Farriin ku Socota Aqoonyahanka Geeska Afrika

Akhris

Waa erayo kooban, balse qalbiga ka soo go’ay oo ku socda gacallayaashay. Kuwa qalinka qancid ku qaatay. Ee rumeeyay sarraynta erayga fahan ahaan, iyo in qalinku ka xooggan yahay baaruudda. Waayo baaruuddu wax bay dishaa, qalinku se wax buu nooleeyaa. Marmarka qaar ayay se baaruuddu door roonaataa, oo aanay wax dilin e lagu difaacaa dalka iyo xaqa. Marmarna qalinku dilaa ayuu noqdaa. Labo siyood ayay tani ku dhacdaa: marka qalinku heerkii nolosha uga xuubsiibto goobaha geerida, ee uu farriin la’aan iyo yool la’aan noqdo—ama ujeedkiisuba noqdo noolaanshiyo uun. Waxaynu rabnaa in aynu ku noolaanno nolol dabiici ah, waana marka farriinta qalinku taa noqon weydo. Marka labaad waa kolka qalinku ka mid noqdo qalabka wax lagu cabiidsado ee lagu burburiyo, ama uu qalinkiiba afka ka xidho qaddiyadaha ummadda.

Eraygani waxa uu ku socdaa cidda leh awoodda qoraalka. Qoraalkuna waa labo jaad: in aad si bilaa manhaj ah u qortid wixii kugu gudo jira. Tani ma aha qorid, iyo xataa badhkeed toona oo cidda samaysaa aqoonyahan tahay. Waa se hadal la qoray, idilkeenna waynu hadalnaa. Balse jaadka labaad waa ka la rabo, waana qoraalka abbaarta leh. Qoraalku waxa uu noqon karaa buug in muddo ah la sii akhriyo. Maanta waxa inoo yaalla wixii uu qarniyo ka hor qoray Jaaxid, ee uu Socrates dhigay kumanaan gu’ ka hor. Labadaa nin waxay qoreen buugaag xilligu simay, waayo waxa ay lahaayeen awoodda waaridda. Qoraalku [dhanka kale] wuxuu noqon karaa maqaal, balse gudaha ku sita awood siijiritaan.

Eraygani waxa uu ku socdaa gabyaaga tirinaya hadalka miisaaman. Hadalkaas oo inta uu meel durugsan ka soo go’ tilmaamsanaya meel durugsan. Kelmadahaa meelaha durugsan ka soo maaxdaana waa labo nooc. Waxa jira gabay aan ujeeddo lahayn, fariinna wadan; kani waa waxla’aan ilaa waxla’aan! Waxa uu noqon karaa mid af ahaan xooggan, oo nuxur, awood iyo farshaxanba leh, haddana ka arradan in uu dalka u diriro, oo qaayasoorrada u halgamo, jacaylkana dhulka inta uu ka rujiyo meel micno sarrayso geeyo.

Erayadani waxa ay ku socdaan kuwa fekerrada ku qora afafka nool. Ha ugu horreeyo afka tidica qurxoon, ee afkii Qur’aanka iyo waxyiga waaraya ah, af Carabida. Waxa aan eraygan ku wadaa sida oo kale kuwa wax ku qora afafka reer Yurub: Ingiriisida, Faransiiska, Talyaaniga, iyo Ruushka. Waxa iyaguna ku jira kuwa wax ku qora afafka Turkiga iyo Shiinayska. Eraygan waxa kale oo aan ku socodsiinayaa kuwa wax ku qora afafka kambalka (local) sida Soomaaliga, Canfariga, Oramada, Amxaariga, Sawaaxiliga, iyo afafka kambalka ee kale.

