Gorfayn: Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika – Axmed Ibraahim Cawaale

Jaldiga Buugga

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika
(First Footsteps in East Africa)
Tarjumaddii iyo Tifaftirkii Boodhari Warsame
Soo saaraha: Loox Press (2015)
Tirada bogagga: 249
                                                                     Gorfayntii: Axmed Ibraahin Cawaale

Badhtamihii gu’gii 2014 ayaa ay ahayd mar uu Boodhari Warsame ila soo xidhiidhay, iina sheegay in uu ku guda jiro tarjumadda Buugga First Footsteps to East Africa ee uu qorey Richard Burton (1856). Markii uu sidaas ii sheegayey waa ay ii muuqatey baaxadda, mugga, adkaanta iyo murugsanaanta (complexity) mawduuca uu u ban baxay tarjumuhu.

Nuxurka Buugga iyo musdambeedkiisa

1849 ayaa ururka Royal Geographical Society iyaga oo kaashanaya Shirkaddii Ingiriiska ahayd ee Bariga Hindiya (British East India Company) garwaaqsadeen in loo baahan yahay sahan lagu ogaanayo kheyraadka dhulka Soomaalida. Bilow ahaan waxa 1850kii la diray nin Dr. Carter la odhon jiray oo maray dhul aan ka fogayn xeebaha waqooyiga. Ujeedka ugu weyni waxa uu ahaa in uu soo ururiyo xogo la xidhiidha diroonka iyo qaabdhismeedka dhulka (geology) ee dhulka xeebaha u dhexeeya Berbera ilaa Raas Xaafuun. Muddooyin ka horreeyey niman ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (Royal Navy) ka tirsanaa oo fadhigoodu ahaa Bumbay iyo Cadan ayaa iskood isu xilqaamey in ay sahamin ugu sameeyaan xeebaha waqooyi ee Soomaalida, iyaga oo raacaya saab xogururineed oo uu diyaariyay ururkii Royal Geographical Society, waxana ka mid ahaa Lafdhan Ethersey (1836), Frederick Forbes (1833), Charles Johston (1844), Lafdhan Cruttenden (1847) iqk.
Waxa se loo baahday in dhul ka fog xeebaha xogo laga soo ururiyo. Waana halkaas meesha uu ka soo galay Richard Burton. Shirkaddii Bariga Hindiya waxa ay ku howl gelisay Burton in uu sahan dhinacyo badan taabanaya ku sameeyo gudaha dhulka Soomaalida, isla markaana uu gaadho magaalada deyran ee Harar oo la sheegay in aan weligeed gaal caddi gelin.

Burton oo ahaa sahmiye, socdaalyahan iyo mustashriq[1] (orientalist), waxa qofnimadiisa lagu sifayn karaa mid is biimaynta jecel, uguna baxdo socdaalka iyo saldhigasho la’aantu. Xagga aqoonta afafka waxa la sheegaa in uu ku hadli jiray in ku dhow 29 af. Wax-soo-saarkiisa aqooneed waxa ka mid ah 43 qoraal oo ku saabsan sahamintiisii, iyo in ku dhow 30 tarjumadood, oo uu ku jiro Alf-layla wa layla (Kun Habeen iyo Habeen) nuqulkiisii asalka ahaa ee aan la tifaftirin iyo sidoo kale buugga Hindidii hore ka soo jeeda ee da’da weyn Kama Sutra. Burton, 1853kii, isaga oo iska dhigaya qof Muslin ah ayaa uu tegay Qaahira, Suweys, Makka iyo Madiina, kana qorey buugga la yidhaahdo Personal Narrative of a Pilgrimage to Mecca and Medina.

Buuggan uu Boodhari Warsame tarjumay waxa uu ku saabsan yahay socdaalkii Richard Burton ku sameeyay carriga Soomaalida, kana gaadhay magaalada Herer. Waxa uu Berri-Soomaal ka soo galay magaalada Saylac oo kolkaas uu maamulayey Xaaji Sharma’arke Cali Saalax. Waxa uu ku negaa dhowr iyo labaata cisho, ka hor intii uusan u ambabixin dhinaca Saylac.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 11 cutub oo kala ah sida: 1) Ka soo ambabixii Cadan 2) Nolosha Saylac 3) Tamashlihii agagaarka Saylac, 4) Soomaalida, Sinjigeeda iyo Dabeecadaheeda Gaarka ah, 5) Saylac iyo Buuraleyda, 6) Buuraha Saylac ilaa Banka Maraar, 7) Bancawska Maraar ilaa Harar, 8) Tobankii Maalmood ee Harar, 9) Harar ilaa Berbera, 10) Berbera iyo Agagaarkeeda, iyo 11) Dhacdadii Berbera iyo ku Laabashadii Cadan.
Aqoonta, fiirodheeraanta, u-dhabbogalka, waayo’aragnimada iyo dhiirranaanta Burton waxa ay horseedday in uu buuggu koobsado xog aad u qoto dheer oo ku saabsan nolosha dhaqandhaqaale ee Soomaalida. Si la mid ah, daraasayntiisii dabciga Soomaalida waxa ay dhalisay in taliskii Ingiriisku ka dhex helo tilmaamo ay ku tashan karaan, marka ay joogto la dhaqanka Soomaalida.

