Murti iyo Maan Gaaxday(1): Fardo Jeedal loo ma Qariyo – Maanmaal B. Gurxan

Qaryaan Maanmaal Buureed

— In kastoo midhaha laga sinmiyo, madasha luuqdeeda
— Murti baan ka reebaa hadha nigu, iyo maahmaahe
— Miisaan haddaan hadal lahayn, waa micno la’aane.
(Aadan Carab)


Ildo-Furka Qormada

Mahad oo dhan Allah raxmaanka ah ee awoodda badan bay u sugnaatay. Nebigeenii udgoonaana naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Qormadani waa qormada kowaad ee iridaha u furi doonta qormooyin taxane noqon doona oo la magacbaxay, “Murti iyo Maan-Gaaxday”, waxaan si guro-fog ugu manqaxi doonnaa macnaha murtida iyo murtimeerka ku duugan maahmaahyada Soomaaliga ah ee lagu dhafo gabayga. Dhammaan, maahmaahyada aan soo qaadan doono waa kuwa aan ka soo gol-dooxay gabayo ay tiriyeen halabuurrada sebenkan nool ee bulshada Soomaaliyeed u maansooda.

Dhudka Golnuugsiga Qormada
Qormadan kowaadi waxaan ku lafo-guri doonaa dhawr qodob oo kala ah:
•  Maahmaahdu waxa ay tahay.
•  Gabyaagu siduu ugu dhafo ama ugu milo maahmaahda.
•  Ujeedka gabyaagu uga golleeyahay maahmaahda uu ku dhafo gabaygiisa.
•  Manqaxa dhuuxiyo dheefta murtiyeed ay xambaarsan tahay maahmaahdan aan ku soo qaadan doono qormadan.


Waa Maxay Maahmaahdu?

Qeexidda Maanmaal Buureed Gurxan: Maah-maahdu waa murti ku seeman ereyo cuddoon oo leh hannaan iyo habdhac toolmoon; ereyadaas, oo ahna kuwo ku ruud-bireysan xog dhaboo soogan ama sarbeeban oo ku qotonta aqoon laga dhaxlay geedi socodka iyo gedgedoonka waayaha nolosha ee adduunyo. Maahmaahdu, waa xog aqooneed ku sar iyo jaan go’an waayo-aragnimo (Scientifically life experience) laga kasbaday la hardanka iyo ka miro-dhalinta isbed-bedelka hayaanka waayaha nolosha
ee maalintiyo habeenku ka adeegayo.

Isireynta Dhuuxa Ereyga Maahmaah

Maaddaamma aynu si dhab-taabbad ah (Scientifically life experience) u qeexnay waxa ay maahmaahdu tahay, waxa mar kale ila foollaadsanaatay in aan isireeyo ereyga maahmaah, si loo dhaado in ay maahmaahdu tahay aqoon dhaba oo laga soo guntay, geedi-socodka waayaha nolosha wixii laga dhaxlay.

Haddaba haddii aan u gudo-galo in aan isireeyo ereyga “maahmaah” sida uu u soo unkamay, waxa weeye; ereyga “maahmaah” waa erey ka soo isirmay afar qurub-erey, halka ereyga ugu dambeeya uu yahay mid badhkiis uu hunufiyey ku dhawaaqsita kala duwan ee soo martay carrabada kala tagnaa ee jiilba jiil kale u soo laaqibayey, badhkaas dhumayna waa erey-dhilifeedka ah “een”. Ereyguna waxa uu u soo uskamay sidatan:

