Nabarkii Nayroobi – Cabdiraxmaan C. Cirro

Craxmaan Cirro

Waan is tallaalay. Dhalmada ayaan iska tallaalay. Ma doonayn in aan wax dhalo. Dhawrka sano ee soo socdana waxba ma dhali doono. Wixii ka dambeeya Alle ayaa og. Qalin iyo warqad baa waa hore lagu qoray. Dabadeed xaashidii baa engegtay, kummanaan sano ka hor dhalashadaydii. Ilaahay baa qorshayaal waa hore degay.
Sida uu dhakhtarku ii sheegay dawadaasi waxay shaqayn doontaa muddo shan sano ah. Caawa uun baan arkay ninkayga cusub oo madaxa haysta, isaga oo murugaysan ayuu miiska suxullada saartay oo dhafoorka labada farood ku haysta, hoos buu fiirinayaa. Aniga oo sanqadha tallaabadayda dhawraya ayaan ku soo dhaqaaqay, dabadeedna aniga oo aan la hadlin baan garabkiisa qaawan gacanta ka saaray, sidii qof soo miyirsaday buu booday, markii uu gadaal soo jalleecay oo i arakay ayuu hadanna hoos eegay, indhihiisa ilmadu ka muuqato ayuu ku qaabilay kuwaygii u soo indhokuushay. Labadayda garbood ayuu gacmaha saaray oo horay ii soo dhuftay si ay awoodi ku jirto, oo laabta i geliyey, isaga oo dhabarkayga salaaxaya ayuu yidhi.
‘Hibo, aniga iyo adigu maxaan wax u dhali waynay. Maxaad hooyo u noqon wayday..!!! Ma qaddar waa hore ayaa qoray….!!! Maxaan….!!! Maxaan…” ayuu yidhi isaga oo codkiisu gargariirayo oo xabeebsaday”

Markii aan waydiintiisa maqlay, dhulkaa ila wareegay, waan dawakhmay, codkiisii hoos u hadlayey wuxuu ila noqday hanqadh iyo onkod culus. Far iyo meel bugtaa is og!! Cabbaar baan laabtiisa diirran ku jiray, waan dareemi karayey ilmada dhabankayga ka dareertay ee labadayda naas korkooda sii taraaraxaysa, waa taas timaha laabtiisa ay mudmudayaan, laabtayda.
Waan aammusahay, uma ba jawaabi karo. Run aan wax badan ka qarinayey, ma u sheegaa..? May, may, may. Dabadeed wuu isii daayey, wajigayga ayuu eegay, ilmada dhabankayga taraaraxaysay ayuu sacabkiisa midig iga ga tiray, sacabkiisa bidixna waxaa ku dhex jiray calaacashayda midig ee gargariiraysa, sidii ruux farahayga sii daynaya ayuu gacantiisa u jilciyey, dabadeedna faryaradiisa ayuu sudhay tayda, oo i dhaafay, anna waxaan u dabagalay dhanka sariirta ee uu ii hoggaaminayo.

Waan xusuustaa maalintii aan xeryaha Dhadhaab ka imid ee aan Nayroobi soo galay, waan la ashqaraaray, waanna la ammakaagay. Waxay ahayd magaalo aad u wayn oo aad qurux badan. Cooshadihii Dhadhaab wax aan ka ahayn niyaddayda kuma sawirnay, ma na filayn in ay jirto magaalo intaa le’eg oo sidaa u qurux badan. Anigu waan yaraa oo nolol badan ma arag, nolosha aan arkay waxay ahayd qaxarkii Dhadhaab iyo kadeedkii qoxootiga. Habeen walba waxaan ku ducaysan jiray in Eebbe iga soo furto dhaaminta biyaha iyo hawsha guriga, waxaan sugi jiray maalinta aan ka xoroobi doono hawsha biyo dhaaminta ee i addoonsatay.

