Il-nugeylkii Xaawo (Q4aad) – Cabdiraxmaan C. Cirro

Craxmaan Cirro

Dabayshii xagaaga ayaa dhanka bari ka soo dhacaysa oo doogii baxay gu’ga ayay qallajisay, oo biyihii jidhaadhama ku hadhay ayay u gudhisay, oo ubaxii dhoollacaddaynayey ayay dhabannada isugu dhufanaysaa. Siigo foolxun oo naflaha u daran baa dooxadii Nugaaleed dhan walba u leefaysa. Buurawadal sidii ay ahayd roobka ka hor ma aha oo sidii ay u qurux badnayd uma dhalaalayso. Habaas foolxun baa iyada oo dhan daboolay. Aqalladii ayaa tiirarka loo adkeeyey. Qaarna xadhig iyo dhandhaaraa la iskugu xoojiyey si aanay dabayshu u ligligin. Dhismayaashaa dhicidda looga baqanayo waxaa ku sii dhex nool qalbiyo burbur isaga baqanaya. Xaawo kolkaas ayay dhexda marada ku xidhatay oo aqalkeedii dayactiratay. Xagaagan badhtamihiisa in uu Aaden imaanayo ayay ku niyad waynayd oo waa iyada cagaha u xinnaysatay oo u dhaashatay. Isagaa loo dhaashanayana hilbihiisii inta ciid lagu duugay ayaanay cidna labo rakcadood oo sarejoog ah ku tukan. Cidna ma tabin, cidna naftiisaa uu halaagay kama nixin. Qaar badan se way ku farxeen, kuwo kalena waxay jeclaan lahaayeen in ay sidiisa u dhintaan oo ay geesinnimadiisii oo kale yeeshaan. Saaxiibbo badan oo uu lahaa waxay ku sheekeystaan in uu jannada ku jiro oo ay hablo xuuralcayni u heesayaan. Qudhiisu kolkii uu dagaallamayey taasi kama madhnayn oo jannadii ayuu moodayey in uu halkaa ka heli. Kama na aanu waraysan Xaawadii bartay jannada in ay u sheegto meesha laga heli karo. Wuxuu ka durraansaday nin gadh weyn oo guduudan leh oo dhexda boosh cagaar ah iyo buraashad ku xidhan. Kaasi in aanu isagu jannada ma doonayo ayuu Aaden u malayn jiray, sababtoo ah dadka uun buu u diraa ee isagu ma aado. May may ee malaha horta dadka aan garanayn ayuu u dirayaa maaddaama uu isagu og yahay meesha ay ka xigto ka habaabi maayo. Sidaas ayay u sheegeen dhalinyaro kale oo uu su’aasha waydiiyey.

Baroor meel dheer ka soo yeedhaysa iyo qayo ruuxa dumar ah ayay dhegaheeda maqlayaan. Markii hore ma aanay dhaadin, dareenkeeduna ma kacin. Mar walba way soo dhawaanayaa oo dhageeda ayay ka u soo dhawaanaysaa, iyada dareenkeeduna wuu soo toosayaa. Xabbad kibriid ah oo ay shidaysay ayaa demay, mid kale ayay haddana si degdeg ah ugu dhufatay barta guduudan ee qolofka kibriidka oo inta dubaaladdii ku dhejisay ayay faynuuskii quraaraddii gelisad. Sida uu ololka faynuuska ku jira u boodboodayo ayuu wadnaha laabteeda ku jirtaana u boodboodayaa. Kolkii ay faynuuskii shiddayba bannaanka ayay u orodday, haddana dib bay u soo noqotay kolkii ay dabayl qaboow madaxa ka leeftayna waxay ogaatay in aanay go’ii hagoognan. Isaga oo dhulka yaalla ayay soo jiidday oo faynuuskii ayuu ku dhacay. Ma aanay dareemin ee bannaanka ayay u boodday. Qayladii ay ka hor tagtayba waa cod ay garanayso oo cilcillawga mugdigu wajigiisa qarinayo. Waa Eeddadeed Canab oo barooranaysa, iyo dumar kale oo daba socda oo aan hadlayn. Ma garan mana oga waxa dhacay illaa islaantii gurigeeda la geliyay oo ay dumarkii aammusiiyeen. Hadba qof ayay is hortaagtaa oo waxa dhacay waydiisaa, cidna lama hadasho ee waa la dhaafaa. Marba qofka go’ay ayay sawirataa “Tolow ma Xaadsan baa, ma Aaden baa….!” Ilaahow Xaadsan ka dhig!.