Ma + ah (maxaa ayaa aan ahayn? Waxa laguu sheegayo ee lagugu jalbeebayo ee noloshaada hab iyo hannaan socodkeeda ku qotoma) + Ma + Aheen (ayaa aan ahayn mid aan jirin “ma aheen”) = Ma + Ah + Ma + Aheen = Maahmaaheen
Ma + Ah + Ma + Aheen = Maahmaaheen
Haddii aan ka reebno inta ah “een”
Waxa ay noqonaysaa:
Maahmaah
Astaamaha Maahmaahda
Inkasta oo aanan weli arag, kana dheegan dhigane ka hadlaya astaamaha dhudeed ay leedahay dhuux maahmaaheedku, haddana kuma aan hadhin inaan bal aniga laftaydu soo dhiraan-dhiriyo astaamaha lagu garto maahmaahda miigan eek u fadhida dhabnimada. Astaamaha ay maahmaahdu leedahay waxaa ka mida:
 Waa inay noqotaa mid ku dhidban tiraab laaxiboon oo aan mayacsiyo muraar lagu ogayn, oo murti ku qotonta oo si looshanoo dhugle loo dhaadi karo inay ku sariyo jaan go’an tahay dhabnimada.
 Waa in qayuurka midhaheedu yahay mid seemaya humaag maldahan ama muuq-baarixa oo uu qofku maankiisu gudoomi karo.
 Waa inay dhisan muceed leedahay ha ahaato mid u hidisan hab ah tiraabeed ama tixeed.

Maahmaah Ku Dhafida Maansada
Soomaalidu markay garamayso ama dooddaysaba sida lagu yaqaano ruuxa geed-joogga ama garyaqaanka geed ka hadalka dooddaaga ah, waxaa lagu gartaa inuu hadalkiisa ku gaasheeyo maahmaahiba maahmaahday ka qunuud, dhuuxiyo dhaadasho murtiyeed ka badan tahay; taana, wuxuu uga golleeyahay ujeeddada gartiisiiyo dooddiisa in inta loo riyaaqo madaxa loo ruxo oo laga rumaysto. Sidaas oo kale ayuu marmarka qaarkood halabuurka gaasabaxay wuxuu maahmaahda u adeegsadaa isagoo taa ka filanaaya, waa runtiis dadka kolba maansadiisa dhagaysanaaya inay yiraahdaan dabadeedna farriimihiisu maankooda ku raaqusaan ayna ku xasilaan.

Sida jirta, halabuurku maahmaahdii oo soogan tixihiisa kuma tidcee wuu laameerayoo farsameeyaa, waxa uu na sameeya:
 Inuu falkiyo oo uu furfuro oo dhuuxa iyo miidday xambaarsanayd ku gardaadiyo si laaxiboon oo aan muraar lagu ogayn ereyo maankiisa ka soo maaxday.
 Inuu golnuugsi si dulka xaadis ah ka hormaysiiyo, dabadeedna iyadii oo mutaxan oo sooganoo la dhaadsan yahay marag fur u wakiisho.

Maahmaahda, sideedaba, waa la kala adeegsan ogyahay oo gabyaaga taagtay ee qalambaawiga farshaxanka ahi maahmaahda ayuu tixihiisa ku malmali karaa, dabadeedna si guro-fog ha ba loogu fiirsadee waa la kala saari kari waayaa, markay waxaasoo midho hungumaaya oo idili ay noqdaan curis uu isagu hidiyey oo ka soo foofay maankiisa.

Haddaba, si ay taasi dhab ugu hilaacdo aan ku tusaaleeyo labaatan maahmaahood oo ku jira gabay uu tiriyey gabyaa sebenkan nool, maantana ah amaan-duulaha ciidanka Soomaalilaan, kuna magic-dheer JanaraalSaleeban Bare Geesood. Gabyaagan ayaa maahmaahyadan si looshan u adeegsaday ujeeddooyin kala duwan oo uu markaa hal-abuurku doonayey inuu bulshada u iftiimiyo aragti ahaan.

Maahmaah: Fardo Jeedal Looma Qariyo

Gabay waa hawraar-murtiyeed taxan oo ku dhidban meerisyo mid waliba u tidcan yahay laba qaar oo leh hab iyo hannaan toolmoon oo ku qotoma qaafiyad iyo halbeeg sugan. Gabaygu, qaran ahaan waa af, qoommiyad ahaan waa hawraartan, qabiil ahaan waa suugaan, qoys ahaan waa maanso, qof ahaanna waa gabay. Hadal ahaan, wuxuu kaga tagey wixii iska dheha (hadal) ah ee aan murti iyo miid manqax lahayn. Hawraarna wuxuu kaga tegey wixii aan hab-dhac iyo hannaan qaafiyadeed raacayn oo soobaan ah, sida: sheeko, khudbad, maqaal iyo majaajillo.

