Dhimaalka Af Soomaaliga – Daahir Abshir Sanweyne

Afsoomaali

 Dhimaalka Af Soomaaliga

  1. Af Soomaaligu waxa uu ka tirsan yahay afaf badan oo wadar ahaantooda Kusheetig la isku yiraahdo. Afafkaa dhowr qaybood ayaa loo kala saaraa, iyada oo isu-dhawaanshaha dhismahooda la tixgelinayo. Qaybta uu af Soomaaligu kaga sii abtirsado Kusheetigga waxaa lagu magacaabaa Kusheetig Bari. Afafka Oramada, Soohada, Beejaha iyo Randiilaha ayaa qaybtan af Soomaaliga kula jira. Afafkan waxaa la qiray in ay yihiin afafka ugu faca weyn ee dunida maanta looga hadlo. Ilaa shan kun (5000) oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise CS ayaa gadaal loo celiyaa jiritaankooda. Si kale haddii loo dhigo, af Soomaaligu waxa uu jiraa ilaa toddobo kun (7000) oo sano. Sidaa darteed, shanta af ee afafka dunida ugu faca weyn ayuu ka mid yahay. (Saadiq Eenow)
  2. Af Soomaaligu waa haybta iyo baadisooca ay ummadda soomaaliyeedi kaga duwan tahay ummadaha kale ee la dariska ah ama ka fog ( Gaarriye). Waa mid ka mid ah afafka dunida ugu hodansan, suugaan ahaan iyo qaabdhismeed ahaan ba.
  3. Af Soomaaligu waxa uu ku caan baxay suugaan dhadhan leh, murti dhumuc leh, naxwe dhisaal qurxoon iyo maahmaahyo dhaxalgal ah. Waa sababta uu gumaystihii Farenjigu qalinka ugu duugay in Soomaalidu tahay dad wada gabyaa ah. (Cabdalla Mansuur, 2012)
  4. Af Soomaaligu waxa uu ka mid yahay afartan iyo kow (41) af oo xudduudaha qaaradda Afrika ah isaga tallaaba “cross border language” (Siciid Saalax). Tiraba afar waddan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay ayaa wakhti xaadirkan looga hadlaa. Guud ahaan, ummadda af Soomaaliga leh waxaa lagu qiyaasaa shan iyo labaatan milyan “25,000,000”, inta ku hadasha haddii lagu sii darana tirada adeegsata intaa way ka sii kordhaysaa.
  5. Erayada uu af Soomaaligu ka kooban yahay waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa saddex illaa afar milyan oo eray. Waa tiro aad u badan markii loo eego inta ugu badan afafka dunida maanta laga adeegsado. (Saadiq Eenow)
  6. Af Soomaaligu wali ma uu gaarin heer uu afaf kala maarmay u kala dhanbalmo, balse waxa uu leeyahay af-guriyo salka ka midaysan. Tiro ahaan, af-guriyadaasi waa shan iyo labaatan (25) af-guri, intooda ugu badanna laba garab ayay u qaybsamaan: Maay iyo Maxaad. (Cabdalla Mansuur; 2012)
  7. Af Soomaaligu waxa uu markii ugu horraysay dhigaal rasmi ah yeeshay 1972-dii. Si xowli ah oo qurux badan oo dunidu gacan midige u wada taagay ayuu ku hirgalay, laba sanno gudahood. Qorista af Soomaaligu waxa ay ahayd guushii ugu weynayd ee uu ku tallaabsaday toddobadii kun ee sanno ee uu jiray.

 

Iyaga oo ay sidaa u jiraan arrimo badan oo ku saabsan af Soomaaliga oo farxad gelinaya wadnaha Soomaaliga ah, culimo badan oo aqoonta afafka ku fogaadayi waxa ay muujinayaan welwel weyn oo ku aaddan dhimaal ku yimid af Soomaaliga. Af Soomaaligu waxa uu ka mid yahay saddex kun (3,000) oo af oo looga baqayo in ay dunida ka suulaan qarnigan dhammaadkiisa. (Saadiq Eenow).
Hay’adda afafka iyo dhaqammada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNESCO waxa ay sannadkii 1999-kii af Soomaaliga ku dartay liiska afafka qoraalka ahaan iyo dhawaaq ahaan ba u waxyeelloobay “endangered languages”. Mar kale, UNESCO waxa ay warkan naxdinta leh wadnaha Soomaaliga ah ku xadantaysay 2005-tii. Hay’adda warkeeda markii laga soo tago, dhimaalka af Soomaaligu waa arrin marag-ma-doonto iyo run xanuun badan oo maanta wadnaha Soomaaliga ah danqinaysa.

