Isu Tanaasula .. Noloshu uma qalantee! – Faca Cusub

Uma qalanto Noloshu

Qormooyinka ugu quruxda badan, uguna run badan ee sida daran ii xanuunjiya waxa ugu mudan ta aan ka akhriyay Cali AlDandaawi (IHUN) marka uu leeyahay : ‘‘Ku fara-adayga dadka aad jeceshihiin, u sheega jacaylka aad u qabtaan, u dhaafa gefafka ay idinku sameeyaan; waxa dhab ah in ay maalin uun tegi doonaan, ama aad idinku hoyan doontaan –iyada oo uu qalbiga boholyaw ama xiise gubayo. Iska jira in aad nabarka toshaan idinka oo aan hoosta ka dhayin (dooda, gorfeeya, isu tanaasula, wax isu caddeeya, wax isu qirta) noloshu waa ay gaaban tahay oo uma qalanto xin, xumaan, xasad, cadho, rixim goys ..iwm. Berri waxa aynu noqonaynaa xusuus keliya , wadkuna dadka ma war geliyo. Dhoolla-caddeeya, oo saamaxa qofka idinku gefa.’’

Waxa ay ii xanuunjisaa weedhaa sare, waayo, waxa aan akhriyay xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Si kedis ah ayaa ay ii soo hor martay ka dib markii aan waayay dad igu qaali ahaa, dadkaas oo qalbigu sheeko dheer uu u hayay. Waxa I gubayay boholyaw aan u qabay, oo aanan u sheegan iyaga, waayo, waxa iga mashquuliyay waxyaalo fudud, kibir iyo cudurada badan ee reer bariga; oo ay ugu horreyso aniga oo maanka geliyay in aanan qofna kaga horreynin bariidada iyo weyddiinta xaaladihiisa, illaa uu isagu igaga horreeyo. Waxa aan moodayay qofka haddaan kalgacal u muujiyo ama aan ka wardoono in ay tahay nacasnimo.

Sidee ayaa aan uga wardoonaa ama aan ugaga horreeyaa bariidada, saw anigu kama weyni oo kama sarreeyo -sida aan u haystay- iyaguna igama yara oo igama hooseeyaan, waa in kuwa yaryari ay ku horreeyaan bariidada iyo ka warqabka. Anigu waxa aan ahay qurbejoog oo waan maqanahay, aniga ayaana marar badan ka wardoonay oo daneeyay, ee waa in ay markooda I soo xaal-ogaadaan. Aragtiyo badan oo noocaas ah ayaa iga dhex guuxayay, oo aan ka dhaxlay bulshadayda bukta. Fikraddaa ayaan rumaysnaa, oo aan ku dheggenaa illaa xilli ay waxkastaaba kala daateen. Qaar baa dhintay ehelkaygii oo hoyday, murugaduna waxba iima qabanayso hadda. Uma cudurdaaran karo, oo ma raali gelin karo; xataa riyo ayaa aanay igu soo marayn.

Qabka iyo isla-weynidu waa hooyada dhashay dhammaan dhibaatooyinkeenna bulsho, bulshooyinka kalena inalama qabaan. Is-laweynidu waa danbi mararka qaar ka cuslaan kara gaalnimada, waayo, waa danbigii ugu horreeyay ee Ibliis uu Eebbe ku caasiyay, markii uu diiday inuu u sujuudo Nebi Aadam. Wuu is kibiriyay Ibliis. ‘‘Wuxu yidhi: Maxaa kuu diiday in aad u sujuuddo markii aan ku faray? Wuxu yidhi anaa ka fadli badan, waxa aad iga abuurtay dab, isagana waxa aad ka abuurtay dhoobo.’’ Acraaf 12.

Kibirku waxa uu sabab u noqon karaa in qofka laga qaado naxariista Illaahay, waanu ka sii xagjiraa haddii kibirku uu quseeyo ehelkeenna, qaraabadenna ama asxaabteenna, waayo, waxa arrintaa ka dhalanaysa rixim-goysnimo, taasna qofka ku kaca Illaahay waxa uu u gooddiyay lacnad iyo naxariis ka dheereyn. Alleh waxa uu yidhi: ‘‘Ma waxa la idinka filayaa markii aad xaqa ka jeedsateen in aad dhulka fasahaadisaan, oo aad riximkiinna goysaan; kuwaasi waa kuwii Illaahay naxariiska ka dheereeyay, dhegaha tiray, ee uu indhahana saabiyay.’’

