Dibjirland – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Waxa ay ahayd galab, cadceedduna waxa ay si gaabisa ugu sii faano-guranaysay dhinaca godka iyada oo ay galbinayeen daruuro midab guduudan lihi. Goortaas buundada Hargeysa ayaa aan dul gandiiday aniga oo indhaha ku gubaya walxaha iyo waayaha igu gedaaman. Gacanta waxa aan ku haystay xantoobo garaabo ah oo aan cunayay. Kooxo dad lugaynaya iyo kuwo kale oo kolonyo gaadiid ah wata ayaa usii caraabayay dhanka guryahooda, qaar kalena suuqa ayaa ay sii galayeen. Qorraxda oo gaanbinaysa –sidii gabadh aroosana talaabada hoosta ka gundhinaysa, ayaa inta ay gayigii ku xeernaa gantaalo qurxoon ugu sii gacan haadisay goofkeedii dalam tidhi. Gudcur magan-gooyo ah ayaa soo afyeeshay, geesta barina gudgude ayaa isasoo qabsaday. Qadoodi aya aan ku joogay, quraacdii saakana waxba iiga ma ay danbayn . Qabowga daran ee dhacaya hu’ aan ka xidho waa ii garan iyo surwaal jeexjeexan, roobka soo madawna waa ii habaas iyo huluul dacawo . Caydhkii ba isaga oo aan isoo gaadhin aya aan gufaacadii horeba qadhqadhay. Aniga oo gariir gawsaha isla dhacaya ayaa waxa aan u daadagay hoosta biriishka, si aan ugu gabbado hogaga dahsoon ee dooxa qarkiisa.

Heegadii ayaa is qabsatay daruurtiina waa ay hoortay, mar qudha ayaa uuna soo daatay! Walalacdii hillaaca iyo hanqadhkii onkodka oo aan kala joogsi lahayn ayaa isu habarwacday. Roobku dabaylo ayaa uu watay, karadhii ayaana I asqaysiisay. Daranyada iyo dardhashadii naruuro ayaa ay ahayde dooxii Waaheen oo hugmaya ayaa huluulaha nagu jiidhay. I bixiyooow I bixi! Waxa aan haabhaabtay darbiyada sare, dushana waa aan usoo baxay –aniga oo daalaa-dhacaya. Aah! Dhibicdii roobka ayaa I dhabanaanisay dabayshina waa ay I dhirbaaxday. Naf la caarigii waxa aan dhex qaaday daadka qulqulaya si aan u gaadho geed wayn oo hillaacu ii bidhaamiyay. Jirriddii geedka ayaa aan isku nabay aniga oo ay naftu I hayso.Waa jir aan la isu baxayn, roobkiina wuu cir-cadaadiyeey. Habeenku dheeraa. Hurdo la’aan jiif, hammuun gaajo iyo hogol daruureed ayaa isu kay bahaystay.Waxa uu ahaa habeen ku suntan taariikhdayda darxumada, waa habeenkii aan laba tirsaday nolosha darbi jiiftka iyo dibjirnimada.

Aabbahay Geeddi Colmooge waxa uu dhintay aniga oo caloosha hooyaday ku jira . Gadaal waxa aan ka ogaaday in lagu dilay dagaalladii lagula jiraya taliskii Siyaad Barre . Hooyaday waxa ay iigu wanqashay magaca Gaaxnuug, dadku se’ waxa ay ii yaqaaneen Guuleed, waayo, waxa aan dhashay gu’gii waddanka la soo galay. Marar badan ragga maqaaxiyaha ka sheekeeyaa inta ay madaxa ii salaaxan ayaa ay igu bogaadin jireen erayo ammaana oo aan ka xusuusto; Waa ina mujaahid Colmooge, halyeygii baa dhalay, Aabahaa waxa uu ahaa geesi Faqashta wadnaha u galay iwm. Marar doora ah ayaan ka maqli jiray idaacadda Raadhiyow Hargeysa: Maanta waa maalintii shuhadada SNM iyo agoontii shuhadada ayaa wax loo qabanayaa, annaga se’ deeqahaas waxba nagama ay soo gaadhi jirin .In badan ayaan ku talamay miyaa aydaan talow agoontaa ka mid ahayn. Mooji.

