Damaq iyo Xanuun (Sheeko) – Cali Ileeye

Gudniin Fircooni

Noloshaydii dhallaanimo, tii barbaarnimo iyo noloshayda  qoysnimoba waxa ay  ahayd mid xanuun badan leh, oo uu argagax ku lammaan yahay. Mararka qaarkood waxa aan isweyddiiyaa ma dhib iyo hagaraadmo ayaa aad ifkaba  u timid. Naxdin iyo nitaaqo ayaa aan noloshayda inta ugu badan ku soo qaatay.

Magacaygu waa Sareedo, waxa aan ahay 30 jir. waxa aan haystaa hal cunug oo gabadh ah, waxa aanan ku noolahay dalka Maraykanka. Anigu waxa aan ku dhashay miyi, aniga oo dhoorrey  ah ayaa aan magaalada u soo wareegay, ka dibna qurbaha ayaa aan u soo tacabiray. Markii aan calool galay Aabbahay waxa uu helay hanti farabadan, kolkii aan dhashayna waxa ay ahayd gu’ samaaday, oo roobka ayaa kala qaadi waayay; sidaa darteed ayaa la iigu bixiyay magaca Sareedo.

Lix jir ayaa aan ahaa maqasha ka adag subaxdii aan soo kacay iyada oo ay daaradda aqalkayaga  fadhido islaan weji coodhcoodhsan, oo kiish yar sidataa. Hooyaday iyo eddaday ayaa ay qolqolka kula sheekaysanaysay duqdan foosha xumi. Waxa ay kolba fuuqsanaysay galaas shaah ah, aniguna wejigeeda iyo maryaheeda ayaa aan indhaha la raacayay, waa aanan ka baqanayay. Berigaa ma aan garanayn dadqalatada calalka xumi waxa ay gurigayaga ka soo doontay, balse foolkeeda coodhcoodhsan iyo iliggeeda dheeri waa  riyo xun oo noloshayda ku lammaan, marka aan xasuustana waa aan ilmeeyaa. Duqdani waxa ay ahayd  tii I gudday.

Waxa ay subaxdaa hooyaday ii sheegtay in aanan maanta maqasha raacayn, ee aan guriga joogayo. Jewiga aqalku waa uu beddelnaa maalintaa, waxa noo yimid dumar badan oo deriska ah, waxa loo goglay waabka iyo geed galool ah hoostiisa. Waxa la sameeyay salool, bun iyo sharaab. Waa aan faraxsanaa waxa aanan la dheelayay walaashey Hibo oo iga weyneyd iyo laba hablood oo deriskayaga ah, oo iyaguna maalintaa guriga la keenay –Ubax iyo Deeqa. Barqinkii xaalku waa uu is beddelay,  duqdii kiishka sidatay waxa ay dhex fadhiisatay waabka. Hibo ayaa la kaxeeyay, waxa aanan ku war helnay oohinteedii iyo qayladeedii. Argagax ayaa nagu dhacay aniga iyo labadii hablood ee deriska nooga yimid. Aqal Soomaali ayaa nalagu xareeyay saddexdayadii, welina oohintii Hibo waa aanu maqlaynaa. Waxa haddana la kaxaystay Ubax  oo ay Hibo is leekaayeen.  Waxa isku soo hadhay aniga, Deeqa iyo eddaday oo aqalka nagu hor joogtay. Waxa ay noo sheegtay in nala gudayo. Markaas ayaa aanu oohin isku darnay. Guriga ayaa aan isku qariyay, aniga oo naxsan, welina maqlaya qayladii Ubax. Ma aan garanayn waxa uu gudniinku yahay, balse, waxa aan sas ka qaaday waxa hablaha kale ka oohinaya.

Waxa la soo gaadhay markaygii. Docda aqalka aniga oo isku nabaya ayaa ay eddo I jiidday. Dhulka ayaa aan isla dhacay, oo waa aan ooyay. Waabkii ayaa la I geeyay. Waxa gacmaha iyo lugahaba I qabtay afar dumar ah. Waxa la igu xidhay xadhig. Duqdii waxa ay kiishkii kala soo baxday sakiin, maddiil, maqas, irbad iyo dun ; maddiibad aan filayo in beed la qasay  ku jiray ayaa ay isoo ag dhigtay. Sakiinta markii ay igu qashay ayaa uu xanuun ii bilaabmay. Waa ay I qalqashay, waxa ay igu mudmudday irbad, waxa ay isku toshay jidhkayga; intaasoo dhan waxa la igu samaynayay aniga oo aan la isu suuxin. Waa aan damqanayay, oo si daran ayaa aan u xanuunsanayay , cid dareen naxariis ah ii muujisay se ma ay jirin. Markii ay duqdii jiidhkayga toshay ,ka dib,  waxa ay  nabarkii igaga shubtay wax kulul oo beed, milix iyo wax la isku dardaray ah.  Si aad ah ayaa aan u dhiig-baxayay, wax la igu dhiig joojiyana ma uu jirin.

