Calmadaw: Jawhartii Ashqaraarka – Axmed Cali Abokor

Calmadaw3

Hummaagyo iyo muuqaallo aad haysatey mar qudha ma kaa soo hor mudheen. Kuwo aanad weligaa suuraysan, qalbigaaga ku soo dhicin, dhegtaadu aanay maqal ma aragtay oo dareen iyo doocba maku sheegi kari weydey kolkii lagu warsaday. Dhirta iyo dhagaxa ay indhahaagu qabanayaan waxa ay kuwii aad taqaanney kala siman yihiin magaca, muuqa se maya! Mar kasta oo aad usii durugtid dhanka ay kaa xigto buurtu waxa si aanad dareemayn usii fananaysaa samada. Cimiladii aad ku jirtey si tartiib ah waxa aad uga dareemi doontaa daabadda aad saaran tahay(gaadhiga). Qabow aan naftaada dhibayn, balse aad u maraaqoonayso in aad iska dhex muquurto.

Waxa aan meesha ka maqnayn haddii aad dheehato jihooyinka kugu geedaaman; weliba kor oo aad ku arkaysid xaraaraha iyo laagyada is barkan, dhirta kolba dhinac ay u muquuninayso dabaaysha hallaasiga ah. Dhinacyada waxa kaaga teedsan sanku neefleyaal, manoolayaal, xamaaratooyin iyo jamaadaad kale oo badan. Inta aayar aad degto cabbaar ma iska fadhiisatay kolkii aad abuurtan ka bogan weydey oo dabadeed saddex boqol iyo lixdan digrii madaxaaga ma ugu wareejisey kolba dhinac gibilkan kugu geedaaman.

Mise waaba dhir iyo dhagax isku sidkan, daruuraha guuraynaya ee aad mooddo ciidan kasoo ruqaansaday jiidihii ay fadhiyeen. Carafta iyo udugga ka dhashay ceeryaamada iyo dabaylaha dul heehaabaya caleemaha oogadooda waxa aad odhanaysaa ma wershaddii cadarrada samayn jirtey baa aagga ka dhow; kolkaas ayaa aad dib maskaxdaada uga helaysaa waddanka aad joogtid, dabadeedna naftaada ku maslaxaysaa in aad ag joogto wershaddaas rabbaaniga ah ee ka dhalatay jawiga aad ku dhex sugan tahay. Saxmadda shinbiraha iyo qulqulka biyaha jabaqdii ka dhalatay ma mataanoobeen. Halka marka lagu daray neecawda lulaysa dhirta ay ka dhasheen codad cuddoon oo marar badan ku xusuusiyey hebello aad is moogganaydeen.Jeegaanta is dadbaysa iyadana dhaayaha indhahaagu daymadeeda ka xiisa goyn maayaan.
Xabaasha Waacle waa marinkaaga ,beerihii Mash-caleed dhex mushaax, Moon ku rakaadso, Mirci waa deriskaaga, Raagaad u tallaw. Habeenkaa Markad ku cawee. Barqadii Milxo, Macag iyo Durduri qooraanso. Laasqorayna himbiriirsi ku daawo. Haddaad intaas ku damaashaadday Geel-doora waa toobiye sahlan.
Halkani Waa Jawhartii Ashqaraarka Calmadow.

Calmadaw

 

W/Q: Axmed Cali Abokor Qudeef
Email: qudeef44@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here