Ramla-yar iyo Riyadeedii – Niciima Xasan Xuseen

Niciima Xasan Xuseen

Ramla, waa 10 jir dhinac kaga dhaqan mid kamid ah xaafadaha Magaalada
Muqdisho, waxayna kasoo jeeddaa qoys aad u sabool ah oo ay iyadu curad u
tahay.
waxay loolan kula jirtaa wajihidda nolasha iyo duruufaha dhaqaal ee
adag oo ay qoyskeedu lugaha la galeen ka dib markii uu Aabeheed
geeriyooday.

Ramla waxay garab u tahay hooyadeed iyo afar carruur ah oo walaaleheed ah.
Waxay awooddeeda isugu geysay inay wax soosaar yar sameyso; si ay u
kaabto nolosha liidata ay qoyskeedu ku noolyihiin.
Ramla, waxay ka shaqeysaa iibinta Lawska, oo ay hadba la istaagtaa
goobaha laga raaco gawaarida, maqaaxiyaha, goobaha shaaha laga cabbo
iyo meelaha bulshadu ku kulanto.

Shaqada adag oo ay Ramla dhabarka u ridatay iyo dakhliga kooban ee
kasoo gala ma kaafin karto nolosha qoys dhan, balse waxay taasi
caddeyn u tahay kartida iyo wax qabadka gabar yar oo ku fekeraysa inay
garab istaagto hooyadeed iyo walaaleheed aanan laheyn miciin kale oo u
gargaara.

Ka sokow halganka adag ay Ramla ugu jirto soo dhicinta quutul
yoonkooda, waxay la kulantaa dharbaaxada kaga timaaddo qeyb ka mid ah
arxan-laawe yaasha ay ka barbar shaqeyso, oo mararka qaar ugu xoog
sheegto awooddooda haddii aysan si bilaash ah ku siin dhawr bac oo
Laws ah.

Ramla yar waxay kaloo bannaan yaal u tahay darbadda dhaxanta oo ay
habeenkii la kulanto intay ku guda jirto iibinta Lawska, taasoo aysan
helin gabbaad ay ka gasho iyo hu’ ay ka huwato toona.
Waxay isku qancisaa inay mar uun ka tallaabsan doonto duruufahan adag,
ee ka dhigay mid uurka ka oyfo haddaysa indhaha ka ilmeyn.
Duruufaha qallafsan iyo waayaha kulul waxaa la wadaago carruur
badan oo aynigeed ah, kuwaasoo qaa

Riyada Ramla!
Ramla, waxaa ka dhex guuxayo riyooyin badan oo ay ku taammeyso inay
mar uun u rumoobaan; si ay u dareento xasillooni nololeed.
Waxay rajeyneysaa inay hesho nolol qurxoon oo ay ku dheehan tahay jaceyl iyo
Koolkoollin.
Waxay is tustaa iyadoo kasoo dhex toostay qoys wada faraxsan oo u dhan
yahay dhaqaale iyo dhalaal adduun.

Waxay ku fekeraysaa goortay u hirgeli lahayd inay ka mid noqoto
ardayda subax kasta u kallahda oo sahay cilmi kasoo qaata dugsiyada
waxbarashada.

Waxaa xasuusta iyo maankeedaba buuxiyay goorta ay carruurnimadeeda ku
qaadan doonto cayaar iyo dheel ay ka qadday mudda badan, uguna baxdo
damaashaad iyo dalxiis ay ku takto goobaha ay carruurtu ku cayaaraan;
si ay ugu soo qaadato waqtigeeda ulana soo kulanto carruur ay
wadaagaan da’ iyo dareen carruurnimo.

“mar uun way ii dhaboobi doontaa riyadeyda ku aaddan helidda nolol
qurxoon oo ii qalanta”
Guuxa ka dhex yeerayo nafsadda Ramla intaas ayay isugu biyo shubatay..

Naciima Xasan Xuseen
naciimaxasan93@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here