Afartayadii hablood ba waxa naloo goglay buulcaws, halkaas ayaa aanu ku jirnay dhawr toddobaad. Ma aanaan socsocan karayn; kaadida ayaana noogu darnayd, markasta oo ay kaadi I qabato wadnaha ayaa hoos ii go’ayay naxdin awgeed, waxa aan ka cabsanayay in nabarku I damqado, kaadiduna dirqi ayaa ay ku soo maraysay  xubintii la awday.Hooyo iyo eddo ayaa kolba qofkii kaadi u baxaya garabka qaban jirtay.
Markii aan bogsaday wax badan ayaa iska kay baddalay. Socodkaygii wuu is geddiyay, orodkii badnaa waa aan dhimay, waxa aan noqday qof aamusan; oo naxdiintii ayaa uu hadalkii iga raacay. Qof kasta waa aan ka cabsan jirey xitaa hooyaday.

Gudniinku waa uu kala duwan yahay ee aniga waxa la I guday gudniin Fircooni ah. Dhammaan xubinta taranka waa la jarjaray, oo la tolay; dalool yar oo qudha ayaa loo sameeyay oo qashin saarka ah.Markii aan gaadhay da’dii dhiigga caadada waxa aan la kowsaday jirrooyin badan, oo igaga darnaa dhibtii iyo dhaawicii gudniinka. Daloolka yar ee kaadida loo banneeyay dhiiggu waxa uu ku soo mari jirey dirqi. Xilliga caadadu waxa uu ii ahaa xilli damqasho leh; caloosha, kalyaha, dhabarka iyo macdanta ayaa si daran ii xannuuni jirtay. Bayhoof iyo balanbal ayaa ii dhammaan jirey.

Markii  aan koray hooyaday waxa aan weyddiin jirey, ‘‘Maxaa hablaha loo gudaa, haddii waxan oo dhib ah ay ka soo marayaan?!’’  Hooyo waxa ay ii sheegi jirtay in gudniinku yahay dhaqan iyo hidde soo jireen ah, oo aynu ayeeyooyinkeen ka dhaxalnay. Inanta la gudaa waa inan dhawrsoon, gayaankeeduna uu jecel yahay. Inanta aan gudnayn waa ceeb dhaqankeenna, oo lama guursado.Inkasta oo aanay jawaabta hooyaday in qancin, haddana, waa aan yeeli jirey oo hadal kuma aan soo celin jirin.

Aniga oo dhoorrey ah ayaa aan magaalada u soo wareegay. Waxa aan u imid oo aan la joogay habaryartay oo Hargeysa deggenayd. Maaddaama oo aan xilligii dugsiga dhaafay, waxa aan galay bareefad afafka lagu barto oo gelinka danbe la tago; gelinka horena habaryaro ayaa aan ka caawin jirey hawsha guriga.Waa aan ka raystay noloshii miyiga ee hawsha badnayd, balse , weli kama aan nasan xanuunkii gudniinka.

Dhawr jeer ayaa aan xanuunsaday intii aan magaalada joogay. Dhakhtar ayaa la I geeyay mararka qaarkood. Igfashan ayaa la iga helay, oo dawooyin ayuu dhakhtarku I siiyay. Mar kasta oo aan caadada helo sidii hore ayaa aan u xanuunsan jirey.

Waxa aan noqday gashaanti qurux la soo kacday. Wiilasha iyo ragga gayaanka ah oo dhan ayaa dusha iga ilaashan jirey. Rag badan ayaa aan haasaawe iyo sheeko guur aan la wadaagay. Waxa aan doonayay in aan hore u guursado, maxaa yeelay, habo ayaa igu odhan jirtey marka aad guursato xanuunka oo dhami waa uu kaa tagayaa. Hablaha aanu saaxiibka nahay –ee  sidayda oo kale gudani, sas ayaa ay ka qabeen guurka, anna walaac iyo werwer ayaa ay igu abuureen. Waxa ay ka sheekayn jireen heblaayo markii la guursaday dhiig-baxday, heblaayo kale oo ka warrantay in guurku cadaab yahay, ragguna cadaw yahay. Waxa ay ka sheekayn jireen boqolaal sheeko oo wada murugo ah oo guurka iyo ragga la xidhiidha, oo hablaha gudani la kulmaan. Waa aan baqday guurkiina cabsi ayaa aan ka qaaday.

