Manqaxidda Dhuuxa Murtiyeed ee ku Duugan Ereyga “Mahad” – Maanmaal B. Gurxan

Qaryaan Maanmaal Buureed

–Mulkigaan lahaa iyo anoon maal ku gadanaynin
–Allihii macaankiyo i baray maxabbadii diinta
–Ee muuqa Soomaaligiyo magaca ii yeelay
–Midaan hagarta kaga maarmi karo mahadnaqow roone
…(Maxamed Sheekh)

Ibo-furka Qormada 

Inkasta oo aan aqoon baaris balaaran ku sameeyey ereyga “Mahad”, anniga oo waliba ka baaray kasmooyinka Aadanuhu kala kororsado, ee lagu meeray dhiganayaasha ku kala qoran afafka shisheeye iyo afkayga hooyo ba, haddana Illaahay amarkii weli kama aan helin dhigane (buug) ama qoraal meel ku qoran oo si foolaadsan oo si dhab-taabad leh(scientifically) u qeexaya ereyga mahad. Hase-yeeshe, markii aan dheegtay dhawr dhigane oo diini ah iyo mid maadi ah, waxaa dhacday in aan ino-door ah, ay iiga bidhaantay in aan xoogaa uun aan yara dhaaday, waxa mahaddi ay tahay.

Dhab ahaantii ereyga ‘mahad’ waxa aan si buuxda u dhaaday oo aan gartay dhuuxa ereyga iyo dabuubta ku duuganba, markii aan dib ugu laabtay afkayga hooyo, aniga oo ay iga ahayd, in aan bal aqoon-baaris ku sameeyo, sii ba aniga oo aqoon-baaristayda ku abbaaray kuna dig-dhabay labo qaybood oo kala duwan. Labadaas qaybood waxa ay kala qooranayeen, isla dhanka ereyga oo aan laftiisa baaro halkuu ka yimi ee uu ka isaran yahay, iyo dhanka suugaantayda hodonka ahi waxa ay ka murti-meertay dhuuxa ereyga ‘Mahad’.

Gol-nuugsiga Qormada

Illaah baa mahad oo dhan iska lehe, waxa marag-ma-doonto ah, markii aan labadaas qaybood ee afkayga hooyo ah aan si qoto-dheer u dhuuxay una aqoon-baaray, in aan taawo iyo taag-kasmeed u yeeshay in aan maankayga ka maalo, qeexid laaxiboon oo hubaashii muraar lagu ogayn, oo aan ku qeexo waxa uu yahay ereyga ‘mahad’ iyo dhuuxa murtiyeed ee isla ereygaas ku duugan, iyo sababta Eebe mahad oo dhan loogu celiyo ama loogu naqo inuu Guulle iska leeyahay. Bal aan idiinku jalbeebo miidda iyo dhuuxa murtiyeed ee aqoon-baaristan bilawga u taagan aniga iyo intii uu ereygani ka gedman yahay ee had iyo goor adeegsata.

Isireynta Dhuuxa Ereyga “Mahad

Ereyga mahad waa erey ka yimi labo erey-dhilif oo isu tagay, kuwaas oo kala ah labo “malan ah”. Haddii aan kala qooqoobo ereyga “mahaddi” sidii uu ku soo unkamay, waxa weeye sidatan:

Ma (ma aha, oo maxa ayaanuu ahayn? Waxa lagu siiyey, laguugu deeqay, laguugu galadaystay, laguu cawilay, ayaa waxa aanu ahayn) + Had (dhib, aafo, mahlako, inkaar, alhuumo, masiibo, iyo wixii la midda ee nafta malgaya ee cidhib dambeedkoodu daran yahay) = Ma + Had = Mahad.

Maxay Kala Yihiin Mahad Iyo Mahadnaq?
 
Mahadduwaa ilaalinta iyo shuushaaminta naf ee laga jeeqaaqiyo wixii waxyeelo u ah ee nolosheeda arbushaya, dhibaya ama karkaarka weydaarinaya. Ka jiritaanka iyo ka-dhawrida nafta, ee laga ilaaliyo wax kasta oo gedaafo iyo gef leh, qudh-gooyo iyo qaxar leh, kedeed iyo karbaashid leh, jirab iyo jareexo daran leh, oo taaganta bariisan kara ama timaadada u malmalan oo arbushi karaya, ayaa loogu yeeraa “Mahad”.