Waxa aan rumaysnahay in qofku uu labo jeer fekero marka uu wax qorayo. Fekerrada ayaa dhan kasta kaga soo dhaca, dabadeed maankiisa ayuu ku hormeeyaa. Waa tallaabo kowaad. Waana u lamahuraan cidda qorista ku xariifsan. Waxna la ma qoro iyada oo aan la fekerin. Feker aan fekeraagiisii wadanina ma arki karno. Balse tallaabo labaad ayaa jirta. Af la’aan la ma fekeri karo. Afku waa noloshii. Nolosha aadanuhuna waxa ay ku tiirsan tahay afka. Sababtaas ayuu Eebbe u yidhi: ‘‘Naxariiste! Waxa uu [dadka] baray Qur’aanka. Waxa uu abuuray dadka. Markaas ayuu baray aftahannimada.” Halkan ayaynu ka helaynaa mucjisada noolahan dadka. Waxa uu ka soo gudbay noloshii dugaagnimada, oo uu u soo guuray nolosha aadamnimada. Waa xayawaan hadla, sida ay tilmaamaan aqoonyahanka loojigga iyo falsafaddu.

Afku waa mucjisada dadka. Aftahannimaduna kaalin ayay ka heshay Qur’aanka, marka la eego suuradda Ar-Raxmaan. Naxariistaha fadligiisa waxa ka mid ah, iyo sida uu aadanaha u maamuusay, in uu Qur’aanka u siiyay manhaj nololeed ahaan, iyo dastuur caadada ka sarreeya oo nolosha haga. Haddii aanu dadku aftahansanaan lahayn, ma fahmi lahaaba Qur’aanka? Qur’aankuna waa aftahannimada u sarraysa inta aan wax kalaba la gaadhin.

Wax baan qoraa, sidaa darteed aqoonyahan baan ahay. Waa isle’eg falsafadeed oo saxan. Balse waxa ka sii qumman in aan hadlo sidaa darteedna aan aadame ahay. Ilbaxnimada aadanuhuna waxa ay bilaabantay maalintii dadku ku guulaystay in uu ka baxo cidhiidhigii la-xidhiidhidda dadka kale (xidhiidhkii bishmaha ahaa), una gudbay ballaadhnida xidhiidhkaa (xidhiidhka qoraalka). Maanta, tobanaan kun oo gu’ wax ka badan ka dib, waxa uu aadanuhu ku guulaystay in uu dhihidda u beddelo dhigid. Markaas ayay aadamnimadu u guntatay socdaalkeeda ay kaga timi caalamkii illawshaha ilaa caalamka joogitaanka iyo maragga. Halkaas ayaynu ka fahmaynaana halisnimada erayga.

Caalamka aadanaha ayuu qalinku ka dabo yimi erayga, balse caalamka sare qalinku wuxuu ka horreeyay abuurta: Eebbe waxa uu abuuray qalinka, markaas ayuu dabarka ka furay si uu waxa socda u qoro ilaa maalinta qiyaame. Wax dhayaldhayal ahna ma aha in marmarka qaar, uu Eebbe suuradaha qaar ku dhaarto: “Nuun. Iyo qalinka iyo waxa ay qorayaan.” Waxyaabaha uu kitaabka maamuusani yaabka ku leeyahay ayay ka mid tahay in suurad dhan loogu magac daray “Qalin’. Suuradda [hore] waxaynu ku arkaa saddex wax. Xaraf ka mid ah kuwa higgaadda (oo ah N), qalinka oo suuradda si cad ugu xusan oo weliba ah dhaar Rabbi, iyo qoraalkii (iyo waxa ay qorayaan) oo isaguna ah dhaar Rabbi. Halkan sir weyn, oo ay yar tahay inta aynu ku baraarugno, ayaa ku jirta. Waa in sirta ilbaxnimadu tahay aqoon; sirta aqoontuna tahay maan; sirta maankuna tahay fekerid; sirta fekeridduna tahay wax-iswayddiin; sirta wax-iswayddiintuna tahay baadhis. Intaas oo dhamina waxa ay isugu biyo shubanayaan feker. Qalinka, fekerka, iyo qoraalka dartii ayay waxaas oo dhami u soo baxayaan wax qoran (iyo waxa ay qorayaan).

1. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, wax qor waxaasi inta uu doono ha le’ekaado e. Caalamka qoraalkana ha uga gooshin caalam ka madhan qoraalka. Nolol ma leh aqoonyahan bilaa qoraal ahi. Nolosha aadanuhuba qoraalka ayay la bilaabantaa. Waxa ayna joogsataa marka qoraalku nolosha aadanaha ka faaruqo. Sidaa darteed, noloshu dhadhan ma leh haddii aan maanka la adeegsan. Waxa aynu u baahannahay in aynu maanka u adeegsanno si wanaagsan. Maankana la ma adeegsan karo haddii aanu qoraal jirin.

2. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, caalamka fekerka ha ku noqon mid qayrkii ku naban, ee adigu isnoqo xagga fahanka, akhriska iyo baadhistaba. Markaas ayuu qofku mar labaad dhashaa. Qof kastaa wuxuu leeyahay dhalasho hore, oo ah dhalashadiisa bayoolajiyadeed. Markaas ayuu qofku haybtiisa qoomiyadeed ka helaa dhalashadiisa. Balse dhalasho labaad ayuu leeyahay, waana dhalashada aqooneed. Markaas oo uu qofku helo sinjiyaddiisa fekereed, iyo sawraciisa aqooneed. Ha ka noqnoqon in aad u gudubtid garoonkaa labaad. Garoonka kowaad waa Rabbaani derajada kowaad ah, oo adigu doorasho ku ma lihid. Ka labaad se qofka ayaa madax u ah doorashada. Balse ha ka dhigan doorashada labaad mid sandulle ah oo aan dookh-ciyaarid ahayn.

3. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, la noolow fekrad aad rabtid in noloshan aad xaqiijisid. Nolol bilaa fekrad ahi way gaaban tahay. Fekradda dheer [bal u fiirso], imisa qof ayaa Ibnu Taymiya la soo noolaa, diiddanaa ama oggolaa, balse aan nolosha raad kaga tegin; halkaa maray oo muuqood la waayay. Balse Ibnu Taymiya amminta ayuu isla cusboonaysiiyay, oo muu abaadin. Waayo wuxuu dhalashadiisii labaad ka dhex doortay aragtiyaha loollamayay. Wuxuu diiday isdhiibidda maanka. Sida oo kale muu oggolaan in uu ka aamuso qaddiyadaha ummaddiisa. Weli waa ka xaadir arrimaha falsafadda, jihaadla iyo geylamidda, iyo siyaasadda iyo xoolaha. Sidaas oo kale ayuu [Abi Xaamid] Al-Qasaali u ahaa nin ku dedaalay arrimaha suufinnimada, baadhay qaddiyadaha falsafadda, sidaasna kaga mid noqda kuwa waaray. Ibnu Khalduun dawladda ayuu la soo shaqeeyay, marmar ayuu la falgalay, marmarna wuu baalmaray; balse taariikhda ayuu ku sugnaaday, waayo waa aqoonyahan qoray buugga taariikheed ee dunida ugu weyn (Hordhaca).

4. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, cusboonaysiintu waa sabab siijiritaan. Qofkii naftiisa ku cusboonaysiiyay caalamka fekerku wuxuu ku guulaysan karaa in uu unugyada maankiisa cusboonaysiiyo. Qofkii akhris la’aan ku noolaadaana wuxuu mutaysanayaa nolol iskaddabawareeg ah oo aan horumar lahayn. Doqonku waa kan ka fekeraya cusboonaysiinta dharkiisa iyo agabkiisa, balse ku fashilmaya cusboonaysiinta fekerradiisa. Kuwaas ayaana nolosha ku badan. Maankoodiiba wuxuu ku istaagay kaabaddii u danbaysay ee ay shahaadada ku heleen; iyo xogtii u danbaysay ee ay dugsigooda ka heleen. Noocan shaqajoojinta manhajeed ee maanku waa u baabba’ aqoonyahanka. Aqoonyahan ahaan, sidaa darteed, waa in aad baadhaa cusboonaanta caalamka fekerka, iyo astaamaha feker ee caalamkan sida joogtada ah u soo ifbaxaya.

5. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, nolosha weeleeye ka noqo. Ha joojin weelaynta naftaada. Cusboonaysiin ma timaaddo weelayn la’aan. Waxa aynu haynaa dad wax badan iska akhriya iyaga oo aan weelayn, oo aan adeegsan maankooda gaarka ah. Waxa kale oo aynu haynaa dad weelayn badan, balse ka arradan akhris ballaadhan. Dadka jaadkaas ahina waxa ay sii fadhiyaan caalamka aqooneed ee kaalinta kowaad ah. Weelayntu waa nolol fekereed oo xeel dheer; iyo iswayddiimo aan dhammaad lahayn oo ku saabsan jiritaanka, nolosha iyo aadanaha. Weelaynta waxa ku kora waxyaabaha maskaxda ku soo dhaca. Waxyaabahaas ayaa fekerku ka unkamaa. Waxa la iska rabaa waa uun adeegsi caqliyaysan oo manhajaysan si loo gaadho xaqiiqooyinka.

6. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, noloshu ma aha sida aynu rabno. Fogaan badan ayaa u dhaxaysa waxa aynu rabno, iyo waxa waaqacu yahay. Waxa la iska doonayaa in waaqaca aynaan rabin aynu beddelno, oo ka dhigno waaqaca aynu jamannay. Waxa jirta kaalintii aqoonyahanka ee isbeddelka. Waa in uu ka mid noqdo calansidayaasha abuuridda nolosha. Aqoonyahanka dhabta ahi wuxuu qawadaa waaqaca. Aqoonyahanna ma aha qof aan indheergaradnimo lahayni. Mar kasta oo inta uu arkayo qofku badatana, waxa uu u sii dhawaadaa dabeecadda aqoonyahanka dhabta ah. Sidee aqoonyahan u noqonayaa qof aan fahansanayn agabyada isbeddelku? Sidee se aqoonyahan u noqonayaa qof aan farriin sarraysa ka lahayn nolosha? Daaha Xuseen dhanbaalladiisii ayuu la noolaaday ilaa dhimashadii; sida oo kalana [Cabbaas Maxamuud] Caqaad maskaxbadnaantiisii ayuu la noolaaday. Mid kastaana jidkiisa ayuu si bilaa kannoqosho ah u raacay. Sidaas oo kale ayuu fekeraaga [Maxamed I. Warsame] Hadraawi boosteejooyinkiisii oo dhan ugu noolaada si bilaa hakasho ah. Aqoonyahanka dhabta ahi istaan keli ah ku ma joogsado. Siiwadiddu waa caddayn firfircooni. Firfircooniduna waa caddaynta kasbasho micnayaashii nolosha midkood.

7. Jalleecidda xagga danbe waa shuqul dawaco; hilaadinta xagga hore se waa xeelad libaax. Ka hore hiigsi ma laha, oo wuxuu nool yahay hadba ilbidhiqsigaa uu marayo. Ka danbe se wuxuu leeyahay hiigsi. Waana sababta libaaxu xagga hore inta uu u dhugto si xoggan oo weelayn ah, uu indhihiisa saaro abbaartiisa, dabadeedna qorshe u dhigto oo uu abbaartiisii ugu qummo si dhiirran. Dawacadu se waa fariid bilaa geesinnimo ah. Sababtaas ayay dawacadu marna xagga danbe u fiirisaa, iyada oo ka baqaysa in lagu raad jiro; marna xagga hore ka eegtaa, iyada oo rejaynaysa in ay hesho dhuunqoyn.

Aqoonyahan ahaan waxaynu u baahannahay fariidnimada dawacada, balse gabbashadeeda marna u ma baahnin. Marmarka qaarna waxaynu u baahannay geesinnimada libaaxa iyo sida uu ugaadhiisa bilaa walaaca ugu dhiirrado. Sidaas ayuu aqoonyahanku u fekeraa caalamka dawacooyinka. Ma idiin baxday sababta Muslimiintu u horumartay berigii hore, maantana u dibdhacday? Caalam bilaa dawacooyin ah ayaa horumarka berigaa hore u sabab ahaa. Dawacooyinka maanta ayaana sabab weyn u ah dibudhaca maanta! Ibnu Xanbal libaax ayuu ahaa markii u diiday mas’aladii abuuridda Qur’aanka; Ciz bin Cabdisalaanna wuxuu libaax ka noqday caalamka fekerka, aqoonta, iyo dacwadda. Balse maanta dawacooyin ayaa meel kasta inoo yuurura. Waxay u ruclaynayaan noolaanshiyahooda uun, xataa haddii ay faasaxayaan aqoonta iyo fekerka, ama qaayasoorrada iyo mabda’yada.