Hooyaday Kaaba Cigaal silic iyo saxariir ayaa ay nagu soo korisay aniga iyo labada hablood ee iga waaweyn –Hibo iyo Hoodo. Sariibadda ayaa ay xabuub ku iibin jirtay, maalin oo dhana waxa ay bacadka u fadhiyi jirtay si ay noogu soo hesho wax aanu nolol maalmeedkayaga ku dabbarno. Hiirta waaberi ayaa ay u kalihi jirtay suuqa, gabal dhacana waa ay ka soo carraabi jirtay. Waxa aanu ku jirnay aqal buul-caws ah oo ku dhexyaala xaafad isku-raran ah oo danyartu gasho.Dugsi waxbarasho awood dhaqaale oo ay hooyaday nagu gayso ma ay haynin, sidaa darteed, aniga iyo Hibo iyo Hoodo inta badan aqalka ayaanu iska joogi jirnay, mararka qaarna carruurta aanu deriska nahay ayaa aan la ciyaari jiray.
Waxa aanu ahayn qaadaa-ma-dhargayaal noloshoodu ku tiirsan tahay hel iyo maalin waa. Haddii aanu quraacda dubano hadhimada hanbada ayaanu ku qadayn jirnay. Hiraabtana midh midh roodhiya oo saliid iyo shah lagu iidamayn ayaanu ku cashayn jirnayn.

Maalintii aan toban jirsaday waalid I barbaariya iyo walaal aan ka baqdo midna ma aan haysan , sidaa darteed, waayaha dhallaanimo ee igu gedaannaa ayaa sida giraanta iila wareegay. Dharaar oo dhan waxa ay ii ahayd dibad-meer iyo meehannoow. Maraadnimadu kolba meel ayaa ay ii jeedin jirtay. Kol aan kubbad ku maalin sawaalo iyo mar aan suuqa maxaabo ayaa ay ii ahayd. Inta aanay libdhadu godka galin ayaa aan guriga kusoo laaban jiray, si aan uga soo horreeyo hooyo, oo aanay ii ogaan in aan maqnaa. Marar badan ayay walaasheyda wayn ee Hibo iga dacwaysay hooyo, una sheegtay in aan maqnaado, balse, hooyo waa ay i canaanan jirtay oo qudha waligeedna gacan iima ay qaadin.

Intii aan kubbadda ku jeeday dan baa ay ahayd, ee maanta waxa aan yeeshay balwad. Maalintii iigu horreysay ee aan sigaar qiijiyo xusuus gaar ah ayaa ay ii lahayd.Waxa si xamaasad leh uga socday garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa tartankii gobolada .Ciyaartii kama-danbaysta ahayd ayaa galabtaa loo balansanaa ,waxaana isugu soo hadhay Hargeysa iyo Burco. Ka sokow in ay ahaayeen labaddii xul ee ugu tunka waynaa tartanka, geesta kale waxa jiray ficiltan gaamuray oo ka dhexeeyay labadda xul. Sanadkii hore isla labadooda ayaa ciyaarta kama danbaysta ah isugu yimid, guushana waxa la carraabay reer Burco.Sidaa darteed, reer Hargeysa waxa ay u dhaarsan yihiin sidii ay uga aargudan lahaayeen Burco. Labada kun ee shilling ee ciyaarta lagu galayo ma aan haysan, oo waa ay iska caddayd in –aniga iyo boqolaal kale oo barbaar ihiba, aanu garoonka xagga danbe uga soo daadan doono marka ciyaartu bilaabanto. Hore ba waa aanu uga soo soo daadan jirin.

