Il-nugeylkii Xaawo (Q2aad) – Cabdiraxmaan C. Cirro

Craxmaan Cirro

Gugii ay Xaawo hooyadeed dhimatay dayrtii ku xigtay ba waa la guday oo aad bay u dhibaatootay. Subaxdii ayay u timid habar duq ah oo wajigeedu u duuduuban yahay sida masacagalada oo ul ku tukubaysa. Uma aysan muuqan in ay indhaha wax ka aragto haddana way soconaysay oo waa tan indheheedu arkaan gabadha yar lugaheeda dhexdooda. Iyada oo hoos u gunuunucaysa ayay aqalka ardaagiisa soo fadhiisatay oo shaah bigaysa ah oo loo shubay inta ay wax budo ah ku darsatay ayay isku qulaamisay. Geedo tuman iyo alaabo kale oo qadhmuun ayay marba guntiga kala soo baxaysay. Intii aan xoolaha la dareerin oo aanay cadceeddu soo kululaan ayaa la rabay in Xaawo la gudo. Aqalkii ayay soo gashay habartii, Xaawana waa la jiifiyey, Xaadsan iyo habar kale oo deris ka ahaa ayaa lugaha iyo gacmaha qabtay, Indhahana suuf baa lagaga xidhay. Habartii ayaa la soo baxday makiinad saddex daloolley ah oo kartoon ugu tollayd. Waxay u muuqataa makiinaddaas in ay gabdho badan kintirka kaaga goysay oo ay kuwa badanna ku curyaamisay dheddignimadoodii. Kolkaas ayay inta gacan gargariiraysa la soo aadday lugaha Xaawo dhexdooda ayay kintirka carrabkiisa soo jiidday oo so degdeg ah makiinadii ula heshay bahalka salkiisii. Dhiig baa soo furmay oo sida wabiga soo bawleeyey iyaduna suuf karkaran oo ay biyo kulul iyo cusbo ka soo saartay bay dhiiggii ku celcelisay. Xanuunkii baa Xaawo ku sii batay oo way cabaadday wayna qaylisay. Iyada oo habarta caayaysa ayay candhuuf ku tuftay iyada iyo habrihii kaleba. Bishimaha hoose ee cambarka ayaa la isku tolay, oo dhaawicii ayaa ku sii waynaaday. Hoosta oo dhan baa ololaysay oo way danqanaysay. Maalintaas oo dhan halkii bay wadhnayd oo lugaha ayay midba dhan ku tuurtay. Iyada oo halkii jiifta ayay caytamaysay oo habraha iyo ayeeydeed ba way nacladaysay. Dhawrkii maalmood ee xigayna way nasatay oo hilib iyo dhir baas oo qadhmuun ayaa la siinayey. Maalmihii dambena way socon karaysay iyada oo lugaha kala fogaynaysa oo is hoohaarinaysa ayay duleedka gaadhaysay.

Aaden-yare in kasta oo uu wehelkiisii waayey maalmhan dambe. Haddana, wuxuu ku helay wax uu kula kaftami karo oo uu ku dacaayadayn karo. Subax ay maqasha wada raaceen ayuu geedo ka booday oo iyada ku xujaystay, iyana way diidday oo ka cudurdaaratay.
-“Naa orod naga tag. Waan illowsanaa in lagu gudaye” ayuu ku yidhi isaga oo xiiqtiranaya.
-“War naga tag adba waa adiga qaaxada qabee” ayay ku tidhi inta ay xanaaqday.
-“Anigu sidaada oo kale waxayga lama fiirfiirin dee”
-“Maxaa lahaa fiirinayaa dhoocil xun oo balag leh baad tahaye”
-“Anigu awelba nin baan ahaa ahaa oo cawro ma lahayn”
-“Kun cawraad leedahay ee waanad is ogayn”
-“Ma anaa cawro leh”
-“Loo joogi doonee”

Maalintaa ka dib -in kasta oo ay is le’ekaayeen- haddana waxay is-dareensiisay in ay Aaden ka wayn tahay oo aanay isku fac ahayn. Sidaa darteed lama aanay ciyaari jirin, way se canaanan jirtay oo maagi jirtay haddii uu horteeda wax xun ku sameeyo. Ayeeyo Xaadsan qudheedu sidii hore ula ma dhaqanto oo wax dhaqashada ayay ku canaanta, adhiga ayay raacdaa oo neefkii maqan ba waa lagu la xisaabtamaa, kii la waayana iyadaa doonta. Qudheedu masuuliyad ayay is dareensiisay. Waa taas gashaantida noqotay ee dhexda marada ku xidhatay, waa taas guudka dabatay oo ay laabteedu soo buuxsantay, sinuhuna ballaadheen, waa iyadaa dareentay in ay dumarnimadii soo salaantay oo ay ka gudubtay carruurnimadii. Ogaalkii ka daahnaa waa ka loo iftiimiyey. Iyada iyo Xaadsan in kasta oo ay is neceen oo ay is-karahsadeen; in ay dad u xigto ayay qirsan tahay. Xerada adhiga iyo Xaadsan iyo xadhiga addoonnimada ba in ay goyso ayay damacday. Guur gal bay noqotay oo kurayo badan bay xodxodasho wadaag noqdeen, iyadu se ma aysan danaynayn oo way iska la han waynayd. Aaden-yarena isaga oo kurey ah ayaa magaalada loo diray oo Quraanka ayuu bartaa. Hadda jannooyinkii uu iyada ka maqlay yaraantiisa isaga ayaa kaga ogaal badan, isaga ayaa kaga aqoon badan wax wal oo Aakhiro la xidhiidha, iyana dunida muuqataa loo daayey. Way kala baadeen oo kala fogaadeen, way se isku xiiseen dhab ahaan. Midkood se ma oga kan kale, midkoodna ma yaqaan dareen ka xiisaha.

