Illeen Waan Riyoonayay – Axmed Deeq Daahir (Af-barwaaqo)

riyo

Hiyiga kuma qaban waad is baranaysaan, oo aad wada kaftamaysaan, iska daa waad isjeclaanaysaan e, Habboon. Qaadan waa’ iyo yaab bay igu noqotaa jeer kasta oon xasuusto sidii kediska ahayd ee aan isku baranay. Muddo 8 bilood ah oo anu isku fasal ahaan jirnay baanaan aqoon guud mooyee mid gaar ah isu lahayn markaa. Murtidii Soomaaliyeed ee ahayd ” Magaalo way is muuqtaqaanaaye, isma magac taqaano” ayey iigaga eekayd, sideeddii bilood ee aanu isku fasalka ahayn. Hadda oo aanu arday jaamacadeed isla nahay, xaalku waa uu ka duwan yahay sidii hore; oo waxay iga taagan tahay ” Barasho dabaddeed ha i nicin, horteed isma’aynaan aqoon e “. Maalinkii mar amma laba jeer baan is xaal warraysannaa. Jeer kasta oon iska la hadlayno mobile-ka, waxa aan hadalka ku soo gabagabeeyaa “Ma sidan oo dhan baad u wanaagsanayd huunno.” Waayo, waxa aan ogaa qabkii iyo isla waynidii ku jirtay Habboon. Taas waxaa ka sii darnayd, saaxiibadeed oo iyaguna ahaa kuwo isla wayn. Tiro male, inta wiil ee horraantay la quus-gooyey; taas ayaana sababtay inaan barashadeeda ka maago oo aanan ku degdegin wakhtiyo badan oon damcay inaan barto, Habboon. Mar waan cabsan jiray, oo waxa aan ka baqi jiray inay hal mar dhagaha iga raacaan, oo ay i aflagaadeeyaan Habboon iyo asxaabteeda ku taax-tegay quus-gooyada. Markalena, waan ka cabsan jiray oo waxa ay had iyo jeer u wada socon jireen wadar. Yey raxan ah haddii aad damacdo inaad mid kala hadho, adiga unbaa ku daali ayaa dhuunta ii taagnayd. Waxaa se hubaal ah, hadba waxaad iska dhaadhiciso un inaad la jaalli, oo aad u qoob xidhnaan. Habboon iyo saaxiibadeed waxa ay ahaayeen kuwo ka dhex muuqda dugsiga, qurux iyo shacni badanna Eebbe waa uu ku galladay. Hase yeeshe, nin walba oo hunguriyeeya gadaal buu farta dhaxda ka qaniini jiray. Sidaa aawadeed, nin ba aashii wuu iska ilaalin jiray, oo uu ka fogaan jiray inta uu ka fagoon karo. Anigu se eegga kama fogaan karo Habboon. Iyadna sidii hore waa uu ka duwan yahay qabkeedii, oo waxaad ba mooddaa inay sal dhigatay barashadii kediska ahayd. Xidhiidh wanaagsan oo noo socday muddo kooban, ayaa horseeday badi ba muggii qalbigeeda, inaan hanto. Boholyowga iyo kalgacaylka tiro beelka ah ee aan u hayo Habboon, waxaa quusiyey, xiisaha iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay kasheeda iigu hayso.

Saddexdeeddii saaxiib ee aan u aqaanay “Yey wadar usocota” hadda waa ii “kalkaaliyaal jacayl.” ” Seetahay walaal, Axmed? Nafta ka warran?” Ayey markasta oo ay indhaha iga qaadaan igu xaal warraystaan, asxaabta Habboon. Waxaan is waydiiyaa, maa Habboon ayaa ku amartay inay ii muujiyaan ixtiraamka intaas la’eeg? Is beddelkan wayni siduu ku yimid? Dacartii sidee bay malabka-doocaan uga macaanaatay? Mooyi, mooyi. Waa jawaabaha keliya ee aan u hayey wayddiimahaas. Qorsheyaal badan oo uu ugu horreeyo guur aniga oo ay ii dejisan yihiin, rejo waynna ka qaba inay ii hirgalin doonto gacalisadaydu, ayaan abbaaro 9:30 fiidnimo, Habboon ka wacay mobile-kayga gacanta. Dhuudh, dhuudh cabbaar haddii aan sugaayey, waa ay iga qabtay,