Sacab iyo mushxarad ayaa lagu soo galbiyay ciyaartoygii markii ay garoonka soo galeen. Ciyaarti si dardarleh ayay u bilaabmatay .Weerar iyo weerar celis. Aniga iyo jaallahay Cabdi Qaadiro –geesta bari garoonka ee aan hadhaysnay –meel tarabuunka xaggiisa danbe ah ayaa aanu fadhinay. Aniga oo ciyaarta ku maqan kuna qaylinaya erayada taageerayaashu isla oogsadeen sida; Geeljire soo baro ciyaarta … Ha hoydaane hore u siiyas … Burcooy waa salad … IWM, ayuu Qaadiro isoo jeediyay, mise waa ba isaga oo sigaar nuugaya! Markii aan ku idhi, ‘‘nacasyahow xumi maxaa aad waxan ku falaysaa iska tuur.’’ waxa uu igu jawaabay, ‘‘waar naga aamus badawyahaw, sigaarku waa maan qaboojiye! Waayaha ayaa la isku dhaafiyaa welwel iyo walbahaar danbe isku arki maysid marka aad midh Rooyal ah qac ka siiso.’’ Inta uu midh kale shiday ayaa uu xaggayga kusoo fiiqay, ‘‘hoo tijaabi waar,’’ ayuu igu yidhi. Aniga oo is yar diidsiinaya dhanna ka doonayaa ayaa aan ka qaatay, kaddibna waa aan nuugay. Quxu Quxu! Waan ku saxday, haddana mar labaad ayaa aan qiijiyay, saaxi ayaa aanan u qiijiyay. Midhkaa Rooyalka ahi sigaar waa uu iigu horreeyay bal se iiguma uu danbayn . Maalintaa kaddib waxa aan noqday balwadyahan sigaarka u xaraaradooda oo aan dayn Karin. Muddo kaddibna jaadka ayaa aan bartay. Ciyaartii galabtaa si xarrago leh ayaa ay Hargeysi guushii ula carrawday, kaddib markii ay laba gool oo darandoori ah qaybtii hore ee ciyaarta Burco gadhka u galiyeen. Inkasta oo xulka Burco dardar badan muujineen dadaalkoodi waxa uu ku soo biyo shubtay hal gool oo ay qaybtii danbe dhaliyeen, ciyaartiina waxa ay ku dhammaatay 2 : 1 .

***
Waxa uu milaygu sidaa ahaadaba maanta waxa aan ahay 14 jir dhididkiisa ursaday! Hore haddii aan balwadda ula dhuuman jiray imika waa aan caddaystay, cid aan ka baqayaana ma jirto. Guriga aniga ayaa ka madaxweyne ah . Awal haddii ay hooyo ii xaqdhawri jirtey sidii hanad ay dhashay, maanta waxa aan ahay horor balwey ah oo ay iska erido kana cabsato.Waxa aan talo ku goostay markii aanu isla kadeedannay hooyo iyo labadayadii hablood inaan guriga iskaga tago, oo aan suuqaygaa xoogsado, magaaladana dhinac ka galo. Kasmo aqooneed oo I hagta ma lihi, karti lagu shaqaystana uma aan dhalan. Habeenkii oo dhan waxa aan ku foognaa fikir, waxa aanan ku talamay wixii iyo dhanki aan u dhaqaaqi lahaa aroorta marka uu waagu baryo. Salaaddii hore aniga oo inta ay hooyo I kicisay tallamaya, aqalka hortiisana fadhiya ayaa waxa igu soo kalahay saaxiibkay Qaadiro.

-Waar yaahee iska warran?
-Warna ma haynee, maxaad haysaa?
-Nabad baan hayaa, ee maxaa meesha ku dhigay ?!
-Dee maxaad noo haysaa, camal la’aan baa halkaa na dhigte?
-Waar waan kuu hayaaye ina mari, waxaan kuugu soo kalahayba waa shaqee.
-Haye, makaa runbaa saaxiib? Shaqo nooceeya dee?

Aniga oo dhanna ka faraxsan dhanna la yaabban Qaadiro ayaa shaqo kuu haya, ayaa waxa uu yidhi, ‘‘ dhalooyinka iyo caagadaha cabitaanka ee la tuuray haddii aynu soo ururiyo waxa jirta shirkad iibsanaysa, oo haddii aynu jawaanno badan soo buuxinno lacag ayaa aynu ka dhergaynaa, ee ina mari.” aniga oo aan is-ogayn dhinacna aan daymoon ayaa aan hore ka raacay.Waan ogaa in meesha dhalooyinka laga soo gurayaa ay tahay dooxa, in badan ayaan arkay dhallaan baco waawayn sita oo dooxa dhex maraya caagadahana guranaya. Shaqo la’aanta ayaa nagaga daran wax walba ee ina mari, ayaa aan hoosta ka idhi, kaddibna waa aanu dhaqaajinay.

