Hanqadh: faallayn iyo falaqayn – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Si xiise leh baa aan u akhriyay buugga uu qoray Maxamed Muxumed Cabdi (Haykal). Waa sheeko faneed Af Soomaali ah. Magaca buuggu waa Hanqadh. Waxa uu ka kooban yahay 197 bog oo aan hordhac iyo dabadhac midna lahayn, marka la ga yimaaddo hadal kooban oo mahadnaq ah oo buugga horraantiisa ku xardhan.

Hanqadh, waa sheeko faneed cagaha la gu giijiyay oo si farshaxan heer sare ah loo xardhay taasi oo aanad cutubyadeeda iyo faqradaheeda toona ku dhex ku nasanayn; orodka aad bogga hore ka bilawdo baa aad ka ga baxaysaa adiga oo aan dhiman, nolol se ay geeridu inteeda badan dhaanto soo maray. Sheekadu waa sheeko kadeedan oo kadeed iyo belo iyo baas xanbaarsan oo kaadideeda kalax la gu shubay oo tobaneeyada qof ee jilayaa ba ay wada hoogayaan oo kadeedmayaan. Kadeed baa aad bogga hore ka la bilaabaynaysaa illaa aad ka dhammaynaysa na ku la socon doona.

Sheekadani waxa ay diiwaangalinaysaa hoogga iyo halaagga dirirta qabiilooyinku, bal e, u kala qaybsanaanta qabiillo is-arag dhexyaallaa dadka badaan, kala dhimashada ay beeraan, is naca iyo isu ciirsi la’aanta ay lee yihiin. Waxa ay sidoo kale dhan innaga tusaysaa waaqica nolosheenna iyo sidii maamulkii xumaa ee la eeday dadkiisa u gali jiray, oo sababay qaraxii mar keli ah dalku qarxay iyo wixii ka dambeeyay ee qax, qaxar iyo qaxoonti ba lahaa ee Soomaalidu is badday iyo dhaqanguurkii la ga qaaday dunidii qaxoontiga la gu galay.

Miyi baa ay inaga dhaqaajinaysaa sheekadu, waxaa na ay inagu danbaysiinaysaa qurbe iyo qaxoonti. Waa siddeed jir Haybe, kolka uu ka lumayo reerkooda oo geeddi ah afka na u ga galayo reer Dayaxweerar oo ay reerkooda colaad xumi ka dhaxayso. Waxa uu halkaa ka galayaa nolol cusub oo addoonnimo iyo silic ah. Tiriig Jiilaal oo oorida Tukaale Dubbad ah baa sidii ay doonto u gu adeeganaysa una galaysa illayn waa wiil cadawga ka soo ambaday e.

Maalinta uu Haybe lumo, waxa baadidoon dhankooda ka soo galaya aabbihii Hurre iyo hooyadii Ugaaso oo ay weheliso eeddadii iyo adeerkii Guhaad oo isna keligii dhankiisa ka daydaya raq iyo ruux Haybe wixii loo gu yimaaddo. Wax ay raadguraan raadkii Haybe ba, oo qolo waliba dhankeeda ka raadgurtaba waxa uu la soo galayaa oosha reer Dayaxweerar oo ay col yihiin reerkooda. Goor shaacii ku madoobaaday, ooshii cadawga na ay ku jiraan baa daruur higil madow oo baasi cirkii isku shaqashay, waxyar ka dib na mugdigii habeenka iyo dhibcihii roobka ayaa is galay.

Hurre iyo Ugaaso wax gabayooxii iyo kayntii gudguduhu ku miray ay yaxoobaan ba, cod libaax oo argagax leh baa dhan ka soo qabtay oo kolba kolka ka dambaysa u soo dhawaaday. Gudgudahaa dhulka haya, mugdiga habeenka, libaaxa soo mici lisanaaya iyo oosha cadaw ee la gu jiraa ba waxa ay isu qariyeen Haybe iyo walaalkii Guhaad. Xabbad qoriga Haybe ka dhacday baa uu ku nafwaayayaa Guhaad. Masiibo kale ayaa reerka habeenkaa u soo hoyatay.

Yusur waa ooridii Guhaadka gacanta walaalkii ku baxay. Waxa ay u haysay Guhaad wiil la yidhaahdo Guuleed. Waxa dumaalaya Haybe, ka dib iyada iyo wiilkeeda ba Hargeysa ayaa loo rarayaa, maadaama oo aanay minweynta Hurre iyo Yusur heshiinayn, halkaas oo ay ku degi doonta guriga Cibaado oo Haybe walaashii ah. Cibaado waa wadaad wacdi iyo waano ba badan; in kasta oo aanay aqoon diinta u lahayn, hadda na, cilmidhegoodka ayaa aqoon u gu filan.