Suugaanna wuxuu kaga tagey muciyo dhumuc laaxiboon, qarriyo farshaxnimo.Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees).Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey murtimeernimo, mala’awaal iyo farshaxnimo.

Gabaygu waa boqorka maansada; waana midka afka dhisa ee ay maahmaahyadu inta badan ka soo dhanbalmaan.Haddaba, saan kor ku xusay qormadani oo noqon doonta ta kowaad ee qormooyinka taxanaha ee la magacbaxaya “Murti Iyo Maan Gaaxday”, waxaan halakan idiin ku soo gudbinayaa maahmaahda kowaad ee ku jirta gabay murti iyo maahmaahyo la isku dhafay ku dhisan oo ka kooban labaatan maahmaahood.

Gabaygani, waa mid u dhisan sida: gabayada loo tiriyo habka Abjayida ah ee xaraf-tuduc ku meerida kala xaraf duwanka ah. Gabaygan 15kii bishii sabuux ee gu’gii 2004, ayuu tiriyey Abwaan G. Saleebaan Barre Geesood, isaga oo, maahmaahyo Soomaaliyeed u rogay gabay, markaas oo uu abwaanku joogo degmada Xuddun ee degmada Laas-caanood. Waxuu abwaanku adeegsaday hibada eebbe ku ilhaameeyey ee gabyaannimada; isagoo, dhuuxiyo dheefta murtimeernimo ee ku duugan maahmaahda ku tibaaxaaya qaab gabay.Aan u horeysiiyo maahmaahda caanka ee ay soomaalidu dhahdo fardo jeedal looma qariyo.

Intaan duxda iyo macnaha maahmaahda ku jira aan lafogurin, waxaa ila quman inaan bal aan si waafiya u manqaxo dareenka xooggan ee sare ee ay farduhu leeyihiin hadday xagga: maqalka, urinta ama aragga.


Heerka Wax-Urineed Ee Fardaha

Farduhu waxay leeyihiin dareen wax urineed oo ka wanaagsan kan aadanaha aanse gaadh siisnayn kan ayda; waxayna leeyihiin laba nooc oo ay wax ku uriyaan, kuwaa oo kala ah: labada dul ee sanka iyo waxa loo yaqaan nasal cavity the Vomeronasal organs ama Jacobson’s organs, kuwaas oo ka duwan dariiqa nerve ee ku xidhan maskaxda loona yaqaan pheromones, iyaga oo ku kala sooca urta kala duduwan. Sayidku maruu ka hadlayey marka quudku ka raago sida cajiibka ee ay wax u uriyaan ee ay iyagoo sanka la soo raacaya u aadaan halka uu yaallo wixii loogu talagalay ee la siin lahaa, wuxuuna yiri:
**Markii quudku ka raago, amuu raashin waayo
**Waabka waa ka rigtaaye, Alley ruus jecelaa!
**Markii raatibku yeero, amaan oodda ka riixo
**Riyaaquu gurxamaayoo, Alley reen kululaa!

Heerka Wax-Maqal Ee Fardaha
Farduhu waxay leeyihiin maqal aad u fiican waxayna carjawda dhegtoodu wareegi kartaa xagal 180°, waxayna labada dhegood maqli karaan 360° iyagoo aan madaxa wareejin sanqadhaha qaarkood waxay fardaha ku abuuraan werwer ama waxa looyaqaan stress.Had iyo goor farduhu waxay la socdaan waxa agtooda ka dhacaya.

Ninkii dhaqday oo guluf dulaan waayo badan ku galay baa yaqaane, Sayid Muxammed oo sida la isku raacay lagu sheegay inaannu jirin Soomaali qof ka dhashayoo uga aqoon iyo khibrad badnaa, maqalkooda sarreeya maruu ku tibaaxayey geeraaradiisi cuddoonaa ee uu fardaha ku ammaani jiray, watuu meerisyada laaxiboon ku lahaa:-

**Hadduu qaylo kallaaxa, kaliifkeeda dareeroo
**Dheguhuu kilkilaayo, kitaab baalle miyaa?!!

Mar kalena waatuu lahaa:

**Kalaalaa shirameedkuu, nin karmeedka maqlaayoo
**Kalaakalkiisiyo sowdkuu, kasayaayoo gartaa!!

Heerka Wax-Arag Ee Fardaha
Farduhu waxay leeyihiin aragti wacan oo hortooda iyo geesahooda ah; farduhu waxay leeyihiin fogaan arag ka badan 350°, oo ah ku dhowaad 65° waxa loo yaqaan binocular vision inta soo hadhayna waa 285°monocular vision; farduhu waxay leeyihiin fogaan arag maalintii ah iyo mid habeenkii ah.

