Wuu qiimo beelay! – Cabdiqaadir Jaamac Xuseen

Cabdiqaadir Jaamac

Guribaan soo galay, salaan baan ku gaacshay , waa layga yaqaan oo wax dareen ahi majiro. Maqsin aan garanayey baan usii gudbay, rag goxosh iyo garmadow isugu jira ayaa gabran, anna guraddaan ugalay . Raggu waa iskuwada jifi, dhawaan ayaa gashi rageed usoo galay. Reer ay awal xeer-mageed lahaayeen ayay godob kagaleen, magtii weeye waxa ay ufadhiyaan hadda. Waa laqaybinayaa. Kuddar, kajar, kudhufo iyo uqaybi ayaa yeeraysa. Nin aan isiri ma xisaabiyaha guud [General accountant] ee reerkaa?!, ayaa kaalkullaytar wayn haysta, qolo kalena hadba waxa uu yeedhiyo ayay buugaag iyo diiwaanno aan umeeleyey jufi-hoosaad walba mid gooni ah inay leedahay ku sii qoranayaan. Gocoshka waayeelka ahna hadba waxbaa loo sheegayaa, kolkaasay iyaguna talo ujeedinayaan.

Ninka magtiisa la diyaarinayo waxa uu k uqiimaysanyahay boqol[100] halaad oo geel ah. Laakiin hadda waxa degdeg loo rabaa soddon iyo saddex halaad oo duug[Samirsiin] ah. Labaatan dhogor ahaan baa loo rabaa. Inta aan baadiyaha wax kafahamsanayn [dhoqor ahaan] garan mayaan e, waxan kawadaa labaatan halaad oo nool-nool. Saddex iyo tobanka soo harayna lacag ahaan ayaa loo doonayaa, todoba iyo lixdanka kalena biyo-naq iyo waagii gu’ hooro ayaa loo qabtay inay ku soo dhammaystiraan.

Raggii wax qaybinayay waxay kala qaybiyeen labaatankii dhogorta ahaa. Waxana loo soo gudbay saddex iyo tobankii lacagta ahaa. Kaalkullaytar-wayne ayaa isagoon is-dhibin yidhi “Waa saddex kun iyo sagaal boqol oo doollar [$3900] saddex iyo tobanka halaad”. Haa “Waa sax” iyo “Hebel intaas ku qor, hebelna intaas ku qor….” iyo “Howraarsan” ayaa loogu jawaabay. Aniga halkaasaa wax iga raaceen. Wax imaqashiiyeyba ma’aqaane xisaabtan baas baa kashayda dalaq yidhi, “Yaa!, bela kula kaalkullaytar waynaatay, malaha xisaabba m ayaqaan, war reerka maqsar haggalin intaad xisaabta ka khaladdo” ayaan niyadda iska idhi. Waa aniga moobayl yar oo aan watay la soo baxay. Xisaabtii uu sheegay baan u qaybiyey saddex iyo toban; mise waa saddex boqol [300]. “Saddex boqol aa”, ” Ma neefka geela ahbaa saddex boqol k uqiimaysan?” ayaan si hoose uwaydiiyey nin aan ilgaranayay. Kolkaasuu yeen “Haa, geelu mag hadduu yahay waa saddex boqol oo doollar”.
Waa aniga isku mashquulay “Belo kuqaadday, kii geel ahaana waa u dhammaatay, muxu yidhi “Saddex boqol”!. Oo kaalay geel badan baa aad iibsan kartaaye?!, oo muxu ku tarayaa waxa qiimihiisuba saas yahay?!, belaayo ha dhaqato iyo baasa geediya”.

Waxa durba dubaaqayga kusoo degdegay raggii geela ammaani jiray. “Oo kaalay maanta hashii waxa ii gooya saddex ri’yood oo dhaqayo ah”, intaas mar ay kashayda kujirto ayaa markiiba waxa soogalay Abwaan Cumar Ustureeliya oo leh:

“Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisii e
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameed e
Dhaqaalaha haweenka iyo guriga siima dhaafsana e
Lo’da dhiiqda laga maalayiyo dhayda iyo xoorku
Dhudhunkay biyaha kula jirto iyo dharabka weeyaan e
Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesley e
Ragga laxaha sii dhowrayow dhaqasho waa geel”.