8. Waa in laga xoroobo fekeridda googgooska ah, loona xoroobo fekeridda isku dhan. Waxaynu leennahay aqoonyahanno ku aragti dheeraaday akhrinta waaqaca, iyo aqoonyahanno ku baac dheeraaday fahanka diinta gaar ahaan arrimaha takhasuska. Balse waxa maanta innaga maqani waa in si ballaadhan loo akhriyo aqoonta iskaabaysa. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, aynu wada akhrinno fekerka Galbeediga ah asalkiisa, iyo wixii laga yidhi. Aynu Karl Marx u akhrinno si aan karaahiyo lahayn; buugtii Marx iyo kuwa dhiggood ah ee fekerka Galbeedka ku saabsanna [aynu u akhrinno] si aan hore loo arag.

Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, fekerka Galbeedka waxa ku jiro qaddiyado kakan, iyo mas’alooyin inooga baahan in aynu fahanno shaacsanaha Galbeediga ah ee maanta dunida xukunka u yeedhiya. Ma fududa in caalamka maanta la fahmo jeer oo si ballaadhan loo akhriyo fekerka hantiggoosadka ee hore iyo danbaba. Sida oo kalana manhajba ma aha in aynu ku noolaanno duni aynaan dhinacyadeeda aqooneed fahansanayn.
Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, aynu si ballaadhan oo fidsan u wada akhrinno fekerka Islaamka. Aqoonyahan u ma aqoonsanayno qof u dabran dugsi gaar ah, ama manhaj keli ah oo caalamkaa ballaadhan ku eegaya manhajkaas oo keli ah. Waxaynu u akhrinaynaa Ibnu Taymiya in uu ahaa maan ballaadhan iyo fekeraa korran; innaga oo aan u soo raacayn wixii dadku ka dhaheen. Al-Qasaali iyo baaxadda mashruuciisii fekereed ayaynu isagana si xeeldheeri fekereed wadata u akhrinaynaa. Weynaanta Al-Qasaali ha wayddiin Salafiyiinta, waayo waxa ay kula murmaan manhaj la’aan; sida Suufiyaduba kula muranto Ibnu Taymiya bilaa manhajnimo.

Gobolka [Geeska Afrika] wuxuu leeyahay mudnaanno. Mudnaanahaasna, aragtidayda, waxa u sii mudan ka-xoroobidda dibudhaca fekereed iyo siyaasadeed, haawashada bulsheed, iyo loollanka dhayalsi ee qabiileed. Sidaad aawadeed, waxa aqoonyahanka saaran samaynta khariiraddii fekereed ee lagula macaamili lahaa shaacnayaashan isbeddeli diiday.

9. Walaalkayga aqoonyahanka ahoow, ka digtoonow in aad shabag fekereed ku noolaatid. Noolaanshiyo loo noolaado, ama aqoon wax loo bartaa waa aafooyinka caalamka maanta. Isgeddiyid dhuuxa ah ayaa dadka qaar ku socda, oo inta ay muddo cayiman ku soo noolaayeen aqoon qeexan lidka isu geddiyay si bilaa manhaj ah. Waxaynu aragnay islaamiyiin ka tegay fekerkii islaamka, waloow ay yar yihiin. Waxaynu sida oo kale aragnay cilmaaniyiin waaweyn oo inta ay iskaga tageen cilmaaniyaddii akhris xeeldheer ka dib qaatay fekerka islaamiga ah oo badhaxla’. Isgeddiyaddaa fekereed iyo manhajeed waa wacnaan. Balse in feker inta la iska geddiyo waxla’aan loo guuro, oo inta la iska geddiyo noolaanshiyo ujeeddooyin waaweyn loo guuro noolaanshiyaha in la noolaado uuni waa gabbaldhac akhlaaqeed, iyo dib-u-gurasho aan xisaab istaaraatajiyadeed ku fadhiyin. Jidku wuu dheeraan karaa, marmarka qaarna wahsi ayuuba noqon karaa, sida uu u adkaan karaba. Balse jid kale ma jiro. Waxa aynu ku jirnaa marxalad adag. Balse akhriska iyo weelaynta waxa aynu ku ogaannay in samatabixidda nasiib loogu yeesho fahmidda xeesha dheer, iyo hawlgalka awoodaysan ee loo galo helidda ogaal intan ka gun dheer oo ka waarid og.

