Xaqiiqada Shirkii Burco – Maanmaal Buureed Gurxan

Qaryaan Maanmaal Buureed

Xaqiiqada Shirkii Burco 1991-kii Ee Loo Tixraaco Yagleelka Somaliland

Ø Adigoo xishood iyo aqoon xaakin ku ahaaday
Ø Haddii xalay waxaasaad fashiyo xumo laguu sheegto
Ø Xanta iyo badheedhkaba haddii lagugu xayd-xaydo
Ø Xujada waa furaa kii ogaa xaal siduu yahaye.

Ibo-furka Qormada

Bulsho kastaa ba marka ay doonayso in ay qaado toobiyaha ku tubban waddada toosan ee guusha iyo gobanimada lagu hanto, waxaa habboon oo qumman in ay dib ugu laabtaan iska na soo raad-qaadsiiyaan sooyaalkoodii hore wixii uu soo meeray. Si ay libinta u libirsadaan ladnaanna ugu leddaan, waxaa lama-huraan ah in ay si dhinmirsan oo degan u gorfeeyaan u na lafo-guraan wixii keenay arbushka sirgacan iyo gunnimadan ku qandooda, iyo halka ay ka qudhantay taladan u galgaal bixi kari la’.

Hubanti weeye, talada aan si madax bannaan oo wada-jir ah loo miyirin ay maroorsamayso. Hadda ba bulshadeenna Soomaaliyeed, waxa aad og tihiin in ay 36 gu’ ay ku soo jirtay xaalad burbur, belo kicis iyo bayhoof ah. Waa mid aad ka dheregsan tihiin 36-daas sanno in ay ahayd dad ku heshiin waayey in ay gaadhaan talo waarta oo aayahooda u toosisa.

Jaalle hadda ba xaaladdaas aynu ku jirnay soddon iyo jarjarkaas sanno, waxa aan ugu yeedhay “Diyowgii Dadka Soomaaliyeed”.
Dadkeennu waxa uu ka dhigan yahay qof madaxa ay kaga taalo “doog” oo isaga oo diyowsan weliba gudaya habeen gudcura, kaas oo marba isku qaadaya waddooyin toore iyo falfallo ah oo ay jiifaan halaqyo marka uu arko hadda na dib uga soo laabanaya, oo hadda na isku qaadaya tub qarraxyo lagu aasay, oo marka ay halkaasi na ku qarxadana hadda na dib uga soo cararaya.

Qofku marka uu xaalkiisu noocaas noqdo waxaa foollaadsan inuu yara jiifsado si uu u miyirsado oo uu uga baxo xaaladdan diyowga ah, dabadeedna uu kaco xilliga waa-berigu soo dhaw yahay ah ee xilliga loo yaqaan “jiidhka”. Goortaasna waxa toobboon inuu hareerahiisa eego, sida oo kale na cirka jaleeco isaga oo dhaagaya xiddigaha xilligaas soo baxa ee ay ka mid tahay “xiddigta waaberi”. Intaas marka uu sameeyana waa inuu raadkiisi hore dib u soo raacaa oo uu soo saxdaa halka uu dawgiisu ku tubbanaa si uu u gaaro bartii uu u socday.

Hadda ba dadkeenna Soomaaliyeed oo ka dhigan qofkaas diyowsan ee gudcurka damta ah gudaya, waxa habboon in la miyirsado oo dib la isugu laabto, iyada oo labo dhinac (arrinta waqooyiga Soomaaliyeed “Somaliland” iyo midnimada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliyeed) loo dhugmo yeelanayo.

Waa marag-ma-doonto in laga gudbayo arrintan diyowga ah iyo xadhkaha uu cadowga Soomaaliyeed inoo gamaamadayo.

–Gudcur raadki guuraha ku lumey waaga galacdiisa

–Gadaal subaxi waw goobi jirey ruuxa gurayaaye
–Xadhka gunudka waa laga gayoon ay gammaamadiye..(Dhoodaan).

Jaalle qormadani waa mid aan kugu seemi doono xog aadan hore u hayn, waa na mid aan kaa soo raad-qaadsiin doono guyaal tegay halka ay ka soo dalagantay xaaladdeennan maanta cawajsan.

