Magac-bixinta Godadka Maansada – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Godadka maansada ee kala duwan –sida aynu hore u soo aragnay, waxa ay wataan magacyo dhaqameed laga soo qaatay hawsha la qabanayo marka la tirinayo hees hawleed kasta. Marka maqasha la foofinayo heesta la qaado waxa loo bixiyay heesta maqasha, marka geela la waraabinayo heesta la qaado waxa loo bixiyay shubaal ama waraab, ta marka mooyaha la tumayo waxa loo bixiyay heesta mooyaha, ta maydhaxda marka la diirayo waxa loo bixiyay heesta mullaaxda (maydhaxda), ta kabadda ayaa iyaduna la mid ah … ikk.

Heesahaa kala duwan markii hab cilmiya loo baadhay waxa soo baxday in dhererkooda, habdhacooda iyo adeegsigooduba kala duwan yahay, waxaana loogu wanqalay godadka maansada, ama badaha maansada. Halkii markii hore la moodayay in mid walba oo heesahaa ka mid ahi ay hawl gaar ah ama cid gaar ah u xidhan tahay, waxa soo baxday in xilliyo iyo cid kala durugsaniba ay ujeeddooyin kala duwan u adeegsan jirtay.

Godka maqasha oo magaca ka wata hees dhaqameed maqasha ay caruurtu ku foofiso, ayaa haddana mar kale waxa loo adeegsaday foofinta geela, foofinta riyaha ikk. Haddii ay tusaaleyaasha fiirino, maqasha waxa loogu heesaa:
Maqaleey warlaay
Malaguu warramay
Ina Cali la dilay
Oo Cumar la dilay
Oo dhiig qulqulay
Oo waran dhul galay.

Markii ay heestaasi ina soo gaadhay, midho kasta oo habdhacan ku socda waxa loo bixiyay heesta maqasha, balse waxa jirta in geela iyo riyahaba marka la foofinayo isla heeso godkan ku socda loogu heesi jiray. Geela waxa loogu heesaa:
Waa maalin caws
Iyo maalin ceel
Iyo maalintii
Maraqiyo candhada
Laga maydhi jiray.

Riyaha ayaa sidoo kale iyagana lagu foofiyaa:
Garooy maadahaa
Waa maalin dhow
Ooy midi dhashaa
Midi dhaysisaa
Dhay laga lisaa
Dhiil loo cula
La dhanaaniyaa
Ciir laga dhamaa
Dhito laga helaa.

Halkaa waxa inooga soo baxaysa in aan godkani ku koobnayn heesta maqasha, ee uu yahay god loo adeegsan karo duluc kasta iyo dareen kasta. Haddii ay maqasha caruurtu ku foofin jirtey, geelaba rag waaweyn ayaa ku foofin jirey, markaa cid gaar ahi ma laha. Haddii markii hore loo yaqaannay heesta maqasha imika waxa laga curiyaa tixo maanso ah oo aan heeso ahayn, haddaba waxa habboon in la dhaho godka maqasha, ee aan la odhan heesta maqasha.

Geeraarka ayaa sidoo kale duluc kala duwan loo adeegsadaa. Mar waxa loo adeegsan jirey selelka oo ah rarista awrka xilliga habeenkii la guurayo, mar kalena waxa loo adeegsadaa hees hawleedka dhaanka ama aroorka, sidoo kalena marka mooyaha la tumayo ayaa la adeegsadaa hees hawleed ku fadhida godka geeraarka.
Selel:
Caddaawoow labadeennu
Marna guure ma dayno
Ragna guurka ma daayo.

Heesta dhaanka:
Kolka dooggu caddaado
Dhir caleeni ka duusho
Caddaawoow labadeenaa
Reerku ciidansadaa.

Heesta Mooyaha:
Ma caddee ha caddaado
Caano geel haw ekaado
Culimaa cuni doonta
Iyo caalin wadaada
Iyo coofle barbaara
Iyo reer curadkiiye
Ma caddee ha caddaado
Caano geel haw ekaado.

Sidaa si la mid ah waxa aad arkaysaa dhammaan godadka maansada iyada oo hees hawleed, ciyaar dhaqameed iyo duluc kala duwan loo adeegsanayo. Heesta saarka ayaa mar kale dhallaanka lagu sabaa, heesta kabadda ayaa galbiska aroosyada loo adeegsada, heesta shubaalka ayaa mar geela lagu waraabiyaa, mar waa lagu carreeyaa, marna waa lagu carraabiyaa.

Godadka maansadu haddii ay magaca ka wataan hees dhaqameedda ugu caansan ee godkasta lagu heesi jirey, taasi kama dhigna in ay hees hawleedkaas , ama ciyaar dhaqameedkaas uun loogu heeso, ee duluc kasta iyo dankasta waa loo adeegsan karaa. Hees haddii ay tahay marka lagu luuqaynayo, marka caadi loo tirinayo hees ma aha ee waa tix maanseed, waxaana loo bixiyay god maanso.

Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Muqdisho – Soomaaliya
caliileeye@gmail.com
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here