10. Xilligan waxaynu soo helaynaa siyaasiyiin bilaa caqli ah, ganacsato bilaa aqoon ah, iyo diinfaafiyayaal aan lahayn akhris xeeldheer. Balse waxaynu rabnaa in aynu cimiladeenna ku abuuranno takhasus leh jiritaan aqooneed oo sarreeya. Taasna waxaynu ku gaadhaynaa isgeddiyid feker iyo aqooneed. Waxaynu u baahannahay diinfaafiye aqoonyahan ah oo wax badani uga bilaaban yihiin ogaalka caalamiga ah, dadweynahana ku haga aqoontaa; sida oo kale waxaynu u baahannahay ganacsade aqoonyahan ah. Qof garanaya xilliga la marayo iyo halka uu u dhaqaaqayo. Xilligan, sida oo kale, waxaynu u baahannahay siyaasi garanaya sawraca ummaddiisa ee diineed, fekereed iyo aqooneed, kana shiidaalqaadanaya aqoon caalami ah. Waa sida uu yahay [Emmanuel] Macron, madaxweynaha Faransiiska ee ku takhasusay dhaqaalaha, waxna ay uga bilaaban yihiin aqoonta aadanaha ee guud. Waa isla sidii uu ahaa halgamaagii weynaa ee Alija Izetbegović, madaxweynihii hore ee Boosniya, ahaana aqoonyahan badweyn ah. Caqliyadahaas waxaynu uga baahannahay gobolkeennana lagu yaqaanno ilaa maanta abaarawga fekereed. Sidaana ma gaadhi karno ilaa aad, walaalkayga aqoonyahanka ahoow, laabta u sii dayside in farriintani tahay taadii kaa saarnayd gobolka.

Aqoonyahanka dhabta ahi waxa uu raadiyaa qaayasoorrada (values) ku jirridaystay bulshada. Balse aqoonyahanka beenabuurka ahi guuxa ayuu eryadaa, maslaxadda ayuuna isla beddelaa: hanqalka ayuu soo taagaa marka fursadi u muuqato, wuuna isgamaariyaa marka fursadda uu waayo. Balse aqoonyahanka dhabta ahi iska ma dhiibo in uu wax gashado hurgumo kasta oo hortimaadda. Isaga oo xabsiyada xadgudbayaasha ku xidhan ayuu xataa wax qoraa, oo wax baadhaa. Aqoonyahannada reer Masar ee xidhan ayaan arkay oo jeelka ka soo dira maqaallo culculus, oo marmarka qaar si dhuumasho ah looga soo qaado, marmarna isaga oo talisku og yahay soo baxa. Waxa aan akhriyay maqaallo diirdiirran oo ay qoreen Dr. Cisaam Caryaan, iyo Dr. Cisaam Suldaan, oo ka mid ah haldoorrada Masarta cusub.

Jeelasha Masar waxa isku laba-rogaya Dr. Salaax Suldaan, fiqiyaqaanka aqoonyahanka ah iyo aqoonyahanka fahanka fog. Waa ninka cusboonaysiiyay qaybistiisa naska, ee maankiisa dib ugu bandhigay, si cusub. Waxa uuna xabsiga dhexdiisa ka soo diraa maqaallo miisaaman sida caadadiisa ah. Mana joojiyo qorista iyo deeqda, oo weligii waa iscusboonaysiiye.

Jeelkii Jabbuuti waxa uu annaga noo ahaa barwareeg muhiim ah. Waxa aanba u arkaa in uu ahaa barwareeggii ugu muhiimsanaa noloshayda. Xadhiggayga ka hor dadka la maan noolayn. Dib ayaan u dhashay, Eebbe mahadi ha ka gaadho e.

Aqoonyahanka dhabta ahi waxa uu isku kobciyaa aragtidiisa ballaadhan dhexdeeda. Halka aqoonyahanka beenabuurka ahi uu isla beddelo hadba halka ay danta iyo dhadhamadu ku jirto; wuxuuna u nool yahay nolosha darteed, sidaa darteedna aqoonta wuu ku labbisan yahay uun e is ma cusboonaysiiyo!

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]

W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here