Quruxdii suleekhi meeday, Saleebaan xaaskiisii iyo boqoraddii Reer Saba teedii xaggee bay martay? Waxaas oo dhan iyo wax wal oo quruxda astaan looga dhigo oo aan la arag ba uma aysan soo dhawaan. Dhaayihii arkaa markhaati ahaan in aan Xaawo la garab joojin karin boqorro waayo hore dhammaaday. Dhabbannada shuban iyo ilkaha dhalaalaya ee ilayska cadceedda ama dayaxu iftiiminayo, dhexda yar iyo ee ay badhida giigsani bilayso, cududaha iyo cambaadhyaha luqunta sirirshay, tinta baal goray la moodo ee madow-dhalaalka ah ee illaa iyo dhabarka sii dagaadegay, sida sayn fardood oo ay cadceedda ilayskuna dhalaalilanayso, sunniyada qaansada ah ama bil dhalatay sidooda u soo xoodan ee indhaha waaweyn iyo xirribaha dheerdheer ee Rabbi sida cajaa’ibka ah u xardhay, sanqaroorka dheer ee dhuuban iyo dibnahaha culayga ah ayaa lala daraandari jiray. Wax ka darnaa codka yara xabeebsatay ee iyo sida ay gacanta u saydhiso kolka ay hadlayso. Kolka ay tallaabada culus ee mugga iyo miisaanka ba leh taxtaxaashayso iyo sida ay qoorta dheer u lusho kolka ay soconayso oo inta ay faraqa marada qabato gacantana saydhiso ee aad mooddo in ay la dheelayso muusig ay iyada iyo dhirta uun ay maqlayaan oo ay ila hayaan. Wixii inan rag uu gabadh ku xulan jiray iyo wax siyaado ah ba Xaawo la saar, garashana loogu saldhig, han iyo sarrayn-tiigsi baa se loogu saabxidhay. Dhalinyaro badan baa haasaawe la soo doonatay, iyadu se waxay ugu jeclayd qofka u ballanqaada in uu magaalada geyn doono oo magaalada dejin doono. Baadiyaha iyo rafaadkiisa ayay nacday, xoolaha iyo dabasocodkeeda ayay dhibsatay, Xaadsan iyo hiifkeeda ayay karahsatay. Dhawr goor bay ku fikritay in ay sidii Aaden magaalada aaddo oo waxbarato. Yaa se u cid ah!