Golnuugsiga Qormada

Hubaal weeye in dhacdooyinka aadanaha siyaalo kala duwan ay u gaadhaan dad kala duwan, waqtiyo kala geddisan. Waxa aan soo ban-dhigayaa weji aan hore loo faafin, oo ay goob-joogayaal shirkii Burco May 1991-kii iigu xaqiijiyeen. Waxa aynu in badan maqalnaa shir beeleedkii Burco, ee beelaha reer Waqooyigu ku aasaaseen Somaliland, bal se’ wixii dhacay ee dhab ahaan aan looga dhergin ayaa aan waqti dheer iyo xog uruurin cilmiyeed ku soo koobay labadii dharaarood ee shir-weynahaas loo nisbeenayey. Uma jeedo durriin iyo mucaaradad midnaba, hase-ahaate waxaa xaqiiqadan soo socota ee maanta soo baxday marag looga heli karaa intooda maanta nool ee ahaa ka qayb-galayaashii kulankii Burco.

Ma qummana in qiiro iyo rabitaan qudheed lagu cabbiro dhabta dhacdooyinka waayaha, waxaa se’ si weyn loo faafiyey xogo aan runta ku qotomin, kuwaas oo buuxiyey kaalmihii iyo dareenadii dadka aan goob-joogga iyo xogo-ogaalka midna ahayn. Bal qiyaas beelo waaweyn iyo jabhad weyn oo maalmo ka hor colaadi ka dhex oognayd inay labo maalmood oo keliya, weliba gelin hore ku gunaanadi karaan is af-garad, wada hadal, heshiisyo iyo dawlad-wadaag tiiyoo aan loo marin maamul u dhexeeya ama ay ku wada jiraan xubno dadyowga kala duwan ahi, oo loo doorto xog-hayno iyo shir-guddoonno hannaaniya hab u socodka talo wadaag yeesha xeerar iyo tixraacyo, oo faallooyinka hir-gelay ku ambaqaadmi kara.

Ha inoo dambeyso dareennadii iyo go’aannadii beelaha kala oodda iyo siyaasadda ahaa, ee bariga, badhtamaha iyo galbeedka isaga yimi iyo xaqiiqooyinkoodii dharaarahaas, bal se’ aan si qeexan oo qayaxan oo run ah oo aan cidina dafiri karin bal aan idiinku jalbeebo taxanihii kulankaas Burco iyo wejigiisii dhabta ahaa.

Habkii Uu U Dhacay Shirkii Burco Ee May, 1991-kii

Waa guriga qaranka ee Burco (State House), waxa ka muuqda burbur weyn, dayrkiisa ayaa habeenkii furshaan loo dhigaa, ergooyinka ka kala yimi waqooyiga oo idil, kuwaas oo ay ku jiraan isimada iyo salaadiintuba. Waa mugdi oo meeshu koronto ma laha. Waxa laga saaray ergo uu watay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka koobnaa 35 xubnood. Waxa lagu duray in ay ka soo jeeddaan hadhaagii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa na taas ku qancayey SNM-ta oo meesha maamulaysey, xubno ay gacan saar hore la lahaayeen oo reer Sool ah oo mucaaradkii dawladda ka mid ahaan jiray.

Arbacadii saddexdii May 1991-kii, waxaa guriga martida loogu yimi oo gaadhi lagaga qaaday toban xubnood oo reer Sool ah, kuwaas oo ahaa garabkii ay SNM gacan saarka lahayd, waxaa na la geeyey guri buundada u dhow oo ku naban daarta loo yaqaan Ina Qulumbe. Isla daartaas waxa ku sugnaa odayaal kala metelayey beelaha Ciise, Gedabuursi, Warsengeli, iyo qolo sheeganaysay guurtida reer Shiikh Isxaaq, guurtidaas oo ahayd gole-siyaasaddeed beeleed oo ay jabhaddii SNM ay ku soo dhistay dhulkii Itoobiya ee ay jabhaddu ku sugnaan jirtay.

Waa sidaas e’, daarta hoolkeeda weyn, waxa dhex-yaalay labo jawaan oo qaadka hereriga ah. Kaftan iyo haasaawe gacaltooyo oo tuuro-tuuro gooyo ah, markii la isku jalbeebay, ayaa cabbaar ka dib waxa shirkii furay raggii ahaa guurtida Isaaq. Waxa ay sheegeen in shirkii Febraayo 1991-kii ee Berbera ee Guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu la yeeshay ergooyinkii koob-koobnaa ee ka kala socday beelaha reer Waqooyiga kale ah, kaas oo la isku raacay afar iyo toban qodob, oo midkii ugu muhiimsanaa uu ahaa; “in dib loogu noqdo axdigii midawga Soomaaliyeed ee 1960-kii (taas oo macnaheedu ahayd in awood qaybsi lala galo koonfur)”. Hadda ba waxa ay sheegeen in shirkaas ka dib ay Hargeysa kulan reer Shiikh Isxaaq u gaar ah ay ku soo qaateen, kaas oo ay ka soo baxeen go’aannno ay ka mid yihiin:

1- In lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.
2- In dawladda cusub lagu maamulo shareecada Islaamka.
3- In si caddaalad ah loo qaybsado golayaasha dawladda.

