Cantar Binu Shidaad – Cabdiraxmaan C. Cirro

Craxmaan Cirro

Waxaan ahay Cantar, ina Shidaad baa la iigu daraa, Reer Cabas qolo la yidhaahdo baan ahay. Naftayda waxaan ka dhex helay saxaraha wayn. Intaas aan taxay la iima aqoonsanayn, marka laga reebo magacayga oo isagu na ahaa mid liid ah. Hadda se way i maamuusaan reerkayagu, wayna i xantaan, se nin hortayada ka odhan kara ma leh. Shidaadkaasi waa Aabbahay, waa geeljire Carbeed oo hadda waayeel ah oo tukuba. Hooyadayna waxaa la odhan jiray Sabiibo. Waxay ahayd addoon madow oo Xabashi ah. Waxaa la yidhi waxaa dhalay boqorkii Xabashida, iyada oo yar bay tuugo carbeed soo xadeen, waa taa iyada oo adoon ah saxaraha wayn ee carbeed dhex hawaarta. Niman badan baa kala iibsaday, mid walba wuu roorsan jiray markuu u baahdo, haddii ay ilmo dhasho way ka dhursugi jireen, ilmahaasi madow hadduu yahay waa addoon, hadduu cad yahayna waa carab. Waa sidaa dhaqankii carbeed ee daalin ahaa. Nimankaa badan buu aabbahay ka mid ahaa. Addoon bay u ahayd, way u adeegi jirtay, xoolahay u qali jirtay, u lisi jirtay, markuu qooqana wuu roorsan jiray, sidaasaan ku dhashay. Niman badan bay carruur u dhashay, mayee addoomo u dhashay. Haddeer se kaa yar ee caatada ah baan arkaa oo ka aqaanna. Isaga Shaybuub baa la yidhaahdaa, waa nin orod badan oo fardaha qaar buu ka dheereeyaa, waa walaalka keliya ee aan leeyahay. Kuwo kale waxaa lagu sheegay Najdi, ma aqaan kuwaas, u na malayn maayo in aan arki doono.

Aabbahay waa odaygan gaboobay ee gadhka cad, Shidaad baa la yidhaahdaa. Aabbannimadiisa iima oggola, oo markii aan dhashay aniga oo madow buu i dafiray, markii aan raad-dhaqaajiyeyna xoolaha ayuu igu darsaday, wuxuu uga dhigay addoon. Anigu aabbe ugu ma yeedho, sida kuwa i la dhashay, waxaan ugu yeedhaa “Sayidkayga” -Sida ay addoonta kale ba sameeyaan. Geel badan buu lahaa oo aan dhaqi jiray. Carruur badan oo carbeed buu dhalay. Dabcan sida addoonta loo dhalana Ilaahay wuu baray. Reer Cabas oo dhan way yaqaanniin, wuxuu ku caan baxay geeliisaa badan iyo wiilashiisa carabta ah ee badan. Waa nin had iyo goor cadhaysan oo mar walba wajigiisu duuduuban yahay. Waxaa lagu xantaa in aanu jixinjixa iyo naxriista aqoon.

Anigu maalintii aan dhashay waan hubaa in aanay cidi igu farxin, xitaa hooyaday igu ma farxin oo cid igu daryeesha ma helayso. Markii ay i dhashay ba horay bay shaqeedii ka qabsatay. Shidaad isagu wuxuu ii arkayey addoon yar oo dhal ah, hooyaday iyo foosheedu waxay la ahayd lax jabad ku dhashay oo kale. Wuu arxan darnaa oo naxariis la’aa. Markii aan kuray noqday ayuu hooyaday iga reebay oo geela igu darsaday. Waxaan ku koray qawsaarnimo. Geelaas boqolaalka ah baan wax ka raaci jiray, aniga iyo addoon kale oo madoobaa. Subaxdii baannu foofin jirnay, cawaysinkiina waannu soo carraabin jirnay. Kolka aannu xerada keenno ayaanu maali jirnay aniga iyo addoonkii kale. Markaas ayay noo imaan jireen wiilashii uu dhalay Shidaad, marka aannu caanaha siinno ayay iyagu na na caayi jireen oo nagu madadaalaysan jireen. Ceebta keliya ay nagu caayayaan waxay ahayd gibilkayaga madow. Annagu na caano ayaannu durduursiin jirnay, way kibir badnaayeen. Addoonka kale la ma aannu hadli jirin oo wuxuu ahaa mid gunnimada qaayibay oo ay gorodda laadlaadshay. Aniga uun baa kolkol ku cadhoon jiray, marmarna si kaftan ah ayaan afarrey ugu tuuri jiray. Way qosli jireen “Addoonku wuu gabayayaaye, Alla waa addoon shar badan” ayay odhan jireen, markaas baan ku idhaahdaa, “Car ma leedihiin nin affadaydaa ka jawaaba oo gabay isku og” Kolkaas bay madaxa isla galaan oo hoos u gunuunucaan, markaas bay na deyn jireen. Waxay ahaayeen wax shar badan oo shaydaammo ah, waa Ilma Shidaad.