Mahad-naquna waa naqitaanka iyo ka-hal-celinta uu qof ama ay ciddi ka dabbuub celinayso si af iyo adinba ah, wixii loogu deeqay, loo hibeeyey, lagu galadaystay, lagu jalbeebay, la siiyey ee ah wax nafahooda u leh waxtar iyo dheef, if iyo adduunba u roon oo bilaysa oo ay u aayayaan, iyaga oo sidoo kalena ka fogaanaya wixii la siiyey, loogu deeqay, loogu galadaystay, in ay kaga hal-celiyaan wax nafahooda had iyo malgid u ah oo cidhib-dambeedkooda laga shalayn doonno.

 
–Naftu inay maqnaato iyo inay #mahad ku noolaato
-B-Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaa!. (Abwaan Dhoodaan)

 Manqaxa Murtida Ku Duuggan “Mahad”
 
Dabuubta qeexiddayda oo looshan, waxa weeye Mahad-naqu waa ka-hal-celinta wixii samo iyo wanaag nafta loo galo, oo loo gudo si anshax iyo asluub suubban (hab-dhaqan cuddoon) leh, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo nafta arbushaya, ama ciddii nafta u hagar-baxday ee naxariista iyo nasabsanida u hiddisay heer sarena gaar-siisay laga ilaalinayo wax kasta oo aanay raali ka ahayn. Tusaale ahaan; Eebbe kor ahaaye waa Alle deeq badane kaaftoon ah, wuxuu Alle bixiyaa sareedooyin iyo nimcooyin fara badan oo aan la soo koobi karin, waxana nimcooyinkaas ugu taawo iyo tayosiimo weyn Islaamnimada. Eebbe kor ahaaye sareedooyinka iyo nimcooyinka kale ee isku laameeran ee uu inoogu deeqay, haddii aan iniqyo yar oo aan faro-dhabateeyey wax uun ka midda ka tilmaamo, waxaa ka midda:

  • Fayada (Caafimaadka)
  • Iftiinka dayaxa iyo xiddigaha
  • Ileyska qorraxda dushaas dulundulceynaysa
  • Arrag indhaha iyo maqalka dhegaha
  • Urta iyo neefsiga sanka
  • Dhadhanka iyo ku hadaaqidda carabka
  • Webiyada, durdurada iyo baddaha rogmanaya
  • Dhirta dujaysan iyo ugaadha jalaabuteenaysa
  • Roobka daruuruhu galbinayaan
  • Nabadgalyada iyo naruurada sunsumaysa
  • Addimada iyo gacmahaynu ku laafyoono
  • Qalin qumisan ee maanka maala
  • Hal-abuurnimada maanso iyo midda farsamaati
  • Aqoonta iyo waayo-aragnimada

Iyo qaar kaloo badan oo aan ba lagu soo koobi karihaynin in qalin iyo afba hadii lagu tiraabo.

Eebbaha deeqe, naxariiste, hiiliye iyo gargaare gargaar badaneha ah, ee had iyo goor ina dhawraya, ma waanuu ahayn mahadiye iska leh mahad oo dhan oo loo mahadnaqo? Maxa ay se’ tahay mahadnaqa Alle loo celinayo? Ma in afka laga yiraahdo uun baa mahad Eebe baa iska leh? Mise waa in lagaga mahad-celiyo si af iyo adinba ah iyadoo laga fogaanayo waxa aanu Alle raali ka ahayn? Jawaabta weydiimaha kani waa kuwo ay inooga cigelaynayaan(jawaabayaan) qeexida aan xaga sare illaah amarkii idinku meeray. Haddii aan si foolaadsan aan mar kale idinku meero, waxa ayna jawaabta weydiimuhu tahay, “Allaha intaas oo nimcooyin iyo sareedooyin ah inagu galadaystay, inoogu deeqay, waxa uu mudan yahay in loo mahadnaqo, mahadnaqaas oo ah “in loogu hal-celiyo si afiyo adinba ah iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo uu yiri ka fogaada waa idiin malgayaan waa na idiin dagayaan oo, ha fadina waa wax ibleys idiin malmalayo oo had iyo hagardaamo idiin ahe”. Eebe baa mahad leh, Alxamdulilaah.

