SADAQO: Sir Mise Salow – Cabdinaasir Yuusuf Ciise

Sadaqo

Sida Eebbe quraanka inoogu cadeeyey, Ergeygii Suubanaana [SCW ] axaaddiis looga wariyey Sadaqada oo lala baxaa waxaa laga helaa mushqaayad. ‘kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalin, sir iyo caad ba waxay abaal marin kuleeyihiin Allahood…’ [2:275] sidoo kale aayado badan sida 63:10, 2:261 ayaad ku arki kartaa boorinta bixinta sadaqada iyo ballanqaadyo ku lammaan mid kasta. Ergaygii Alle ayaa asna axaadiis laga weriyey kula dardaarmay asxaabtiisii inay wax la baxaan. Sida lagu weriyey saxiix bukhaari , rasuulka [SCW] ayaa yiri “ka badbaadi naftaada holaca naarta haba ahaato [sadaqadu] jab/gabal timiree, haddii aadan haysan gabal timirna, ereyga wanaagsan [waa sadaqo]” iyo axaadiis kaloo badan.

Hadda ba muslimka laguma boorin oo kaliya inay bixiyaan sadaqadda, laakiin habkay ula bixi lahaayeen ayaa iyadana loo cadeeyey. Rasuulku wuxuu sheegey in ‘7da qof ee harka Alle harsan doonta qiyaamaha uu kamid yahay qof sadaqo la baxay oo gacantiisa bidix ogaanin waxaa midigtiisu bixineyso.’ Tani waxay kutusineysaa heerka ay joogto sadaqadda sida qarsoon loo bixiyo. Waa mid xagga Alle qiimo sare kuleh, qofkuna uu ku gurubsan karo wanaag badan oo ay kamid tahay hargalidda hooska Alle. Dhanka kale lama reebin in sadaqada loo bixiyo si muuqata.

Dunida aynu joogno ee casrigaa, waxaa aad u hormartay tiknoolijadda oo waxbadan ka bedeshay hab nololeedka aadanaha. Saamayn aan la dhayalsan karina kuyeelatay. Si taas lamida ayay usaameysey camaladdii suubanaa ee sirta ahaa . Kasoo bilow salaadda masjidka ilaa cuntadii guriga ayay saameysey.

Sadaqaddu dabcan kama marna meelaha uu casrigu raadeeyey. Si togan iyo si taban waa ay u raadeysey si lamida jaadadka kale ee nolosha. Marka hore, tiknoolajiyaddu waxay fududeysey in ay isu soo dhaweyso dadkii baahnaa iyo dadka jecel in ay wax la baxaan. Halkii awal qofka caawinaadda ubaahan uu codkiisu gaari jirey deriska iyo mowlaca ay xaafaddu ku tukato uun, hada caro-edeg oo dhan ayaa baahidda qofku ku gaaraysaa daqiiqad gudaheed. Tani waa wanaag casrigu keeney, runtiina ah mid loo riyaaqo. Isla tan hadaan dhan kale ka eegno, waxay soo kordhisey arimo laga murgo. Waxay fursad dahabi ah siisey TUUGGa casriga ah. Tuuggani wuxuu gaadaa fursadda wax loogu aruurinayo qof baahan kadibna wuxuu uga faaideysta inuu lacagtaas musuqo oo isdabarin ku sameeyo. Labo nooc ayuu ku howl galaa tuuggani o kala ah;

1- Inuu yahay qof loo wakiishey inuu qofka baahan lacagta u aruuriyo ama loogu dhiibo inuu gaarsiyo oo uu dabadeedna oo wax ka reebto lacagtii ama gebigeedaba lunsado.

2- Inuu isku ekeysiiyo ama kudhex dhuunto dadkii wax aruurinayey. Sidee? Tirsiga alleenkiisa ayuu darbi walba ku qorayaa asagoo raacinaya ereyo beerlaxawsi ah ooo uu dadka wax kaga qaadayo.

Labadaan arin ayaa keeney in ay wiiqanto AAMINAADDII. Kalsoonidii ayaa jilaalsatay oo tabar yaraysey. Sidoo kale shakigii ayaa bulaalay. Camalkii sharfanaa ee sadaqada ahaa ayey dhooqeysey. waxay tashuush iyo tuhun kufurtay samo-jeclaayashii wax bixin jirey. Ayagoo ka baqaya in ay qofkii baahnaa gaari weydo sadaqadoodu. Arintani waxay dhalisey salow, muran iyo isqabqabsi joogta ah oo soo noqnoqdey oo aad ufoolxun.

Si taas loo saxo, ayaa keentay xal ah ITUS oo la micno ah qofkii gini bixiyaa waa inuu arkaa inay gaartay maskiinkii uu ugu talo galay. Muuqaal iyo sawir ayaa la socda sadaqo kasta. Tani waxay meesha ka saartay nuxurkii ajarka badnaa ee ahaa in Sadaqada SIR laga dhigo. Sidoo kalena waxay meelka dhac kutahay dhibanihii oo dhib labaad kutahay in maantoo idil lagu sawirayo waxaan kaafin baahidiisa.

Labo daran mid dooro ayaa dhacday; in sadaqadii sir ahaato oo shaki iyo muran daba socoto iyo in muuq la socdo oo SIRTII iyo sharafkii baahana meesha ka baxdo!

W/Q Cabdinaasir Yuusuf Ciise
igalmohamed1@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here