Waa tan ay timid maalintii aan u sugayey sida gu’ gelin ka dhimman yahay, waa anigaa ka xoroobay rafaadkii, waa anigaa cagaha soo dhigay Nayroobi. Waan ka raysan doonaa kadeedkii, waanna ka raaxaysan doonaa qaxarkii. Aad baan maalintaa u faraxsanaa, haddana waan yaabbanaa, waanna cabsanayey, waan khajilayey. Dharkayga duugga ah baan kol walba isku asturayey, way iga yaryaraadeen, kabuhuna way ila dheellinayeen. Markii aannu gurigii nimid ayay habaryartay oo aan sidii neef xoola ah iska daba socday ii tilmaantay musqusha. Waan ka baqanayey musqushii aannan garanayn sida loo isticmaalo. Markii dambe ayay Habaryartay iga soo daba gashay oo ii tilmaantay qaabka loo isticmaalo, dabadeedna meel ii sudhay maro aad u cufan oo ay igu tidhi “Habaryar tuwaalkaa isku qallaji” Waxay kale oo ii dhiibtay dirac wayn oo cusub iyo googarad. Markii aan hawshii dhammaystay ayaan soo baxay, aniga oo timahayga dheerdheer ku qallajinaya tuwaalkii. Timahaygaa u malayn maayo in aan maalintaa ka hor si wacan u maydhay. Waa tintii toxobaysatay oo hadda dhaldhalaaysa, sida baal goray. Markaas baan soo galay qol kale oo ay yaalleen kuraas la moodo furaash adag, oo ay ku fadhiday gabadh habaryartay dhashay iyada oo daawanaysa telefiishin, way i eegtay oo hadana kor iyo hoos ii eegtay oo filinkeedii iska daawatay, iyada oo fareheeda ku ciyaarsiinaysa hagaha telefishinka. Waan yaxyaxay markii aan arkay qaabka ay ii soo dhawaysay. Habaryartay baa ii sheegtay oo is kaaya bartay. Aniga oo cagaha jiidaya ayaan u tagay oo salaamay. Markii ay gacanta igu soo taagtay, aniga ima eegay ee filinkii bay sii daawanaysay. Anna waan iska ag fadhiistay.

