I Saamaxa – Ramla Gobdoon

Ramla Gobdoon

Seddex sano iyo shan bilood ka hor, aroor la gu jiro bisha Abriil ayay ahayd. Dad intii jiifay ayaan u soo hor kacay, habeenkiina aniga ayaa u gu hurda yaraa. Waan faraxsanaa, dharar badanna waa uu i gu jiray. Ma sugi karin goorta la soo wada kacayo, ee aniga iyo kooxdii kale aan u dhaqaaqi lahayn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Waan faraxsanaa, waayo waan kaa soo dhoofayay. Haa, waxa aan ku faraxsanaa in aan kaa soo tago, oo aan waliba kaa dheeraado. Sidoo kale, waan xanuunsanaaa.

Wakhti aan xilligaa aad u ga fogayn ayay waxbarashadu ii dhammaatay. Waan niyadjabsanaa, niyadjabxun waliba. Waxa aan ka niyadjabsanaa dhibaatooyinka kaa dhexdhaca, ee qaraxa, dilka, shaqo la’aanta, cabsida, dayaca iyo in kale oo aan la soo koobin karin ay ka mid yihiin. Dadka oo aan is ku duubneen misna is colaadinaya ayaan dhibsanayay la jooggooda. Dhaqaatiirta isbitaallada joogta ee waxba ii tari waysay, i gu na daldala daawooyin kolka ay dhammaadaanba aanan ku raysan ayaan ka baxsanayay. Waxaan u soo xirirtay dhulshisheeye, oo aan garanayn waxa aan ka mutaysan doono. Hal mid ayaan se ogaa. In uu dhexjooggaaga ii dhaami doono. Hadafkaygu waxa uu ahaa, in aan fogaado oo aanan gadaal kuu soo jalleecin. Way dhacday taa, maanta se wax ayaa is ka baddalay.

Maanta oo ay afar sano ku dhowdahay, dib haddii aan u milicsado waan xasuusan karaa sidii uu dareenkaygu ahaa markii aan suunka diyaaradda xirtay. Waxa aan is ku dayay in aan is adkeeyo, balse uurka waan ka damqaday markii ay diyaaraddu kacday. Waan isa sii giijiyay, haddana kolkii aan jalleecay badda oo i ga hoosaysa ayaan mar kale damqaday. Waan caloolxumaaday. Magaaladii aan ku dhashay ee aan ku soo koray oo i ga hoosaysa ayaan arkay. Waan jiriricooday. Haddana waxa aan is tusay in ay tahay magaalada aan quusta u ga cararayo, ee aan jeclaysanayo in aan ka fogaado. Runta ayaa fiicane, indhahayga ayaan markiiba soo ceshtay, ka dibna daruurta ayay diyaaraddu dhexgashay.

Seddex sano iyo shan bilood ka dib, aragti kale ayaan dalkaygoow maanta kaa haystaa. Waxa aan qirayaa in aanan ku necbayn subixii aan kaa soo tagayay. Waxaa kale oo aan qirayaa, in aanan dalkaygoow kaa soo fogaan. Aniga oo haysta wixii aan soo raadiyay ayay haddana wax wayn i ga maqan yihiin. Waxaan ahay qof qalbigiisa ka soo tagay. Waxaan ahay qof kuu damqada, oo ay dartaa illintu u ga qubato kolka ay aragto dhibaatada dhexdaada wali ka taagan. Dalkaygoow is ka ma maqni, adiga ayaan kuu maqanahay. Dadkaygoow idinka ma cararin, ee cilmi ayaan soo doonay. Waxa aan ku maqanahay farsamo, xal iyo wax uun aan idiin soo kordhiyo. Waxa aan lee yahay hammi fog, oo in aan gaaro ay wakhti qaadanayso, duruufna ay ku xeeran tahay.

Dadkaygoow idinka oo gaajaysan ma dhargo. Dalkaygoow adiga oo holcaya ma seexdo habeen. Waxa aan lee yahay rejo. Waxa aan jeclahay in aan maalin uun waajibkayga guto. Dadka qaar waxa ay i gu yiraahdaan “soo laabo”, damiirkuna daw ayuu mararka qaar u arkaa. Waxa aan se ka xishoonayaa, in aan dalkaygoow iyo dadkaygoow idin ku la soo laabto faro-marnaan! Ma u qalantaan middaa, anna i ga ma istaahishaan. Haddii uu xaalku ka sii daro inta aan xalka ku maqanahay, oo ay horteey wax walba gacan ka baxaan, dalkaygoow iyo dadkaygoow i saamaxa!

 

Waxa Qortay: Ramla Gobdoon
Linköping – Sweden
Faca Cusub

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here