Mid kale oo adeer ii ah oo ay Shidaad walaalo ahaayeen baa deris na la noqday gugii hore. Wuxuu ahaa mid Shidaad ka dhib badan oo dhagar badan. Balse, wuxuu dhalay gabadh qurux badan. Cobla ayaa la odhan jiray. Way dheerayd oo way qurux badnayd, waxayna lahayd fanax yar, ilko dhalaalaya oo cadcad iyo dibno madow madow baa loo abuuray. Way dheerayd oo yara dhuubnayd, wayna dhex yarayd, way kub waynayd oo sida badan way laafyoon jirtay iyada oo gacanta saydhibaysa. Timo dheerdheer oo badhideeda gaadhaya ayay lahayd Coblo. Marmarka qaar waxaan is odhan jiray waxani bashar ba ma aha. Sunniyo sida bisha oo kale qaanso ah iyo indho waawayn oo aad u madow bay lahayd. Alla qosol dabacsanaydaa, marka ay qoslayso afka ayay faraha saari jirtay oo qoortay dadbi jirtay. Gugii aannu gabadhaa deriska noqonnay wuxuu ahaa gugii noloshayda saameeyey. Waa markii aan iyada jeclaaday. Sidee buu addoon madow u jeclaadaa xiddigtaa carbeed. Anigu ba carab ka takooray baan ahaayee waxaan goostay in silsiladda addoonnimada ka baxo oo aan xorriyaddayda doonto, oo aan isu aqoonsado inaan ahay labo xinniinyoodle Reer Cabas ah oo laandheere ah. Si aan Cobla u helo wax walba waan u samaynayaa.

Waxaa is laayey Reer Cabas Iyo qolyo kale oo geel bay kala dheceen. Aniga oo hal soo godlaya ayaan arkay kii i dhalay oo wajigiisa cadho ka muuqato. Isaga oo seef wayn u jeeniqaaran tahay ayuu si cadho leh ii soo eegay oo yidhi “Waar maad dagaalka gashid, maxaad hasha xun hoosta uga ga jirtaa”. Waan isla qoslay, marna waxaan ahay addoon, marka uu geesinnimadayda u baahdana wuxuu igu canaanayaa dagaalka gal. Aniga oo gaawihii walwaalaya ayaan eegay oo ku idhi “Addoontu guluf ma gashee, geelay dhaqaan”. Dabadeedna waan iska socday, oo hal kale ayaan haneedka ka galay. Seeftii buu ii soo taagay oo wuxuu yidhi ‘Xor baad tahay ee dagaalka gal’. Waan farxay waanna rumaysan waayey, gaawihii aan waday baa iga dhacay oo caanihii baa qubtay, inta aan laad ku sii kiciyey baan ku orday oo seeftii baan kala booday. Kol baan is idhi isaga madaxa ma ka goysaa, hadda na waan iska dhaafay oo galbeed baan afka saaray. Col duulaya ayaan raacay oo weerarkii baan galay.
Maalintaa halkaa wacdaro ayaan ka dhigay. Waan fududaa oo fardaha xitaa leeddo ayaan ku fuuli jiray, waan is qaddimay markii ay fulayadii dib u gurteen, warmihii oo sida roobka ah baan isku biimeeyey, aniga io faraska boggiisa isku rogaya ayaan colkii galay. Maantaa seeftaydu waxay u loo maleynayey in dhiig lagu aslay, madaxyo badan baan sida sabuulka u guray. Waan arkayey markii uu cadowgu sidii bad caariyeysa dib u guranayey. Bidix iyo midig ba maantaa waan kaga heesay. Waxay ahayd xaalad khatar ah, balse aniga waxay ahayd xiisad aan ka helo. Gabaygu waa shaydaane markaas ayaan dibnaha furan jiray. Markii aan arkay kuraydii reer Cabas oo fardahooda ku soo qaddimayey colka aan waabiyey bay maanso igu soo dhacday.
“Waxaan ahay nin Cabasoo.
Ku gadhoodhay ciilkuye
Ma haleelay cadowgoo
Cadaadiqaha ma ka dhigay.