Laba bac jawaan oo waaweyn inta aanu qaadanay ayaa aanu iliiladaha xaarwada ee dooxa taga raacnay. Maalintii oo dhan waxa ay noo ahayd xashiish la faago iyo gudaafad la kala qufo. Da’yar badan oo uskag waaweyn ayaa sidayada oo kale xashiishka baadhanayay. Gabbal dhicii ayaa aanu –annaga oo laba jawaan oo buuxa sidanna, halkii shirkadda oo Qaadiro garanayay gaynay. Waxoogaa shilimo ah oo faraguudkood ah ayaa nalagaga doorsday dhalooyinkii aanu sidnay, annaga se lacag badan ayaa ay nala ahayd . Haddii caqaar caqaartayadii jaadka ahayad iyo baakidhkii sigaarka ahaaba geed ka go’an yihiin, maxaa naga maqan?! Waxba, caawa mirqaankayagu waa cirka.

Dharaartaas ayaa iigu danbaysay gurigayagii , waxa i jiitay waayaha balwadeed. Waxa aan la qabsaday nolosha dibjirnimada iyo darbijiifnimo ee dooxa Herer. Aniga iyo saaxiibkay Qaadiro subixii waxa ay noo ahayd jarmaade dhalo ururis, habeenkiina mirqaan cawayseed. Nolol cusub ayaa aan galay. Saaxiibo badan oo horleh ayaa aan bartay. Sigaarka, qaadka iyo xabagta ayaa aan bilawgii qabatimay, hadda se waan ka dalacay –waawaynka khamriga magaalada soo galiya ayaa aan la saaxiibay.

Nolosha adag ee dibjirnimadu ma aha mid loo siman yahay, ee sida bulshadu heerarka u kala tahay ayaa halkan loo kala sarreeyaa. Haashle, garaaboole, xabagle iyo khamriile ayaa loo kala soocan yahay. Kooxo hubaysan ayaa lagu kala jiraa.Qofka aan koox adag ku tiirsanayn fuudkiisaa furin lagu dhuuqayaa. Mararka qaar waanu is-laynaa marar kalena waanu wada xaabsi tagnaa. Koox waliba waxa ay ka kooban tahay wiilal iyo gabdho. Haa hablo faro badan ayaa ka mid ah barbaarta gaashaaman ee darbijiifka. Hinda oo dhawaan ku soo biirtay kooxdayada ‘Hoog iyo Hagardaamo’ haylaha jeexjeexan iyo calalka usgagu qariyay anaga nooma muuqdaan, wax aanu u bixinnay Hinda Heego.Waa inanta noo karisa waxoogaaga cuntada ah ee aanu xadis ama xoogis kusoo helno.

***
War farxad leh ayaa maanta dooxa la isla dhex marayaa , dhammaan darbijiifkana waa la gaadhsiiyay.Waxa la abaabulayaa sidii loo samayn lahaa dawlad goboleedka Dibjirland, ayaa togga meel walba laga riday. Arinta waxa markii hore soo jeediyay barbaarta ‘Boobka Dadka’, muran iyo wada-xaajood dher kadib se’ waa la isla wada qaatay yagleelida maamul goboleedka DIBJIRLAND. Koox walba waxa laga codsaday in ay soo diraan xubnihii u meteli lahaa shirka guud ee samaynta Dibjirland. In ku dhaw boqol ergay oo ka kala socda labaataneeyo kooxood ayuu shir uga qabsoomay geed weyn oo gob ah hoostiisa .Todobaad wada xaajood iyo lafagur ah kadibna dhammaan ergooyinku waxa ay isku raaceen in darbijiifka maanta ka dib loo sameeyo dawlad ay ku midaysan yihiin oo daryeesha.
Cabdi Qaadiro oo ah hoggaamiyaha kooxdayada ‘Hoog iyo Hagardaamo’ ayaa loo cumaamaday madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee dawlad goboleedka Dibjirland ee Togga Herer, halka madaxweyne ku xigeenna loo doortay hoggaamiyaha barbaarta ‘Boobka Dadka’.