~Hellow, Habboon, ii warran qaali, see ii tahay?
~’Waan fiicanahay walaal Axmed, Alxamdulillaah. Adi ii warran, xaaladaada? ”
~ Sidoo kale waan kuu fiicanahay iyo adiga oo aan ku tebaayo mooye.

~ Sow maha qaali, anigu ba hadda ayaan kugu hayey qalbiga. Runtii waan ku jeclahay.

Awalba aniga oo ogsoonaa inay i jeceshahay, oo sidaan anigu ugu nugulahay tabashadeeda ay ugu nugushahay tabashadayda, haddana yididdiilo horleh bay isii galisay dhawaaqii afkeeda ugu danbeeyey ee ahaa ” Runtii waan ku jeclahay”.

~ Habboon, hooyo iyo reerku siday yihiin?
~ Hooyo oo iska yara xanxanuunsata mooyee, waa ladan yahay reerka intiisa kale.
~ Ilaahay ha caafiyo hooyo.
~ Aamiin, aamiin. Axmed c
~ Habbon, caawa arrin baan damacsanahay inaan kuu soo bandhigo.
~ Maxay tahay arrintu qaali? maa tu aynaan horay isoola ogayn baa?
~ Dabcan, haa aniga ba dhawaan bay igu dhalatay fikirkeedu.
~ Haye, iisheeg qaali.
~ Waxa kale maaha e, waa guur Habboon.!
~ Axmed, caawa war waa wayn baad sheegaysaaye………
~ Runtii waa iga dhab ee maaha kaftan iyo iga ciyaar.
~ Ok, habeen danbe fursad
ii sii inaan kaga soo tashado arrinkan, qaali.
~ Haye qaali. Waxaan rejaynayaa qalbigaaddii i jeclaa inuu tashiga qayb ka ahaado.
~ Kkkkkk haye qaali. Habeen wacan.
~ Habeen la mid ah qaali.

