Ayeeyo Masiti – Cabdirisaaq Cali ‘Caynte’

Qabri Suufi

MANA SITI HABIB (1804-1921), oo loo yaqiin Dada Masiti (Ayeeyo Masiti) waxay ku dhalatey Baraawe. Da’deedu markey ahayd 8 jir, waa la af-duubtey waxayna addoon (Jaariyad) ahaan looga gadey Zanzibar, 10 sano ka dib Baraawe ayaa lagu soo celiyey. xog sidaa u weyn lagama hayo inta ay ku sugneyd Zanzibar, balse in ay addoonimo kasoo badbaadey waxay ku xustey gabeygeeda “Yaa Rabbi Yaa Muta’ali” ‘Rabbigeygoow, kii Sareeyoow’(Mohamed Munye Kassim).
Ka dib markey Baraawe timid, waxay u go’dey daalacashada diinta Islaamka iyo in ay dadka barto.

Aqoonteeda diimeed iyo falsafada fikirka suufiga oo ay heerka sare ka gaartey ka sokow, waxay hiba u laheyd tirinta gabayada, qasiidooyinka diiniga ah oo inta badan ka hadlayey taqwada, dhowrsanaanta, u dhawaanshaha Rabbi iyo ku xirnaantiisa, iyo ruuxda in la tazkiyeeyo (Sufism, mysticism).

Gabayadeeda waxay ku tirisey afka Chimini-ga, sida ku xusan buugga (The Historical Dictionary Of Somalia).
Gabayadeeda waxay ku caan baxeen dareen caadifadeed oo aad u sareeya, humaag mala awaal ku dhisan, ku xirnaansho ruuxaaneed ee Rabbi iyo hilow ay u qabto la kulanka Rabbi. Gabaygani wuxuu sharxayaa arintani:
Nkarheente ka sabuuri
Ku rhiinda kaako umuuri
Kulava baytul ghuruuri
Keendha nuumba ya xalaali

Micnahihiisuna yahay:
Waxaan ku degay dulqaad iyo sabir
Amarkaaga Ayaan sugayaa (Rabbiyoow)
Inaan ka tago daartaan Khiyaanada badan
Oon aan u guuro Daarul Jazaa’

Sidoo kale tuducyadan ka mid ah gabayadeeda waxay kaga hadleysaa Nolosha Barzakha, ruuxda marka la oofsado ka dib, iyo in ay la rafiiqi doonto ruuxda (Hadii Rabbi ka raali noqdey) nabiyada iyo dadka suuban iyo saxaabada haldoorkooda:
Yiiko Jannatul Cadni Ndaawo weena Hu pendoowa
Nda weena wa peenzela nto Ruuxu zaawo Hu taloowa
Jamaca ya Muqarribiina Wonte wa takunganyoowa Nasuxba ya Nabiyyi Qariibuye Hu wekoowa
Micnihiisuna yahay:
Waxa jira janno lagu magacabo Cadn
Loo diyaarshey kuwa Rabigena jecelyhy
Loo darbiyey kuwa aadka loo jecelyhy ee Taqwada badaniyo
Kuwa Ruuxdooda Rabi uu doortey
Kuwa Rabi aadka ugu dhow (Janada Cadn) ayaa lagu wada kulmin.
Saxaabada Nabiga oo idil bey la rafiiqi doonan (ag joogi doonaan).

Sidoo kale gabaygeeda baroor-diiqa ahaa ee geeridii Caalinkii weynaa ee Sheekh Nuureyni Sabiri (1829-1909) oo ahaa ‘Bacdal Xayi ni Mowti, Sheikhi Chifa Isilowa’ (Nolosha ka dib ayey Geeridu timaada), waxay dareen xeel-dheer oo caadifadeed ku cabireysaa murugada lasoo daristey, ayadoo dhamaadka gabaygana dadka weydiineysa, sababta ay u oyneyaan mar hadii ruuxda Sheekha ay la rafiiqeyso arwaaxda kale ee ay jecleyd, ee Nabiga iyo Saxaabada.

Fikirka suufiga iyo falsafadiisa caqiido, xikmadihiisa dulqaadka gun-dhigga u ah ee ku dhisan morality-ga, Gabayadiisa iyo qasiidooyinkiisa Nabi amaanka ah ayaa la rumeysan yahay in uu door weyn ka cayaarey ku baahidda diinta islaamka ee caalamka iyo in ay gaarto dadyow fara badan. Tusaale fiican waxaa u ah, dadyowga dega xeebaha Bariga Africa, ee Swahili-ga loo yaqaano, dadka Hausa-aha ee Naayjeeriya.
Sida la rumeysan yahay dumarka fikirka iyo falsafadda Suufiga ah qaatey waxay kaalin weyn ka qaateen fidinta diinta islaamka. Tusaale ahaan magaalada Harar, oo ahayd magaalo ahmiyad gooni ah u layed diinta islaamka, gaar ahan dadyowga ku dhaqnaa Geeska Afrika, Sudan, Eritrea iyo Itoobiya dumarku waxay qeyb ka ahayeen in dadyow badan diinta islaamka qaataan, waxyaabo la xiriira morality-gana ku soo kordhiyaan sida: dhaqan wanaaga, nidaamka iyo kala dambeynta, is-ixtiraamka, isjaceylka, Nabada, wada noolaashaha iyo isku soo dhaweynta dadyowga kala aragtida duwan, kala isisrka, kala luuqadda iyo kala caqiidad ahaa, Tusaale ahaan Sitti Momina (1929) geerideeda ka dib waxaa loo dhisey xaram/Heryng (Mausoleum/ Shrine) ilaa iyo maanta ay siyaartaan dadka muslimiinta ah iyo masiixiyiintaba ee Itoobiya (sida ku xusan Buuga ‘Themes In Modern African History And Culture’ .

Dada Masiti, si la mida ah dumarkii waqooyiga iyo Bariga Afrika sida, Sitti Alawiyya ee Mussawac, Eritrea ku nooleyd, Sitti Momina oo Itoobiya ku nooleyd, (1929), Sitti Maryam (1952) reer Sudan aheyd, waxay door aan la dhayalsan Karin ka qaadatey in waxyaabo togan ay kusoo kordhiso deegaano ka mida Koonfurta Soomaaliya iyo magaalooyinka ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya ee dadyowga Sawaxiliga ku dhaqan yihiin. Balse, dhaxalkeeda lama xifdin marka laga reebo sheekooyin oral ah iyo gabayadeeda oo dadka reer Barawe ay dusha ka xifdiyeen iyo qabrigeeda oo sanadkii la siyaarto.

Waxa Qoray: Cabdirisaaq Cali ‘Caynte’

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here