Heesta Qaranka Soomaaliya: Gobonimo Mise Gunnimo? – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Heesta Qaranku waa astaan weyn oo ka mid ah tiirarka waddaniyeed ee dawladnimo,waxa aanay kaalin mug leh ka qaadataa; kicinta iyo kor u qaadista ruuxda waddaninimo ee bulshada. Waa dawan toosiya uhuuntooda iyo shidaal loo adeegsado ka-midho-dhalinta yoolalka ummadeed ee ay higsanayaan. Inta badan Heesta Qaranku waa in ay koobsato waynaynta gumarada bulsho ee ay ugu horeeeyaan: Diinta , dalka, dadnimada iyo deegaankaba. Sidoo kale, waa in lagu xuso astaamaha wanaagsan ee bulshada sida gobonimada, geesinimada iyo isku duubnida. Isku soo xooriyoo, heestu waa inay ummadda ku baraarujiso wanaagga tagtadooda, wacnaanta taagantooda, iyo widhwidhka timaaddadooda.

Haddii aynu u soo noqono Heesta Qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waa hees ka dhalatay dareen guubaabo iyo kicin ah, oo lagu baraarujinayay bulshada inay iska tuuraan heeryadii gumaystaha. Marka dhinacaa laga eego heestu waa heesaha ugu wanaagsan ee waddaniyadeed -xilligaas ay soo baxday iyo xilli kastaba- taasina waata keentay in aanay ka tirmin maanka ummadda Soomaaliyeed. Bal se, is-weyddiintu waxa ay tahay ma ku habboon tahay heestani in ay noqoto astaan qaran xiliga gobonimada? Wayddiintaa inta aynaan ka jawaabin aynu dib u milicsano taariikhda heesta, cidda aliftay iyo is-barbar dhig aynu ku samayn doono heesaha kale ee adduunyada.

Heesta ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waxa la curiyay sanadkii 1947-kii, xilligaas oo ay Soomaalidu ku jirtey gacantii gumaystaha, dalka soomaaliyeedna uu u qayb sanaa 5 waaxood. Heestan waxa curiyey Yuusuf X. Aadan Qabille (IHUN), waxa se jirta in ay ugu yaraan ba sheegtaan ama loo tiiriyo laba hal-abuur oo kale! Kuwaas oo kala ah; Qaasim Hilowle (IHUN) iyo Cali Mire Cawaale. Halkan kaga garniqi mayno cidda leh, oo si fudud loo ogaan karo marka la isbarbardhigo suugaanta kale ee ay curiyeen ragga sare ku xusan –waaba haddii ay jirto e, waxa se xusid mudan in gobonimadii ka dib heestan laga dhigay heesta rasmiga ah ee qaranka, taas oo ay ahayd heesta qaranka illaa 1969, markaas oo ay talada la wareegeen askartii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, oo af-gambiyay hannaankii maamul ee dalka. Xilligaas waxa heesta qaranka laga dhigay muusig bilaa midho ah oo aan la garanayn nuxurka ku duugnaa. 2000 ayaa ay dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee koonfurta Soomaaliya – oo dibadda dalka laga yagleelay – dib ugu soo celisay heesta ‘Soomaaliyeey Toosoo’ inay noqoto heesta qaranka.

Aynu u soo noqono dulucda qormada e’, heesta waxa aynu nidhi marka hees qaran laga dhigayo waa inay muujisaa astaamaha gobonimada ee bulshada, isla markaana ay kor u qaaddo yididiilada iyo higsiga ummadnimo. Haddaba, inta aynaan gorfayn Heesta Qaranka Soomaaliya oo aan u arko mid aan fulinayn xeerkaas, taa liddigeedana, saadaal aan wanaagsanay ka bixinaysaa hanka iyo himilada soomaalida, aynu milicsano saddex heesood oo dalal kale leeyihiin.

1. Heesta Qaranka Ruushka.

Heesta Qaranka Ruushku waa heesaha ugu horreeya xagga dhaadashada, gobonimada iyo waynaynta qaranimo, ee heesaha qaramada adduunka, erayadeedu waxa ay yihiin:

Ruushka … Waxa aad tahay dawladdayada muqadaska ah.
Ruushka … Waxa aad tahay dalkayaga aanu jecelnahay.
Doonis sarreysa iyo lib weyn ayaa kuu sugnaaday.
Dhaxalkaagu waa mid waaraya xilli kasta.
Libin oo dhan adiga ayaa leh, dalkayagii gobta ahaayoow
Shucuubta walaalaha ah waxa ka dhaxeeya midaw guun ah
Awoowayaashay waxa ay noo reebeen murti dadweyne
Libin oo dhan adigaa leh dhulkayagoow, waa aanu kugu dhaadanaynaa.