 

“Af kasta [oo dunida ka jira] wuxuu la arag yahay ummadda ku hadasha. Af Soomaaligu waxa uu qabaa dakharrada iyo dhaawacyada ay ummaddiisu qabto. Burburkii dadkiisa ku dhacay mid la mid ah ayuu qabaa. Sida ay ummaddiisu [xaalad ahaan] ku jirto marka aynnu eegno, ma arko mustaqbal uu leeyahay hadda, se kama dayrinayo.” Sidaa waxaa yiri macallin Gaarriye, AHUN, mar uu ka hadlayay munaasabad af Soomaaliga “lagaga hadlayay” oo London ka qabsoontay.
“Dib u dhicii ay afka ku keentay siyaasaddii kelitalisnimo, hulaaqii colaadaha iyo dagaalladii sokeeye, burburkii weynaa iyo deggenaan la’aanta xaaladdaas[i] ka dhisaalan tahay ee wali taagan waxa ay horseedeen dib u dhac iyo halis afka ku yimaadda, gaar ahaan koritaankiisa, ilaalintii daryeelkiisa iyo aayihiisaba.” (Afka Hooyo Waa Hodan 1; 2017 | bogga 180)

 

Af Soomaaliga maxaa dhimay?

Su’aashaa kore si joogto ayaa la isku wayddiiyaa. Si jawaabteeda loo helo, qodobbada hoose ayaa la tixi karayaa:
1. Burburkii ku dhacay dowladnimadii Soomaaliya sidii uu wax walba oo jiray u halakeeyay ayuu af Soomaaligana u markaday. Wax walba oo loo kaydiyay ayaa la bililiqaystay. Aqoonyahankii afka ayaa u qaybsamay wax la laayay iyo wax firdhaday oo dalanbaabi dhul shisheeye ku tagay. Gebigiisaba waa la illoobay, saa naftii qofka soomaaliga ah ayaa badbaado loo la’aaye. Sababta ugu weyn ee dhimaalka af Soomaaliga arrintaa ayaa loo saarin karaa.

  1. Ka dib burburkii dowladnimada Soomaaliya waxaa gebi ahaan ba meesha ka baxay dugsiyadii afka lagu baran jiray iyo manhajkii hantiwadaag-kacaamaysnaa ee af Soomaaliga ku qornaa. Waxaa soo kordhay dugsiyo cusub oo af Soomaaliga qoray af dib-u-socod ah iyo manhajyo shisheeye. Dugsi waliba manhaj dal shisheeye laga leeyahay ayuu indho la’aan ku soo rartay, dabadeedna carruuro garashada shisheeyaha leh ayaa dalkii lagu dhex arkay. Wali dhibaatadaasi si weyn ayay garashada soomaaliyeed iyo af Soomaaliga u minjo-xaabinaysaa.
  2. Wadaaddo badan ayaa soo baxay oo iyaguna ajar iyo xasanaad ka raadiya bahdilka af Soomaaliga iyo karaamaynta af Carabiga. Dad badan ayay diinta iyo carabnimada isaga laaqeeyn oo khaldeen, dabadeedna iyaga oo meelahaa gabayada iyo murtida carbeed barakaysanaya ayaa la arkay. Wadaaddadu masaajidda ayay joogeen oo shaqadaa ka wadeen, balse bannaankana af Soomaaligu kuma nabadgelin. Waxaa toorreey Ingiriisiyaysan ula taagnaa niman Galbeedka wax ku soo bartay ama si dhow xiriir ula lahaa. Nimankan danbe dadku waxa ay ku garan og yihiin NGO-yaley.
  3. Ninkii dhallinyarada ahaa ama odaygii aan wacyigiisu sarrayn ee uu wadaadku masaajidka ugu soo laqimay barakada af Carabiga, NGO-yalayduna bannaanka ugu sheegeen ama u tuseen in af Ingiriisigu arsaaqadda jiheeyo ayaa meherad ganacsi ah furayana. Maxaa laga fili karayaa haddaba? Aafo weyn oo eraybixintii ganacsiga darayo ku qabatay ayaa arrinkan ka dhalatay.
  4. Waxaa jiritaan-la’aan ama gabaabsi lagu sheegi karaa macallimiin u tababaran in ay dugsiyada ka dhigaan af Soomaaliga. Maxaa sababay arrinkan? Qodobbada kor ku xusan iyo kuwa la halmaala ayaa lagu sheegi karaa sababta. Halkaa markii uu xaal gaaray, dugsiyo badan waxaa xiisadda af Soomaaliga loo dhiibay waardiyeyaashii iskuullada.
    Walow uu baraarug ka dhex jiro manaahijta ay maanta qorteen maamullada ay Soomaalidu u qaybsan tahay, haddana weli gaboodfal weyn ayaa uu af Soomaaligu tirsanayaa. Inta ugu badan, xiisadaha ugu danbeeya ee ardayga iyo kursigu is nacaan ayaa af Soomaaliga la geeyaa, macallinka aan kor ku soo xusnayna u galaa. Waa aafo weyn.

