Qalniinka Wadnaha iyo Gelinka Danbe -Muxiyodiin C/raxmaan Xasan ‘Dabeyl’

Dabeyl

Waa Maxay Sababta Qalniinka Wadnuhu ugu Fiican Yahay Gelinka Danbe?


Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ugu horreyn, aan u mahadnaqo Allah xumaan oo dhan ka reeban ee ii ogolaaday in aan
maqaalkan soo turjumo. Marka labaad, waxaan qirayaa in Suubanaheennii Muxamed
( N.N.K.H) uu ahaa rasuulkii ugu danbeeyay ee Ilaahay soo diro. Waxaan iyana qirayaa in
Kitaabka Quraanku yahay hadalkii Ilaahay (Xumaan ka nasahnaaye) xaqnna ay tahay in la
rumeeyo jiritaankiisa iyo amarkiisaba. Waxaan iyana qirsan ahay jiritaanka Asxaabtii
Rasuulka Xaqqa ku raacsaneyd guud ahaantoodbba .

Intaas haddii aan kaga soo baxo, hordhaca qoraalkaygan waxaan jeclaystay in aan iyana
maqaalka ka horeysiiyo xogo ku saabsan dhinaca Wadnaha iyo arrimo uu cajaa’ib ah oo la
gaar yahay. Ugu horreyn, wadnuhu waa xubin muruqley ah oo shaqo badan u haysa jidhka.
Xubintan waxa ay garaacdaa maalintii 115,000. Halka ay halkii minute ba qaraaco 72 jeer.
Qalniinkii ugu horreeyay ee wadnaha waxa la sameeyay 1893 waxa sameeyay Dr. Daniel
Hale Williams oo ahaa dhakhtar Maraykanka madaw ah. Da’dii ugu yareyd ee qalniin
wadne lagu sameeyo waxa ay ahayd gabadh 1 ilbidhiqsi jirtay . nasiib wanaag, waanna lagu
guulaystay.

Culeyska wadnuhu waxa uu gaadhaa 250–350 garaam. Halka xaddiga dhiigga ee uu tufaana
gaadhayo 7600 liter s maalintii. Xayawaanka ugu wadnaha weyn waa nooca loo yaqaano
Nibiriga. Haddaba waxaynnu toos u geli doonnaa jawaabta su’aashaas cinwaanka
maqaalkeenna ah. Xogtan aynnu soo gudbin doona waa maqaal laga soo
turjumay[ www.scientificamerican.com ] kaliya xogtaas sarre ayaa meelo kala duwan laga soo
dheegtay.

Waqtiga la sameeyo qalniinka wadnuhu waxa uu saameyn xooggan ku leeyahay natiijada
caafimaad ee ka soo baxda. Arrintani waxa ay hawl galisay cilmi-baadhayaal badan oo muddo
badan indho gaar ah ku hayay sababaha keenay natiijadan, iyada oo toos loola xidhiidhiyay
saacad gudeedka jidhka ee loo yaqaan “Circadian Rhythm” iyo qaabka ay u saameyso heerka
bogsiga qalniinka wadnaha iyo cawaaqib-danbeedka (Post Surgical Impact).
Dhammaan bukaanada gala qalniinka wadnuhu gaar ahaan gelinka danbe, waxa ay ka bogsi
iyo kabasho og yihiin bukaanada gala gelinka hore. Warbixintan ayaa ka soo baxday 6
sannadood oo baadhitaano iyo u kuurgalba lagu hayay in ka badan 600 oo qof oo qalliinno
dhinaca wadnaha loo sameeyay, gaar ahaan qeybtiisa Hibaaqyada (Heart Valve Surgery).
Waxaanna ka soo baxay in bukaanada gelinka danbe gala qalniinku ay ku yar yihiin Cawaaqib
-danbeedka qalniin sida: Wadno Istaagga iyo Dhimashaduba.

Cilmi-baadhistan ayaa xidhiidhisay heerka cimilada iyo qalniinka ka dhaxeeyaa. Waqtigii xog
ururintani socotay ayaa kooxdani waxay Isticmaashay nidaamka ”Randonized Controlled
Trail” oo lagu tijaabiyay 88 bukaan oo galay qalniinka wadnaha, badh kamid ah gelinka
hore badhan gelinka danbe. Khuburadan ayaa waxay sheegtay heerka dhimasho (Mortality
Rate) ay ku yar tahay qolooyinka gelinka danbe qalniinka gasha. Sida ay sheegayso
jaamacadda Lancet University of Lille-France gaar ahaan bare sarre David Montaigne oo
ahaa hoggaamiyaha kooxdan cilmi-baadhayaasha ah ayaa sheegay in ay jiraan in ka Ciriqjidheed
loo yaqaan Rev-Ebra oo wadnaha qeybtiisa muruqleyda ah ku yaala, uu ku kala
badan yahay wareega (Circadian Expression), gaar ahaan uu badan yahay subaxii marka loo
eego gelinka danbe. Tijaabadan ayaa lagu sameeyay jiir nooca loo yaqaan “Laboratory
Mice” oo gaar u ah tijaabooyinka shaybaadh ee la ikhtiraacayo. Jiirkan ayaa laga saaray
Ciriq-jidheedkan ama loo qaabeeyay qaab ka duwan noociisii hore, waxaana ka soo baxday in
jiirka laga saaaray genes-kani ay ka badbaadeen mashaakiladka ka danbeeya qalniinka.

Ugu danbeyn tijaabadan waxa ka soo baxday in ciriq -jidheedka loo yaqaano “Rev-Ebra”
uu saamayn toos ah ku leeyahay dhibaatadan caafimaad ee qofka qalniinka gala ka daba
timaada. Haddii aynnu si kale u dhigno mar kasta oo ciriqani yaraado waxa yaraanaya
dhibaatada timaada qalniinka ka dib. Asal ahaanna ciriqani waxa uu badan yahay gelinka hore,
waxaannu yar yahay gelika danbe. Tani waa sababta keentay in qalniinka wadnuhu ugu
wanaagsanaaday in la sameeyo xilliyada gelinka danbe ama qof kasta oo galaya la siiyo
daawooyinka yareeya ama shaqada ka joojiya Rev-Ebra gene .

Muxiyodiin C/raxmaan Xasan ( Dabeyl )
Bachelor Of Biomedical Science.
Hargeysa Soomaaliland

Tixraac :
 https://www.healthline.com/health/fun-facts-about-the-heart
 https://www.everydayhealth.com/news/9-amazing-facts-about-your-heart/
 https://www.scientificamerican.com/article/why-heart-surgery-may-be-better-in-theafternoon/?utm_source=facebook&utm_medium=social&utm_campaign=sa-editorialsocial&utm_content&utm_term=health_partner-stat_text_free

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here