Canab oo dhulku hawaarta ayaa sacabbada bawdyaha ku garaacaysa oo mar ba qof saloolanaysa oo barooranaysa. Markii dambe ee ay Aaden ku calaacalsay ayay Xaawana indhu nugul ku soo eegtay. Ma aanay ooyin oo ma aanay barooran sidii Xaawo. Ilmo kulul ayaa ka soo dhaadhacday isheeda oo dhabankeedii dhalaalayso sii gubtay. Kolkii ay islaantii degtay ayay isku duubtay oo way is-dhundhunkadeen, Xaawona kolkaas ayay afka furatay oo sidii Canab u barooratay. Goor dambe ayay labadooduba ku war heleen ololka qolkii Xaawo ka boodaya iyo dadka deminaya ee ciidda iyo biyaha ku shubaya. Iyada oo aan isla hadlin ayay wada boodeen oo ay sarabkii ololayey wax ka demiyeen.  Habeen kaa iyada iyo Canabba waxay wada galeen aqalkii Canab. Midkoodna ma aanu gam’in ee dhankiisu ayuu hoosta ka ooyayey. Subaxdii kolkii ay dad ku soo tooseen ayaa loo soo tacsiyeeyey. Cidna gaar uguma aanay iman Xaawo, cidna ma aanay dareensiin in ay iyada geeridu taabatay. Xaadsan kolkii ay timid duhurnimadii lama aanay hadal oo il-cadaaweed ayay ku eegtay. Sidii oo ay iyadu wedkii Aaden haystay ayay u eegaysay. Canab qudheedu sidaas oo kale ayay noqotay maalmihii dambe. In ay abeesooyinkii la seexan jiray Xaawo ayaa Aaden daajisay ayay isku sheegeen oo ay tahay qof baas oo nasiib xun. Aqalkeedii xitaa in uu gubtay waxau u aaneeyeen nasiib xumadeeda, hooyadeed iyo aabbeheed iyo Aaden xitaa in uu dhintay waxay u sababeeyeen ayaandarradeeda. Cidna il-nugul iyo dareen kulama aanay hadal.

Waayihii dambe Xaawo makhaayad ayay ka samaysatay tuulada oo ay shaaha ku karin jirtay, oo  lagu qayili jirtay. Shaqadaa ay ku mashquushay aad bay ugu nafistay dareen ahaan oo way ka raysatay isla hadalkii, cuqdaddii iyo kelinnimadii. Sida badan isma aanay arki jirin Canab iyo Xaadsan midna iyaduna kama aanay war dooni jirin. Jaqalkaa sarabka iyo duurka la samaysan iyo balbalaadaa udubbada iyo jiingahada ka kooban ayay nolosheedii ku keliyeysan. Subaxdii kolka ay soo toosto ee ay shaaha dabka saarta ba waa taa sidii ceel biya leh makhaadaya loo hoganayo. Waa taa iyadu ka nasatay kelinnimadii iyo wehel la’aantii oo raggaa makhaayadda ku qayilaya waar ka mid ah ayay haasaawo wadaageen. Cidhiidhigii iyo cuqdaddii ay qoyskeedu badeen ba waa taa ka soo koraysa oo way illowday Aadenkii buura dhexdeeda ku dhintay. Mana aanay soo xusuusateen haddii aanay arag caloosheeda soo waynaatay oo ay isku sheegtay in ay uur leedahay. Calaamadihiisa kolkii ay isku aragtay cidna uma aanay sheegin illaa goor dambe oo ay Canab aragtay oo ay waydiisay. Canab oo jacaylkeedii iyo eeddannimadii dib ula soo noqonaysa ayay dareentay. Way ogayd oo way hubtay in aanay iyada ku farxin ee ay aad u danaynayso ilmaha ay ayeeyada u tahay ee ku dhex abuuran caloosha Xaawo. Sidii ayay shaqadeeda iskaga wadatay illaa ay ka cuslaatay oo ay toddoba bilood ka soo wareegatay markii uu Aaden ka tagay oo uu xabaalada cadaabta ama jannada ku sii jiro shan bilood. Habeen kii ay aad u xanuusatay ee nabarkii fooshu qabtay aad bay u dhibaatootay waxayna isku mar soo xusuusatay barqadii la guday iyo habeenkii uu Aaden la xarbinayey.  Dhaawacyo isku mida oo isku meel ka dhacaya in ay yihiin ayay isku sheegtay.

Habeenkii saqdiisii dhexe  ayay aad u taahday oo la isugu yimid. Canab iyo labo islaamood oo deriska ahaa ayaa madaxa iyo lugaha ka fadhiistay oo lugaha ayay kala fogeeyeen. Aad bay u xanuustau iyada oo go’a gawsaha ku qabanaysa ayay iyaguna ka dul qaylinayeen oo ay ku amrayeen in ay docado oo ku darto illaa uu ilmihii madaxa keenay, iyaduna afka ayay kala qaadday oo Ilmo ayaa ka timid. Hal mar ayaanu dhiig soo booday kolkii ilmihii bannaanka yimid. Neef dheer ayay qaadatay, oo madaxa ayay dhanka midig u tuurtay. “Waa gabadh!! Waa gabadh!!!” Kolkii ay maqashayna dhabta ayaa loo saaray. Sidii ay iyadu ku dhalatay iyo sida ay gabadheedaasi ku dhalatay in ay isku mid lahaayeen oo au agoonnimo iyo madinnimo ku korayaan aad bay uga murugootay. Haddana in ay gabadheedu iyada ka nasiib badan tahay ayay isku sheegtay.

Maalmaheedii dambena aad bay u sii kala fogaaneyeen eeddadeed Canab oo malaha iyadu jeclayd in ay Xaawo wiil dhasho. Sidii loo go’doomiyey waayihii uu Aaden dhintay si la mid ah ayay la kulantay iyadu se dedaalkii ay samaysay maalmhaas mid le’eg ayay samaysay oo makhaayaddeedii ayay ku noqotay.

Dhammaad

Cabdiraxmaan C. Cirro.|
cabdiraxmaan911@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here