 

  1. Marka la eegayo mustaqbalka ummadeed ee dhaqan iyo af ba, waxaa laga eegaa jiilka usoo koraya. Dabadeedna waxaa la awaalaa jiilkaas iyo kan xiga sida uu afkooda iyo dhaqankoodu ahaan doono, dabadeena natiijo lagu farxo ama laga naxo ayaa la gaaraa. Waxa aan uga socdaa taa haddii Soomaalidii lixdameeyadii iyo ka hor noolayd la isla qiray in ay ahayd wada gabyaa, maxay noqanayaan Soomaalida hadda nooli? Si fudud, warcelintu waxa ay noqanaysaa: waa dad qayb ka mid ahi ay Ingiriis ku hadlaan, qola kalena Carabi, halka qola saddexaad ay ku hadasho Soomaali si walba loo faro xumeeyay. Arrintaan sababteeda waxaa leh, in dhallinyaradii ku hanqaadday magaalada ay la falgashay dunida kale, ayna waydday eraybixinno ay u adeegsato walxihii ku cusbaa; walxihii aanay awoowayaashood miyiga ku adeegsan jirin. Kolkaas bay erayo afaf qalaad soo ergaysteen. Waa aafo halisteeda leh, ilaa haddana si xawli ah usii kobcaysa.
  2. Waaliddiinta, siiba kuwa qurbaha ku nooli waxa ay ku guuldarraysteen in ay ubadkooda ku ababiyaan af Soomaali ka dhisan xagga dhawaqa, dhigaalka iyo naxwahaba. Jirtoo loo cududaari karo Soomaalida qurbaha ku ambatay, haddana qeyb xusid mudan ayay ka qaateen dhimaalka af Soomaaliga.
  3. Warka ugu naxdinta badan ee sida dhinbisha u gamaarinaya wadnaha Soomaaliga ah ee jecel afkiisa waa in uusan jirin maamul Soomaali leedahay oo si rasmi ah ugu shaqeeya af Soomaaliga, marka laga reebo maamulka Soomaalida Itoobbiya. Af Soomaaliga ayaa isaga oo weli nool dhexdeenna ku qiimo beelay, ka dib markii aan kala fogaynnay isaga iyo dowladnimadii. Aafadani waxa ay kuwa kale kaga xagjirtaa in ay curyaaminayso shaqo maalmeedkii af Soomaaliga. Waxaa intaa dheer, wadnaha Soomaaliga ah waxaa mar walba ka nixiya “siyaasi” Soomaali ah oo eray xero-dhalad ah booska uga saaraya eray qalaad.
  4. Af Soomaaliga waxaa faro kulul ku dhirbaaxaya erayo si garashaxumo ah looga soo amaahanayo oo afaf qalaad ah. Xaqiiqadii, tobankii sanaba waxaa adeegsi beela boqollaal eray oo Soomaali ah oo ama booskoodii kuwa qalaad lagu ciriiriyay ama ay meesha ka baxday waayihii nololeed ee ay wax ku ahaayeen. Dufuuraha dhaqan dhaqaale iyo aaladaha casriga ah ee maalin walba nolosha Soomaalida ku soo kordha, iyaguna, qeyb aan la dhayalsan karin ayay ka qaateen dhimaalka af Soomaaliga.