Inkastuu jiray walwal iyo walaac ka dhan ah go’aanka ay iila iman doonto iyo waxa uu noqon doono, yeelmo iyo diidmo midkood; haddana kalsooni iyo taageero badan oon qalbiga Habboon ku haystay, ayaa hadba igu sabaalinayey hummaag farxadeed iyo rejo laxibboon inaan kaga warsugo falcelinta Habboon. Barashadii kediska ahayd waa tii horseeday xidhiidh wanaagsan e, tallow xidhiidhkan wanaagsan ma horseedi karaa nolol rummaad innaan wadaagno, Habboon? Haa, haaa aan maqiiq kaga soo saaray afka ayaan isugu jawaabay. Waayo, keliya isma aanan dabci fahansanayn e, waanu is dareen naqaannay Habboon. Urugada ka aloosan uurkeeda, haddii ay iga qariso iyo haddii kale ba, waan garan jiray. Halka murugada ka muuqata wejigayga ay ka akhrisato bu’da indhahayga. Habeenkii ood dheeridiisa moodo in dhawr habeen oo kale lagu soohay, ayaan intii iiga dhinayd il-galaclayn iyo soo jeed ku qaatay. Waagii baa dilaacay. Daahii mugtigaa ooggada ka faydmay. Ilayskii cadceeddaa soo ganay fallaadhihiisii nuurka. Maalin cusub baa dhalatay. Oo duni sii jirtay ku soo biirtay. Duni habeenkii dheeraa uu ka mid yahay ku soo biirtay. Duni aan jawaab ku dhex sugayo ku soo biirtay. Dhinacii aan furaashka ku hayey baan ka qaaday. Waxaan u gabangaabsaday soo dhawaynta maalintan cusub. Caday iyo fool-dhaqasho keddib, waan qureecday. Dabaddeed, waxaan u diyaargaroobay Jaamacaddii oo aan 8:00 class ku lahaa. Cabbaar haddii aan sugayey Buskii Jaamacada tegayey, waa kan soo gal, soo gala, soo gala ku xadraynayo kirishbayggii busku. Aniga iyo ardo aan u fahmay inay usocdaan Jaamacadaa buskii wada fuulnay. Daqiiqaddo yar kaddib waa dhaqaaqay buskii. Intii aanu waddada laamiga ah sii haynay baan rakaabkii sheekooyin goos-goos ah wadaagnay. Mid baa sheeko qosol badan nagu jalbeebiyey, midkalena macalin ay is dagaaleen buu na waraabiyey wixii dhexmaray. Ciil waynaa..! . Dabaddeed, waanu soo gaadhnay Jaamacaddii, midkastana fasalkiisii buu ku aaday. Afar saacadood wax ku dhaw haddii aanu ku jiray classka, waxaa la soo gaadhay wakhtigii aanu ka bixi jiray classka. Waanu soo dareeray, buskii ayaanu soo laba raacnay. Gurigannagii baan imaaday. Waan waysaystay arbaan tukadday salaaddii duhur. Qadadii oo iii sii diyaarsanayd baan ku riday. Daal badan oon iska dareemay aawadii, hurdaan ka galay. Casar gaabadkii baan toosay, saa mobileki baan fiiriyey, waaa “Afar miss call”. Waa Habboon… Alaa.. Habboon weeye. Waan ku celiyey. Waa uu ka demsanaa. Shiiiit… iyo erayo kharaab ah baan isdaba dhigay… Waxaan isku qanciyey inaan caawa markii aanu isla hadlayno usheego inaan hurday. Waa makhrib dabadii. Asxaabtayda oo aanu cawayska wada qaadan jiray baan u kicitimay xaggoodii. Garo e, intaas aan kolba hawl qabanayo, ma ilawsani Habboon. Maa ban ilaawi karayaa. Tamarta aan ku shaqaynayo waa ba iyadda e. Dhawr saacadood baanu caways bilan wada qaadannay ( Aniga iyo saaxiibbaday ). Waa la soo gaadhay. Haa, waa la joogaa xiliggii ay ballantannaduu ku eekayd. Waa 9:30-kii fiidnimo. Waa wakhtiigii habeen hore oo kale, balse waa ka duwan yahay. Shucuurtaydu maaha mid deggan amma kacsan. ” Maxay kuula iman doontaa” baa maskaxdayda walaaqaysa. Qushiye, filo khayr badan aniga oo isku dhiiragalinayaan wacay, Habboon. Waa ay iga qabatay iyada ood moodo inay sii sugaysay ba.
~ Hellow, Habboon.

~ Hellow.

~ Ma i maqashaa Habboon?

~ Dabcan, qaali waan ku maqlayaa.

~ See ii tahay, xaaladdaada qaali?

~ Wanaag iyo kalgacayl weeye e, adigu ii warran?

~ Xabiibti waa bayda-bayda. Maasha-allaaah. Galabtana aniga oo hurda ayaad isoo wacday baan filayaa, sow maha.?

~ Haaa qaali. Inaad hurudo haddaan moodayo kuma soo waceen…..

~ Dhibmale qaali ee arrintii aynu isku ogayn inaad ka soo fikirto, ma ka soo go’aan gaadhay? Runtii ma malayn kartid kurbada ay igu hayso sugida jawaabteedu.

~ Qaali kula mid baan ahaa ilaa wakhtigii aad iisoo bandhigtay ilaa eegga. Dabcan, waxba kama qabo inaynu is guursano, nolol aayatiinlehna wadaagno………..