Candadawlka iyo fulayadu
Cagta dib bay u dhigaanoo
Caynabkay waabiyaane
Anigigoon caabbinayn
Colka ma u galayoo
Ciisku ma adeegtay
Ma cillaamay billaawahay”

Maalintaas, wixii ka dambeeyey, Reer Cabas way iga haybaysan jireen. Haddana kolka ay gibilkayga madow arkaa. way i yasi jireen. Dan se ka ma lahayn. Wallaahi reer Cabas madaxooda waan u dagaallami lahaa illaa ay fallaadhuhu jidhkayga ka dhigaan sida tiin-tiinka. Xooggayga iyo xeeshayda ba waan u bixin lahaa haddii ay Cobla i siin lahaayeen. Iyagu na iima aanay diidi lahayn, haddii aanu gibilaygu madoobayn. Waan waydiistay kii adeerka ii ahaa. Wuxuu se igu soo fiiriyey indhihiisa cas-cas ee la moodo dhibiisha shaydaanku huriyey, wuuna iga cadhooday. Dhawr goor bay wiilashiisu damceen in ay i dilaan, dhawr goor buu shirqoollo ii dhigay.

Maalinkii dambe ayuu yidhi waxaad ii keentaa Boqol qaalmood oo aan wada curan oo wada rimay ah, oo wada booso cad ah, oo wada baar taagan. Waan yaabay oo waxaan ahaa addoon beri dhawayd xor noqday oo sabool ah, sidee baan ku heli karaa geela intaa le’eg. Wuxuu na iigu daray la gu ma oga Jasiirada Carbeed kuwa aan ka ahayn geela Ugaas Numcaanka ina Mundir. Faraskaygii baan jaraystay, jiscinkaygii baan qaatay, oo waxaan u dhaqaaqay bari. Halka jid ee ii furan waa inaan Geela Ugaaska soo dhacaa. Waxaan subaxdii saxaraha sii socdo oo aan cadceeddu jidhkayga madow gubto. Ciidda saxaraha ayaa indhaha iga gelaysay iyada oo kulul, anna afka ayaan ku duubtay go’aygii, waa ka keliya ee aan leehay. Habeenkii waxaan banaha sii guureeyo oo ay gabadanadu igu dhacda ba maalinkii dambe ayaan gaadhay ooshii Ugaaska.
Geelii baan soo ilaalaystay, labo geel jire oo la joogay baan soo ogaaday. Goor ay geelii soo tuumbiyeen oo ay carraabinayaan baan ku soo baxay. Inta geed isku nabay baan fallaadh ku ganay oo wadnahay kaga dhacday, kii labaad isna soo orday oo dhawr fallaadood igu soo ganay. Markii dambe ayaan ku orday aniga oo fallaadhaha ka gabbanaya illaa aan seefta la tiigtay oo aan unuunka hor dhigay. Kolaas buu geelii ii xalaaloobay oo laantaan ku soo duugay. Illaa aan soo hor tubay odaygii Cobla dhalay. Sidaa oo ay tahay na ma helin, ma na heli doono. Waxay ahayd hooggayga, waxay ahayd hadimadayda, waxay ahayd mid la igu habaaray.