Saddexdaas qodob ayaa ay Guurtidii Reer Shiikh Isxaaq ka codsadeen in beelahan kale ay la qaataan ku na raacaan go’aannadaas.

Haddaba maalintaas waxaa magaalada Burco ku sugnaa ergooyin tiradoodu boqol xubnood ku dhowdahay oo ka tirsan beesha Dhulbahante, kuwaas oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Waxaa na ergadaas ku jiray labo garaad oo ah; isimada ugu faca-weyn sooyaalka talada Dhulbahante. Hase-yeeshee tobanka xubnood ee galabtaas laga soo kexeeyey aqalka martida, waxa ku jiray saddex caaqil, labo dhallinyaro ah iyo shan nin garbeedda oo kale, waxa ay na kala ahaayeen:

1- Caaqil Axmed Xirsi Cawl
2- Caaqil Askar Jaamac Yuusuf
3- Samadoon Cawil Xirsi Ciise (Cawil-toodho)
4- Gaashaanle Sare Abshir Saalax Maxamed (ammintaas Garaad ma uu ahayn)
5- Xaaji Cabdi Maxamuud Cabdi (Cabdi-sholoh)
6- Hurre Barre Dirir
7- Shiikh Daahir Xaaji Xasan
8- Cabdi Xasan Dawaarre (Ina Xasan Caamiye)
9-Maxamed Iimaan Maxamed (Baal Cirro) iyo
10- Xasan Cali Jaamac

Tobankan xubnood ayaa sagaalka hore ka soo-jeedaan beelaha Faarax iyo Maxamuud Garaad, halka ninka ugu dambeeya uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo-jeeday beesha Hayaag, waxa uu na ahaa ninka keliya ee beelaha Baho Nugaaleed ka fadhiyey madashaas.
Shiikh Daahir Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobankii oday ee Dhulbahante ayaa hadalkii qaatay, waxa uu na xusay in qodobbadani ay yihiin kuwii ku habboonnaa in shir-weynaha Sabtida furmi doona lagaga hadlo ayna awoood u lahayn inta madasha joogta in ay go’aannadaa masiiriga ah wax ka yidhaahdaan. Hase-ahaate, xubnihii reer Awdal ee kulankaa qayilaadda ah goob-joogga ka ahaa waa ay taageereen. Qoladii warsangeli waxa ay yidhaahdeen waftigayagii ma dhamma, xaajadanna waxa aan ku simaynaa wakil suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aan markaa kulanka fadhiyin, laakiin isla xilligaas ku sugnaa magaalada Burco.

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac isna waxa uu degganaa guri u dhow midka Ismaaciil Suldaan oo Bariga Burco ku yaal. Ergadii Garaad Saleebaan oo isimka iyo cuqaashu waxa ay ku sugnaayeen guriga Cabdi Shaybe oo laamiga badhtamaha saaran, ergada inteeda kale na, waxa qaabilay beesha Aadan Madoobe.

Waftiga badan ee Dhulbahante ee uu watay Garaad Cabdiqani oo u badnaa mucaaradkii dawladda ka koobnaa 73 xubnood waxa ay degganaayeen hudheelka Ina Faarax Gawe ee saldhigga booliiska u dhow, kaas oo qudhiisa burbursanaa dedkiisuna uu ahaa shiraacyo. Isla arbacadaa waxaa beyaan qeexaya mawqifka Harti waqooyi (Dhulbahante iyo Warsangeli) soo saaray toddoba xubnood oo ay ka mid ahaayeen:

1- Pro. Cali Khaliif Galeydh
2- Xeeryaqaan Muuse Xaaji Diiriye (Muuse Idaar)
3- Baayar Mahdi Ducaale iyo xubno kale.

Fiidnimadii ayaa qoraalkaas midba aqalkiisa lagaga soo saxeexay labada Garaad ee Dhulbahante iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli oo aynu magacyadoooda kor ku soo xusnay. Shaqadan midaynta mawqifka Hartiga Burco, waxa u hawl-galay Ilaah ha u naxariiste Yaasiin Axmed Xaaji Nuur oo Dhulbahante ahaa, xubinna ka ahaa golaha dhexe ee SNM, isaga oo isla arbacadaa ka soo galay safar uu kaga yimid Dirir-dhabe.
Hase-ahaate maxaa dhacay subaxii sabtidii la sugayey? Waxaa dhismaha go’an ee Guriga Martida ganjeelada saaran ee bartamaha Bariga, ayaa barendaddiisa oo galbeedka u jeedda kuraasi loo dhigay guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Tuur iyo ku-xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac. Codbaahiye ahaa nooca beetariga ku shaqeeya oo ahaa kuwa gacanta lagu qaato, ayaa waxaa ku hadlaya Xasan Ciise. Qudhaca yare e barendaha ka hor-jeeda waxa kuraasi ku fadhiyey dad aan siddeetan nin ka badnayn. Ma joogin subaxdaa Suldaan ama Garaad keliya ahi.