Dheegtayaal, haddii aan idinku jalbeebo aayad si cadceeddaas oo kale inoogu bidhaaminaysa, waxa weeye aayad ku jirta suuratul Al-Baqra, waxa uu Eebe kor ahaaye, ku leeyahay oo inoo sheegaya, bal hadda u fiirsada:

  • In aynu Eebe xusno oo aynu u xusno “Inuu san jirin Alle xaq lagu caabudo isaga mooyaane, sidoo kalena inagoo ka marag-kacayna in uu yahay Allaha inoogu deeqay, ina siiyey ee qadaray wax kasta oo samo ah.
  • In Eebe kor ahaaye, haddii aynu xusno oo aynu sida muhmalka lahayn u xusno, inuu ina xusayo oo uu abaal-gud ina siinayo nafaheena sii bilaya.
  • In aynu Eebe ku mahadino, oo talow sidee ugu mahadinaynaa? Waxa aynu ugu mahadnaqaynaa “in aynu ka fogaano wax kasta oo nafaheena halaagaya oo malgaya oo had ibleys soo malmalayo ah oo aanu Alle raali ka ahayn, tiiyo dhan kalena wixii Alle ina faray si anshax suubban loo gudayo”.
  • In aynu Eebe ka gaaloobin, oo aynaan fadin wax gef iyo ged ibleysa oo nafteena loo diidday in ay samayso, iyadoo Alle ugu deeqay wax samo ah oo u roon.

Alle waa Mahadiyee, waxa uu yiri: Ee i xusa aan idin xusee ajarna idin siiyee, iguna mahadiya haygana gaaloobina”. (Al-Baqra:152)

Gabayga “Sow Xamdiyi Maysid!”
In kasta oo aynaan koobi karaynin barwaaqo iyo sareedooyinka Ilaah inagu galladaystay, dhanka suugaanta haddii aan qormada idiinku meero murti laaxibboon oo ina fariimaysa door-roonaanta ay leedahay “Mahad-naqa Eebbe loo mahad celiyo”, waxaa ila foollaadsan inaan idiinku jalbeebo gabay la yiraahdo “Sow Xamdiyi Maysid”, gabaygaas oo uu tiriyey gabyaaga la yidhaahdo Cabdiraxmaan Axmed oo ku na magac dheer Gabyaa Awtaad. Gabyaagani waa midkii kaalinta koowaad u galay labadii tartan suugaameed ee sannadkii 2016-kii lagu kala qabtay Xamar iyo Hargeysa.

 

Gabygan “Sow Xamdiyi Maysid” waxaa uu tiriyey bishii 8aad sannadkii 2015.Waa gabay ka kooban 38 meeris oo u kala loolyaamisan isuna kala tuducsanaya min siddeed tuduc.Gabyaa Awtaad saddexda tuduc ee ugu horreeya, isaga oo si looshan meerisyada inoogu laameeraya midho xambaarsan hummaagyo jafeefaya hoga-tusmayn iyo tusaallayaal is-barbar-dhig ah oo deeq Eebbe ku saabsan, ayaa waxaa uu inagu madiixayaa in Eebbe uu ugu mahad-naqo qofkii xoolo la siiyey ee laga dul-qaaday saboolnimada asaagii baraysatay.