Beri kale waxaa is laayey Reer Cabas iyo qolo kale oo ay ilma adeer yihiin oo la yidhaa Reer Dubyaan. Dirirtu waxay ka bilaabantay fardo la tartansiiyey, deeto faras baa dheereeyey. Nin baa faraskii horreeyey hooto ku ganay oo ganaca kala haleelalay. Dagaal baa qarxay, waxay ahayd mid lagu hoogay oo ay Reer Cabas iyo Reer Dubyaan ba ku madheen. Dagaalkaas waxaa la odhan jiray Dirirtii Daaxis iyo Gabra. Gugaas dagaalku qarxay nabad lagu ma cashiimin oo dooxooyin badan oo rays ah baan faruurta la saarin oo dagaal looga oo’ay. Waxay ahayd mid aan u soo joogay, iyaga oo dhalinta Reer Cabas gulufka u baxayso, saa intaa baxday waxaa ka soo noqda iyo kab laadlaadsanaa iyo mid dawakhsan oo soo cararay. Dagaalladaa dhawr ka mid ah baan galay, oo xitaa abaanduul baan u noqday, wayna i adeeci jireen. Reer Cabaskii shalay i yasay waxay ii adeeci jireen sida boqorki waynaa ee Xabashida. Tabaha iyo xeesha waranka ayaan si wacan u bartay, hootadayda weligay nin la ma seegin, codka aan ugu jeclaa waxay ahayd kolka seefuhu isku dhacaan ama ay lafaha jabinayaan. Waan is qaddimi jiray oo nafta ayaan huri jiray, waanna is biimayn jiray, marka ay lama huraanka tahay. Kolkol bay dantu ku odhan dib u guro, markaas oo kale ee ay dantu ku jirto dib baan u guran jiray si xeel dagaal ah. Weligay ma gelin meel aanan garanayn sida aan uga baxo, aniga oo seeftayda weyn walhinaya ayaan colka isku biimeyn jiray oo badhtanka ayaan u geli jiray, kolkaasaan beegsadaa kan colka ugu fulaysan oo ugu awoodda yar, waxaanna ku dhuftan jiray tumaati xanuun badan oo uu la kala dhambalmo wadnaha geesigoodo.

Daaxis iyo Gabra si wacan baan u dagaallamay. Maantaa abaanduul baan ahaa. Kolkii colka la safay nin nin baa la isku gu soo baxay. Reer Cabas oo dhan waxaan ahaa ninkii nafta huray ee isku soo bixi is qaddimay. Nin kale ayaan dhankii Reer Dubyaan ka sooo baxay ayaa kolkii hore seefta igu soo waabiyey, kolkaasaan gaashaanka u dhigay oo anna ku waabiyey, isna wuu ka gabbaday. Kolkii dambe ayaan seeftaydii oo dhalaalayasa ku dul marshay oo hoos uga fadhiistay, isaga oo walwaalanaya ayuu igu si dhacay, anna inta u banneeyey baan caloosha ka soo riday. Dhawr nin oo kale ayaa soo baxay, shan ka mid ah baan dilay. Kolkii dagaal-weynihii bilaabmay ba. Waxaan meel dheer ka arkay colkii rag warmoolay oo dheerdheeraa oo ka mid ahaa oo ciidankaygii soo jabyiyey oo dib u soo waabiyey. Kolkaasaan faraskaygii jaraha ku soo dhuftay oo foodda saaray meeshii ay warmoolaydu naga soo hujuuntay. Inta aan faraska boggiisa isku rogay baan isaga oo finiin ah dhex geeyey warmoolaydii. Hal mar bay arkeen faraska dhex jooga oo sida shinniday igu soo shamuumeen. Hal mar baan xinniinyo is geliyey oo boggii faraska ka baxay oo seeftii si wacan u qabsaday. Dabadeed na birtaan ka aslay, illaa maydkoodu tarab-tarab u daatay sida sarabkii. Kolkaas bay igu soo dhaqaaqeen niman kale oo seeflay ah. Seefo Hindi ah iyo seef-cad bay indhaha iga ga cawarreen. Iniga oo indha isku qabanaya ayaan galay oo madaxaan ka guray. Illaa ay farahayga seeftu ka siibsiibmatay, dhiigga ka soo dareeraya ee farahayga iyo seeftii kala galay. Seeftaydu way madoobaatay sidii in la aslay, iyaga seefahoodu na way cadcaddaayeen oo way dhaldhalaayeen sida fanaxdii Cobla. Mar baan is idhi ma dhunkataa ba. Waa amminka keliya ee aan arko aniga oo colka ku heesaya sidii geel la carraabinayo. Waxaan ku luuqaynayey gabaygayga caanka ah