***************
Laga bilaabo badaha koonfurta illaa qarka cidhifka [Waqooyi]
Waxa teedsan kaymahayaga iyo beero
Waxa aad tahay dal dhif ah, mid kula mid ahina ma jiro
Alle ayaa ku dhawraya, dhulkayaga qaaliga ahoow
Libin oo dhan adiga ayaa leh, dalkayagii gobta ahaayoow
Shucuubta walaalaha ah waxa ka dhaxeeya midaw guun ah
Awoowayaashay waxa ay noo reebeen murti dadweyne
Libin oo dhan adigaa leh dhulkayagoow, waa aanu kugu dhaadanaynaa.
*****
Jawi fidsan oo rejooyin iyo nolol ah;
Ayaa ay noo furayaan gu’yaasha soo socdaa,
Daacadda aanu u nahay dhulkayaga ayaa na siinaysa tamar iyo iimaan,
Sidaas ayaa uu ahaa, oo uu yahay, sidaas ayaa aanu ahaan doonaa,
Libin oo dhan adiga ayaa leh, dalkayagii gobta ahaayoow
Shucuubta walaalaha ah waxa ka dhaxeeya midaw guun ah
Awoowayaashay waxa ay noo reebeen murti dadweyne
Libin oo dhan adigaa leh dhulkayagoow, waa aanu kugu dhaadanaynaa.

2. Heesta Qaranka Tunuusiya
Heesta Qaranka Tunuusiya waxa la yidhaahdaa ‘ Gaadhhayaha Dalkoow’, waxa ereyadeeda ka mid ah:

Gaadh-hayaha dalkoow, gaadh-hayaha dalkoow,
U orda oo u orda libinta waqtiga.
Dhiigga ayaa ka dhex qayliyay xididdadayada;
Waanu dhiman, waanu dhiman, dhulkayagu se wuu noolaan.
Ha hanqadho sammadu hillaaceeda, ha ganto danabyadu gantaaleheeda;
Gobonimada Tunuusiya iyo libinteeda [weeye], Ragga iyo dhallinyarada dalkuba.
Kuma dhex noolaado Tunuusiya qof khiyaameeyaa, kuma noolaado qof aan ciidan u ahayni;
Waxa aanu u noolnahay, oo aanu ku dhimanaynaa ballantaada, nolosha gobta iyo geerida waaweynka.
Haddii ay bulsho doonto in ay [si wacan] u noolaato, waa qasab in uu qaddarku yeelaa
Waa qasab in uu habeenku faydmaa, waan qasab in ay seetadu kala go’daa
Gaadh-hayaha dalkoow, gaadh-hayaha dalkoow
U orda oo u orda libinta samaanka.
Dhiigga ayaa ka dhex qayliyay xididdadayada;
Waanu dhiman, waanu dhiman, dhulkayagu se wuu noolaan.

3. Heesta Qaranka Maraykanka
Marka uu hal-abuurku ka soo sheekeeyoo sooyaalka dagaallo iyo guulo taariikhi ah oo dadka Maraykanku soo hooyeen, ayaa waxa uu ku soo xidhayaa heesta qaranka erayadan dhiigga ku dhaqaajinaya:-

Ha noqdo hal-ku-dhiggeennu ‘Eebbe ayaanu ku kalsoonahay.
Calanka ay ku sharaxanyihiin xidiguhuna haka babbado cirka isaga oo guulaystay.
Hakuna dherernaado dhulka gobta iyo geesiyaasha.

Gorfaynta Heesta Qaranka Soomaaliya.

Godka: Waa hees ku socota godka Cawska.
Habdhaca: 2  2  (1)  2  2  2.
Halraaca : xarafka (T).
Miisaanka: Cuddoon.

Marka la qiimeeyo miisaanka heesta, waa mid aad u heer sarreeya oo aan lahayn wax dalab ama deelqaaf ah, taasina waxa ay caddaynaysaa halabuurka curiyey in uu yahay nin ku xeeldheer suugaanta, haddii loo baahdo in la kala saaro hal-abuurrada isku haysta curinta heestan; hala eego suugaan kale haddii ay leeyihiin, kadibna, ha la is-barbardhigo.