Intaas wixii ka danbeeyey qaban-qaabo aroos iyo diyaargarow baan guda galnay, inaanu toddoba-baxana Dire Dawa ku soo qaadanaan is qulaaminnay……
Qorshahanaga oo markii hore ba ahaa inuu degdeg aroosku noogu qabsoomo, waa annagaa caruuska iyo caruusada ah. Waa annagaa ku sii jeedna Dire Dawa iyo goobtaan ku qaadan lahayn toddoba-baxa. Waddada intaanu ku sii jirnay kolba magaalo waa annagaa ku yara hakanayna. Dhagaxyada mucjisada ah ee is dul saaran magaalada Baabili, waa annagaa isku sa sawirayna. Quruxbadnaa..! Intii aanu sawiraddii nalaga qaaday aniga iyo Habboon ku mashquulsanayn daawashadooda, magaalada faca wayn ee Herer, waa annagaa soo gaadhnay. Qurux badnaa dadka iyo deegaankoodu.! Wakhti kooban oon joognay Herer iyo nawaaxigeeda, dabcan, sawiraan ku gal galayney e, waa annagaa casar gaabadkii galnay Dire Dawa. Hutel aanu sii kiraysannay maalmo ka hor, waa annagaa ku nimid Bajaaj Ingaydh ah. Habeenkaas noloshii noo bilaabatay, waataas saddex maalmood iyo saddexdoodii habeen jirsatay. Nolosha guurku macaanaa..Waa janno yar..Waa shabbac. Waa raaxo xalaal ah. Nasiibdarro se, noloshan macaan ee weli saqiirka ah, ee aan habeen afaraad jirsan weli, waataas yari lagu shirqoolay. Waatan hortayda lagu qisaasayo. Ax.
“War maadan toosayn saaka?” Yaaaaa! ” Toos hooyo. Way gaadhay xiligii aad Jaamacadda tagi jirtaye. Jaamacad maxay ah..!!
Jaamacad maxay ah..!! Miyaanaan toddoba bax ku jirin aniga iyo Habboon? Waa maxay waxaad ka sheekaynayso, hooyo…! “Kkkkk Ala hoognay! Naa wiilkii ma xalay baa la maray, bisinka! Hooyo, waa maxay toddoba baxa aad ku qarwayso saaka, ma aadan aqal galin ba waliye. Shaydaanka iska naar oo toos hooyo, sallaadii subaxna saaka ma aadan oogine.” Ilna aniga oo isku haya ilna kala qaadaya, yaab oo dhanna i dul hogganayo, baan hareerahayga eegay, waa ba cidlo caarsiro aad moodid inaan waligeed la seexan..” Habboon aawaya.. Aawaya Habboon… Habboooon.. Aniga oo ku alaladaya baan Kor eegay, saa waa hooyo oo i dul taagan, oo marna qosli marna yaabban. ” “Shaydaanka iska naar oo bal toos waad daahsan tahay saaka e, hooyo.” Yaab badanaaaa! Waa maxay khali-idaacadani..! Ma toddoba bixii aan arkay baa riyo noqon kara. Ma dhici karto. Oo maxaan samayn karaa, way dhacaday oo waa riyo cad e. Hooyoooy.! Abid mid la mid ah miyey isoo mari doontaa tallow habeenna? Aniga oo aan qumaati usoo wada toosin baan riyadii xalay u boqray “riyadii riyooyinka”. Waan caleemo saaray arbaan haddana ugu caano shubay. Macaan badnaynaa. Ax ax! Soo jeed ha igu xasuusin.. Cakuye, maxay dhab isooga ahaan wayday. Intii aan garaadsaday kuma aan seexan kumana soo toosin, riyo hurdada kuu bishaad habeen qudha ku riyoon. Wallow aan nafta ka dhaadhiciyey “Laylatul khadar” buu ahaa, oo waxan oo kale riyo ma noqdo, haddana sida dhabtihi waxay ahayd riyo macaan, oo qurux badan. Sii ogaan lahaayaa riyadan macaan, waxaan seexan lahaa 7 : 00 fiidnimo.

W/Q: Axmed-nuur Deeq Daahir (Af-barwaaqo)
axmedn84@gmail.com
Hargeysa – Soomaaliland.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here