Dhawr sannadood oo silic iyo saxariir u ahaa ka dib, 16 jir kolkii uu gaadhay  buu Haybe guriga Tiriig Jiilaal ka baxsanayaa. Kismaayo ayuu galayaa isaga oo aan cid ka garanayn, magaalo nooc ay u eeg tahay na aqoon.  Wax uu dhex meehanaabo Kismaayo ba, laba nin oo in ay biyo waraabiyaan uu ka codsaday baa gacanta ku dhigaya. Ka dib marka ay waraystaan ee qabiilka uu yahay uu u sheego baa waxa ay u gaynayaan Deyr oo oday waayeela ah, xaafadda Calanley ee Kismaayo na ku haysta daas (dukaan) wax cidda uu Haybe sheegtay ahna u gu dhaw. Haybe mar labaad baa nolol kale halkaa u ga bilaabmaysaa, muddada uu Kismaayo jooga na waxa uu la noolaanayaa odaygaa, illaa ay kolka dambe, qaxoonti ku galaan dalka Kenya oo uu marxalad kale oo nolol qaxoontinnimo uu galo.

Haybe iyo Deyr kolka ay ka soo qaxaan dagaalladii geyiga ka dhacay ee ay Kenya qaxoonti ku noqdaan, waxa uu Haybe halkaa ka bilaabayaa waxbarasho dugsi. Waxa iyagu na Kenya u soo qaxaya Yusur (xaaskii Hurre walaalkii ka dhintay ee Hurre dumaalay) oo wadata caruurteedii iyo Fardowsa oo ay Haybe walaalo yihiin. Waa qoys ka samray wiilkii siddeed jir isaga oo ah ka lumay e, Haybe dugsiga uu dhigto baa la soo qorayaa walaashii Firdowsa. Isbarasho guud oo heer jacayl gaadhay baa dhex maraysa Haybe oo Dhuxul la baxay iyo Firdowsa oo aan isu aqoon in ay walaalo yihiin.

Firdowsa waxa ay maalin keenaysaa gurigooda Haybe, si ay isu barto aayadeed iyo wiilka ay jeceshay. Muuqaalka haybe kolka ay aragto Yusur, waxa duunkeeda galaya shaki. Kolka uu tago Haybe ayaa ay Yusur dib u ga waraysanaysaa Firdowsa wiilka. Firdowsa oo hadalka Yusur shaki ku abuuray waxa ay u dhaqaaqaysaa in sooyaalkii iyo qoyskii Haybe oo Dhuxul la yidhaahdo wax weyn ka sii ogaato.

Sheekadu waxa ay inagu dambaysiinaysaa qurbe oo qaxoonti la gu yahay. Haybe waxa dhoofinaysa eeddadii Cibaado kolka uu qoyskoodii uu ka lumay isaga oo siddeed jir ah ay dib isu helaan. Ingiriiska kolka uu tago, waxa ay isku baranayaan Hana oo iskadhal caddaan iyo madaw ahayd aanna muslin ahayn! Barashadaasi se waxa ay noqotay hillaac Haybe hoday.

Dhammaadka buugga, Haybe waxa galaya socdaal dalkiisii hooyo ah. In uu guursadaa na waa mid uu cindiga ku hayay. Ifraax oo ay isku yaqaanneen Kenya, gabadh nolosha maalmo adag ka soo dabbaalatay iyadu na ah, joogtayna gurigii Farduus iyo Yusur oo uu xogteeda hayay ayaa niyadda ka ga soo dhacday habeen. Is hele. Itoobiya oo uu maalmo joogay baa ay isku arkeen. Arrimo guur oo ay isla meel dhigeen ka dib, Haybe, Hargeysa ayuu ka soo degay oo aad loo gu soo dhaweeyay. Dhankaa reerkoodii miyiga oo aabbihii iyo hooyadii ba jiraan ayuu Hargeysa u ga ii gudbay. Arrimihii guurkiisa oo uu la soo socodsiiyay ka dib, Haybe oo nolosha kadeed badan kala soo kulmay isaga iyo Ifraax waxa ay noqonayaan lammaane xalaal.

Halabuurnimo iyo xilkasnimo labadaba in la gu qoray si weyn baa aad u ga dareemaysaa buugga. Waa sheeko qiimo iyo qaayo ba weyn, qoraageedu na uu mudan yahay bogaadin. Af Soomaali dhalad ah baa ay ku qoran tahay; la ga yaabee in dhallinyarada dambe ee Af Soomaaliga suuqiga ah la qabsaday uu ku adkaado. Qushiye, hadda na, in Af Soomaaliga dhaladka ah la ga barto sheekooyinkan oo kale waa waajib. Dhanka farsamada iyo tifaftirku  aad baa ay u fadhiyaan ama ba loo fadhiisiyay. Dhinaca isku-xidhnaanta sheekada aad buu qoraagu u ilaaliyay. Dhaliil la waayi maayo e, Cibaado oo sheekada ku jilaysa Hurre walaashii oo Hargeysa deggen, kolka damba na jabhadihii dalka ka dhismay ku biirtay, mar keli ah uun baa aynnu dhammaadka buugga iyada oo London deggan ku arkaynaa. Waxa aad is wayddiinaysaa goorta ay tagtay London? Qaabka ay ku tagtay?

Waxa aad aan u la dhacay, hore na aanan u gu arag buug noociisa oo kale ah ama ba buugaagta Af Soomaaliga ku qoran ku bilaabidda qoraalka bisinka. Waa arrin in la gu bogaadiyo Maxamed ay tahay Iyana.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Email: abdiqaniaden010@gmail.com

Kampala, Uganda.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here