Sida aynu sare ku xusnay heesta qaranka Soomaaliya ee hadda waxa la curiyay Afartameeyadii, xilligaas oo dalku gumaysi ku jirey. Waxa kale oo aynu nidhi; marka loo eego suugaantii guubaabada ahayd ee lagaga soo horjeeday hororkii caddaa waxa ay kaalmaha hore kaga jirtaa heestani kuwa ugu xeesha dheer, ee xilligaa la curiyay ilaa maantana aan duugoobin. Hadda se waxa ay wayddiintu tahay: Heestu ma u qalantaa inay hees qaran noqoto, taas oo kor u qaadaysa qabka iyo hanqaltaaga ummadnimo? Warcelintu waa maya, caddaymuhuna waa kuwan.

Si aynu xaqsoorka ugu dhawaanno heesta waxa aynu saari doonnaa halbeegyo sugan, tusaale ahaan waxa aynu isu dul taagi doonnaa hormo hormo, mid walbana gaarkeeda ayaa aynu u qiimayn doonnaa, innaga oo kala siin doonna saddexda halbeeg ee kala ah: Gob, Gun iyo Dhexdhexaad. Aan macnaha soo dhaweeyo e’ hormadii ka waramaysa gobonimada bulshada, astaamaha wanaagsan iyo wax-soosaarka iwm waxa aynu siin doonnaa erayga Gob.Tan liddigeeda hormada muujinaysa gunnimada bulshada iyo liidista dadka waxa aynu siin doonnaa Gun. Inta soo hadhayna Dhexdhexaad.

Waxa aad is-weyddiin kartaa haddii gal-daloolada bulshada la sheego maxaa ku jaban? Waa su’aal wanaagsan. Heesaha kale waa lagu xusi karaa iimaha bulshada, heesta qaranku se waa muraayadda laga dheehdo ummadda hayaankeeda, horumarkeeda iyo hiraalkeeda, sidaa darted,waa inay dadka tusto wanaaggooda ee maaha inay foolxumooyinkooda muujiso! Bal ka waran dadka kale markay arkaan heestaada qaranka oo ay ku jirto: Nin dalkiisii cadow taaboo , U tol waayey baan ahayeey! Tamar darrida dadkaaga ayaa aad adduunka tustay.

Hormada koowaad:

Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada oo
Hadba kiinna taag daraneey
Taageera waligiineey

Inkasta oo laga dhadhansan karo meerisyadan ummad huruda in aynu nahay, oo la leeyahay hurdada ka kaca, haddana waxa ay ka waramaysaa is-kaashiga , wax wada qabsiga iyo baraarugga bulshada; sidaa darteed, waxa aynu siinay qiimaynta (Gob).

Hormada labaad

Idinkaysu tookhaayoo
Idinkaysu taamaayee
Aadamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taamyeelyeey

Meerisyadani waxa ay badka soo dhigeen iin ka mid ah kuwa soomaalida; oo ah qabiil-ku-faanka iyo is-xifaalaynta dhexdeenna. Markiiba qofka shisheeyaha ah ee arkaa waxa uu kala soo dhex baxayaa waxa aynu nahay. Waxa labada meeris ee kale ay ka waramayaan in aynu nahay dad aan aqoon lahayn oo xagga horumarkana laga tagay. Haddii heestu ta qaranka aanay ahayn waa heersare in lays guubaabiyo, oo waxani waa dhab aan indhaha laga qarsankarin, balse, heesta qaranka in boogahan lagu saraa ma wacna sidaa darteed meeriskan waxa aynu siinnay qiimaynta (Gun).

Hormada Saddexaad:

Sharciga isku kiin tolayoo
Luuqadaa tuwaaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan oo.

Abwaanku waxa uu rabay in uu ina yidhaahdo waxa aad tihiin dad isku af ah, isku dal ah, isku dad ah, oo ma kala maaran taan, balse,  qaabka uu u dhigay waa mid muujinaya in aynu nahay wax laysku qasbay ama tolay. Sharciga ama xeerka ayaa isku kiin tolay, luuqadiinu waa mid, arligiinu waa taako yar! Xaggii uu dhulka iyo dadkaba ka weynayn lahaa waxa uu dhahay dhul ma lihidin ee waa taako wixiinnu. Inkasta oo erayda luuqad, waaxid iyo sharciba af ahaan la dhaliili karo, oo la odhan karo waa af-qalaad ,haddana xagaas uma jeedno ee qiimaynta guud ee hormadani waa (Gun).