Gu’ barwaaqo ah oo xalay gudgude dal-dhameeye ahi da’ay oo ay dhulka rays iyo udug ka soo foocayo ayay galabnimo adhiga ka soo mayracday dooxadii. Fadad cadcad oo jihada waqooyi ka soo kacayana waxay ku fidayaan cirka oo dhan. Qorrax sii galbeedsanaysa ayaa u sii gacanhaadinaysa dooxadii quruxda iyo dunidii sharka. Dhankii ay jalleecdaba caleen curub ah iyo ubax cusub baa ka soo salaamaya, dhulkuba waxaad mooddaa in uu faraxsan yahay oo uu wax uu ku hadli waayey. Waa run oo isaguba ubaxa iyo caleentu farxad bay tahay, boodhka iyo habaaska iyo siigaduna waa ka cadho iyo ciil. Xadhig ay soohaysay ayay garabka ka ridatay oo labada tidic ee hore ayay iyo faraha iyo suulka kaga shaqaynaysaa, xadhiga dhexdiisana labada fool ayay ku haysaa. Adhiga iyadu way iska dabasocotaa ee lama jirto. Dunideeda kale iyo waayaheeda ayay ka fikiraysaa. Iyada oo sidaas u demman ayay dareentay digdigta ruux u soo ruclaynaya xaggeeda, iyo foodhida ruuxa. Inta ay gadaal jalleecday ayay haddana socodkeedii iska wadatay. Waa ruux ay wajigiisa si wacan u xusuusan tahay oo aanay illaawi karayn. Waa Aaden-yare oo macawis Sabarhindi ah iyo shaadh cad wata, garabkana ay cimaamadi u saaran tahay. Ma aha Aadenkii yaraa ee ay kolkol canaanan jirtay. Wuu waynaaday oo wuu koray. Wajigiisii dhallaannimada la dhalaalayey waxaa qariyey haaraha iyo fin doobka. In uu aad isku beddelay lama aanay yaabin, waxay se la yaabtay sida uu u sii foolxumaaday ee isaga oo yar ay laftiisu u boodday. Isaga qudhiisu wuu is hortaagay oo wuu gartay in ay Xaawo wax baan iska beddeleen, wuu se ku dhici waayey in uu hadal ka soo baxo. Waa kuwaa sidii labo loox oo qarboosh ah is hor tiirsan ee aan midna juuqayn ee indhaha la iska wada daawanayo. Markii dambe ayay Xaawo hadalkii furtay oo tallaabadii horay qaadday, iyaga oo is-garab socda ayay wada sheekeysanayeen illaa ay gurigii ka yimaaddeen. Aaden sidii in uu marti yahay ayaa ardaaga gogol loo dhigay oo shaah la hor qotomiyey buu iska fiiqsanayaa isaga oo Xaadsan u sheekeynaya. Xaawona adhigii ayay gashay oo ay maqashii iyo riyihii isku dhigtay oo maashay oo haddaba maqashii eddega gelisay. Aadenkii intaa la qaban jiray waa kaa halkaa bannaanka ah doonyaystay, markii dambena inta wayso hortiisa taallay qaatay buu addimmada iyo wajiga biyo mariyey keligii addimay oo keligii tukaday.

Goor dambe oo ay habartii buulkeeda gashay ayay Aaden la soo fadhiisatay oo ay wada sheekeysteen. Aadenkii yaraa aqalka la seexan jiray ma aha ee waa nin weyn oo waa kaa bannaanka loo saaray. Iyaduna gabadhii yarayd ee ay la caytami jirtay Aaden ma aha ee waa ay ka xishoonaysaa caawa. In kasta oo ay labadooduba is danaynayeen haddana aad bay u kala xishoonayeen oo xadhigii haasaawahabwaxaa sii xidhay kii qaraabannimada iyo wada koridda. Aaden baa se dan leh oo safarka uu u soo doolay ba Xaawo ayuu ku doonayey. Dhab ahaan wuxuu xaqiiqsaday in cid aan iyada ahayni aanay anfacayn oo xusuusihii yaraantii ayaa qalbigiisa ku waynaaday. Mid kalena waa ay haystay oo wuxuu ahaa af-garooc aan hadalkiisa la fahmin oo aan doonistiisa caddayn karin oo hablaha iyo haasaawahooda ba wuu ka bawi jiray. Sidaas buu dan u biday in uu ina abtidii ku soo noqdo oo iyaduu isku hubaayo ay dareenkiisa fahanto. Habeenkii wixii ay sheeko haysay bay ku bantookhday kolka ay xagasha haasaawaha gasho uun buu isna is madoobeeyaa oo hadalkaba waayaa haddana laabta ka farxaa. Sidii at u waddayba way ka keentay oo wuu sheegay in uu doonayo. Iyana waxay iska dhigtay ruux la yaabay oo walaalnimadii ayay ku noqotay.
-“Aadenow dadkuba isku mid ma aha ee waxaan kugula talin lahaa haddaad guursanaysid in aad qof aad taqaannid guursatid”
-“Waa sidaan damacsanahay!”
-“Oo miyaynu is laab ogayn” ayay tidhi inta ay qososhay.
-“Malahayga garabdaar baad leedahay”
-“Waa macquul! Oo Gabadhaa dumaashiday ah u roonow”
-“Dumaashidaa ma aha sida aan damacsanahay” ayuu yidhi oo hadalka iska soo jaray sidii in xinniin laga saray ayuu ilkaha is gashtay oo indhaha isku qabsaday.
-“Yaa…!!!!” Ayay tidhi si yaab leh oo si wacan u soo jeedsatay
-“Dumaashidaa ma aha waa ruuxaaga sida aan damacsanahay walaal”
-“War naga tag waxyahow!! Innagu maynnaan walaalo ahayn”
-“Sharci ahaan se waynu is-geynaa”
-“Waar Hus!!! Anigu wiilka eeddaday guursan maayo”
-“Walaalkaa haddaad jeceshay yeel Xaawoy. Hadaanad ii naxaynna i diid”
-“Labo mid uun baan ku yeeli karaa” ayay si fudud u tidhi.
-“Oo maxay ah!!!!” Ayuu ka soo booday, oo farxad la qoslay. Go’ii uu doonyaystayna wuu ka furmay isaga oo aan ogayn.

La soco qaybta xigta.

Cabdiraxmaan C. Cirro.|
cabdiraxmaan911@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here