Aqoonta Gorfaynta (1) – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Hordhac

Tan iyo intii ibnu aadanku bilaabay ba in uu wax qoro (qoraalkaasi nooca uu doono ha noqdo e), waxa shaki aanu ku jirin, baa aan is lee yahay, in maaddada gorfayntu na ahayd mid la curatay ama dheh ba la bilaabmatay qoraalka. Heer ba heer buu u ga soo gudbayay qoraalku, gu’yaashii ibnu aadanku wax qorayeen, gorfayntu na mid horumarkeedu ku socdoy oo la socota qoraalka ayaa ay ahayd.

Ummadaha qoraalka iyo akhriska ku horumarsan ee aynnu dunida koowaad u naqaanno, waxa jira kooxo ama dad gaar ah oo u banbaxay in waxkasta oo ibnu aadanku sameeya ba, haddii uu yahay qoraal, maqaal, sheeko, xaashi aqooneed (academic paper), buug, riwaayad, maanso iyo dhammaan halabuurka aadanuhu nooca uu doonaba ha ahaadee, ay la dabagalaan gorfayn. Dadkaasi qaarkood na waa kuwo madaxbannaan oo iskood u sameeya gorfaynaha, kuwo kale na, waa kuwo ay saldhigyo u yihiin joornaallada iyo magasinnada la akhriyaa; waxaa na ka mid ah joornaallada iyo magasinnada ku caanka ah gorfaynta: The New York Review of Books, The New York Times Book Review, American Book review, Australian Book review, Kirkus Review, London Review of Books, The World Today, Armadillo.

Dunida muslimiinta oo si uun (in uu leeg yahay ba) wax inagu dhaanta qoraalka, hadda na marka aad gayigeenna soomaaliyeed timaaddo, gu’yaashii u gu danbeeyay si xawli ah baa ay isaga soo daba dhacayeen qoraallada – ha ahaadeen buugaag ama maqaallo bee. Tiro badan oo qoraayo ah baa soo baxay, tayada se waxa la qoray (oo waxa la tiriyay ee suugaan ahi na aanay ka maqnayn) wax sidaa u buuran ma ahayn, mana aha badweyntaasi wax aynnu hadda halkan u gu babacdhigayo eegga.

Haddaba, gu’yaashaa u gu danbeeyay ee dabaysha qoraal dhacaysay, waxa aan meesha ka maqnayn, yaanay ba la tallaabo ahaanin qoraallada e, gorfaynta. Iyadu na, sida buugaagtaa badan ee oodda la ga soo qaaday iyo maqaallada aan tirada lahayn, baa ay u tayo liidatay. Wayddiinta mudanka lihi, waa: maxaa gorfaynta oo tiro yar, hadda na tayo la’aan na baday? Taasi oo aan is lee yahay, haddii la soo koobo jawaabta, bulshada soomaaliyeed oo gorfaynta halabuurka qorani ugub ku yahay iyo aqoontii gorfaynta oo aanay gorfeeyayaashu lahayn baa israacday.

Tusaale ahaan, gorfayn buug marka la samaynayo, saddex rukun baa la ga abaaraa buugga, 1. Waxa ku qoran (content), 2. Qaabka uu u qoran yahay (style), iyo, 3. Muhiimaddiisa (merit), tan oo iyada diiradda la gu saarayo farriinta ama nuxurka uu xanbaarsan yahay iyo miisaanka baahiyeed ee bulshada uu ka kafaynayo. Hadda ba, intooda gorfaynta isku dayday qoraayada soomaaliyeed, ayaga oo aan saddexdaa rukun midkood na siinin xaqiisii ayaa ay rukun afaraad oo duridda iyo isdultaaga shakhsiyadda qofka qoraha ka ah buugga la gorfaynayo la soo baxeen. Waxa aanan odhan karaa, waa ta sababta u ah in naqdigii ama gorfayntii ba, soomaalida dhexdeeda, intooda badan ay ka noqdaan aflagaaddo.

Dadka qaarkood, duridda iyo dulistaagga shakhsiyadda qofka waxqabadkiisa uu gorfaynayo, waxa aynnu odhan karnaa, waa ka aqoon la’aan; waxa aan se iyagu na meesha ka maqnayn, kuwo ay aqoondarro ka tahay oo hawaraaca naftu addoomeeyay. Isku soo wada duub oo, tayo la’aanta gorfaynaha, sababta u gu weyn ee keentay waa aqoon la’aan. Waxaa na maragmadoon ah in baahi weyn aqoonta gorfaynta loo qabo, si ay tayo u yeeshaan gorfaynaha la samaynayaa.

Qormooyinka dambe ee qormadani hordhaca u sii tahay, baa aan isku dayi doonaa in aan, intii karaankayga ah, ku lafoguro aqoonta gorfaynta oo runtii ah mawduuc baaxad ballaadhan oo baahi weynna loo qabo.

Magaca qoraha: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: abdiqaniaden010@gmail.com
Kampala, Uganda.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here