Ilbiriqsigii Ilmada – Sakariye Cabdixaliim

Sakariye Cabdixaliim

Ilbiriqsi waa qaybta u gu yar waqtiga. Kabbasho biyaha ah iyo laqiddeeda ku ma filna. Magacu wuxuu ka yimi Il iyo biriqsi. Waa laba erey oo la isu geeyay. Waa isha iyo biriqsigeeda. Waa waqtiga yar ee ku jira inta ay ishu biriqsanayso. Waa waqti, midka u gu yar. Haddana waxaa jira howla intaas ka wayn oo uu ilbiriqsigaasi qaban karo. Dunida dhan ayaa uu rogi karaa. Meel qurux badnayd oo daawashada ku wacnayd, ayaa uu u rogi karaa, goob foolxun, oo eegmada indhuhu jeclaysanayn oo burbursan.

Ilbiriqsiyadu kala qurux badanaa! Kala xaalad duwanaa! Oo kala ayaan daranaa.
Kani waa illbiriqsi ka mida, ilbiriqsayadii u gu murugada badnaa ee soo mara ifkan aynu ku dul soconno. Waxaa uu ahaa ilbiriqsi markiisii hore nolosha si caadi ah ku socotay; baabuurta shaagga ayay rogayeen si ay laamiga u gu socdaan, luguhu waxay si nabada u qaadayeen tallaabooyinka, hawadu si wanaagsan bay u socotay, maqaayadaha waa laga cunteenayey, dukaamada iyo carwooyinka waxaa ka socday kala iibsashada agabyada meesha yiilay, askartu waxay kala hagayeen baabuurta, kaba caseeyaha, kabaha ayuu baalashayey, cadaylaha wuxuu xirxirmo u hagaajinayey cadayga miiska u saarnaa, hooyada caanaha iibinaysay, bacaha ayay caano ku shubaysay, gaari-gacanluhu alaab culus ayuu waday asagoo dhidid ka tif leeyahay, kirishbooyadu waxay ku qaylinayeen xaafadaha baabuurtooda u socdeen [Baar Ubax, Suuqa Xoolaha, Suuqa-Beerta, Xamarwayne]. Bajaajle daallan ayaa laamiga dhinaciisa qof uu qaado ku sug is lahaa. Cabbitaan iibiye gacmaha ku wada baco biyo qabaw ku jiraan, ayaa daaqaha baabuurta shacabka u ga dhiibayey. Oday waayeel ah iyo maamo carruur gacmaha haysa ayaa waddada goynayey. Farmashiye-iibiyaha dawooyin ayuu iibinayey. Dadwaynuhu hareeraha waddada ayay socdeen si nabada, jawigu sidaas buu ahaa, xasillooni iyo deganaan. Balse nasiibdarro isla ilbiriqsigaas gudihiisa, xaaladdii oo idil way is beddeshay. Hal mar ayaa dhawaq culus, oo dhul gariir la moodo yeeray. Gaari xamuul ah ayaa qarxay.

Waa ilbiriqsi ku dhawaad 300 oo qof hal mar naftu ka baxday, tira intaa ka badanna dhaawacmeen. Waa ilbiriqsi baabuurtii oo idil dhuxul noqdeen, dhismayaashii oo idilna dhulka ku darsameen. Waa ilbiriqsi dhiiggu laamiga sidii daadkii u gu qulqulay. Waa ilbiriqsi aggoomeeyay boqolaal carruuro Soomaaliyeed. Waa ilbiriqsi rajo ka dhigay carruur tira badan. Waa ilbiriqsi garoobeeyay haween badan oo Soomaaliyeed. Waa ilbiriqsi walaalo tiray wiilal iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed. Waa ilbiriqsi waalid badan carruur tiray. Waa ilbiriqsi saaxiibbo badan kala fogeeyay. Haa waa ilbiriqsigii ilmada. Waa ilbiriqsi guryo badan murugo u bilaabantay.

17 Oktoobar 2017.
Waxa qoray : Sakariye Cabdixaliim
Muqdisho – Soomaaliya.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here