Fankii fara-baxay – Xoosh Docol Curdan

Xoosh Docol Curdan

Xilli laga joogo, qarniyaal iyo qarniyaal is biirsaday, waxaa soo bilowday fanka iyo maaweelada aadanaha si aysan u dareemin caayibnimo, ka dibna u noqon kuwo hawl gab. Waxaase fanka geeska Afrika (Soomaaliya) uu noqday mid labo lixaadsaday xilliyadii kacaanka iyo xorriyadda, waxaana ka dhigay dab dhagax lagu dhuftay dagaalladii gobolka gaar ahaan kii ugu dambeeyey 1977-dii, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wuxuu noqday gaashaan la isaga dhigo madaafiicdii ka soo dhacaysay dhanka Itoobiya, wuxuu noqday nadi lagu layli barayey ciidankii xoogga dalka, wuxuu noqday miisaan lagu cabbiro laguna kala ogaado kan kacaanka ayiday kan ka giigay ee aan gororayda u lahayn.

Waxaa la ogaaday in fanka Soomaalidu yahay kan ugu faca weyn qaaradda Afrika. Waxaa la ogaaday in uu la soo bilowday bilowgii dhaqashada xoolaha,

Wuxuu beri samaadkii noqday mid lagu haasaawo, laguna daymo daydo gashaantida laacaysa, guurna yagleeli jiray. Wuxuu dhidibbada u aasay amaamudka kooxo, leh milgo lagu hirto kuwaas oo xuli jiray fannaanka, abwaanka, laxamiistaha, turubbaystaha iyo weliba guud ahaan howl wadeennada oo ahaa kuwo afkooda laga yu’an jiray cilmi, aqoon iyo abwaannimo sal iyo baar u kortay.

Dhicitaanki dowladdii xoogga badnayd ee Soomaaliya 1991-dii, waxaa fara baxay waxyaalo badan oo ay u muunad lahaayeen utunnadii bulshadu ku taagnayd.

Utummadaas waxaa raacay Fankii oo ahaa lingax isu hayey bulshada, kuna hogatusaalaynayey wadajirkooda iyo ilaalada dalkooda, diintooda iyo dantooda guud. Wuxuu bulshada ku toosin jiray dariiqa iyo siyaasadda dowladda. Waa fankii uu halhayska u haa; “Dadweynahaan Hanuuninaa, Haasaawinnaa, danta u hagnaa”. Waxaa lagu saadaalin jiray waqtiga iyo waayiha soo okobban, wuxuu ka warrami jiray sooyaalkii ummadeed, wuxuu farta ku fiiqi jiray danta guud ee haatan taagan. Booskii culimada beri baa waxaa galay fannaaniin bulshada ku hiddiya hannaankooda fakar.

kooxihii fanka sida Waaberi iyo Iftin, waxa ay lahaayeen lahan iyo laaq soo jiidasho. Codka hoobalka markii aad maqashid kuna ladhid erayada miiggan ee uu sameeyey ruug caddaa aan saanta laga dabo jarin. Heesta hobolladii Waaberi ama Iftin markii aad maqashid waxaa kuu sawirmayey hummaag maskaxeed, oo aad moogayd, waxaad tageysaa meel aadan horay u joogin, waxaad dareemaysaa in aad leedahay hab fikir iyo hannaan weelaynayd markii aad labo jeer kormartid heestii ama gabaygii hor u jirayaashii hadfay.

Marka aad maqashid gabaygii dheeraa ee Cumar Xuseen Gorshe ku ammaanayey Geela, xataa haddii aadan arag geel waxaad ka dareemaysaa qaab dhismeedka, adkaysiga, jacaylka loo qabo, nafaacigiisa, waxtarkiisa, dhibka loo maro, kaaga darane waxaad ka famaysaa waxyaalo kale oo ka baxsan dulucda gabayga sida; in iduhu yihiin meesi aan lahayn waxtar aan lala barbar dhigi karin kan geela.