“Ku xusuustay warmahoo sida waqalkiiyoo
Walwalcayaan seefaha oo widhwidhayoo
Waxaan jeclaystay wallaahi inaan dhunkadoo
Wilig bay dheheen sida fanaxdaada wacanoo
Waheey la waayey dibnahaan ku wadayee”.

Waan raadiyey oo u dagaallamay sidii aan Cobla u heli lahaa, waayey oo haddana rejo ka ma lihi. Ubaxaasi uu abaarsaday, waagii dambe waxaa guursaday nin kale oo aannu ilma adeer nahay. Isagaasaa calfaday. Caashaqeedii se hal mid baan ka helay. Waan u dagaalammay oo waan bawdo qaawistay, waan gabyey oo afkaan furtay. Af iyo addin ba waan isku daray. Waxa keliya een ku helay waxay ahayd xorriyaddayda, imminka xor baan ahay. Wayna i maamuusaan Reer Cabas, oo way iga haybaystaan, degaalyahankoodu wuu i tix geliyaa, caaqilkoodu na wuu i qadddariyaa. Kooda caaqa ahi wuu i caayaa, marka aan ka maqanahay buu i xantaa oo madowgayga igu caayaa. Ilahaay baa igu ibtileeyey dubkan madow, balse wuxuu igu maamuusay gobannimo iyo anshax suubban. Way ku maahmaanan Carabtani meerisyadayda

Xariir walad xalaaliyo
Waxaan ahay ina Xaam
Xumaysay madawgayoo
Ka dhigtay xaabo gubatee
Waa se xaajo aan ku fanee
Midabku waa ba xuubee
Xaaawalay ha loo daayo
Waxse rag xarragooda
Waa xinniinya geesinnimo
Xeel iyo tabaha dirir
iyo xarafka maansada
Inan Xarbi baan ahay
Nin xinjireed baan ahay
Anshaxaygu xaashi baydiyo
Xoosh cadaad ah weeye”

Haddeer dhawr iyo afartan jir baan ahay, wax hanti ah waxaan dambaanaa faraskaa Caynabka ah iyo seeftaydaa, intaas in ka badan oo duunyo ah meel uma hayo, anna ma raadsado, iyana ima soo doonato. Qolyahan carbeed ee Eebbe i dhex keenay waxay intaa igu caayaan midabkayga madow, waxat ii yaqaanniin Tuke, anna waan iska oggolahay ko midabkaygu waa mid aan ku faano, waxba uma arko. Waxse aan ku faanaa waa dhaqankyga iyo anshaxayga cad, waa maamuuska ay iyagu ii qirsan yihiin ee ay iga xasdaan. Waan jeclaan lahaa in bulshadu ay is le’ekaato oo si siman loo noolaado oo midab-takoorku dhammaado. Balse dhaqankan Carbeed ee duugoobay baan yeelayn. Waan maqlaa niman addoon ahaa sidayda oo kale oo gabyey oo dagaallamay oo is xoreeyey, si midda aan anigu kaga duwanahay waxa weeye, ka i addoonsaday waa kii i dhalay. Haddana wuu dhintay oo waxba uma hayso, ma na kula yaabo oo waxaa dabrayey dhaqankii Carbeed. Addoonta madow way ka xoroobi doontaa gacmaha naxariista daran ee carbeed. Balse, waa in ay marka hore masxakdoodu xor tahay oo aanu isku arkin addoon. Haddii se uu gorodda laadlaadsho wuxuu noqon doonaa addoon liita oo naagaha carabta u adeega, wuxuu noqon doonaa mid ay dhufaanaan oo koron ah oo hablaha u shanleeya. Gobannimadu waa goobta aad adigu is dhigtid.

 

Dhammaad.

Cabdiraxmaan C. Cirro.|
cabdiraxmaan911@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya
Faca Cusub.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here