Galabnimadii ayaan arkay Khadra oo qiiq ku dhex jirta, waan yaabay waxaan u haystay in ay wax karinayso. Waxba ma karinayn ee qiiq bay afka ka sii daynaysay, waxaan is idhi sigaar bay cabbaysaa, haddana wuxu ma ahayn sigaar. Tuubbo dheer bay nuugaysay, dhalo ay hoostana biyo kaga jiraan oo dhakada sare ay dhimbiilo dab ah ka saaran yihiin baa hor taalla. Markii aan arkay albaabka ayaan taagtaa, si yaab leh baanna u eegay, gudaha ayaanna ku noqday, aniga oo ka xishooday. Dabadeedna way ii yeedhay, iyada oo gacanta ii tilmaanaysa. Agteeda ayaan soo fadhiistay, dabadeedna iyada oo qiiq badan afka ka sii daynaysa ayay i soo eegtay, iyada oo dareensan in aan la yaabbanahay.
-“Abbaayo, dhib ma leh, waan is yar qaacinooyaa..!!” iyada oo birqabad ku jajabinaysa dhuxul ugu jirtay dabqaadka horteeda yaalla. Aniga oo aan u jawaabin ayay ii soo taagtay tuubbadii.
-“Hoo abbaayo, is ku day. Xoogaa caajisku ha kaa ba’ee..” dabadeedna way i soo eegtay.
-“Oo waxani ma sigaar baa..?” baan si canaan leh ugu idhi.
-“May.. Sigaar maxay ah. Naa waa shiishad. Waa caadi. Ma aha daroogo. Waa tufaax laga dhigay qiiq oo wax dhib ah ma leh.”
-“Oo Abbaayo wuxuu caraf badanaa…”
-“Haa, waa Tufaax, sigaarku sawka qurmuun ma aha..”
Aniga oo ka cabsanaya ayaan gacan gargariiraysa kaga qabtay, ma jeclayn in aan qiiq afka ka sii daayo sideeda oo kale, ee udgoonkeeda ayaan ka helay, way udgoonayd markaa. Balse, muddo ka dib waxay ila noqotay wax qadhmuun badan oo qashin badan. Nacalad ha ku dhacdo Khadra iyo wixii bahashaa sameeyey. Waxay ahayd maalintii aan ku dhacay bohol af wayn oo aan wax badan ka qoomameeyey.
Afka ayaan u dhaweeyey, dabadeena dib baan u nuugay, markii ba waan qufacay, aad baanna u qufacay, oo illin baa iga timid. Way igu qososhay, dabadeedna iga qabatay oo tidhi.
-“Dhib ma leh abbaayo. Waa marka ugu horraysa ee si tartiib ah qiiqa u nuug. Sidan oo kale” Dabdeedna way nuugtay, dhalo sal ballaadhan bay biyo dhex wareegeen oo way budhudhuqlaysay, illaa ay afka ka qaadday oo ay hawada qiiq badan ku asqaysay, illaa aan wejigeedii si wacan u arki waayey. Iyada oo qiiqa ka dhex hadlaysa ayay tidhi.
-“Tartiib abbaayo, ha ka cabsan”
Waan ka qabtay haddana oo si baqdin ah baan u nuugay. Markan ma qufacin, ma ilmayn sidii hore ee qiiq yar baan afuufay. Waan qoslay, waxaanna dareemay raynrayn. Iyadu na way qososhay, iyada oo sacabbadeeda isku garaacaysa, ayay tidhi.
-“Waa taas, caadi maahinoo. Haddana jiid…”
Haddana waan jiiday, oo qiiq kii hore ka badan baan afka ka sii daayey, aniga oo la yaabban qiiqa caraftiisa, cabbaar baan haddana sidii ku celceliyey, Ilaa aan wareeray. Waan wareeray, waanna dawakhay. Waxaan moodayey in ay indhuhu i madoobaanayaan oo ay i ga soo dhacayaan. Dabadeena tuubbaddii baan dhulka iska dhigay, gacmahaygana waxaan saaray wajigayga aniga oo indhaha isku haya, waanna ka aammusay oo iyada la ma aanan hadlin.
-“Abbaayo miyaa wareeroosaa…?” ayaan maqlay iyada oo gacanteedii bidix madaxa iga saaraysa.
-“Haa, abbaayo. Xoogaa ayaan dareemayaa..!!” Ayaan cod hoose ku idhi, aniga oo aanan kor u eegin.
-“Haye, biyo aad cabtid baan kuu soo qabane i sug. Kursigaana qaado oo geedka hoos fadhiiso”
Way dhaqaaqday, dabadeedna koob biya ah bay ii keentay. Kursi aan rabay in aan qaato, waan iska ga tagay oo geedka ayaan hoos istaagay, dabadeedna Khadra ayaa ii soo qaadday.
-“Halkan xoogaa yar iska fadhiiso, biyahanna cab, dhib ma leh. Hadda ayuu wareerku kaa ba’ayaa” ayay i tidhi iyada oo ii soo taagaysa koob biya ah.