“Dhaqasho waa geel, dhaqasho waa geel!, allow yaa usheega maanta siduu u bahdilmay, iyo in dhowr ri’yoo dhaqayo ah aan kal bixi karo hal horaaddo waawayn”!.
Kol aan jawaabtiisii ku dhexjiro mise waaba kan haddana Abwaan Cabdi Gorod AHU-tee isagoo aad moodid inuu niyaddayda waxa ku jira intuu maqlay durbadiiba ii soo jawaabay, isagoo marinaya geeraar ay kamidyihiin:

“Haddaan Gooha ammaano
Gees-lakoyda riyaad
Iyo ninkii Giir-yar lahaa
Armuu ciil lago’aa!….”

Misana waaba kan Cali Cilmi Afyare AHN-tee isagoo marinaya gabay uu geela ku ammaanayo, waxa uu ugu luuqeenaya qaab uu ugu duubnaan jiray giraan waagaan yaraa gurigayaga oolli-jirtay. Waxa uu kuraaxeenayaa gabay ay kujirto:

” Haddii Suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday
Sandheer lo’aad iyo kolkii, arigu saanqaado,
Kolkaasaa sidkaha geela iyo, sidig la maalaaye”.

Siduu uwaday waa kan leh:

” Waxba yaan surweel midable iyo, saacad lay xirane,
Sicirka dunida geeleennu waa, ugu sarreeyaaye,
Soomaaligii diidayoow, waad silloon tahaye”!.

Ma suwaalkayga iyo saacaddayduu arkaa?! bisinkee!.

Oo bal joog!, nimankii kaladhici jiray, boqolka ninna nafta u agdhigi jiray bal kawarran iyaga?!. Dee waxay aaminsanaayeen in ay sharaf utahay inay geel helaan, wixi ka sokeeyana maba eegi jirin. Waaba kan Cabdi Gahayr AHU-tee oo wadaad ay isku tol yihiin u sheegaya adduunka iska daaye, aakhiro xitaa inuusan sharaf iyo shacni toonna lahayn nin aan geel u fadhiyin xerada. Wuxu marinayaa gabay ay kujirto:

“Idinbacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay
Aakhiro nimaan geel lahayn, lama ammaanayne
Asaxaabihii horeba waa, ku intifaaceene
Maxaan idinla awlaadsadaa, awgayow awr ma dhaansado e”.

Intaasoo dhammi waxay dhacayaan anoo kujira qolkii raggu magta ku xisaabsanayay!. Kolkaan asal-madoorshe isku maqan noqday, oo xisaab aan dhammaanayn ay iga dhexqaraxday ayaan go’aansaday inaanba isaga baxo meesha. Laakiin ka bixitaankaygii ma keenin inuu buuqii dhexdayda ahaa joogsado!. Qaruumaad mooddaa inay igu dhex-murmayaan. Dagaal inuu ka dhexqarxay u dhowyihiin. Qaarbaa gabayadii intay dhaafeen aayado Qur’aan ah iyo axaadiis Nabi soo daliishanaya!.