 

Ragga aan la haasaawo waxa aan jecelahay oo qalbigayga u dhaw Cumar. Inkasta oo aan toboneeyo rag ah la sheekaysto, haddana, Cumar waa ka aan si dhab ah u jecelahay. Waxa aan jecelahay codkiisa weyn ee xabeebta leh, waxa aan jecelahay jidhkiisa dhisan ee labnimadu ka muuqato, waxa aan jecelahay qosolkiisa iyo daymadiisa kalgacalka leh. Waxa aan jecelahay waayo-aragnimadiisa iyo sheekooyinkiisa nafhurka ah ee uu soo maray, ee ku saabsan noloshii miyiga ee aan yaraantii joogi jirey. Waxa aan jecelahay runtiisa iyo in aanu been ii sheegin. Iyada oo ay jiraan ragga aan la sheekaysto qaar hanti leh, haddana, Cumar ayaa aan kaga kalsoonahay, oo dan yar ah. Cumar waa shaqsiyad asal ah oo aan doorsoomayn, halka ragga kale ay ka yihiin laba wajiilayaal, kolba qaab jila.

Cumar waxa aanu dhigannay ballan guur. Waxa aanu ku heshiinnay bisha Soon ka horreysa in aanu is guursanno. Waa aan u sheegay habaryartay in aan Cumar guur ku heshiinnay, iyaduna waa ay ku faraxday. Inkasta oo aan si raynrayn leh u sugayay guurkayga, haddana, waxa maskaxdayda ka guuxayay sheekooyinkii hablaha ee ku saabsanaa dhibaatada guurka ay kala kulmaan hablaha Fircooniga u gudani. Arrinta yaabka leh ayaa ahayd in aanan wax dareen iyo hammo ah u hayn ragga. Si kasta oo uu Cumar iigu sheekeeyo ama iila joogo marka aanu kulano wax kacsi dheddignimo ah ma aan dareemi jirin. Waxa aan is odhan jirey marka aad aqal gasho ayaa aad dareenka helaysaa, balse, waxa aan ka warwarsanaa in dareenkii galmo uu iga raacay gudniinkii Fircooniga ahaa, taas oo dhab noqotay markii aan guursaday.

Waxa ay ahayd maalintii aqal-galkayga. Sida  loo dhiso inan kasta oo aroos ah, ayaa anna la ii qurxiyay. Gacmaha ayaa la ii xinneeyay, timaha ayaa la ii dhisay, oo wejiga ayaa la ii dhaqay, oo waa la ii dhalaalilay. Berigaa guryaha ayaa aroosyada lagu tumi jirey, ee hudheelada lama aqoon. Gurigaygii ayaa la ii gelbiyay cawayskii, oo gawaadhi badan ayaa la is daba geliyay. Waa la buraanburay, waa la heesay, oo waa la ciyaaray. Saq dhexe ayaa arooskii lagu kala dareeray. Habeenkii koowaad waxa ila seexatay minxiisadaydii, Cumarna qol kale ayuu seexday, waayo, waa aan qodbanahay.

Maalintii xigtay waa la duceeyay, oo xoolo ayaa la qalay, anigana waa la I qalay! Haa, waa la I qashay. Habro ayaa isu yimi oo xubintii ay duqdii waa’gii toshay ayaa ay fureen. Xanuun la mid ah kii gudniinka ayaa aan dareemay, waa aan dhiig-baxay oo waa aan dhugcay. Habeenkii raggu fujaankii muqumadda ayaa ay furteen, oo waa ay faraxsanaayeen, halka anigu waa xanuun la fooraray. Cawayskii ayaa la kala dareeray, waxa aanay noqotay xabaal iyo ninkeed loo kala tag. Aniga oo dhaawacan iyo Cumar oo dharagsan ayaa qol la isugu kaayo xareeyay. Xubintii dhaawacnayd ayuu Cumarna sida uu doono ugu galgashay, damqashadii habeenka igu dhacdayna waxa ay sahayatay jacaylkii aan u hayay Cumar. Arooskaygu waxa uu ii ahaa oohin iyo urugo, waxa aanan xaqiiqsaday in dadkaygu yihiin bahalo u heshiiyay dhibtayda. Maxaa aan galabsaday ee waxan oo nitaaqo ah la ii soo mariyay.