Waan ka qabtay oo labo jeer baan biyihii kabbaday, dabadeedna sacabka ayaan ku shubtay oo wajiga ayaan ku dhaqaday, haddana biyihii baan cabbay, kursigii baanna ku fadhiistay. Xoogaa nasasho ayaan dareemay, madaxuna in uu ii raysanayo ayaan dareemay. Waan la yaabay waxa sidaa ah ee ay haddana inantu mar walba cabbayso. Haddana waxaan isku sheegay in ay tahay markii ugu horraysay. Waan la yaabbanaa markii ay igu tidhi “Waa lagu nastaa waxan oo caajiskuu kaa bi’inayaa.” Waan u gartay in ay tahay marka la la qabsado. Waxaan isku sheegay in aan tijaabiyo nasashadaa ay sheegayso.
Dhawr maalmood ka dib na sidii baannu yeelnay, kuma wareeri jirin sidii hore. Waan la qabsaday waayihii dambe, caadi bay ila noqotay. Waan u baahan jiray, waanna u xaraaradoon jiray. Qiiqeeda haddii aan uriyo, dhafoorrada ayaan wax ka dareemi jiray. Ma seexan jirin haddii aanan galabnimadii ama habeennimadii helin. Waan bartay, sida tufaaxa loo saaro iyo sida loo sameeya ba. Beriyihii dambe tii gurigu way naga jabtay, oo mar mar baan u doonan jirnay makhaayad noo dhaw, sida badan se guri deriska ah baannu aadi jirnay. Dhawr nooc oo Tufaaxa ah baan bartay, waan la qabsaday. Waxaynna ka mid noqotay noloshayda caadiga ah. Sida biyaha loogu baahdo ayaan ugu baahan jiray. Waxay ahayd balwad. Balwad in ay tahay baan ogaaday. Balwad baan yeeshay. Balwad.
Marka aan makhaayadda tagno waxaan arki jiray hablo aad u qurux badan, oo shiidadda cabbaya, kuwo kale na balwado kale ayay isticmaalayeen. Koox koox baa loo fadhiisan jiray, waanna la qaaci jiray, waa la kaftami jiray, waanna la sheekayn jiray. Waxay ila ahaayeen dad reer magaal ah iyo cawaysyo bilan, aad baan u xiisayn jiray. Marka aan aadayo si qurux badan baan u soo labbisan jirnay, dibnaha ayaannu casaysan jirnay. Aad baan u jeclaa qaabka aan u labbisan jiray. Asxaabtayda waxaan ka maqli jiray in aan qurux badanahay. Khadra se ima odhan jirin. Way iga xumaan jirtay marka ay aragto annaga oo isla soconna marka ay wiilashu aniga i salaaman oo ay taleefankayga i waydiiyaan. Beriyihii hore waxay ku odhan jirtay wiilasha “waa gabar yar oo Reer Miyi ah. Wax ba garan mayso ee is kaga tag” Ama way maagi jirtay. Markaas ayaan ogaaday in ay iga xuntahay. Anna waan iskaga dul qaadan jiray, sababtoo ah dad kale ma aqoon. Iyadu na ima dayn jirin oo cid kale oo wehel ah ma aanay haysan. Baryihii dambe taleefan baan qaatay. Iskuul waan soo dhigtay, ee machad baa la i geeyey. Aad baan magaalada ula qabsaday, keligay baa suuqa ka soo adeegan jiray. Wiilal badan baannu makhaayaddii isku barannay oo aan teleefankayga siiyay. Aad bay ii soo wici jireen, qaar ka mid ahi way na casuumi jireen aniga iyo Khadra ba. Waannu aadi jirnay oo shiishaddii baannu wada cabbi jirnay. Khadra iyo anigu markii dambe aad baannu isku fahannay, sidii hore iiga ma xumaato. Saaxiibbo isku dhaw baannu noqonnay, waxba ma aannu kala qarsan jirin. Wakhti aan aad u jeclaysan jiray dhalinyarada ayay ahayd. Asxaab badan baan yeeshay, rag iyo dumar ba.

Sannado badan ka dib waxaan bartay balwado kale, aad baan u dhex galay, waxbarashadii aan tegay waan iska daayey. Waxaan bartay asxaab badan, kolkol waan soo dhixi jiray oo guriga ma imaan jirin, markii dambe na toddobaadyo ayaan ka maqnaan jiray. Habaryartay way i canaanan jirtay, markii ay canaanteedu igu badatay waxaan goostay in aan iska ga tago oo aan magaaladayda galo. Haddana waxay igu tidhi “Reerkiinnii ayaan kuu celinayaa”. Waan yaabay oo waan qoslay kolkii aan soo xusuustay in ay sidaa i tidhi. Waxay ahayd aniga oo asxaabtayda la jooga markii aan soo xusuustay, waan qoslay. Hadda ma aniga ayay Dhadhaab igu celinaysaa, cooshadihii foosha xumaa ee aan shiishadda lahayn anigu aadi maayo ayaan isku sheegay, aniga oo kaligay ah. Khad dhoof ah oo ay noo xaraysay way iga reebtay, waxayna iigu sheekaysay in uu gubtay. Balse iyada iyo Khadra wuu u soo baxay, anna waxaa la igu celiyey Dhadhaab. Maalmo ka dib se waan ka soo tagay Dhadhaab oo waan soo dhuuntay. Waxaan ku soo noqday Nayroobi, magaaladii saaxiibbada iyo cawaysyada, magaaladii shiishadda iyo baashaalka.

