Tigreegii Indhaha Adkaa! – Cabdiqaadir Jaamac Xuseen

Cabdiqaadir Jaamac

Baska dadweynaha ayaan sooraacay, waana maalintii ugu dambaysay ee ol’olaha xisbiga Kulmiye; oo Jigjiga-yar ilaa iyo suuqa weyn ee Hargeysa maalintaa iyo habeenkii kahorreeyeyba indho laysuma-geyn sawaxanka iyo mashxaradda dhacaysa owgeed. Kursiga igu xiga waxa fadhiya nin aanan markii hore sifiican usii eegin.
Caadadayda maahan in ciddii aan sheeko gaar ahi naga dhaxayn aan iskala had-hadlo, dadku waa ay wada sheekanayeen laakiin anigu warqad yar oo jeebka iigu jirtey baan lasoobaxay si aan ugu takhdiidiyo arrin aan markaa kafakarayey.

Baabuurta na-dhinac yaacaysa iyo ol’olaha xooggiisa ayaa waddadii naga xannibay, taasoo sababtey in wakhti badan uu naga qaato socodka basku. Anigu waa aan iska mashquulsanaaye waxan kubaraarugey ninkii dhinacayga fadhiyey oo kolkii baabuur ordaya nasoo agmadhaba gacmaha iyo gafuurkaba kor utaagaya[Qaab quudhsi kujiro], isagoo leh “Eysh haadaa”!. Kelmaddaa Carabiga ah markaan maqlay ayaan sifiican u eegey jaarkeygii baska, mise waa nin jir dhisan leh oo labbisan da’ ahaanna afartan jir kudhow, dun iyo diir Soomaalinimona kama muuqdo, laakiin waa Afrikaan inoo eg .

Anigoo kaqiyaas qaadanaya Luuqaddii uu isticmaalay ayaan ku idhi “Min fayn anta”, laakiin ma uu fahmin. Markaas ayaan gartey inuu Ingiriiska yaqaan. Wuxu iisheegey in uu Itoobiyaan yahay. Kolkaas ayaan waydiiyey waxa uu qoonsaday ee uu kahadlayo. Waxa uu yidhi “Maxay iska waalayaan dadkaan?, bal eeg waxa halkaas naag ordaysa!, waxa baabuur yaacaysa eeg!, wakhtigii bay naga qaadeen dadkani!”, aniga oo kayaabban indho adayggiisa ayaan iskudayey inaan u sharraxo, laakiin waxba kumuuqaadan. Markaas ayaan anoo og weydiiyey “Itoobiya dimuquraadiyadan oo kale makuhaysataan horta, tan iskaddaayoo?”, intaaba markaan idhi ayaa indhihiisu casaadeen!, “Ma anaga Itoobiya ah?!, war la’aan ayaa nookaahaysa!, dimuquraadiyaddu maaha adoo dowladdaadu aysan waxba qabsan karin inaad dhahdo waxbaan dooranayaa, ee waa hadba awoodda dowladaadu leedahay, dowkaddaydu waxa aan ubaahanahay waa iiqabankartaa”. Intii uu hadlayey waxan kafahmay hadalkiisa inuu Qowmiyadda Tigreega yahay, isaguna waa ii xaqiijiyey. Markaan arkey dooddiisa iyo kalsoonida uu igula hadlayo, iyo qaabka aan gabbashada lahayn ee isaga oo Hargeysa jooga uu ugu dhiirranyahay wax-kasheegga doorasha Soomaaliland, iyo cir-geynta hannaanka Siyaasadeed ee Itoobiya ayaan ku idhi “Saaxiib waa gartaa oo adiga iyo reerkaaga Tigreeguba dimuquraadiyad waa haysataan, oo idinkoo shan milyan ah baad sagaashan milyan madaxa kaga taagantihiin, laakiin waxan kuusheegayaa middan Soomaaliland ayaa mustaqbal dhaanta tiinna, waayo cadaadisku mawaaro”. Intaas markaan idhi si kale kumagaratide waa uu “bururay”, ilaa baskii oo idil doodayadii usoo dhegraariciyaan qayladiisa darteed. Waxa uu hadalkii iigu gooyey kelmad aan is’idhi afkaa kaxaday, intuu laamiga farta kufiiqay ayuu yidhi “You will see next fifty years who rule even this land”[Waad arki doontaa kontanka sano ee soosocda cidda maamusha xitaa dhulkan] . Intaas markaan kamaqlay, horeyna xogtaa aan uhayey waxan fahmay ninka ilahadlaya inuu katirsanyahay Dowladda Itoobiya.

Waa istiraatiijiyad ay kushaqeeyaan, jiilalkana ku ababiyaan inay ugu dambayn kontanka sano ee soosocda ay maamuli doonaan dhulka Soomaalida ee geeska Afrika. Mana aha wax qarsoon, ee waa howl muuqaalkeedu cadyahay oo qofkii aan indho-la’ay u muuqata.
Kelmaddaa ayaa igu kalliftay inaan qayb kamida dooddii ninkaas iyo aniga aan sooqoro. Qofkii dhug leh baase wax kadheefaya.

Cabdiqaadir Jaamac Xuseen
cajiib44@gmail.com
Hargeysa – Soomaaliland

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here