Darwiish Sayid Muxamedna maruu kaga hadlayey geeraradiisi cuddoonaa arag dheerida indhaha ee fardaha waa tuu lahaa:-
**Aragguu wax ku dhowro, wiriqdiisii bu’diisiyo
**Indhuhuu ka wacsiiyo, Ma hillaac walaclaa!
**Shimbiraa wiriftoodiyo, walax meel ka dhaqaaqday
**Wirwiir buu ku arkaaye, ma damuumis walaa!

Haddaba, maadaama ay farduhu yihiin kuwo sidaa dareenkoodu u sareeyo waa ay garan og yihiin waxkasta oo la soo gudboonaada, haday tahay: wax dhaqaaqa, ura, ama ka jabaqdhama agtooda. Sidaa daraadeed, farduhu jeedal laga ma qarin karo markaad soo wado ee aad rabto inaad ku hawaarisana ayuu sii boodayaa ama karaayaa oo wuu yaqaannaa, haddaad sidatana kama qarsan kartid oo saan tibaaxayna farasku waa waxa ugu dhiifoon noolaha.

Faraska markaad saaran tahay waa mid la socda xaaladaada, sababtu ay tahay xataa ninka saaran in cadaw meelahan ku jiro wuu u sheegaa, sidaas baanan faraska waxba loogu qarin karin oo uu yahay mid dareenkiisu sareeyo. Sayidku maruu ka hadlayey marku jeedalka u taago ee uu ku hawaariyo na waatuu lahaa:
**Haddaan jeedal la hiilay, ku hawaarsho sintiisa
**Hatatoobsiga boodda, ma aar soo hig yiraa!

Sheeko Dhab Ahoo Ku Saabsan Dareen Sarreynta Fardaha

Feejignaanta iyo dareen sarreynta fardaha haddaan tusaalle irmaan idiinku manqaxo, waxaa inaga filan sheekadan gaaban.Waxaa la yiri Cali Dhuux maalintii uu ka goosanayey Taleex, ayuu wuxuu soo maray daawad, dabadeed, intuu gabay ka tiriyo ayuu ka dhaqaaqayaa.Cali wuxuu markaas watay faras qoobyar (suunaari) baroor ah; waxaana faraskaas la odhan jiray shaywaal, waana faraskuu odhan jiray “sheekadayda malaha waad haysaan, anigiyo shaywaale”.

Cali dhuux, markuu dhaqaaqay ee uu xarunta daraawiisheed (Taleex) ka soo tagay, waxaa dhacday Sayid Muxamed Cabdulle Xasaninuu ka dabo diray ciidan soo qabta Cali Dhuux.Sida sooyaalkeennuna ku xusan Sayidka oo ahaa nin aad u yaqaana dabeecadaha iyo dareenka sare iyo feejignaanta ay leeyihiin fardaha, ayaa ciidankii u harareentay inay Cali soo qabtaan la sii dardaarmay oo wuxuu sii siiyey talo ku saabsan tabiyo xeeladaha ee feejignaanta iyo dareenka sare ee farduhu leeyihiin iyo sida ay u qaban lahaayeen Cali. Wuxuuna Sayidku cidanka ku yiri “ninku haradigeed buu tagaya ee ha baacsanina, ee halkaa ka boodda cagaar-weyne iyo xagaa mara, harrada Harrodigeedna baad ku sugaysaan, waayo, wuu leexanayaa oo dhinacaa iyo Buuhoodle ayuu sii marayaa”. Wuxuu intaas u sii raaciyey oo Sayidku yiri “markuu labo jeer faraska harrada ku wareejiyo ee uu faraska ka dego isagu cabo, ee uu faraska intuu kooraha ka roggo ee farasku cabayo, qabta, inta ka horraysana ma qaban kartaane sidaas sameeya”.