 

  1. Wariyihii Soomaaliyeed ee warbaahinta ka howlgeli jiray afartameeyadii, kontameeyadii, lixdameeyadii iyo ilaa toddobaatameeyadii waxa uu lahaa hal-abuur iyo han jecel afkiisa. Erayo badan oo hodan ah ayuu warbaahinta Soomaalida iyo af Soomaaliga ba ku soo kordhiyay, waana lagu barwaaqoobay. Balse warbaahinta Soomaalida immika iyada ayaa af Soomaaliga lagu bartaa, halkii tii hore iyada laga baran jiray. Intaa keli ah kuma ay ekaane, waxa ay warbaahinta af Soomaaliga ku hadasha ee immika jirtaayi ku caan baxday salguurinta iyo macnotirka erayga af Soomaaliga ah ee dibindaabyada ka dhergay. Labada qoraa ee Axmed F. Cali “Idaajaa” iyo Maxamed Baashe X. Xasan ayaa tusaaleyaal badan oo arrinkan falfalxumada ah ku saabsan meelo badan ka caddeeyay, qoraal iyo khudbadaba.
    Qoddobadan kore iyo qaar kale ba waa kuwa loo aanaynayo godobta uu af Soomaaligu la hagaasay, dhinac walba. Waxaa se xusid mudan in ay maanta tuuran yihiin qorayaal xirfad leh oo dhallinyaro ka mid tahay, kuwaas oo si joogto ah u soo saara qoraallo iyo khudbado tayo leh oo af Soomaali ku dhisan. Dad badan ayaa is weyddiin karaya muxuu yahay haddaba dhimaalka af Soomaaliga ee meelaha laga sheegsheegayo, haddiiba ay qorayaal sidan u heersarreeyaayi u joogaan? Waa dood badka la soo dhigi karo, balse si fudud ayaa lagu burin karayaa. Immisa ayay qorayaashaasi ka yihiin ummaddan afkan leh? Su’aashaa oo kali ah ayaa la hor dhigayaa dooddan. Haddii loo baahdo, waxaa loo raacin karayaa su’aal kale oo oranaysa: heer intee le’eg ayay gaaraysaa saamaynta ay qorayaashani ku leeyihiin waaxyaha kala duwan ee nolosha dadka Soomaaliyeed?

 

Gunaanadkii, maxaa xal ah?

Qodobbo ayaan hoos ku taxaynnaa, lagu dabiibi karo dhimaalka af Soomaaliga.
1. Maamul kasta oo soomaaliyeed oo maanta jira labo arrimood ayaa ku waajib ah: (b) Waa in uu dhammaan xafiisyad maamulkiisa ku khasbaa adeegsiga af Soomaaliga, siiba warbixinnada iyo xogaha ka soo baxa, markii laga maari waayo ma ahane. (t) Waajidbka labaadi waa in manhajka waxbarasho ee uu maamulku adeegsanayo saami fiican oo dheeraad leh ka siiyaa barashada af Soomaaliga. Waa in uu si qoto dheer u hubiyaa tayada macallimiinta af Soomaaliga dhigaysa iyo saamaynta ay ardayga ku leedahay xiisadda af Soomaaligu.