Haddii aynu Eebbe ka dhawrsano, oo wixii Alle inoogu deeqay ee xoolo ah (haddii ay yihiin nool iyo moodba) aynu uga mahad-naqno si maamuusan oo ah sidii uu Alle ina faray, waxaa marag-ma-doonta ah in Ilaah kor ahaayee inuu inoo sii biliyo oo uu inoo sii burinayo. Jaalkaygow taasina miyaanay inooga marag-kacaynin in Alle oo loo mahad-celiyo ay tahay mid qofka saboolnimada laga kor qaadayo? Haa wallee waa ay tahay, waxaa na markhaati inoogu filan Aayadan Eebbe ku lee yahay: “Kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu ( gaalada ) waa nijaas ee yayna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan kadib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebbe fadligiisa hadduu doono ileen waa oge falsane” (Tawbah 9:28 )

Sida oo kale tuduca labaad waxaa uu ku boorinayaa ku na baraarujinayaa, inuu Ilaahay u mahad-celiyo qofkii Alle ka badbaaddiyey goob dagaal oo ay seeftu leeftay dhigiisi ka dhinac dirirayey. Ilaah ha ka abaal-mariyee, tuduca saddexaad waxaa uu meerisyada inoogu baraarujin uu ku boorinayo, in uu Ilaahay uga mahad-celiyo awoodda caafimaad ee buuxda iyo xubnaha fiyow, sida kuwa uu ku soconayo, ku laafyoonayo, wax ku akhrisanayo ee loogu deeqay, halka dad dhigiisa ah aanba waxba laga siin ama ay ba fayadoodu kala urguufsan tahay. Ilaahow waa mahaddaa, Gabyaa Awtaad waxaa uu yidhi:

  • Xulquun baa u weyn aadamuhu wuxuu xubbeeyaaye
  • Gaawe xoor leh xuukiyo xaliib xoolo tiro gaadhay
  • Ximrihiisa geeliyo midkii midab xawaadeed leh
  • Xawawarinta laga caaggan yahay xero fogeyntiisa
  • Haddii Eebbahay kuu xukumay xoolo idilkoodba
  • Kumannaan xantiiraa jiree sow xamdiyi maysid?
  • Maalintii xarbigu uu dhacee la is xisaabaayo
  • Ee xinif colaadiyo jihaad loo xusula duubo
  • Xiniiyaalahaan cararinee xeelad diriraaya
  • Xallaashkiyo billaawaha ninkii xanafta dhiigeeya
  • Haddii Eebbahay kaa xuddumay sow xamdiyi maysid?

 

  • Xubnahaaga seniskiyo hadduu xooggan yahay jiidhku
  • Halkii aad xubbaysaba haddaad u xarragoonayso
  • Xaashida kuwaan rogi karayn xarafna eegayne
  • Xoqashana awoodaynin iyo gudasho xaajeede
  • Xaashaalillaahiye Xakiim sow xamdiyi maysid?
  • Xilli tagey midkii xaadiriyo xaalka iman doona
  • Xaajadii la sheegaba haddaad dhab uga xaalayso
  • Oo aad xalkeediyo taqaan xeelado u gaara
  • Xidaarnimadu waa deeq Allee sow xamdiyi maysid?
  • Xayuunkiyo xawaadeenka iyo xanfar habeenaadka
  • Haddaad kala xerootaan hurdada waad xasilisaaye
  • Xiraad wacan xariir gogol ah iyo udub-cad xaaskaaya
  • Tagsan xuural-cayniyo haddaad xaawe dhinac joogto/jiifto
  • Kumannaan xas seexdaa jiree sow xamdiyi maysid?!!
  • Haddii aad Quráankiyo xifdido xarafka diimeedba
  • Oo uu kuu xasilo uunkuyoo lagu xushmaynaayo
  • Oo ay xariifnimo bulshadu kugu xustoo sheegto
  • Oo aad xusuus buuxda iyo xirgi ku taamayso
  • Kumannaan xis maqan baa jiree sow xamdiyi maysid?
  • Ubad aan xushlayntiyo aqoon xume dhammaantiisba
  • Oo aan xaqdhawrkiyo ka tegin xurummo waayeelka
  • Haddii Eebbahay kaa xuddumay kuwo xusuus reeba
  • Kuman baa xujey-reeb dhalee sow xamdiyi maysid?
  • Haddii aad xorriyad haysatoon lagu xuduudaynin
  • Oo aad xashaash iyo taxaash la xarragoonayso
  • Kumannaan xayiran baa jiree sow xamdiyi maysid?
  • Kol haddaan xidhiidhiyey murtida sow xafidi maysid?

Waxa Hidiyey Maqaalkan:

Qaryaan Maanmaal Buureed

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here