Warqad ka timi jacaylkaagii aanad la kulmin – Cabdisamad Shire

Dhambaal Caashaq

“Ha iga quusan”

Jacaylkii Mustaqbalkaw,

Waan ogahay. Waxa ay ahayd inaan hore warqadan kuugu soo qoro. I saamax. Waxa aan dareemay dareenkaaga ah in aad bilowday in aad ka fekerto in aanan jirin. Doonistayda ayaa ah in aan kuu sheego in aan noqon karo mid aan la aqoon sida daaqsinka duurka ku yaal, mid ka mid ah afar caleemo oo halkaa ku dhex yaal, waan kuu dhow ahay. Agagaarka koonaha ayaa aan joogi karaa ama jidka hoose, Facebook-ga, xafiiskaaga, maqaaxida Kafeega laga cabo imk … gebi ahaan ba wax aan ahay qariib. Waddada ayaan hal mar kugu arkey. Isha ayaa kula sii raacayay illaa aad ka libidhey. Mar kale ayaa aan kugu arkay qolkii xafladdu ka socotay. Waynu isku dhacney dabadeed waynu is aragney; waan ku gartey ase ima aad garan. Laakiin weli ma aha waqtigeennii aynu kulmi lahayn ee aynu is garan lahayn. Waan ogahay in aad ka yaaban tahay sababta! Ha yaabin e’ I dhegayso, maanta anaa hadlaya adna waad I dhuganaysaa.

Run ahaantii ma aha xaq in aad sugto muddadan aadka u dheer ama aad samayso haasaawe indhool ah, inaad la qabsatid xidhiidh aan xiiso lahayn, dareentid fahmo-darro, ka ooydid kelinimo, barkinta aad weheshato oo gacmahaaga iyo xabadkaaga gashato marka aad habeenkii seexanayso. Aad ayaan uga xumahay. Wax aad u qalantaa sharraxaad. Hadaba aan halkan kaaga bilaabo e’ I dhegayso. Wax ay igu qaadatay wakhti dheer in aan xitaa u qirto naftayda in aan iskaa ogeysiiyo oo la gaadhey xilligii aan warqad kuu soo qori lahaa. Markaa fadlan ogow in wax kasta oo aan halkan ku qoray ay yihiin run.
Waan kuu dhowahay. Laakiin weli ma aha waqtigeennii; wakhtigii aynu kulmi lahayn. Ha niyad jabin.

Sababaha aynaan weli u kulmin ayaa ah kuwan:

Waxa aan hadda la socdaa qof khaldan. Aniguna sidoo kale waxa aan ahay qof khaldan hadda. Diyaar uma ihi in aan wax jeclaado shuruud la’aan. Sidaa darteed inta nolosheydu aan ay wadajir ahayn, waxa aan qabaa in aad I diidi doonto. Anigu weli waxa aan aaminsanahay in riwaayaddu ay tahay muujinta jacaylka. Waxa aan si cad aan u laasimay inaan madaxayga aad u mashquuliyo daawashadeeda si aan uga fikiro wadnahayga. Waxa aan u baahanahay inaan haasaawe badan sameeyo si aan u fahmo waxa aan jeclahay iyo waxa aanan jeclayn. Ma awoodi doono inaan ku qiimeeyo ilaa inta noloshu ay dabada iga laadayso! Wax aan xoogga saarayaa baahideyda gaarka ah. Ma garanayo sida loo abuuro dareenka deggenaanshaha ee qalbigayga ku cidloodey.

Samir ii yeelo aniga. Ogow na in aan waddada ugu soo jiro daraadaa.

Sida muuqata, anigu weli ma ihi kan ugu fiican ee aan isleeyahay waad tahay ama xitaa anigu ba— weli waxaan ogaanayaa cidda ay tahay ciddaasi. Xaqiiqdii waan hubaa in haddii aan kulanno, in aanad i jeclaan doonin dhammaan sidan aan ahay oo dhan. Waa suurtogal in aynu mar kulanay, oo aan tagay iyada oo aanan helin macluumaadkaaga; ama waxaa laga yaabaa in aan helay lambarkaaga oo aan marnaba ku soo wacin sababtoo ah mid ka mid ah sababaha kor ku xusan.

Samir ii yeelo. Ogow na in aan waddada ugu soo jiro daraadaa. Sidaa darteed ha ku qaadan wakhti dheeraad ah ka fikirka meesha aan joogo ama aanan joogin. Kaliya sii wad farxadda noloshaada, sidaa daraadeed marka ugu dambeysa ee aynu wada kulanno, wax aan soo bandhigi karnaa farxad kale, sababtoo ah imikaba waynu sii faraxsanahay.

Waan ogahay in ay qaadanayso waqti ka badan intii aad jeclaan lahayd. Laakiin halkan ayaan joogaa oo meel na ma aadin.
Waan ogahay in ay qaadanayso waqti ka badan intii aad jeclaan lahayd. Waa jahwareer aad uga yar sida aan weligay qiyaasayay. Laakiin halkan ayaan joogaa. Waa aniga cidda kula hadlaysaa. Anigu na meel na kaama tagayo. Waan kula joogaa… waan kula socdaa… waan waan…

Waxa Qoray: Cabdisamed Shire
Hargeysa, Soomaaliland
abdisamedbashe@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here