Xogaha buugga ku duugani waa dhinacyo badan yihiin. Waxa aad ka helaysaa faahfaahin ku saabsan Soomaalida iyo meel-kasoo-jeedkooda (sida uu Burton u arkayey), aftahannimadooda, dharxidhashadooda, qalabkooda dagaal, xiddigiska iyo cir’aanayska, abaansiga, ganacsigii addoomaha ee xilligaas gobolka ka jirey, iqk. Waxa kale oo buugga laga dhex heli karaa saansaanka deegaan – haddii ay tahay dhiroon iyo duurjoogba. Xogahaas kala duwani waxa ay akhristaha u noqon karaan aqoon guud, cilmi baadhahana xogogaalnimo iyo is-barbar-dhig wixii is-beddeley ilaa iminka.
Qodobbadaas aan soo sheegay ayaa saldhig u ah door-roonaanta ay leedahay in buuggan loo rogo Af Soomaali. Teeda kale, Richard Burton oo noolaa xilligii ay boqoraddii Victoria dalka Ingiriiska ka talinaysey, oo ahaa xilli ku suntanaa sahmin, diinfidin, daahfurro, horumar cilmi iyo wax soo saar wershadeysanba, waxa buugga laga dhex dheehan karaa saameynta ay dabciga Burton ku reebtay oo isugu jirta qabweyni iyo cunsurinimo. Si kasta arrinku ha ahaadee, sabab kale oo sii xoojinaysa baahida loo qabi karayey in buugga Af Soomaali loo rogaa, waxa ay tahay xaqiiqada ah uu Burton ahaa qof waageeni ah oo meel dhexdhexaad ah ka taagan arrimaha iyo qabaa’ilka Soomaalida. Taasina waxa ay kordhin kartaa kalsoonida lagu qabi karo xogta ku dhex jirta buugga si looga dhigto raadraac sugan.

Faallo ku saabsan tarjumadda buugga

Markeeda horeba in tarjumuhu/tifaftiruhu ku dhiirrado in uu tarjumo buug baaxaddan oo kale leh, ayaa ah arrin aan la dhayalsan karin. Waxa ay u baahan tahay isu diyaarin dhinacyo badan leh sida aqoon, ku dhiirasho, ka-go’naansho, iyo joogtayn. Tusaale ahaan, aqoonta qofka buuggan oo kale tarjumayaa waa in ay dhinacyo badan leedahay sida dhaqanka, xogogaalnimo guud oo ku saabsan dalka, dadka, dhirta, iyo noolaha kala duwan.
In akhristaha Soomaaliga ah ee jooga qarniga 21aad loo soo ban dhigo dhacdooyin 160 gu’ ka hor dhacey, oo lagu soo ururiyey ammintii koobnayd oo Burton ku dhex negaa Soomaalida, iyo in Af Ingiriisi uu fahmi karo, ama mararka qaar faro-ku-hadal wax lagu fahamsiin jiray, ma aha arrin dhib yar. Waxana ay taasi markhaati ka tahay dadaalka iyo aqoonta tarjumaha/tifatiraha saaxiibkeen (Boodhari Warsame).
Tarjumaha oo dadaal badan iska saaray in uu bayaamiyo qodobbo ama ereyo badan, waxa uu si la mid ah ugu dadaalay in uu kala ilaaliyo qoraalkiisa iyo qoraalkii Richard Burton. Sidaas aawadeed, wax-ku-darsiga Boodhari Warsame oo u dhigan qaab qoraalhoosaad (footnotes) ayaa geshiimo (entry) waliba gadaal ka wadataa xarafka (T) oo u taal “Tarjume”, halka mid kasta oo ka mid ah qoraalhoosaadka Burton uu xarafka “B”, oo u taal “Burton” uu gadaal kaga jiro.
Halkan yaaney igu seegin in aan xuso tayada iyo hodontinnimada Af Soomaali ee uu buuggu ku qoran yahay. Tarjumuhuna waa uu ku ammaanan yahay. Waxana uu buuggu ka qayb qaadan doonaa dib u howl gelinta ereyo u muuqday in ay sii galbanayeen.

Qodobbada aan u soo jeedinayo in uu tarjumuhii ku dari doono daabacaadda labaad ee buugga waxa ka mid ah kuwan:
– Si ay ugu fududaato cidda baadhis samaynaysa in ay si fudud u helaan xogo gaar ah oo buugga ku guda jira, waxa lagama maarmaan ah in tarjumuhu buugga u sameeyo Tuse (Index) – kaas oo tax ku samayn doonaa dhacdooyinka, magacyada, iyo meelaha ku xusan buugga iyo bogagga laga heli karo.
– In buugga lagu xoojiyo sawirro sida muuqaallada magaalooyinkii Saylac, Berbera, iyo Harar, xilligaas uu Burton booqday, sidoo kale maabab, iyo weliba qaar ka mid ah dadkii uu Burton xidhiidhka la yeeshay ama ku weheliyey socdaalkiisa.
– Daabacadaha Buugga Burton qaarkood, waxa gadaal kaga jira ama lifaaq u ah xasuusqorkii Lafdhan Speke (Lieutenant Speke’s Diary), oo ku saabsan socdaalkii uu Speke ku marey bariga Sanaag. Waxa xusid mudan in Burton iyo Speke ay qayb ka ahaayeen socdaal aan lagu guulaysan oo dhimasho iyo dhaawac weheliyey, oo kooxdiisii lagu weerarey duleedka Berbera 1955kii iyaga oo u jeeda in ay soo sahamiyaan meesha uu ka soo bilaabmo Webiga Niilka.

Ugu dambayn, waxa aan bogaadin la koobi karin u dirayaa Boodhari Warsame, waxqabadkaas qaayaha leh ee maktabadda Af Soomaaliga ku soo biirtay awgeed. Waxana aan ku boorinayaa cidda danaynaysa taariikhda carriga Soomaalida iyo si guud akhristeyaashuba in ay akhriyaan, kana bogtaan sooyaalkaas mugga weyn leh ee ku dhex jira baalasha buugga.

Waxa Qoray: Axmed Ibraahim Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Hargeysa – Soomaaliland.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here