Marka aad maqashida Heestii Nadiifo Xaaji Axmed ee ahayd;

“Geeridu nin gaajo ah, iyadow gargaartoo, geel uusan dhaqan bay, gacantiisa gelisaa, illayn gaabsan maayoo, godob kama baqaayoo, intuu gabay ku faanuu, geeraar ku taliyaa, maantana gedduu dhigay, awr soo gabooboo, garba beelay buu yidhi, ha guuro reerkuye, gar ma qaate weeye aan ka galab carraabee, allow ii gargaaroo, goodkiyo abeesada, gacal iiga yeel!”.

Ka tali hummaagga ay kuu bixisay, ka tali micnaha gunta weyn ee ku jira, ka tali sarbeeb yootanka muushka ka ah, ka tali hannaanka la isula helay erayada, haddaba ka tali abwaanka heesta sameeyey sida maan dheerida ah ee uu xushay Nadiifo Xaaji Axmed oo ku qaadday cod aadan ka dhergayn.

Ka warran iyana markii aad maqashid laxanka, erayada iyo codka Faaduma Axmed ee lahayd;

“Sida goodir caarre ah, ama gool libaaxiyo, ama goob colaadeed ama ciyowga galabeed, ama gelin abaareed, laga guuray mooyee, cidla gacal la’aaneed gabbal iigu dhacayaa, gudcurkoo madow baan, xiddigaha ku gudayaa, guuraha hillaacaan, galacdiisa raaca, gaaraa bidhaankaan hadba meel ku gaaraa!”.

Sawir noocee ah ayey ku siisay hummaagga aad heshay ma geddisan markii aad maqashid; “Ani waan ku jecelahay, markaan soo baraarugo, barkintaan ku moodaa!”. Qaafiyad ahaan uma saxna, hummaagga ay i siinaysana waa ka geddisan yahay kan Faadumo Axmed na siisay.

Abwaanku marka uu sameeyo hees, balwo, jiifto iyo wixii la mid ah wuxuu inta badan la eegan jiray soona kala xulan jiray cidda uu u dhiibayo. Balse maanta aniga oo aan lahayn cod, ciyaar iyo calansho toonna ayaa jeclaanaya in aan ka mid noqdo fannaaniinta, waxa aan u tagayaa cid mid aan ku tuhmayo in uu wax tiriyo, kolkaas ayaan dhahayaa ii samee, hees uun! Markuu sameeyo ka dibna gaar baan u qaadayaa, laxanka iyo Muusikadaa gaar baa iyan la soo duubayaa, waa la isku jarjarayaa, iyada oo codka la saaray “Cod saameeye – Sound Effect”. Haddaan cod foolxumaa waxaa lagu furayaa shucaac qurux ka dhigaya! kolkaas baan xayeysiin hadba dhar nooc ah, is rux cidlo ah iyo cod laga hormarinayo codka fannaanka oo lagu xayeysiinayo; “Waa heestii qarniga, ee hebel!”.

Fanka Fara Baxay, waxaa lagu fiicnaynsiin karaa iyadoo la soo celiyo wasaaraddii hiddaha iyo fanka oo kala xuli jirtay midka abwaan ah fannaan ah, hoobal ama majaajilayste ah. Waxaa lagu toosin karaa iyadoo la abuuro ururro hobol oo tartan ka dhexeeyo, laguna kala tartamo, abwaannada, fannaaniinta, hooballada, majaajilaysteyaasha, laxamaysteyaasha, turumbaystaha, muusikaystaha iwm. In dowladdu bixiso shahaado lagu aqoonsado kan abwaan ah lana siiyo derejada fanka ugu sarraysa, Hoobalkana la siiyo, derejo middaa ka hoosaysa sidaasna lagu wado. Si loo kala aqoonsado fannaanka ugu fiican iyo kan liita, abwaanka curiyaha ah iyo kan malookeeya. In la qabto tartan sannadeed inta wax curisa ama qaadda laga soo aruuriyey gobollada dalka oo dhan, laguna maamuuso gabyaaga ugu murti dhaarisan, iyo hoobalka ugu cod debecsan.

Gunaanadkii, waa in la xulo abwaanka iyo fannaanka, haddii kale ummadda ayey sumaynayaan, anshaxana waa laga tegayaa sida dhacdayba.

Waxa Qoray : Xoosh Docol Curdan
Garoowe  – Butland –  Soomaaliya.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here