Waxaan la deggennaa gabadh aannu saaxiibno nahay. Saaxiib kama dhigteen ee danta ayaa i badday. Dhawr gabdhood oo kale ayaa la degganaa, annagu waxay noo ahayd rug, saddexdaydaa midna magalaada guri kale kuma lahayn. Wiilal badan oo aannu saaxiibbo nahay baa marmar noo iman jiray, gurigaas baannu ku wada qayili jirnay. Maaddaa ma aannu habeenkii oo dhan wada qayilanayno, subaxdii baannu seexan jirnay, wiilashuna way nala seexan jireen. Gabadha aannu saaxiibnada nahay se qolkeeda ayay soo xidhan jirtay, iyada iyo ciddii ay wada fadhiyaan. Wiilashu waxay ahaayeen kuwo horarro ah oo na fuduuliya. Wax aan is adkeeya ba markii dambe waan is dhiibay. Wiil Axmed la yidhaa oo asxaabteemma ka mid ah baan aad u jeclaaday, waan jeclaaday, weli ba si saa’id ah oo indho la’aan ah. Isagu na sidaas oo kale ayuu ii sheegi jiray. Marka aannu qayilayno isku makaan baanmu ahay, haddii la seexanaya isku firaash baan ahay. Waan iska oggolaa oo lama yaabi jirin haddii ii taataabto ama gacantiisu igu fogaato. Sababtoo ah dadka meesha jooga oo dhami sidaas bay ahayeen. Anigu waxaan ahaa gabadha keliya ee cadradda ah. Se cadrad ma ahayn haddii aan waxyaalo badan raalli ka ahaa.

Habeenkii dambe ayuu aad u qayilay, cabbitaanno kala duwan buu cabbay. Wuu isku dardarsamay Axmed oo wuu ka dhacay. Waan garab galay isaga oo dadka caayaya oo maagaya. Balse aniga waxa aan u sheego wuu iga maqalyey. Waan u soo maydhay, oo bannaanka ayaan fadhiisiyey, markii ay laydhu ku dhacday ee uu caadiga soo noqday ba, wuu is gartay in uu ka dhacay. “Wuu ka dhacay” waxaannu odhan jirnay marka uu ruuxu sarqaamo. Wuu soo qubaystay oo sariirtii buu isku tuuray. Anigu na asxaabtii kale ayaan la sii joogay. Waxa aan dareemay wehel la’aan, garabkaygii baan waayey, waanna dhaxamooday. Dabadeedna waan aaday. Sidii caadada ahayd waa kan gacantiisii soo fasaxay ee jidhkaygii dhex dabbaashay, anigu na waan iska muraaqooday. Goor dambe ayuu korkayga yimid. Wuxuu na iga kacay aniga oo waayey gabadhnimadaydii. Waan naxay markii aan ogaaday. Balse isla maalmihii dambe wax caadi ah bay ila noqotay, oo waxba kama duwanayn hablihii kale. Waa maxay gabdhnimadu ma dhafoorka ayay igaga qoran tahay.

Axmed iyo anigu sidaas baannu ahay. Hablihii guriga joogay iyo wiilashu ba sidaas bay ahaayeen. Wax la yaab leh ma ay ahayn. Mar mar waan is waanin jiray, marka aan kelida ahay. Haddana waa la iga xoog badatay, waxaa i jiitay daadka aan dhex jiifo. Aniga oo qoyan baan doonayey in aan biyo iska dhawro. Macquul se ma aha. Noloshaydu meel ay ku tiirsanayd ma lahayn. Waxaan ku tiirsanaa Axmed. wuxuu ahaa ka sida badan na qaabbila, aniga wax walba wuu i siin jiray. Nimanka aannu saaxiibbada ahaynna way badnaayeen. Iyaga ayaan wax walba ka heli jinay, Guriga Maryanna wuxuu noo ahaa hoygayaga dhabta ah, Maalintuna waxay noo ahayd habeenkayaga, habeenku na wuxuu noo ahaa maalintayda. Noloshaydu way madoobayd, way foolxumayd, way qadhmuunayd oo way dayacnayd, waxaan ku noolaa xayaatu kelab. Nolosha eyga. Maya ee eyga ayaa iga nasiib badnaa. Waayo…..!!!