Xasan Ciise waxa uu taxayey bishaarooyin badan, waxa uu na markii qof hadlaba ka daba lahaa, waxaa soo socda oo Berbera ku soo wajahan maraakiib sida shixnado isugu jirta alaabta dhismaha iyo raashin, waxa uu na lahaa waxaa inoo soo diray dalal Carbeed oo uu marba mid magacaabayey. Dadkuna Allaahu Akbar oo ay gacan-taag ku ladhayeen ayaa ay ugu jiibinayeen.

Waxaa laga duubayey labo kamaradood oo kuwa fiidyowga ah, waxaa na cabbaar ka dib la xaadiriyey afar oday oo ku kala hadlayey magacyada gobollada Tog-dheer, Sool, Sanaag iyo Awdal, sida ay u kala horreeyaan bay khudbaduhuna isugu xigeen.

Odaygii ku hadlayey magaca Tog-dheer waxa uu yiri; “shan caano-maal oo ina dhaafay oo ka bilaabma galabtii arbacadii ayaa guurtida beeluhu shirar gaara ku jireen, waxa ayna isla garteen qodobbo saddexdaan hore u soo sheegnay”, taas oo uu ku siyaadiyey in la nabaddeeyo meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida Ceerigaabo oo kale ayaa uu carrabka ku dhuftay. Allaahu Akbar Allaahu Akbar oo gacanta midig la taagayo ayaa lagu taageeray.

Odaygii Sool oo ahaa Caaqil Axmed Xirsi Cawl waa uu ayiday, waxa uu na raaciyey erayo kaftan ah oo uu weedha “Allaahu Akbar” ku durayey in ay SNM-tu dagaalka ku soo geli jirtay. Odaygii Sanaagna oo ka soo jeeday beesha Ogays-labe, isagu waxa uu yiri; “annigu beesha Isaaq oo kaliya ayaa aan la dardaarmayaa”, isaga oo u kaftamay sidatan soo socota ayaa uu yidhi; “Isaaqow shalay idinkaa gaalka inoo keenay, koow, kolkii dambena idinkaa yiri aaan la dagaallanno oo iska kicinno, labo. Markii saddexaadna idinkaa inagu khasbay aan walaalaheen iyo koonfur la midawno, maanta oo ah markii afaraadna idinka ayaa leh aan la soo noqonno dawladnimadeennii, maantana sidii afartii jeer ee hore ayaa aan idinku raacaynaa, bal se’ Isaaqow ogaada haddii tani xumaato mar dambe in aanay idinka idiin hadhin talo ee intayada kale aannu go’aanka yeelan doono”.

Sacab aan hore madasha uga yeedhin iyo Allaahu Akbartii ayaa waxa ku xigay guux ballaadhan iyo xanshashaq ninkaas lagu ammaanayo. Shiikh Cabdillaahi Shiikh Cali Jawhar oo ku hadlayey magaca Awdal baa xigay. Isaga waxa uu galay Quraanka Kariimka ah, waxa uu na ka sheekeeyey sidii uu Ilaahay reer Banii Israa’iil uu ugaga hiiliyey Fircoon. Waxa uu na ku gunaanaday duco aan markaa ciddina fahmin oo u ekayd afeef uu reer Shiikh Isxaaq u sarbeebayo. Waxa uuna ku duceeyey; “Haddii dawladnimadeenna aynu caddaalad iyo sinnaan ku maamuli wayno in Ilaahay aannu inoo aqbalin, haddi se aan xaq iyo dulmi la’aan ku canqarino Ilaah ha inoo dhiso oo ha inoo hirgeliyo” ayaa uu Shiikhu ku soo geba-gebeeyey.