Waxa la sameeyay dhammaan laamaha kala duwan ee dawladda sida; Golaha sare ee khamriilayaasha, golaha dhexe ee xashiishad iyo xabab nuugayaasha, dawlada hoose ee haashka iyo garaabada.
Waxa la sameeyay ciidamada qaladka-sida iyo booliska baqdingalinta, dhaca iyo boobka bulshada. Maxkamadda sare ee ‘Dulmi-soor” ayaa la yagleelay iyadana.
Dhawr wasaaradood oo ku-meel-gaadh ah ayaa lagu dhawaaqay;
Wasaarada Daryeelka Darbijiiifka
Wasaaradda Xatooyada Xoolaha Dadka
Wasaaradda Qaadka iyo Qaadirada
Wasaaradda Fawdada iyo fadqalaada.
Wasaaradda Guurka iyo Garcinta
Gudiyo qaran ayaa loo saaray arimaha dastuurka iyo dhamaystirka haykalka dawladeed wixii dhiman.
Xasan Qalanbaawi oo lagu majeerto dhinaca hal-abuurka iyo curinta suugaantu, waxa uu maalmahan ku foogganaa samaynta Heesta Qaranka Dibjirland. Waa aanu hubnay inuu hees ashqaraar ah soo curin doono, waayo, halkan waxa looga yaqaanaa Murtikariye . Daawaha ayaa uu kasoo qaaday Heestii Qaranka, inta laxan wacan la saaray ayaa loo dhiibay kooxda ”Xidigaha Qubqac iyo Qaylo”.
Dibjir baan nahayoo
Dibjir baan nahayoo
Dhallintii dooxadaan nahayeeey.

Gudcur dama habeen
Duhur iyo dharaar
Daranyiyo qaboow
Diif iyo kulayl
Duli kama baxnoo
Waan ku doogsannaa
Dufaaac dooxa qaran
***

Dibjirbaan nahayoo
Dibjibaan nahayoo
Dhallintiii dooxadaan nahayeeey.

Dulmi iyo faquuq
Danbi iyo inkaar
Silic iyo darxumo
Dudmo kama baxnoo
Waan ku doogsannaa
Dufaaaaaac ciidda qaran
***

Dibjir baan nahayoo
Dibjir baan nahayoo
Dhallintii dooxadaan nahayeeey.

Dulli iyo basaas
Darbijiif habeen
Doondoonis quud
Dacas iyo cagaag
Daal kama baxnoo
Waan ku doogsanaa
Dufaac dooxa qaran.

Astaanta qaranka ayaa la sameeyay; waaa laba baangadood(faash) oo isweydaarsan, ayna ku wareegsan tahay caleen jaad oo si goobo ah loo meeriyay, dhexdana ay kaga xardhan tahay khad guduudan ‘wixii dagan ku haameeya’.

Maanta kaddib waxa aanu yeelanay dawlad na matasha, oo dhib iyo dheef wixii aanu qabno naga warhaysa. Iyada ayaa aanu taladayada gacanta u galinay, waa aanan uga danbayn doonnaa hogaamintayada. ‘‘Dawladdeenna socod baradka ah hawlo badan ayaa sugaya’’ ayuu ku khudbadeey Qaadiro , ‘‘ oo ay ugu horreyso dib-u-heshiisiinta kooxaha walaalaha ah ee dooxa, iyo hawlgelinta ciidamada qaladka sida ee la dagaalanka dadka na faquuqay, ee dooxa hareerihiisa guryaha qurxoon ku leh iyo kuwa Suuqa Waaheen ka ganacsada ee na illaabay. Kuwaas iyaga cadaawad xooggan ayaa aanu u haynaa. Dil, dhac, xatooyo iyo wixii karaankayaga ahba waanu u gaysan doonnaa, oo waayo, soo inama ay takoorin xaqeenniina kuma ay tuman. Gacmo wadajirbay wax ku gooyaan, midnimo waa xoog. Ha waarto dibjirland … Ha waarto dibjirland … Guuul”

Faafreebkii 2aad.

Waxa qoray: Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
caliileeye@gmail.com
Tifaftiraha Faca Cusub.
Muqdisho – Soomaaliya.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here