Sidii uu wakhtigu ahaa wuu socday, durba sannadaa tagay, bilaa daba saqaafay maalmaa socday, saacadaa sii daba galay, sabankaa sidaa ah. Mustaqbalkii aan maqli jiray baan xusuustay, wuu madoobaaday mustaqbalkaygii, wuu nuxuusay. Cimrigaygu ma soo gaaban ee camalkaygaa beddelay. Waxaan ku taami jiray inaan xaas noqdo oo aan hooyo noqdo, waan is hilmaansiiyaa, marka ay igu soo dhacdo intaasi. Balwaddayda ayaan isku dhaafsiiyaa, waagii hore waxaan u isticmaali jiray baashaal. Hadda waxaan u isticmaalaa in aan isku illawsiyo kadeedka iyo karkabada nolosha. Waan kaga nastaa, oo waxaan ka helaa wakhti aan qoslo ama ugu yaraan aan dhoollacddeeyo. Balse, marka aanan haysan, waxaa igu soo faruurmo togag waawayn oo uu daadku qulqulayo. Waan ooyaa, waan qoomameeyaa, waan cattaabaa oo waan ciil-kaambiyaa. Waan ka murugudaa wixii aan falay, ciddii sababtay oo dhan waan nacladaa. Axmed uun baan u arkayey in uu yahay ruuxa kaliya ee ceeb-ka-saliimka ah. Isna wuxuu noqday kii dabagooyey intii iga noolayd. Ha ba daba gooyee, wuxuu noqday ciddii ugu dambaysay ee i cidlaysa. Wuu iga tagay, intuu i furfurtay ayuu iga dhaqaaqay oo iska dhoofay. Haddana kolkol buu ila soo xidhiidhi jiray. Marna lacag buu ii soo diray. Wuxuu se ii sheegay in aanu i jeclayn oo aan ahayn gabadh xun. Intuu i xumeeyey buu i caayey, oo gabadh xun igu sheegay. Inan rageed oo dhan baa sidaa ah oo lama yaabin. Se dantii i haysay wuxuu ka awoodo wuu ka qabtay.

Isma lahayn nin baa kaa helaya, in uu ila haasaawo waxaan ka jeclaa inaan tagno gurigii Maryan oo uu na qaabillo, dabcan anna waan qaabbili lahaa, danahayga na aan ka guto. Maalin aniga oo suuqa Islii maraya ayaan maqlay ruux iga daba hadlaya. Waa nin dhalinyarada ah, waxaan maleeyey in aannu is garanayno. Balse, wajigiisa horay uma arag. Niman badan baan arakay ee maxaan ka xusuustaa! Si fuduul ah ayuu ii nabdaayey, anna waan is yar cadhaysiiyey markii aan hubsaday in aannan is-garanayn. Waannu isku sii lug darsanna, markii dambe si caadi ah ayaannu u wada sheekaysannay, oo telkayga ayaan u qoray. Isaga oo faraxsan ayuu i soo sagootiyey. Baskii baan raacay oo waxa aan aaday hoygaygii, maya ee dhufayskaygii.

Habeennadii ayuu i soo wacay, dhawr goor markii aan ka qaban waayey ayuu farriimo badan ii soo diray. U ma jawaabin ee habeenkaas waan iska seexday. Subaxnimadii ayuu sidoo kale i soo wacay, markaan ka qabtay oo uu i salaamay na ima waydiin farriimihii aan ka jawaabi waayey. Cabbaar baannu kafnnay oo waannu sheekaysannay. Beryihii dambe waannu haasaawi jirnay, haasaawahani ma aha kii aan aqaannay, waa mid ay danayni ka muuqato. Dhawr goor buu Faysal i ga dalbaday in aannu kulanno, waan ka cudurdaartay marar badan. Maalintii dambe ayaan ka yeelay. Wuxuu igu casuumay makhaayad weyn. Ma ahayn makhaayad shiishad lagu cabbo. Waannu wada sheekaysannay oo si wacan baan maalintaas araggiisa ugu nafisay. Jacaylkiisa ayaa igu beermay. Balse isaga ayaa iga jacayl badnaa, subax walba codka ugu horreeya ee aan maqlo wuxuu ahaa kiisa, habeenkiina sidoo kale.
Waan ka soo wareegay gurigii Maryan. Naclad ha ku dhacdee waxay hayd shaydaamad fataalad ah. Waxaan la soo degay, gabadh aannu deris ahayn waagii aan guriga habaryartay joogay. Maalmo markii aan la joogay ba waxay ii soo heshay shaqo. Makhaayad baan ka shaqayn jiray. Faysalna galab galab buu ii imaan jiray, aad baan u roonaaday. Sigaarka ayaan marmar cabbi jiray, maalmo yar ka dibna waan iska daayey. Noloshaydii ayaa is beddeshay. Sida abeesadda ayaan xuub siibtay. Bilicdaydii yaraan baa soo noqotay. Ruuxii aan is aragna ba wuxuu i odhan jiray “Hibooy waad is-beddeshay oo waad qurux badnaatayee, xaggee baad aadday”. Waa runtood oo waan is beddelay, balse meel na ma aadin. Alla maya ee waxaan aaday oo aan imminka ba ku maqanahay qalbi i jecel. Kaas baa i beddelay. Wax badan oo aan is beddlin weli ayaa jira, waan illaaway. Balse, caawa ayaan soo xusuustay.

