Qalbi kaa fog (Sheeko) – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Waa duhur aad u kulul, cadceedduna iyada oo aad mooddo in ay maryaha dhigatay, ayaa ay badhtanka cirka kuuddudaa . Waxa aan hadda ka soo kacay maqaaxi aan illaa saaka barqinkii ka dhurmayay. Aniga iyo saaxiibbaday shaah iyo sheeko ayaa aanu waqtiga ku dilaynay. Waxa aan lugaynayaa jidka laamida ah ee ka yimaadda suuqa ee taga xaafaddayada. Cadceeddu dhakada ayaa ay iga saran tahay, oo waa aan dhididayaa; haddana maskaxdayda inta aan socdo boqolaal fikir ayaa ku soo dhacaya. Ballamo shaqo, haasaawe dumar iyo xataa kulanka gelinka danbe ee asxaabta ayaa aan kala horreysiinayaa; waxa keliya ee aan hubo ayaa se ah bariiska dallaca ah iyo koobta liinta ah ee qadada qolkaygii igu sii sugaya.

Waxa aan soo galay guriga, aniga oo hiiftaamaya ayaa aan ku qayliyay naga keena qadada. Waa aan ka faraxashay bariiskii, tuwaal agtayda yaalay inta aan afka iska mariyay ayaa aan isku tuuray furaashkayga.
Inyar haddii aan jiifay, waxa aan ku kacay dawanka telefoonkayga gacanta; waxa I soo wacaysa Hoodo. Waa aan ka qabtay, wax badan ayaanu sheeko, haasaawe, kaftan iyo maaweelaba isku dhurnay Hoodo–sidii caadada noo ahayd. Gacalisadayda Hoodo; waa gabadh Soomaaliyeed oo qurbaha ku kortay. Iyada oo yar ayaa uu qoyskoodu u qaxay dalka Noorwey. Halkaas ayaa ay ku barbaartay oo ay wax ku baratay, kana shaqaysataa.

Hadda waxa aanu Hoodo wada soconnay muddo saddex sanno ah, oo aanu kalgacal iyo dareen-wadaag ahayn. Hoodo waa qofka aan indhahayga ka jecelahay, haddana, weli dhaayahayga ma aan saarin, oo lama aan kulmin si toos ah. Waa’yo badan ayaa ku xeeran jacaylkayaga, oo ay ugu horreyso kala fogaanta iyo kala duwanaanshaha dhaqan ee noo dhexeeyaa. Iyada oo ay taasi jirto waxa aanu nahay laba qof oo is jecel, oo dadka iska doortay.
Waxa ay Hoodo iiga sheekaysaa quruxda Yurub, ashqaraarka Noorwey iyo fajaca dhismayaasha cirka ku dhereran ee Oslo. Waxa ay iiga sheekaysaa dunida ay joogtaa sida ay u horumartay iyo ilbaxnimada dadka tadhahay ee ay la nooshahay; anna waxa aan uga sheekeeyaa waddooyinka habaaska leh, dib-u-dhaca iyo mustaqbal xumada taala dhulkii hooyo. Waxa ay iigu laab-qaboojisa in ay marka aan is-guursanno ay ii dacwoon doonto, oo ay jannada ifka I geyn doonto –waa Yurube.

Laba xagaa oo is-xigay oo ay ballantu ahayd in ay Hoodo timaaddo Hargeysa ma ay iman, xagaaggana warcad kama hayo. Markii hore ballanqaadkeeda waa aan rumaysan jirey, haatan se oo ay sheekadayadu marayso gu’gii saddexaad, waxa aan filayaa in aanay waxba ka soo naaso-caddeyn imaatinkeeda iyo riyadaydii tegitaanka Noorwey.
Markii hore xiisaha iyo jacaylka ayaa I indho-tirey, oo wanaagga Hoodo iyo wacnaanta Yurub ayuun baa ii muuqday, balse, waxyaalo badan oo ii cuntami waayay ayaa habdhaqanka Hoodo iiga soo muuqday dhawaanahan. Haddii ay Hoodo ahayd qof furfuran oo farxad badan, imika markasta iyada oo diiqadaysan ayaa ay I soo wacdaa. Waqtiga aan la hadlayo inta ugu badan waxa aan ku qaataa maslaxaaddeeda iyo ka farxinteeda. Haddii ay Hoodo markii hore ahayd –sida hablaha soomaalida, mid oggol hoggaamintayda talada haasaawaha, hadda waxa ay la soo baxday dhaqankii galbeedka, oo fal kasta waxa ay rabtaa in ay iyadu ka arrimiso, ama loo daba fadhiisto. Hadda Hoodo markasta waxa ay iga waraysataa shaqadayda iyo heerka dakhligayga, iyada oo daba-ka-warwar ka qabta in shaqadeeda iyo taydu aanay ku filnayn nolosha qoyska aanu dhisi doonno.

Duni kala geddisan ayaa aan aniga iyo Hoodo ku kala nool nahay; ma aha mid aan u sheegan karo dhibta aan maqnaasheheedu igu hayso. Qofka aan qalbigayga siiyay ma aha mid dareemaysa wehelka aan uga baahnahay. Hoodo ma aha mid ila qaybsanaysa waaqaca aan ku noolahay; qadhaadh iyo macaan ka uu noqdaba. Hoodo waa mid aan markasta ka werwersanahay xaalkeeda, iyaduna waa mid ka walaacsan jeebkayga. Hanti sidee ayaa aad u dhaqataa inta ay Hoodo u cararayso, da’deeduna waa ay ordaysaa; iyaduna ma dareensana, anna waxa aan ku hamiyayaa sidii aanu hoy u wada geli lahayn.

Qalfoofkayga ayaa Hargeysa jooga, ee qalbigaygu Oslo ayuu igaga laalan yahay.Waxa aan soo maray saddex sanno oo boholyaw ah, saddex gu’ oo hillow ah iyo saddex dabshid oo kala lulasho ah. Qof kaa dhoofay waa laga samara, qalbi kaa fog se waa loo silcaa. Si kasta ha ii dhibto Hoodo, balse, waa aan jecelahay. Haddana mararka qaar waxa aan idhaahdaa, ‘’dab kaa fogi kuma dhaxan tiro, qalbi kaa durugsanina kuma dabiibo.’’

Waxa Qoray: Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Muqdisho – Soomaaliya
caliileeye@gmail.com
Faca Cusub

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here