Ciidankii intay samicnaa wa adacnaa ustaad ay dheheen bay dhaqaaqeen.
Cali Dhuux nin guluf-wade oo waayo badan faras ku gulfayey buu ahaaye, markuu Harrodigeed gaadhay ayuu faraskii labo jeer ku wareejiyey harrada. Cajiib ur fardood ama wax kale oo urtoodu soo sulaacayso uriyaa, amase kaliif jabaqeed maqlayaa ileen wax uma muuqdaane, say ahaataba waxaa dhacday faraskii Cali saarnaa inuu dareemay fardo kale inay aaga ku jiraan, bal se Cali Dhuux isagu aanu arkaynin dhaadsanayna in jabadyada iyo dhirta ku meegaaran harrada mar hore loogu sii galay.

Farasku isaga oo raba inuu Cali usheego in aagan lagu weheliyo oo ay meelahakani cid joogto, wuxuu bilaabay inuu gurxamo oo dananno, oo uu kabtiyo kafkaf isku daro.Dareen Cali in meesha lagu jiro, isagoo ka dabqaatay xogtii digniinta ahayd ee farasku u daalacay, mana sugine horuu cagta kaga sii dhuftay oo uu ka siidaayey isaga iyo baalgoraylihiisii Shaywaale ahaa.

Waxay sheekadan gaabani inooga marag kacaysaa dareen sarreyntiyo dhiifoonaanta farduhu leeyihiin, iyo inaan wax agtooda ka mirif yiraah ka qarsoomayn iskaba daa jeedal in yar kor loo qaado iyadoo la rabo in la huwiyo.

Manqaxa Macnaha iyo Ujeedka Maahmaahda Ku Duugan

Biyo dhaca iyo miidda ujeed ee maahmaahda ku dhidban haddii an saafo oo aan ku dulqotomiyo xagga nolosho aadanaha, waxay noqonaysa qofka indheer garad ahi inuu korkiisu yahay wado indho oo aan wax sir iyo degitaan ku shaklan yahay aan loo salsalaabi karin oo uu garanayo. Tusaale ahaan ruuxa waayeelka waxgaradka ahi ee waayo badan u soo joogay waxyaalo badan uu ogaaday togantiyo taban ba waxay noqon doonto natiijadoodu, haddii maanta lays yiraah ha loo maleego, waxaa dhacaysa inuu ka sii gaashanto oo aan lagu degikarin, ama aan hab kale loogu soohi karin.

Sidaa daraadeed baan ruuxa waayeelka waxgaradka ah loogu qarin karin wax sira oo waa siri daari. Abwaan Saleebaan Bare Geesood isagoo maahmaahdaas ku dhafay meerisyo qurrux badan iyo midho maankiisa ka soo maaxday, wuxu yiri:
— Waxa hadalka loo sogordaha, sebi an weynayne
— Siqiir iyo haween baa murtida, sahal u dhaaftaaye
— Nin sideetan jirey laguma xado, sawdka maansade
— Surma seegtadiyo laaxinku sahal u sheegaaye
— Sangena wuxu gartaa gacan, markaad sare u taagtaye

Tixraac

1. Maanmaan Buureed Gurxan (2014). Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman “Suugaanta
Fardaha”.http://xikmadmaal.blogspot.com/2014/11/hal-abuurkii-soomaaliyeed-welima_27.html?m=1
2. Axmed Faarax Idaajaa. Barnaajimka Hiddiyo Dhaqanka. Voa
3. Axmed F. Cali “Idaajaa” (2002). Aadan-Carab Yuusuf Axmed (Aadan-Carab,
Maansoyahannadii hore kii u dambeeyey.
4.Ibraahin Yuusuf Axmed – Hawd. Maqaal “Waa Maxay Gabay”.
http://calitiriig.tripod.com/kusoodhawaawqaybtasuugaantaeecalitiriigonline/waamaxaygabay.htm

W/Q: Guddoomiyaha Akaaddemiyada Cakaara
Maanmaal Buureed Gurxan
Maanmaalgurxan@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here