Muddo ka dib nabarkii waa uu I bogsaday, gogoshana kuma aan qabin xanuunkii hore, balse, dareen iyo hammo midna waa aan iska waayay.Gudniinka Fircooniga ah kintirka waa la jarayaa guud ahaan, dibnaha xubinta tarankana waa la tolaya. Kintirka iyo dibnuhu waa labada sida dareenka jinsi ee gabadha, labadaa haddii la waayana dareen kasta oo jinsi waa uu dhimanayaa. Gudniinka Fircooniga ahi waa godod laga galay haweenka, waana gef dhaqankeenna boog madaw ku ah, oo ay tahay in lala dagaalamo.

Dhawr bilood ka dib Cumar waa aanu isku dhacnay, oo waa aanu is-afdhaafnay. Xaalkayagu waa uu xumaaday, oo meel halisa ayaa uu gaadhay, aakhirkiina waa uu I furay. Furniinkaas waxa u sabab ahaa inta ugu badan gudniinka Fircooniga ah. Gogoshu waxa ay ii ahayd filin horror ah oo maalin kasta I sugaya, wax dheef ahna kuma aan qabin galmada. Cumarna waa uu ka daalay qofkan aan waxba la dareemayn. Sida aan uga naxsanaa iyo inta aan ku faraxsanaa  furriinkayagu waa ay is leekaayeen.

Markii aan dareemay in aan uur leeyahay, waxa aan go’aansaday in aan tahriibo, si aanan silican ilmo ugu dhalin. Toddobaad kasta waxa Hargeysa ka bixi jirey dhallinyaro raxan-raxan ah oo Yurub u tahriibaya. Kuwaa in aan raaco ayaa aan talo ku gaadhay.Haddii aan suudalo waxa aan tagayaa duni horumartay, oo la igu daweyn karo, sidoo kalena cunugaygu waxa uu yeelanaya mustaqbal ka fiican kii aan soo maray, ee dhibta badnaa. Waxa aan ku fikiray in aan xataa reerkayagii miyiga aan anfici karo, oo aan lacag u soo diri karo.

Waxa ay ahayd maalin Jimce ah, habaryaro waxa ay ku maqnayd qaraabo salaan. Inta aan shandad yar maryo ku gurtay, ayaa aan qaatay silis, dhego iyo shuulliyo dahab ah oo aan lahaa. Dhallinyarada aanu israacayno waxa aanu ku ballansanayn guri ku yaalla xaafadda Isha Boorama. Inta aan si dhuumasho ah gurigii uga baxay, ayaa aan ku hagaagay gurgii Sahra iyo, oo ahayd saaxiibadday ila tahriibaysay. Markii aanu israacnay suuqa ayaa aanu ka iibbinay dahabkii iyo moobilo aanu sidanay, ka dibna gurigii ballanta ayaa aanu toos u tagnay. Waxa aanu ahayn dhallinyaro yar iyo weynba leh, oo rag iyo dumarba isugu jira oo 15 qof ah.

Waxa jiray rag dadka tahriibiya oo loo yaqaannay Mukhalasiin, waxa ay ahaayeen rag isku xidhan Hargeysa illaa Liibiya.Dadka waxa ay marin jireen jidka Itoobiya, Saxaraha Soodaan illaa laga gaadho Liibiya. Waxa aanu Hargeysa ka baxnay casarkii. Jidka Wajaale ayaa aanu raacnay.Wax fikir ah kama aan haysan suudalka, balse, dhibtiisa waa aan u badheedhay.Laba todobaad waxa aanu ku dhex jirnay Itoobiya, laba todobaadna Soodaan . Waxa aanu sii marnay Saxaraha weyn ee Waqooyiga Soodaan. Bil iyo dheeraad aan wax war ah nalaga hayn waxa aanu ka soo hadalnay magaalada Kufra ee Liibiya. Mukhalisiintii Hargeysa naga qaaday waxa ay nagu wareejiyeen kuwii Itoobiya, kuwii Itoobiya naga qaadayna waxa ay nagu wareejiyeen kuwii Soodaan, kuwii Soodaanna xadka Liibiya ayaa ay na geeyeen. Silic iyo saxariir oo dhan ayaa aanu dhexda ku sii marnay; waa nala garaacay, waa aanu qadnay, waa aanu harraadnay, oo waa aanu ba’nay. Hoy iyo hu’ la’aan ayaa ay dhaxanta iyo qabawguba naga heleen.