  1. Maamullada iyo dowladaha Soomaalidu u qaybsan tahay wadar ahaantooda waxaa saaran waajib kale. Waa in ay wada sameeyaan akadeemiyo af Soomaaliga lagu nooleeyo, lagu koriyo, lagu hodmiyo oo leh xafiisyo kala fog balse xiriir wada leh. Qodobkani waa muhiim.
  2. Tabaha afafka lagu hodmiyo ee jiritaankooda lagu ilaaliyo waxaa ka mid ah in eray-bixin joogto ah la sameeyo. Soomaalidu arrinkan beri hore iyada oo miyiga ku dhaqan ayay guul lama-illaawaan ah ka gaartay. Tusaale ahaan, qalabka macdanka ah ee cuntada afka lagu gaarsiiyo ayaa soo gaaray, iyaga oo fandhaal uun yaqaanna. QAADDO ayay u bixiyeen, iyaga shaqada walaxdaa ka tilmaam qaadanaya. Marada raggu qaarka hore ka gashado ee garbaha ka ridan ayaa iyana geyiga soo gashay, dabadeedna GASHI ayay magac uga dhigeen. Waa in tubtaa dib loogu noqdaa oo qof waliba ku dedaalaa sidii uu shaqadiisa iyo xirfaddiisa af Soomaaliga ugu hiillin lahaa.
  3. Hal-abuurka ama aqoonyahanka af Soomaaliga ee suugaanta iyo qoraalka habboon ku fiican ee Soomaaliga ah waxaa la gudboon in uu qoraallo joogto ah ku baahiyo baraha bulshada, siiba Facebook. qoraalladaasi ujeeddooyinkii ay doonaan ha lahaadaan, balse tabtaasi waa ta ugu fudud ee mucaawimo lagu gaarsiin karo dhallinyarada af Soomaaligoodu liito ee burburkii ka dib dhashay. Waa nasiibdarro dad waaweyn oo af Soomaali badan haya oo qaarkood qorayaal hore yihiin in araggoodu ku koobnaanaday mar fogaan-arag lagu casuumay iyo xaflad lagu marti qaaday uun.
  4. Waalidka waxaa la gudboon in ay ilmahooda ku ababiyaan oo baraan intii aqoontoodu ay gaarsiisan tahay oo af Soomaali ah. Waa in ay kula hadlaan, ku waaniyaan, amarka ku siiyaan, casharka ugu meeriyaan oo nolosha oo dhan ugu sameeyaan af Soomaali. Taladani waalidka Soomaaliga ah oo idil ayay khusaysaa, kuwa qurbaha ku nool se gaar ayay u sii tahay.
  5. Wakaaladaha warfaafinta Soomaalida iyo howlwadeennadooda ka shaqeeya waxaa la gudboon in ay gunnimada ka xishoodaan oo afkooda dowladnimo li’idu hayso ba’a ka daayaan. Haddii ay diidaan oo af Soomaali xumadan wax ku sii wadaan, maamullada iyo dowladaha Soomaalida ee jira waxaa la gudboon in ay gutaan waajibka ka saaran ilaalinta afka iyo dhaqaalayntiisa. Waa in ay shaqada ka fariisiyaan weriye kasta oo aan gudan karin xilka ka saaran afka, sidii uu yeeli jiray Taliskii Oktoobbar.
  6. Waa in maamulladu ay joojiyaan in goobaha ganacsiga lagu qorto afaf qalaad. Waxa aad arkaysaa islaan aan waligeed iskuul tegin, meel Ingiriis lagu baranayana aan istaagin, haddana tukaan yar oo ay leedahay ku qoranaysa (Al Xayaat Shop). Waa laba luuqadood oo isku tegay, labaduna waa luuqado qalaad. Arrintaan oo la joojiyo waxa ay ka qayb qaadanaysaa in dadka la tuso in ay leeyihiin af, kaas oo ay wax ku xayaysiin karaan.

Ugu danbeyn, dhibaatada ka dhalatay dhimaalka af Soomaaligu waxa ay utun xanuun badan ku tahay qofka dhallinyarada ah ee soomaaliyeed. Meel walba ayaa afkiisa si dadban iyo toos ba loogu caayay oo in aanu “waxba” ahayn loogu tilmaamay; dugsigii, warbaahintii, masaajidkii, xarumihii ganacsiga iyo kuwii maamulkaba. Waxa uu ka arradan yahay ilbaxnimo guun ah iyo sooyaal qoto dheer oo illaa toddobo kun (7,000) oo sano minjo aroorsanaysa, maaddaama uu gaarigii ilbaxnimadaa siday oo af Soomaaliga ahaa uu dhiiri galay. Iyada oo uu sidaa sidaa xaal yahay, waajibka ugu weyn dhallinyarada ayuu ka saaran yahay baadigoobka wixii af Soomaaliga ka lumay, badbaadinta erayada naf la caariga ah iyo ilaalinta kuwa weli nool. Waxaa wadnaha Soomaaliga ah farxad u ah in ay maanta jiraan dhallinyaro badan oo qoraalka iyo tayaynta af Soomaaliga u heellan, dhulka Soomaalidana ku kala filaqsan.

Dhammaad

F.G: xogta qoraalkan ku kaydsan ilaha laga soo xigtay si qubane ah ayay qoraalka u dhex yaalyaallaan.

W/Q: Daahir Abshir Sanweyne

Dahersanweyne@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here