Hormada Afraad:

Tiro adhi ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin taliyeey.

Hormadani waa saadaal xun oo laga sii bixiyay waxa maanta taagan.Tiro adhiya, tiro: waxa loo yaqaannaa boqolka neef ee adhiga ah. Abwaanku waxa uu yidhi tiro adhiya oo dhaxal ah ayaa sideed qof laydin ku siiyay, nin walba toban ayuu kaxaystay=80 neef. Halkaa malaha 20 neef ayaa ka dhiman tiradii.Waxa aynu odhan karnaa tirada tiro go’an kama uu wadin ,waa fikir fiicaan kaa laftiisu.Wayddiin kale ayaa iyaduna imanaysa oo ah muu abwaanku halka uu siddeeda ka yidhi  uu ku saleeyo shantii soomaaliyeed ee gumaysigu kala qaybiyay,oo uu yidhaahdo:
Shantan laydin soo tubayoo, iyada lafteedu waa dhako. aynu u soo noqono gorfaynta hormada’e, wali meerisyadani sida kuwii hore waxa ay fadhayaan boogaha bulshada, tiro adhiya oo aad dhaxasheen halkii aad isku darsan lahaydeen ayuu nin ba meel in ku ootay,mid walbana gooni ayaa laga helay, oo u cadawgu ugu taliyay. Hormadan waxa aynu ku qiimayn karnaa (Gun).

Hormada Shanaad.

Tulud geel ah oo la dhacaad
Toogasho u badheedhaanee
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayneey.

Hormadani waxa ay ka waramaysaa dhulka Soomaaliyeed ee xilligaa maqnaa iyo ka illaa haddaba maqan -ama  wanaag haynagaga maqnaado ama xumaane,waxa aanu abwaanku leeyahay geela ay tolalku kala dhaceenba waa idinka soo dhicintiisa xabbad iyo xoog shafka u dhigee, ma dhul dhan oo idinka maqan ayaa aan qofna hal dhagax u tuureyn. Waa guubaabo wanaagsan, tahli waa ayaa se ka muuqda (Dhexdhexaad).

Hormada Lixaad:

Qaran aan hubkuu tumayoo
Toorreyda dhaafaynoo
Oo aan taar samayn karineey
Uur kutaallo weynaayeey

Adduunku waxa uu ku horumaraa wax-soosaarka warshadaha, bal ka warrama bulsho aan toorrey mooye wax kale soo saarin, uur-ku-taalo iyo murugo badanaa ayuu abwaanku leeyahay,tanina waa gol-daloolo weyn sidaa darteed waxa aynu siinay qiimaynta (Gun).

Hormada todobaad

Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qayshaayeey
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayey baan ahayeey

Halkii aynu geesinimo iyo sarrayn ka filaynay meerisyadani waxa ay dhaheen: waxa aan la taahaya ama la ooyayaa ,nin dhulkiisii la haysto oo tamar iyo taageeraba u waayay ayaan ahay-tani hanka ayaabay dilaysaa! Sidaa darteed waxa aynu siinay qiimaynta (Gun).

Intaasi waa hormooyinka asalka ah ee heesta qaranka,balse waxa jira meerisyo liidnimo iyo hoosayn halkii ugu danbaysay tilmaamaya oo dabada lagaga kabo Heesta Qaranka waxaana ka mid ah:

Hadba waxaan laa ooyaayoo
Ilmadu iiga qubaneysaa
Iqtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahayeey.

Ummada heesteedii qaranku liidnimadaa iyo hanjabkaasi ka buuxaan, ayaa la leeyahay maxaa ay uga sariigan la’dahay balanbalka iyo bayhoofka! Anigu waxa aan qabaa inta hees han iyo hiraal leh, soomaalida iyo soomaalinimadana kor u qaadaysa, yoolkeennana cirka ku shareeraysa laga helayo waddadii guusha wali ma hayno.

Haddii aynu u soo noqono qiimaynta heesta waxa inoo soo baxay: Gob, Dhexdhexaad, Gun, Gun, Gun, Gun, Gun. Sidaa darteed waa in wax laga badalo midhaha heesta si ay ula jaanqaado himilada Soomaalida Cusub.

Waxa qoray: Cali Sh. Maxamed Cabdi ( Cali Ileeye)
caliileeye@gmail.com
Tifaftiraha Faca Cusub.

Muqdisho – Soomaaliya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here