Lacagtii yarayd ee dahabku Itoobiya ayaa ay I soo gaadhsiisay, intaa wixii ka danbeeyay muxawil ayaa ay mukhalasiintu igu wadeen. Markii aanu gaadhnay xadka Liibiya ayaa nalagu qasbay in aanu dadkayagii la hadalno, oo aanu ku nidhaahno lacag soo dira. Habaryartay ayaa aan wacay, oo waa aan ka dul ooyay. Waa ay maqashay in aan tahriibay, balse, waxa ay I weyddiisay in aan nabad qabo. Waxa aan u sheegay halka aan joogo iyo lacagta la iga rabaa inta ay tahay. Qoyska habaryaro waxa uu ahaa danyar, sidaa darteed, xigto iyo xigaal ba waa loo habar-wacday, xataa reerkayagii miyiga ayaa dhambaal loo diray; waxaana la ii sheegay in dhawr awr laga soo kaxeeyay. Dhul la iibiyo, xoolo miyi oo la xaraasho, tol iyo xidid la baryo, wixii la helay oo la isku jaabojaabeeyay ayaa la ii soo diray. Laba jeer ayaa marba wax la ii soo diray intii aan Liibiya joogay, markii xadka iyo kolkii aan doonta raacayay.Illaahay waa uu igu nabadgeliyay baddii, oo waxa na badbaadiyay ciidanka xeebaha ee Maalta.

Maalta si wacan ayaa la iigu soo dhaweeyay, hoy ayaa la I dajiyay, lacagyar ayaa la ii qoray, xaalkayga caafimaadna waa laga war haya, maaddaama, oo aan hadda uur dhaw leeyahay. Inkasta oo aanan reerkayagii iyo habo waxba ku tari karin, haddana, anigu waa aan nastay oo niyadda ayaa aan ka degay. Waxa ay haayadda qaxoontiga adduunku igu dartay dad loo qorayay in Maraykanka loo qaado.
Uurkaygii ayaa soo dhawaaday, waxa ay dhakhtarradu ii sheegeen in aan gabadh uurka ku sido. Xannaanada  ayaa aan tagi jirey toddobaad kasta, iyo markasta oo aan xanuun dareemo. Waa aan fooshay, dhakhtar ayaana la iila cararay. Misgahayga oo yaraa iyo gudniinka Fircooniga ah dartii waxa ay dhakhtarradu igu wargeliyeen in ilmaha la igu qalayo. ‘‘Ma qalliin kale iyo nabar kale oo jidhkayga gaadha ayaa aan soo doontay; waa aan hoogay oo waa aan ba’ay’’ ayaa aan ku calaancalay. Dhakhtarkii waa uu ii niyad qaboojiyay. Si wacan oo guul leh ayaa ay hawshii fooshu igu dhaaftay. Waxa aan indhaha saaray ilmahaygii yaraa, aad ayaa aanan u farxay.

Inantayda Hodan maanta waa saddex jir, waxa ay ku dhalatay duni dadka la xaqdhawro oo aan lagu xadgudbin, waxa u soo hiraya mustaqbal kaygii ka wanaagsan. Waraysiyo, kulamo iyo sugitaan dheer ka dib waxa aan maanta u duulayaa aniga iyo Hodan carriga Maraykanka. Safar dayuuradeed oo dheer ka dib waa aanu soo cago-dhiganay. Waxa nala dejiyay magaalada Kolombas, ee gobolka Ohaayo. Halkaas ayaa aan degay,  waa aan ku faraxsanahay nolosha Maraykanka. Waa aan shaqaystaa Hodanna dugsiga ayaa ay dhigataa. Habaryartay waa aan la xidhiidhaa, oo aniga ayaa iyada iyo qoyskayagii miyigaba biiliya, oo lacagna u dira.

Gudniinka Fircooniga dhib badan ayaa aan ka soo maray, waxa aan ballan ku qaadayaa in aanan boqoraddayda Hodan gudi doonin, sidii Illaahay u abuuray wax ka qurux badani ma jiraan. Hooyo, habaryaro iyo cid kasta oo aan la xidhiidho waxa aan ka wacyi geliyaa in ay joojiyaan gudniinka Fircooniga ah. Gudniinka Fircooniga ah dhibtiisa waa aynu isla qiraynaa, habluhuna cadaab daran ayaa ay ka soo maraan. Waxa uu ka xaaraantinimeeyaa haweenka dhadhanka nolosha guurka ee macaan, dhib joogto ah ayaa aanu noloshooda ku hayaa. Gudniinku hablaha ma dhawro, ee tarbiyadda iyo dhaqanka wanaagsan ayaa ilaaliya hablaha. Hablihiina ha gudina ee wax bara, iyaga ayaa is ilaaline.

Waxa qoray: Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
caliileeye@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya
Tifaftiraha Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here