In muddo ah baannu wada sheekaysanaynay Faysal. Waxaa soo dhawaatay ballantii, waa markii aan ka nasan lahaa kadeedkii i soo maray. Nolol aan ka quustay beri ah ayaa imminka soo curatay. Xaas baad noqonaysaa is ma aan lahayn, waan isla tirtiray himiladaas, mayee isayada ayaa iska baaba’day oo iska silicday, aniga ayaa gacmahayga ku burburiyey oo aqoon darro iyo dhalinyarannimo ayaan ku baabi’ey. Waa taas haddana maqaadiirtu soo hoggaaminayso oo xaggayga u soo waddo. Bisha lixaad baannu Xamar aadi doonnaa, halkaas baanna aroos ka dhiganaynaa oo degaynaa. Ilaahay ha burburiyee waan ka tagi doonaa Naroobi. Waxay ii ahayd magaalo wayn, run ahaantiina waxay ii ahayd xabaalaha oo kale. Xabaalo uu ku jiro ruux aan dhiman, waa kaas Faysal ka soo dhex baxay magaaladii madoobayd. Kolkaas noloshaydu ii iftiintay, kolkaasuu ubaxii abaarsaday dib u soo curdin noqday oo dhegaha furay, dharabkuna waa kaa ku yaal.
Caawa oo dhinacaysa jiìfo saddex sano ka hor baannu Xamar ku aqal galnayd. Waannu faraxsananaan jirnay, boogihii ku yaalley wadnahayga ayuu dhayey, waa dhakhtarkayga, waa dhidibka noloshayda. Waannu ciyaari jirnay oo waannu qosli jirnay. Qorrax walba oo noo soo baxda raynrayn bay noogu soo dhalan jiray, gabbal walba na wuxuu na sagootin jiray isaga oo noo dhoollacaddaynaya. Noloshayda imminka sannadkii siddeed iyo labaatanaad madaxa la sii galaysaa ima soo marin saddex sano oo iiga fiican. Habbeen keliya murugo kuma aannan seexan. Caawa uun baan arkay wejigiisa murugaysan iyo indhihiisa ilmaynaya. Anigu waan la yaabbanaa oo maxaa dhacay baan is lahaa. Markii uu ii sheegay waxa ka murugaysiiyey ayaa wadnaha la iga abbaaray oo tummaati baa bogga la iga taagay. Waan naxay oo waan dawakhmay, dhulkaana cidhiidh igu noqday.

Waan eegay bal in uu seexday, laabtiisa timaha badan baan gacantayda saaray, isla markiiba isna gacantaydii ayuu sii dul saaray tiisa wayn ee qallafsan. Hugunka laabtiisa ka baxaya waan dareemayey, waxaad mooddaa in uu col duulaya ka dhex guuxayo ayama uu aar wayni ka dhex cartamayo. Cod hoose ayuu igu yidhi:-
-“Berri dhakhtar baan tegaynaa.”
-“Ka dibna..!!” ayaan idhi iyada oo codkayga baqdin laga dareemayo. Waan naxsanahay, hadalkii ayaan ga kala lumay oo carrabkii baa i waynaaday.
-“Waxaan ogaanayaa meesha ay ka jirto dhibta ina haysata”.
-“Haye ”
-“Hibo, ka warran anigu haddii aan noqdo kan ma-dhelayska ah.” ayuu yidhi isaga oo codkiisu sii xabeebsanayo.
-“May, ma noqonayso xabiibi” Ayaan ku qayliyey oo waan soo fadhiistay. Aniga oo ka argagaxay hadalkaas.
-“Haddii aad adigu noqontid meesha ay cilladu ka jirto kuma furi doono, ee waan ku dhaqan doonaa. Haddii aad adigu ii oggolaatid in aan xaas kale yeesha na waa gobannimadaada” Ayuu yidhi. Waxay erayadii iigu saamaynta badnaa ee uu abdidkay i yidhaahdo, waan rumaystay sida uu ii jecel yahay oo weli na iigu kalsoon yahay. Markaas ayaan go’aansaday in aan u sheego sida ay wax u dheceen, iyo qadddartii hore ee qorshaysay in aannan waxba isku dhalin muddo shan sano ah. Waan ka baqanayaa oo waxaan doonayaa xilli ay ku habboon tahay. Dabadeedna go’ii ayaan huwaday illaa laabta waanna sii jeedsaday, aniga oo ka sii dabatuuray.
“Haye, dhakhtar baynu aadi doonnaa”.

