Aqoonta Gorfaynta (3) – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Wayddiinta mudanka lihi, waxa ay odhanaysaa: waa maxay ujeedda weyn ee ay tahay in waxqabad qoran loo gorfeeyaa? Waxa aan odhan karaa, marka la ga yimaaddo ujeeddada ku xusan qeexiddii aynnu gorfaynta ku soo qeexnay ee odhanaysay: aqoonbaadhis, daraasayn iyo qiimayn la gu sugayo waxqabad qoran murtidiisa iyo miisaanka baahiyeed ee uu ka kafaynayo dadka ama dheh ba bulshada loo qoray, taasi oo la na miisaamayo dheef iyo dhaliil waxa uu xanbaarsan yahay, waxa waxqabad qoran loo gorfeeyaa oo kale, toosinta waxqabad qallooc la gu arkay ama dheh ba sixidda gef waxqabad qoran ku jira iyo kaabidda waxqabad kaladhiman. Gorfayn kasta oo aan ujeeddooyinka u adeegayni meel kuma laha aqoonta gorfaynta, haddii la doono ha ba loo gu yeedho “gorfayn” bee.

Shuruudo badan baa qofka gorfeeyaha ah loo shardiyaa, taasi oo ujeeddada la ga lee yahay na tahay sidii gorfayn tayo leh loo heli lahaa, qof waliba na, aanu ‘anna waykan’ u gu soo galin gorfaynta. Adigu dheh ba, si gorfaynta iyo qofkeedii ku habboonaa la isu la heli lahaa. Shuruudahaasi na, waxa ka mid ah:

· Aqoon: Aqoon: qofka gorfeeyaha ahi waa in uu aqoon u lee yahay gorfaynta iyo maaddada uu gorfaynayo, labada ba; caqliga, aqoonta iyo dadnimada saxani ba, waxa ay qofka ku waajibiyaan kahadalka wixii uu aqoon u lee yahay ee xaqeeda siin karo.

· Madaxbannaani: Marka qofku gorfayntii aqoon u lee yahay, maaddadii uu gorfaynayay na u aqoon lee yahay, waxa waajibka labaad ee saarani yahay “madaxbannaani”. Waa in aysan jirin wax ka baxsan ujeeddooyinka gorfaynta la ga lee yahay oo ku kellifaya u qalinqaadashada waxqabad qoran gorfayntiisu.

· Caddaalad: caddaaladdu waa waajib rabbaani ah oo qofka is ahaantiisa qofeed marwal iyo meelwalba u saaran (وإذا قلتم فاعدلوا). Waxkasta oo qofka ibnu aadanka ahi u dhaqaaqayo ba (qoraal, hadal iyo falba) caddaalad baa loo ga baahan yahay; hadal, qoraal iyo fal kasta oo caddaaladi ka maqan tahay na waa dheelli ku biiraya caddaalad-darrada, waayo, ma jirto wax u dhexeeya caddaalad iyo caddaalad-darrada.

Dadka ka shaqeeya rukaha akhriska (Librarians) gaar ahaan, iyo guud ahaan ba inta aqoonta iyo akhriska la jaalka ahi ba, si weyn baa ay u gu tiirsan yihiin gorfaynaha waxqabadka qoran la gu sameeyo. Bal e, waxa ay ku xushaan ba, tusaale ahaan, buugaagta ay maktabadaha keenayaan ama ay ba akhrinayaan gorfaynaha la gu sameeyo. Sidaa awgeed, qofka gorfeeyaha, waxa aynnu odhan karnaa ba, waa qofka in la akhriyo buug iyo in aan la akhrisan oo aan wakhti la is ka ga bixin waa ka goynaya oo dad badani gorfayntiisa ayaa ay taa ka ga go’aan gaadhayaan. Qofka gorfeeyaha ah kaalintiisu ma yara, (gadaal baa aynnu ka ga warrami doonaa muhiimadda gorfayntu buugaagta u lee dahay), sidaa darteed, markasta waa in uu wixii xaq ah la jaal noqdaa.

Eexdu waa qofka oo caddaalada ka taga oo dhan xigsada. Ammaan indho la’ ama dhaleecayn indho la’ midkood in gorfeeyuhu kula dulkufo waxqabad qoran baa eexdu tahay. Laba gooraalaba, haddii gorfeeyuhu ammaan indho la’ u miiso waxqabad qoran ama dhaleecayn aanu gayin uu ku hurgufto, waxa uu akhristihiisa ku ridaysaa dikhow macluumeed.

· Deggenaan iyo dhawrsooni: Qofku marka wax gorfaynayo waa in uu la yimaaddaa deggenaan ay ku lammaan tahay hubsasho iyo dhawrsooni uu ka dhawrsanayo waxkasta oo aan aqoonta sal ku lahayn, sida: aflagaaddo, jeesjees iyo waxwal oo dhaawac ku ah gorfayn laftigeeda iyo waxa la gorfayanayo iyo cidda qortay ba.

· Aqoonayn: Gorfayn aan aqoonaysnayni gorfayn ma aha, waxa aanay u dhuranaysaa, marka ay gorfayntu dhaqanaqooneedka ka weecato dhanka caadifadda. Caadifadina gorfayn ma aha, ujeeddada gorfaynta na way baalmarsan tahay.

· Mawduucinnimo: qofka gorfeeyaha ah, waxa saaran in uu qof mawduuci ah ahaado oo aan dhanna u ga bixin mawduuca waxqabadka qoran ee uu gorfaynayaa khuseeyo.

· Kala saaridda mawduuca iyo shakhsiga: inta wax gorfaysay soomaalida, intooda aan akhristay, mawduuca ay gorfaynayaan iyo shakhsiga qoray kuma ay guulaysan in ay kala saaran ama ba ma ay doonin ba in ay kala saaraan. Waa in gorfeeyuhu ogaadaa in waxqabadka qoran ee horyaalla gorfayntiisa iyo shakhsiyadda shakhsiga qoray kala goonni yihiin.

Dadka qaarkood oo gorfaynta u qalinqaatay baa aad is odhanaysaa, in ay wax gorfeeyaan uma ay dan lahayn e, waxkasheegga, duridda iyo aflagaadaynta qofka ayaa ay u dan lahaayeen. Dhaqankan foosha xumi, wax ma hagaajiyo, wax uu kharibo mooyaane, ujeeddadii gorfaynta na uma adeegayo. Ha ka feejignaado gorfeeyuhu.

Gorfaynta wax dhistaa waa gorfaynta ku eeg diirad saaridda mawduuca, aragtida iyo ujeedka. Qorfeeyaha wax dhisa, kuma mashquulo ama iskuma daya ba, dhaqanka xun ee waxkasheegga shakhsiyadda in uu u tallaabo. Marwalba, wixii xaq ah, waxa ay ku jiraan in gorfeeyuhu mawduuci noqdo ku eeg mawduuca, si gorfayntiisu mid tayo leh oo wax tilmaamaysa ama toosinaysa u ahaato.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Waa waajib, sida aan qabo, in gorfeeyuhu ka dheeraado haworaaca iyo aargoosiga. Ma bannaana qof, xataa haddii ay is hayeen, in gorfeeyuhu waxqabadkiisa uu gorfaynayso u ga faa’iidaysato in uu ka aargoosato oo xaqsoorkii iyo caddaaladdii iyo masuuliyaddii gorfeeye ahaan u saarnayd intaba u xooro. Gorfayntu waa masuuliyad.

Magaca qoraha: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: abdiqaniaden010@gmail.com
Kampala, Uganda

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here