Gunnimada Dhallinyarada Soomaaliland! – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Kelida qofeed (rag iyo dumar ba) waa la gu tilmaamaa iyada oo la lee yahay: hebel ama heblaayo waa gob ama waa gun; wadarta dadka na, sida, koox, qolo, qoys, bulsho iyo ummad na waa la yidhaahdaa: waa gun ama waa gob. Iswayddiinta mudanka lihi, hadda ba, waa: waa maxay ujeeddada gob iyo gun?

“Gobonnimo”, waa erey xanbaarsan macne aad u weyn oo nololeed. Waxa ay sifayn dhab ah u tahay, dadka (wadar iyo keli ba), sarrayntooda. Dulqaadka, runsheegga, xaqsoorka, martisoorka, deeqda, niyadsamaanta, ilaashiga sharafta iyo karaamada, xishoodka, adkaysiga iyo dhammaan sifooyinka kale ee wanwanaagsan ee dhammaantood la gu amaano ibnu aadan ba ereyga “gobonnimo” ayaa ay ku urursan yihiin. Heerka koowaad ee gobonnimadu na waa u madaxbannaanida (kelida qofeed iyo wadarta bulsho ba) ay u madaxbannaan yihiin danaha iyo aayada nolosha. Aan idhaahdo ba, aniga oo soo dhawaynaya macnaha, xorriyadda ayaa ah heerka koowaad ee gobonnimada.

Gunnimadu waa sifo wal oo ka soo horjeedda dhammaan sifooyinka aynnu gobonnimada u sheegnay. Haddii marka hebel la lee yahay waa gob loo ga jeedo in uu runsheege iyo xaqsoore yahay, marka hebel kale gun la yidhaahdo, waxa loo ga jeedaa waa beenaale iyo qof aan xaqsoor lahayn. Waxa hebelka gob la gu sheegay sifadiisu tahay mid san, habelka gun la gu sheegay na, sifadiisu waa mid xun. Qofkii wanaag la gu sheegaa gob ah, qofkii se xumaan la gu sheegaa waa gun.

Haddii aynnu soo nidhi heerka koowaad ee gobonnimadu waa xorriyadda, heerka koowaad ee gunnimadu na waa taa beddelkeeda. Gunnimada kelida qofeed iyo wadarta bulshada ba waxa u gu weyn in aanay xor ahayn oo danaha iyo aayaha nolosha loo go’aamiyo sidaas na ka ga raalli ahaadaan.

Qof aan xor ahayni gob ma aha, bulsho iyo ummad aan u madaxbannaanayn taladeeda, aayaheeda iyo danaheedu na gob ma aha sida soomaalida. Haddii aad iswayddiinayso, waxa is ku xidhay xorriyadda iyo gobonnimada, saw xorriyaddu ma aha dulucda gobonnimada? Kelida qofeed ee xorta ahi waa gob, kelida qofeed ee gobta ahi na waa xor; wadarta dadku na waa sidaa si la mid ah.

Gunnimada kelida qofeed iyo wadarta bulsho tee baa weyn oo foolxun baa la iswayddiiyay? La ye, waxa weyn oo foolxun ta wadarta bulsho. Dhallinyarada reer Soomaaliland, dhab ahaan, waxa saaran gunnimo dhab ah. Waxa ay u ga raalli noqdeen danahoodii iyo aayahoodii mustaqbalka daleed ba in uu gooyo reerku. Waxa haysata gunnimo feker oo ay raalli ku yihiin.

Ma jirto dhallinyaro maanta si xor ah oo gobonnimo leh u ga fekeraysa aayahooda mustaqbal nololeed iyo daleed  iyo danahooda (ka dhallinayro ahaan) ciddii ay u aammini lahaayeen ee doorasha madaxtooyada dooran lahaayeen. Koox kasta oo dhallinyarada Soomaaliland ka tirsan waxa loo go’aamiyay (macna kasta oo eraygaasi lee yahay) in ay codka iyo taageerada iyo hadalkaba la garabtaagnaadaan musharraxa reer hebel ee ay is ku qabiilka yihiin. Waxa maqan doorashadii xorta ahayd, waxa aanay xorriyaddii ay danahooda iyo aayahooda ka ga tashan lahaayeen iyaga oo midaysan ka doorteen in ay sida loo gu taliyo ku raalli noqdaan, koox wali ba na musharraxa reerkoodu wato aanay dhanna u dhaafin. Waa gunnimo foolxun.

Wadarta bulsho gob baa ay ahaan kartaa iyada oo la gumaysto, waa se inta aanay isu dhiibin ee ka raalli noqon gumaysiga. Dhallinyarada reer Soomaaliland gumaysi baa ay ku jirtaa, qabiil baa gumaysta oo aayahooda iyo danahooda ba gooya; in ay diidaan gumaysigaa kor iyo hoos ba iska daaye, sidaas baa ay ku faraxsan yihiin oo ku raalli yihiin. Bal u fiirso musharrax walba inta social mediaha u ga hadlaysa, difaacaysa, daba ordaysa ee u sacabtumaysaa waa intii dhalinayaro la reerka ahayd oo aragtidoodii iyo fekerkoodii ba isaga la gu soo ururiyay.

Waxa ka sii daran taageeridda musharrax reer hebel ee ay is ku qabiilka yihiin, sida ay u gu qofnimogawracmeen ee xaqsoorkii, runtii, caddaaladdii, edebtii iyo anshaxii ba u ga tageen si ay u gu hiiliyaan musharraxa reerkoodu wato.

Dalku qabaa’il uma qaybsanaan karo, mustaqbalka iyo danaha guud ahaan bulshada, gaar ahaanna dhallinyarada na musharrax reer hebel ahi kama shaqayn karo. Qof reer hebelnimo ku soo baxaa ummad si gobonnimo ah uguma talin karo. Qarannimo jirta, dawladnimo nool oo shaqaysa iyo dal barwaaqo ah oo ‘haajah’ la yidhaahdo, musharrax reer hebel ahi ma keeni karo, ummad reer hebelnimo I su kala guraysaa na ma samaysan karto. Dalku muwaaddiiniintiisa ayuu ka dhexayn karaa, qabiillo kama dhexayn karo; waayo, dhaqanka qabaa’ilku waa in aanay waxba wadaagin e, waxooda caydhiinka ku kala goostaan.

Waxaas oo run ah dhalinyarada reer Soomaaliland waa ay og yihiin, marka aad kala sheekaysata na, iyaga ayaa kaa badinaya in ay intaas oo dhan ba kuu sheegaan, jeerkaas na, gunnimo ayaa ay qaayibsan yihiin oo ay ka dooranayaan gobonnimada. Dhalinyarada reer Soomaaliland waa gun (macne kasta oo ereygaasi lee yahay).

 

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: abdiqaniaden010@gmail.com
Kampala, Uganda.
08/11/2017.

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here