Annaga oo qos-qoslayna ayaannu ka soo baxnay dhakhtarkii, gacmaha ayaannu is haysannay aadna waannu u faraxsanayn. Waa warkii ugu wanaagsanaa ee aan maqlo abidkay. Boholihii ay Nayroobi igu tuurtay waa anigaa ka sii baxaya tii ugu dambaysay, waa anigan diyaar u ah in aan hooyo noqon karo. Dhakhtarku wuxuuu noo sheegay in aannu labadayadu ba aannu caafimaad qabno, Ilaa sannad ka dibna aannu ku soo noqonno, isaga oo aad u rajaynaya in marka aannu soo noqonno aan anigu uur leeyahay. Masaakiin jidka taagnaa baannu lacag badan u qaybinnay. Subaxdii jimcahana xilligii cir-guduudda ayaa na la quraan saaray oo boqol iyo afar iyo tobanka ayaa na lagu akhriyey, labo wan oo ga-gaboobay oo geesa leh na waannu gawracnay. Aad baannu u ducaysannay, Aammiinta na waannu isku jiibinnay. Anigu na qorshaygii kale caawa ayaan geli doonaa, caawa ayaan daboolka ka qaadi doonaa wax aan in badan Faysal ka qarinayey. Ciqaabteedana in aan maro ayaan xaq u leeyahay.

Qolkii baan habeenkii soo goglay, nalkii waynaa baan damiyey, waxaanna daaray shamac, uunsi baan ku qiiqiyey, daahyadii baan beddelay oo kuwo uu jeclaa baan soo laadlaadiyey. Anigu waan soo qubaystay oo cagahaan soo xinnaystay, sunniyaha qalin madow baan ku duugay, waan indhokuushay, afka na waan casaystay. Diric cad iyo googarad cad oo aan cadar ku bilbilay baan dhex galay, girgire uunsi ah baan cagaha ka kal ritay, aad baan iskku duugduugau oo si fiican baan u dhaashtay. Sariirtana si fiican baan u goglay. Macawis cad oo uu lahaa baan barkintiisa u dul saaray oo biyo uu ku maydho baan u shubay. Waxaan jeclaan lahaa in aan anigu u maydho, se musqusha ayaa naga dheer oo reer kale ayaa nala deggan. Miiska ayaan labo kursi hareeraha ka dhigay, xababd shamay ah na waan daaray oo waxaan dul qotomiyey seesar cad. Markii aan shidayey shamaca waxaan soo xusuustay wax aannan jeclayn inaan soo xusuusto! Waxaan ugu talo galay in aannu cabbaar sheekaysanno inta aannan jiifka tegin, sidaas baan jeclaa, isaguna wuu jeclaa oo isaga ayaaba i baray. Isaga oo udugga qolka sanka la raacaya ayuu soo galay. Tuwaal uu isku qallajinayey oo dhabarkiisa saarnaa baan ka qaaday oo xadhiga ayaan ku soo wadhay. Waxaanna u imid isaga oo kursigii fadhiya, cashadii baan u keenay, waanna wada cashaynay. Ka dib baan haddana alaabtii qaaday oo u soo noqday. Hadda ayaan wax walba sheegi doonaa, aniga oo qoorta dadbaya ayaan kusigii fadhiistay. Waxaan sheegi doonaa run khadhaadh eeddeeda na in aan qaato ayaan rabaa.

Cabdiraxmaan C. Cirro.
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here