waa qaali oo ciddiba ma goyso qaali awgii, aniga se waa maalintii iigu horraysay halkan oo aan soo fadhiisto, waa maalintii aan macaankeeda arkay, wax aan aqoon iyo aragti midna ku arag!

Nin aan shaah jarayni sida caadada ah biyaha miiska yaalna waa fuuqsadaa, xaalkiisana waa layska yaqaane, inta aan kacay ayaan xaggaa xamaamka (musqusha) u luuday si aan u soo xaajo guto. Anigu ma ka la aqaanno musqusha tan dumarka iyo kan ragga toona, waayo, wax calaamad ah oo kala saarta ma aysan jirin. Iyada oo lay curjinayo ayaan  mushqushii dalaq idhi, shaw kii dumarka ayaaban daf idhi. Amakaag iyo yaab , waxaaba hortaagan gabadh qurux loo  dhammaystiray, oo sansaankeeda iila eegtahay in ay dibadda ka timid, wayba ka timide waxayna igu tidhi, “Walaal maad i caawin”. Si halhaleel leh baan u idhi ‘Haa, oo maxaan kuu qabtaa? “ Walaal Shalmadda ii yara qabo” Cajiib, udgoon badanaa. Sidaan u sirkhaamay ayey indhahayga ka aragtay in aan xaraarad bes ahay, qacanta eyey i qabatay oo waliba mac iga siisay oo i dhunkatay ,runtii waan dhallan-rogmay oo lay dhex qaaday.

Sidaan ugu siqaayey ayaan tudh siiyey iyo “aa, aa” inna gali suuliga haye soo soco waxaanu gelgelimaysannay suuliga oo qoyan dhexdiisa, shaw labadayada ba naf baa na haysay. Anigu  ma aqaanno sida hawl loo qabto waa maalintii iigu horraysay, waxaan noqday nacnac-qori ilmo yari wadwado. Meel aan joogo  is ma ogi se waxaan maqlayaa jibaadka iga baxaya, jidhkayga waxaa la moodaa in ood in la dhex jiidayo. Waxaan dareemayaa in woxoogaa harraad ihi i hayo, dibnaha ayaan kolba carrabka marinayaa si uu harraadku ii daayo, isla jeerkaana lugaha iyo badhidu miiq ayey iga yaraadeen. Mooyi firig-firigtaas ayaan hayaa, sidii wasdaad daallan ayaan “ax” intaan idhi kacay oo surwaalkii oo qoyan meel halkeer ah ka soo qaatay, niyadda se waxaan ka lahaa ‘yaa ku noqnoqda uun nimcadaa’. Waxay i waydiisay in aan sito wax ay igala soo xidhiidho, anna maya ayaan ku idhi si kadiso ah.

Daal iyo diihaal ayaan kax ahay, shaw inta ay lacag doollar ah soo saartay ayey igu tidhi “kaadh soo iibso oo illa soo xidhiidh, waxaan ka imid dibadda, muddo dhawr ahna waan joogaaye, ila soo xidhiidh walaal qaali”. Haye, aniga ayaa kula soo xidhiidhi ayaan ugu warceliyey. Luguhu waa i maro, itaal mahayo, waan qadhqadhyooday, talow ma itaal darraa, oo  dee saw naftii kugu jirtay qayb ka mid ahi kaa ma ay bixin. Waxaan aan sameeyey waan la yaabbanahay marna waxaan leeyahay alla yaa mar kale uun dib kuugu soo celiya, marna waan is qoomamaynayaa oo waxaan leeyahy maxaa gabadha kuu geeyay, walashaa maad jeceshay in sidaa lagu sameeyo, haddana qaybta difaaca ayaa i hadasha oo i tiraa walashaa hadday meel xun is dhigto iyada ayaa is dhigtay, istaaqfurullaah, iyo gabadhu waa gabadh aad u wacan.

Talow macaankaa aan iska dhex dabaashee ma iska guursadaa iyo wali maad gaadhin xilli guur, ee guur maxaad ku fali intaa iyo in ka badan waan ku duryamayaa.