Xadiiska waxa ku soo arooray, in uu Abu Bakar yidhi: Rasuulkii Eebbe (SCW) waxa uu yidhi: ‘‘Ma jiro danbi u qalma in uu Illaahay ifka ugu soo dedejiyo cuquubadiisa qofka fala, marka laga reebo kuwa dib loogu dhigayo aakhiro, oo aan ahayn kibirka iyo rixim-goysnimada.’’ Rixim-goysnimadu waxa ay ku soo ururaysaa uun waalid-caasinimada iyo waxa la xidhiidha. Qofka rixim-goyska ahna raadad badan ayaa lagu arkaa ifka sida risiq yaraan, tawfiiq iyo haleelsiin la’aan iyo wixii la mid ah. Waxa aan hubaa in dadkeenna riximka gooyaa aanay u goyn wax weyn oo lagu qanci karo, balse qab, kibir iyo isla-weyni ayaa ay intooda badani riximkooda u jareen.

Xilligan aynu ku jirno ee xidhiidhka elektarooniga ahi wax kasta fudaydiyay, ee uu dadkiina isu soo dhaweeyay, iyada oo aanay waqti badan kugu qaadanayn in aad ehelkaaga ka warqabto, ayaa ay haddana dad badani ka meermeerayaan in ay xigtadooda xidhiidhiyaan. Innagu waxa aynu is-leenahay maxaa ay iyagu kuu soo xidhiidhin waayeen? Halka ay iyaguna innaga inaga war sugayaan, oo ay is-leeyihiin hakaaga horreeyaan. Midkeenba midka kale ayaa uu jarayaa, ka dibna waxa aynu ku war helaynaa geeridiisa. Waxa aynu murugoonaynaa xilli aanay murugo waxba tarahayn.

Noloshu waa ay gaaban tahay oo uma qalanto… Noloshu waa ay fududahay ee maxaa keenay in aynu beryahan danbe isku adkeyno innagu. Maxaa ay kaa dhibeysaa haddii aad wiilkaaga ama gabadhaada xaalkooda ka warqabto, intii aad iyaga ka sugi lahayd in ay kaa soo war doonaan? Maxaa dhacaya haddii aad ardeydaada u hambalyeyso ciidda iyo munaasibadaha kale, intii ay iyagu kuu soo hambalyeyn lahaayeen? Maxaa dhacaya haddii aad dareenkaaga kalgacal u muujiso gacalisadaada ama seygaaga, ama aad qofkasta oo xigtadaada ka mid ah aad u qirato in aad jeceshahay, inta aanad isaga ka sugin inuu kuu muujiyo jacayl? I rumayso, taasi kuuma kordhinayso wax aan qiimo iyo sarreyn ahayn, uu kuu qaado qalbiga qofka kale. Haddii uu qofka kale ka gaabiyay xidhiidhkiinna, marka aad xidhiidhiso waa uu qajilayaa, oo isna adiga iyo dad kaleba waa uu xidhiidhinayaa, halkaana ajar baa kuugu jira. Waxa la ina faray in aynu u sheeganno qofka aynu jecelnahay jacaylka aynu u qabno. Waxa uu Nabigu yidhi: ‘’Haddii midkiin uu jeclaado saaxiibkii, ha u sheego in uu jecelyahay, waxa uu helayaa isna waxa uu helayee.’’

Diintu inama farayso in aynu dareenkeenna aasno, oo aynaan xigtadeenna u muujin jacayl; taas lidkeeda ayaa ay diintu ina faraysaa. ‘Is culaysi’ waa weedh bulshadeenna burburisay, oo inaga masaxday kalgacalkii. Noloshu uma qalanto walaalayaal in aynu nafteenna hafarno, isku soo xooriyoo addoomo ayuun baa aynu nahay. Haddii uu Illaahay ina siiyay ama inagu karaameeyay walax, nimco ama xoog; waxa uu awoodaa in uu mar qudha inaga qaado, oo aynu u baahanno dadkii shalay innaga inoo baahnaa. I rumaysta, dhabtii noloshu uma qalanto, berri waxa aynu noqonaynaa xasuus… wedkuna waa marti aan cidna dhaafin.

Waxa Af Carabi ku qoray: Cabdijabbaar Al Caskar.
Waxa turjumay: Cali Ileeye.

Lingaxan riix qormada oo Carabi ah:
http://blogs.aljazeera.net/blogs/2017/10/26/%D8%AA%D9%86%D8%A7%D8%B2%D9%84%D9%88%D8%A7-%D9%81%D8%A7%D9%84%D8%AD%D9%8A%D8%A7%D8%A9-%D9%84%D8%A7-%D8%AA%D8%B3%D8%AA%D8%AD%D9%82

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here