Intaa ka dib, waxaa gacanta taagay nin gadh madoobe ah, oo qiyaastii dhawriyo afartan jir ahaa, oo ay ka muuqato diif, waxa uu xidhnaa surwaal cirbiid (buluug) jiinis ah oo caddaaday, iyo shaadh cas oo duug ah oo uu ilaa suxulka soo laabay. Nin dheer oo madaw oo indho cascas ayaa uu ahaa. Dabadeed codbaahiyihii Xasan Ciise Jaamac waxaa ka yeedhay “soo dhawoow mujaahid Cismaan Dheere”, intii uu mikrafoonka ku soo socdayna waxa uu raaciyey; “Mujaahid Cusmaan Dheere waxa uu ka tirsan yahay guutada 99aad”. Ninkii baa qabsaday codbaahiyihii waxa uu na sheegay, in uu ka mid ahaa raggii odayada guurtida ah la shaqeynayey ilaa arbacadii, waxa uu na xusay in qodob la isla qaatay oo lagu heshiiyey aan lagu darin kuwa madasha laga akhriyey. Waxa uu yidhii “qodobkaasi waxa uu ahaa in la qoro halgankii iyo taariikhdii ururka dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM”. Xasan Ciise Jaamac ayaa soo kacay oo kala booday codbaahiyihii, waxa uu na yiri; “waa ootomaatik waa na khasab sidaas ayaa uuna ku yahay qodobkii shanaad ee Guurtidu isku raacday”.

Dharaartii taa xigtay ee Axaddii oo ka soo qayb-galayaashu xoogaa intii shalay ka soo bateen, waxa loo qaybiyey buug yar oo cagaaran, kaas oo ay dusha kaga xardhanayd khariiradda gobollada waqooyi oo kur ah, waxaa na ku qornaa hal-ku-dheg ah “Waa Xor Haddana Somaliland Oo Mar Labaad Dhalatay”. Jaldiga waxa gudaha kaga jiray saddex warqadood oo laga soo sawiray wargeysyo af Ingiriisiya, kuwaas oo soo baxay 26-kii Juun 1960-kii.
Waxa khudbadeeyey dhawr qof oo aan wax dumar ahi ku jirin, iyada oo aan goobtaba wax haween ahi ka soo xaadirin, xusuus waxa mudnaa nin gaaban oo madaw oo suudh qurxoon ku labbisnaa isagana labeen iyo dhalaal ka muuqday, kaas oo sheegtay in uu ka yimid dalka Qadar. Madasha waxa uu ka mariyey gabay af Carabi ah oo uu ku ammaanayey ugu na ducaynayey Mujaahid Lixle, waa sidii uu yidhiye.

Intaa ka dib, waxa madashii laga bilaabay maadeys (riwaayad) lagu magacaabay, “Shalaad Loogtaye Maantana Ha Lumin”, waxa wada curiyey Marxuum Abwaan Ibraahim-gadhle iyo Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganey).

Ugu dambeyntii waxa hadalkii qaatay, nin cas oo dhex-dhexaad ah oo cirro leh oo si haybad leh ugu labbisnaa safaari ama isku-joog cadcad oo gacmo-dheere ah, waa guddoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-tuur). Cod xabeeb leh oo deggen ayaa uu ku bilaabay; “Iraadatu shacab iraadatul laah”, taas oo macnaheedu yahay “rabitaanku dad-weynuhu waa rabitaanka Ilaahay”, waayo? Buu yidhi “dadku waxa ay rabaan Rabbi ayaa ku soo rida quluubtooda”.
Khudbad gaaban oo ku saabsan ammaanta ururka SNM iyo guusha ay geyigoodi gacanta ku dhigeen, ka-dib waxa uu u hambalyeeyey waxa uu ugu yeedhay guurtidii beelaha ee go’aannada shanta ah soo gudbisay. Gebo-gebadiina waxa uu yidhi; “go’aannadiinna waxa aannu u ban-dhigi doonaa golaha dhexe ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kuwaas oo isla bishan gudaheeda aan rajeynayo in ay qaraaradiinna taageeri doonaan oo ay ansixin doonaan, insha Allaah, shir-weynihiina intaas ayaa uu inoogu xidhan yahay”.

Tixraaca
————-

Qormadan Taariikhiga ah waxa laga soo uruuriyey dukomentiyo, dad goobjoog ahaa iyo cilmi baadhis ay samaysay Akaaddemiyada dhaqanka Cakaara oo uu hogaaminayey Guddoomiyaheeda Maanmaal Buureed Gurxan, waxaa na la geliyey safarro xog uruurineed iyo waqti badan oo muddo dheer qaatay, kuwaas oo u badnaa xogo toos looga duubay ergooyinkii reer Sool ee labada raabe ku kala tagay 1991-kii Burco, kuwaas oo ay Garaaddo, Cuqaal, Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiinba ay ku kala jireen.

_______________
Waxaa Qoray Guddoomiyaha
Akaaddemiyada Dhaqanka Ee Cakaara
Qaryaan Maanmaal Buureed

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here