Wiilkan u imidba intaan illaaway ayaan iska noqday illeen nin wax heleen baan ahaye,  waan iska hoyday. Subixii ayaan kallahay oon aaday  suuqa si aan u soo iibsado aleen (tilifoon), waan soo iibsaday, waxaaban ka dhigay shaqsigii koowaad ee aan kala hadlo aleenka . Sheeko macaan badan iyo habeenkii duqayntii dhacday ayaannu falaqaynnay, anna waxaan noqday nin galay yaxaas afkii. Ciyaartii labaad waxay ka dhacday meel kale, qol ay ku jirtay oo hudheelka  u dhawaa. Markaan dhammaystay ayey igu tidhi “Berri ayaan duulayaa ee waa innoo kulan danbe haddii aad sii noolaatid” eraygaa sii noolatid waan ka naxay, oo wadnahaa hoos ii go’ay. Waan iska soo baxay aniga oo dabayshu i sidato oo lugaha is dhaafdhaafinaya illeen nin la shubtay baan ahaye. Maalmo ka dib cunto waan ka soomay. Waxaan isku arkay oon badan. waan shakiyey. Talow maxaa kugu dhacay ayaan iskula sheekaystay, malaha gabadhii buu jacayl kuu hayaa.

Ayaan danbe aniga oo suuqa maraya ayaan dam idhi oon dhulka ku dhacay. buuqa ayaa soo batay, wiil ayaana i gartay oo xaafadayadii la hadlay. Xaafaddii oo xammaysan ayaa suuqii iga soo qaadday, dhaqtarka ayey  i geeyeen. Aniga miyrikaygu ma joogo; waa la i shaybaadhay oo waxaba la iga helay libaaxii (HVIDS) -Intaa waxba ma ogayn anigu- Xaafaddayadu way niyad jabtay oo waa la yaabay. Laba cisho ka dib ayaan indhaha kala qaaday, shaw waaba xaafaddii, dhammaan asxaabtii iyo carruurtayadii oo  iga dul barooranaya,  dhinacayga waxaa taalla kafan, acuudu billaah, talow maxaa dhacay, wiil aanu saaxiibbo dhaw ahayn oo Mursal lagu magacaabo ayaan ku idhi cod dinniiq ah “Maxaa dhacay oo lala ooyayaa?” Isaga oo dibnaha aayar kala qaadaya oo naxdini ka muuqato  ayuu iigu halceliyey: “Dhimasha ayaad qarka u saarantahay oo cudurkii halista ahaa ayaa lagaa helay,’’ codkiisu waa liitaa oo murug ayaa ka muuqata. Waan argagaxay, markii ayaa duni iigu danbaysay, mooyi meel aan ku sugnahay hadda.

Waan soo miiiraabay subixii danbe, oomato afkaa ma saaro , iskaba daaye saylloon ayaa la igu xidhay. Waxaa ii bilaabmay cidhiidhi nololeed, cidi ilama hadasho, dhawr cisho ka dib waxaa la I geeyey meel dadka cudurkaa qaba lagu xareeyo, nolol cidhiidhi ah ayaan galay. Cidla ayaan maalin oo dhan fadhiyaa, reerkayagii waa iga quustay oo dhegta waxay u taagayaan maalinta aan dhiman doono uun, anna laftarkaygu subax walba waan is hubiyaa in aan noolahay iyo in aan dhintay. Waxa aan codsaday dembidhaaf Alle. Waxa aan xaqiiqsaday in aan gefay anigana la igu gefay oo reerkayagii i fogeeyeen. Maalin kasta  naf geeri u taagan ayaan ahay, laakiin waan caafimaaday oo qof badqaba ayaan noqday laba sanno ka dib. Haddana wali ka maan helin bulshada soo dhawayn,  geyaankii waa iga yaacayaan. Cidla ayaan taaganahay, cid iyo ciirsiba waan wayey aniga oo caafimaad qaba. Maxaan galabsaday?! Allihii ii keenay baa iga qaaday cudurkiiye. Noqday qof xumaan ka dheer, noqday qof Alle dartii wax walba uga taga, noqday qof bulshada kaalin muhiim ah oo waayo-aragnimo xanbaarsan ugu jira. Waxaan noqday qof xumaanta soo arkay isla jeerkaasna uga diga dadka.

Hal habayn ayaan noloshaydii ku doorsaday, hal habeen ayaan geyaankay ku seegay, hal habeen ayaan galay nolol mugdi ah, hal habeen ayaan noqday mid xaaraan quuta kana shalleeya. Waxa uu ahaa habeen inkaaran.

Garaad Yoonis Gajoome
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here