Gurigii kolkaan tegay oo dhinaca dhulka dhigay ayaa feker aanan uducayn ii soo dhacay!. Kani kii geela waa ka duwan yahay. Wax aanan garanayn baa i waydiiyey “Oo horta geela raqiiska ah yaa lagu qiimeenayay?”!. Qolo kale ayaa anoon raalli ka ahayn, oo hurdo u baahan u jawaabtay qowmkii su’aasha keenay, oo tidhi “Dee ninkii Reer Hebel ee kaliishii dhawayd ladilay magtiisii weeye”. “Yaa”!. Waa aniga garan waayay goor aan toosay. Waxa aan arkay uun aniga oo kaalkullaytar haysta!. Boqol ayaan saddex boqol kudhuftay, mise waa soddon kun!. “Soddon kun aa”!. “Ma ninkii dhammaa magtiisii ayaa soddon kun ah”?!. Waxanba mooday nin galabtii aan is-afdhaafnay inuu shan xabbadood sujuudda igaga dhuftay, “Bul, bul, bul”. “Aa, Alla dhintay”. Deedna odayaal reerkayga ah iyo odayaal ninkaa reerkiisa ah intay xaajoodeen soddan kun oo doollar reerkayagii lasiiyey!. “Ma anaa soddon kun layga qaatay!, soddon kun maxay tahay? hal bil ayaan shaqayn karaaye?!”. “Acuudu billaahi minashaydaani rajiim, war ma aanan dhiman dee”.
Haa oo ma aan dhiman, laakiin waxa laqdarad igu noqotay qof kula mida ayaa soddon kun qiimihiisu yahay!. Waxan hurdo ka ladi waayay dadkaan dadka laynaya iyo soddonka kun ee laga bixinayo. Deegaankan qof waliba waxa uu kujiraa caymis qabiileed “Clanical insurance”. Qof kabaqaya in aan laga bixin lacagtaa yarta ah majiro. Markaa qof weliba waa ay u fududahay inuu ku dilo, deedna soddon kun oo doollar reerkaagii loo qaaraamo!.

Aniga oo maankayga ay soo weerareen dhowr boqol oo soddon kumaad, oo dad aan aqaano oo qiimo iyo qaayo dalkan u leh inta la laayo dharaar cad laga bixinayo xoogaagaas oonta qudheed ah, ayaa qolo saddexaad ii soo dhacday balow. Qolo saddexaad oo kuwii murmayay kamadax bannaan baa tidhi “Duulyohow Eebbe mahadiya, idinkaaba soddon kun laydinka bixiyaaye, waxa jira qaar si arxan-darro ah inta loolaayo aan butulli laga bixine”!. Af-dhabaandhow iyo dhafoor-taag intuu naga sooharay, ayaa annaga oo aad mooddid inaan badannahay kuboobnay “Oo xaggee joogaan?, ma cid naga raqiisisan baa jirtaba?!”. “Miyeydaan ogayn in saddex boqol iyo kontan iyo siddeed ruux oo dadkiinnii ah bil kahor hal meel lagu laayay mar qudha?!, boqollaal kalena lannaafeeyey?!, soddon kun iskadaaye yaa boqol shilin oo mag ah kadhiibay?!”. Ayay noogu jawaabtay.

Anigoo ogaa waxa dhacay ayaan anfariir ka qaaday, sida qof hadda uun loosheegay. Dhulkaa ila wareegay, sariirtii ayaan mooday inay safar kujirto. Awal dood ayay ahayde, haatan waydiimo ayaa naftii igaqabtay. Maxa dadkan loollaayay?!. Waa lay horkeenay iyagoo wada eedaamaya, oo warjeefku kusodo!, sidii weer adhi goosan ah helay, oo hal neefna aan cafinayn!. Agoomahan milcistaa maxa waaridkoodii u xammaalayay loodhaafiyey?!. Ooridan ooyeysana maxa il-qabowsigeedii loogu qoonsaday?!. Aabbahan calaacalayana maxa afadiisii looga xabaalay?!. Maxay dhimeen dadkani?!. Yaa masuul ka ah waxan?!. Yaase mas’uul u ah dadkan?.

Weydiimahaas iyo kuwa lammadida ayaa maankayga maasheeyey, kol aan dhexda kaga jiro, wax jawaab ahna aanan u hayn, ayaan ku baraarugay codka Mustafe oo masjid ii dhow ka eedaamaya sallaadii!, waa salaaddii subax!.
Markaasaan horta giddigood wixi wax su’aalayay iska naaray. laakiin waxa iiga soobaxday in dadkaygii qiimo beelay. Mid cadow laayay, mid la saqiir-suujiyey, iyo mid si silloon unool inay isugu jiraan, cidda ay sugayaanna ay isku mashquulsanyihiin iyagu.

Cabdiqaadir Jaamac Xuseen
cajiib44@gmail.com
Hargeysa – Soomaaliland

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here